SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo   

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Ciidanka Cadawga Gumaysiga Itoobiya oo wali halkoodii kasii wada dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Ogaadeenya.
  • Ø Dagmada Iimay oo Lacagihii Mushahaarooyinka ay ka cuneen ciidamada Itoobiya oo hadana dib looga qaaday dadwaynihii deegaankaas.
  • Ø War saxaafadeed ay soo saartay Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya.
  • Ø Dagaal dhexmaray ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo Ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya.
  • Ø Xaflad balaadhan oo lugu qabtay Galbeedka Australia
  • Ø Safiirro Itoobiyaan ah oo baxsaday.
  • Ø Ismaamul ku sheegga Jigjiga oo TPLF la wareegayso.
  • Ø Qaybtii Afraad ee Riwaayadii iga guur kaagama guuro Gumaysi iyo Suugaan halgameed aad ka heli doontaan.

Ciidamada Cadawga Gumaysiga Itoobiya oo wali halkoodii kasii wada dhibaatada ay ku hayaan Shacabka Ogaadeenya.

Sida aan kasoo xiganay WWO 27.08.2003 (ONA) Ciidamada nacabka gumaysiga Itoobiya ee ku sugan Ogaadeenya ayaa waxay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay ku wax yeeleeynayaan in uu heshiis dhexmaro beelihii dhawaan uu ku dhexmaray dagaalka sokeeye degaanada Salaxaad iyo Nusdariiq. Sida ay u sheegeen wariyaha wakaaladda wararka Ogaadenya dad mihiim ah oo aan doonaynin in magacyadooda lasheego, kuna sugan deegaaka Nusdariiqa, waxay ciidamada Itoobiya hor istaageen cid kasta oo isku dayaysa in ay nabad ka dhex dhaliyaan dadkii shacabka ahaa ee isku laayay deegaanka Nusdariiqa. Dadkaas wariyaha u waramayay waxay tusaale u soo qaateen xadhiga ay ciidamada cadawga Itoobiya la tiigsadeen Odoyadii iyo culimadii abaabulayay sidii nabad loo dhex dhigi lahaa shacabka ay markii horaba ciidamada cadawgu isku direen ee halkaas dagaalku ku dhex maray. Waxaana Xabsiga magaalada Qabri-Dahare lagu xidhay oo ilaa hada ku jira Odoyaal iyo culimo ay tiradoodu kor u dhaaftay 45 kuwaas oo ku dadaalayay sidii ay nabad uga dhex dhalin lahaayeen Shacabka halkaas ku dagaalamaya. Dhinaca kalena waxay ciidamada Cabudhiska Gumaysiga Itoobiya xabsiga magaalada qabri dahare u taxabeen Dumar aad u badan oo ay ka mid yihiin

  • Ardo Jaamac.
  • Nimco Cali Mahad.
  • Xaliimo Cali
  • Raxmo Yuusuf.
  • Muxubo Carab.
  • Maryan Higis.
  • Taajir Makhtal & kuwo kale oo badan.

Dumarkan oo isugu jira hooyooyin waayeel ah iyo gabdho da, yarba, waxay ciidamada cadawga Itoobiya ku ee deeyeen in ay taageerayaal u yihiin Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya, balse waxay dad ay qaraabo yihiin qaar ka mid ah dumarkaas usheegeen WWO in ayna wax lug ah ku laheeyn hawlaha lagu eedeeyay. Uma baahana ciidamada Itoobiya in ay sheegaan wax sabab ah oo ay u cuskadaan ruuxa ay xidhayaan, dilayaan, dhacayaan iyo kay boobayaan hantidiisaba. wax sharci ah kama jiro halkan sharciga waxaa gacanta ku haya Askariga Qoriga sita ee halkan la keeno. Waxaan ku noolahay nolol Argagax iyo baqadin ay hadhaysay wax wax nooga qabana ma jiro iyo meel aanu uga dacwoono. Ereyadaas waxaa yidhi nin aan waraysi kula yeelanay magaalada Qabri dahare.

Dagmada Iimay oo Lacagihii Mushahaarooyinka ay ka cuneen ciidamada Itoobiya oo hadana dib looga qaaday dadwaynihii deegaankaas.

Magaalada Iimay iyo Tuulooyinka hoos yimaada waxaa ka taagan buuq saameeyay guud ahaanba shacabkii halkaas ku noolaa kadib markay ciidamada Itoobiya ee deegaankaas iyo maamul ku sheega ay halkaas ka sameeysteen ay lunsadeen Lacag dhaneeyd 318 kun oo Bir. Lacagtaas ayaa lasheegayaa in ay ahayd Mushahaarooyin dhawr bilood ka maqnaa Shaqaalaha degaankaas. Wararku waxay intaas ku darayaan in ay ciidamada Cadawga ee halkaas ku sugan lacagtaas ku xukumeen in ay soo bixiyaan Tuulooyinkii awalba laga dhacay lacagtaas, taasina waxay yaab ku noqotay dadkii degaankaas ku noolaa, oo sheegay in ay tahay wax maskada ka wayn. Si kastaba ha ahaatee Lacagtii waxaa loo qaybiyay tuulooyinkii deegaankaas, taaso ku noqotay ( Marna kaa dhacay marna kaa magdhabay)

War saxaafadeed ay soo saartay Jabhada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya.


Jabahadda Waddaniga xoreynta Ogadenia, waxay beesha caalamka la socodsiinaysaa ku xad-gudubka joogata ah ee xuquuqda insaanka shacbiga Ogadenia uu ku hayo gumeysiga Itoobiya, kaasoo joogto ahaanaya kana sii daraya inta gumeysiga Itoobiya gacanta ku hayo dalka iyo dadka Ogadenia.

Shacbi aan waxba galabsan oo Xabsiyada laga dhaamiyo, dil iyo gumaad cadawnimo, boob iyo la wareegid hantida dadweynaha si budhacdnimo ah, oo joogta ah ayaa sii laba kaclaysay dardad cusubna la galiyay kadib, intay korodhay dhibtaada iyo jaahwareerka ka dhex taagan waxa loogu yeedho
"Ismaamulka Ogadenia" ee magaalada Jigjiga. Itoobiya waxay ku mashquulsan tahay soo saarid xukun malatari iyo amarkutaagleyn ciidan oo ay uga jeedo in la iska horkeeno shacbiga Ogadenia
si loo seejiyo xaqa aayokatalintiisa.

Talaabooyinkii ugu dambeeyey ee uu qaaday taliska kooxda TPLF/EPRDF ee ahaa isku dirka shacbiga, murginta arimaha maamul ku sheega, soo saarida go,aankii gumeysi ee Baarlamaan ku sheega guyumeysiga Itoobiya ku ogolaanayay faragalinta Ismaamul kusheegyada maqaarsaarka ah, arimahan
dhammaan waxay tilmaan cad u yihiin, xukunka mulatari ee ay Itoobiya ku maamuli doonta Ogadenia kaasoo dhab ahan horey u jirey.

Haddaba JWXO waxay balanqaadaysaa inay wadayso halganka, ayna difaaci doonto xaqa ma guuraanka ee shacbiga Ogadenia, inta gumeysiga Itoobiya ku suganyah ciidda Ogadenia.


Midnimo Mintid Iskutashi Guul
Hoggaanka Warfaafinta JWXO

Dagaal dhexmaray ciidamada Gumaysiga Itoobiya iyo Ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya.

21.08.2003 Dagaal ay ciidamada Xoreeynta Ogaadenya ku qaadeen fadhiisin ay ku lahaayeen ciidamada cadawga Itoobiya Dagmada Dhagax-Madaw ee Gobolka Jarareed ayaa waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 2 Askari waxaana lagaga furtay Laba qori. Wararku waxay intaas ku darayaan in uu fadhiisinkaasi ahaa mid lagu taba baro ciidamada loo yaqaano daba qoodhiyiinta amaba meliishiyooyinka aan ka midka aheeyn ciidamada rasmiga ah ee Itoobiya. Fadhiisinkaas ayaa la sheegayaa in burbur xoogle ay u gaysteen Ciidamada geesiyiinta ee xaq udirirka Ogaadeenya.

Xaflad balaadhan oo lugu maamuusayay Sanadguuradii 19aad ee JWXO iyo
Xoojinta halganka ka socda Ogaadeenya oo lugu qabtay Galbeedka Australia
(Perth).

Sida uu noo soo tabiyay Wariyaha Radio Xorriyo ee Waddanka Australia Dubad Kooreeye waxaa 24/8/2003 lagu laqabtay magaalada Perth ee galbeedka Austria xaflad balaadhan oo lagu maamuusayay sanad guuradii 19-aad ee ka soowareegtay aas aaskii Jabhada Waddaniga Xoraynta Ogadenia, (JWXO).

Xafladaas oo si aad ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay dawayne aad u badan oo isugu jiray Culima-owdiin, Aqoonyahamiin, Indheer garad, Abwaaniin
Odayaal iyo Dhalinyaraba.

Xafladaas waxaa khudbad dadka dhigiisa dhaqaajiyay oo wacyi galin iyo
warbixin isugu jirta ka soo jeediyay Madaxwaynaha JWXO Admiral Maxamad
Cumar Cisman, oo khadka Telefoonka dadwaylana kula hadlayay. Sidoo kale waxaa khudbad dhiiri galin iyo sidii loo xoojin lahaa taageerda halganka ay wado Jabhada, halkaa ka soo jeediyay madaxa unuga JWXO ee galbeedka Australia Mudane Axmad Maxamad Dalmar.
Dadwaynihi halkaa isugu yimid ooy ka muuqatay qiiro aad u fara badan ayaa waxay balan qaadeen inay sii laban laabayaan taageera doodii af iyo adinba ahayd eey u hayeen JWXO.
Sidoo kale Halkaa waxaa khudbado lama iloobaan ah ka soo jeediyay odayaal iyo aqoonyaho ay ka mid ahaayeen.

Dr abdirahman ali Cigaal
Xaaj- Abdi hiirad
Boqor cismaan qaalib oo dadka xusuussiyey dhacdooyin badan oo dhamaan dawaynihii dadka kaga
ilmaysiisay.
Abdi maxamad jaamac (abdi waayeel)
Axmad maxamad maxamad xasan (cal-qase) iyo
Maamo Ruqiya
Sidoo kale waxaa halkaa khudbada gubaabo ah ka soo jeediyay gabdhaha reer Ogadenia iyo gabdhaha Soomaliyeedba.

Waxaa halkaa heeso wadani ah oo dadwaynihii halkaa isugu yimid aymaryaha
tuureen ka qaaday Abwaan Deeqow Xuseen Shuuriye oo ah gudoomiye ku xigeenka unuga JWXO iyo Saalim cumar saalim. Waxaa layaab noqotay inay dhamaan dadwaynihi halkaa isugu yimid ay u kal boobtameen sidii ay ku taaban lahaayeen calanka Ogaadenya iyagoo ay ka muuqato qiira aad u farabadan.

Safiirro Itoobiyaan ah oo baxsaday.

War aanu ka soo xiganay Wakaalada Wararka Ogaadeenya ayaa sheegaya seddex safiir oo ka baxsaday xukuumada Itoobiya ka talisa ee uu madaxda ka yahay Melis Zenaawi. Safiiradan baxsaday waxay wadanka Itoobiya u kala fadhiyi jiren dalalka Koonfur Afrika, Burkina Faso iyo Kenya, waxayna baxsadeen, ka dib markii uu wasiirka arrimaha dibadu ku amray inay wadanka soo galaan. Wararku waxay intaas ku darayaan in safiirkii Itoobiya u fadhiyi jiray wadanka Koonfur Afrika uu u kicitimay wadanka Maraykanka, halkaas oo la filayo inuu magangalyo siyaasadeed ka codsado. Safiirrada kale ayaa la sheegayaa inay iyaguna u sii jeedaan dhinaca Maraykanka oo ay iska dhiibi doonaan. Wasaarada Arimaha dibada ee xukuumada Itoobiya waxaa bilihii u danbeeyay soo food-saaray burbur lixaad leh oo marba marka ka danbaysa isa-soo taraya, arrintaasoo keentay inay oodda jabiyaan safiirradii iyo masuuliyiin kale oo wasaarada ka tirsan. Ma aha markii ugu horraysay ee safiirro ka baxsadaan taliska Itoobiya ka taliya. Waxaana muddo dhawr bilood laga joogo ka baxsaday shan safiir oo xukuumada Itoobiya u fadhiyi jiray wadamada reer galbeedka iyo Afrika.

Ismaamul ku sheegga Jigjiga oo TPLF la wareegayso.

Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya u jooga magaalada Jigjiga ayaa soo sheegay in qaar ka mid ah madaxda maamul ku sheegga gobolka Soomaalida Ogadenya ay wadnaha farta kaga hayaan in la kala diro baarlaamaanka maqaar-saarka ah ee gobolka. Wariyuhu wuxuu waraysi ugu tegay masuul maamulka gobolka ka tirsan oo codsaday inaan la magac-dhebin, kaasoo u muujiyay inuu ka baqayo in la kala eryo baarlamaanka gobolka, maamulka gobolkana loo dhiibo masuul laga soo magacaabo xafiiska kaligii taliye Meles Zenawe. Waxayna arrintani ka denbaysay, ka dib markii ay xukuumada Itoobiya gobolka soomaalida u soo dirtay wasiiru dawlaha xukuumada Abbay Sahay, oo ka mid ah ragga ugu awoodda badan xukuumada Meles Zenawe, kaasoo la sheegay inuu qiimayn ku samaynayo madax ku-sheegga gobolka soomaalida.

Xukuumada Itoobiya ayaa si wayn u qasta arrimaha gobolka soomaalida, iyadoo ula jeedda inay indhaha ra,yul-caamka ka jeediso dhibaatada dhabta ahee ay ku hayso dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqanka dalka Ogadenya, waxayna ku dadaashaa inay

dhibaatada dusha ka saarto marba maamulka ay gobolka u dhiibato.Waxaan la soconaa in madaxwananimadii dhawaan laga qaaday C/rashiida Duullane, oo ka mid ahaa raggii gobolka soo maray kuwooda ugu dhadhaw Meles Zenawe, isla markaana la rumaysan yahay inuu fuliyay siyaasado badan oo lagu cidhib-goynayay dadka soomaalida Ogadenya. Dadwaynaha ku dhaqana magaalada Jigjiga ayaa dhawaan iyaguna si wayn ugu bannaanbaxay Maxmuud Dirir oo xukuumada Itoobiya ay u soo dirsatay inuu fuliyo siyaasadaha cusub ee ay doonayso inay gobolka soomaalida Ogaadeenya ka hirgeliso.

Radio Xoriyo

29.08.003

Dhoodi Danwaa.

raadioxoriyo@yahoo.com 
radioxoriyo@ogaden.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD