SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

 UJEEDOOYINKA MAGACYADA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYEED


XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 
 December 10, 2003

 GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/038/03 London, 10/12/2003

Ujeedo: Taageero shirkii wasiirada arrimaha dibedda

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu si buuxda u taageerayaa qoraalkii ay ka shalay ka soo saareen Shirkii ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya wasiirada arrimaha dibedda ee dalalka kenya, Jibuti, Ereteria, Sudan, Ithiopia, Ugandha iyo goobjoogayaal ka tirsan beesha Caalamka.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu uga baaqayaa guud ahaan kooxaha ka jira Soomaaliya in ay daacad ka noqdaan sidii xal kama dambeys ah loogu heli lahaa dadkooda iyo dhibaatada sii soconeysa ee Soomaaliya.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu cambaareynayaa isbaheysi kasta oo ujeedadiisu tahay sidii loo burburin lahaa shirka lagu doonayo dhameynta dhibaatada Soomaaliya, waxaase wax lala yaabo ah halheyska siyaasiyiyiinta muqdisho qaarkood ay ka dhigteen waxaan dib u fureynaa Dekedda iyo Airpor-ka magaalada muqdisho inta ka horreysa dhameystirka shir kasta oo lagu soo afjarayo dhibaatada Soomaaliya,1997 laga soo bilaabo shirkii Qaahira sidaas darteed ayuu Golaheenu u arkaa madadaalo lagu doonayo in lagu burburiyo shirka mudada 14 biloodka ka socda dalka Kenya.

Sidoo kale Golaha wadatashiga Soomaaliyeed waxuu uga ugu baaqayaa International Comunity-ga in ay talaabo cad ka qaadan kooxdii u hogaansami-weyda talooyinka ay soo jeediyeen wasiirada arrimaha dibedda laguna soo afjarayo dhibaatada Soomaaliya, isla markaana sameystay isbaheysiyo lagu burburinayo shirka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna

wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

xildhiban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan.

 <><><>

 

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD