SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 

 

IS QURXINTA DUMARKA:

QARASH BEEL IYO QURUX BEEL.

 

W.Q.: Fahad Yasiin

editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

Dec 9, 2003

Oday ay Da’diisu ay hadda tahay 97.Jir oo uu dhawaan wiil ugu dhashay Isbitaalka ku yaal Hargeysa ayey BBC-du weydiisay waxa aduunkii hore iyo aduunkan cusub ku kala duwan yahay, wuxuu ku jawaabay, “ Raggan hadda jooga Qaadbaa baaba’shay, Dumarka hadda joogana is cadayn baa lumisay” Odagaas wax ka yaabshay sow muu arag? Waxaa lagu maahmaaha “ MUGDI IYO DOQON BAA MADOW” ilbaxnimadii waxay noqotay daawa is marin, gabadhaad ogayd shalay iyadoo midab madow, maanta wey cadaatay, waxaan is weydiiyaa tolow Gabadhan is Madoobeysay oo haddana cadaatay hadduu Aabaheed arko ma’aqoon karaa? Qoraaga weyn ee R/Carbeed ( JIHAAD AL-KHAAZIN) ayaa sheegay in isqurxintu ay noqotay shaqo aad looga macaasho, sidoo kale dhakhaatiirta ka shaqeeya qalliinada is qurxinta ayaa sii kordhaya, Maraykanka oo kaliya baa intii u dhaxeysay 92.ilaa 99. lagu sameeyey qalliinka is qurxinta 3.Malyan oo qof oo Maraykan ah, halkan Ingiriska lagu sameeyey Qalliinka is qurxinta 650.Kun oo qof.

Waddamada Galbeedka waxaa aad ugu faafay qalliinada isqurxinta heer ay dhacdo in qofku uu dhawr jeer is qalo isaga oo qurux raadinaya, waxaa la sheegay in Gabari ay dhawr jeer is qashay iyadoo rabtay iney ku guleysato tartan quruxeed, kolkii ay u soo istaagtay iney muujiso quruxdeeda ayey guddigii qiimeynta quruxda ku xukumeen kun doolaar oo ganaax ah maadaama ay nafteeda ku cayaartay, dhakhtar R/Baraaziil ah oo ku caanbxay qalliinada isqurxinta ayaa TV u sheegay in ay fulin karaan dhamaan codsiyada is qurxinta marka laga reebo kordhinta dhirirka, Khaazin oo hadalkiisii sii wata ayaa raaciyey, waxaan ku noolahay London waxaan baaray lacagta lagu baxsho qalliinada is qurxinta, waxaan ogaaday ayuu yiri “Khaazin” qurxinta Sanka iney ku baxdo 3200.oo Gini, Sunniyaha oo la qurxiyana waa 3000. oo Gini, Wajiga oo la soo koobana waa 4500. Gini, Naasaha oo la weyneeyana waa 4000.Gini, haddii la yareynayana waa 5000.Gini, Baabi’inta Hilibka Calooshana waa 3500.Gini, Baabi’inta Hilibka Bowdyada iyo qaarka danbana waa 2200.Gini,

Haweeney la yiraahdo “ Joosliin” iyadoo is qurxin raadineysa ayey meel walba oo jirkeeda ah qalliin ku samaysay, waxayse ku keentay in ninkeedii oo Fannaan ahaa uu furo, isagoo ku nacay isqurxinta tirada badan, Fanaanadda kale “ Shiir” ayaa iyadu qirtay iney gashay dhawr qalliin si ay qurux dheeri ah u hesho, qalliimada ay isku samaysay waxaa kamid ahaa, weyneynta Xabadka, baabi’inta hilibka caloosha, weyneynta qaarka danbe, intaasoo hawla waxay u gashay qurux raadin, Haweney kale oo Faransiis ah oo lagu magacaabo “Loolo” oo dhimatay Sanadkii 2000. ayaa la sheegay iney 17.Jeer Qalliin u gashay si Naasaha u weyneyso ilaa ay qaadi kari weyday naaseheedii, waxaa la sheegay in naasaheeda ay noqdeen afar meelood meel marka jirkeeda la miisaamo.

Naagtaasi quruxdii ay raadineysay ayaa noqotay sababtii ay u dhimatay, ninkii iyada qabayna waxaa maxkamad loo soo taagay inuu ka qayb qaatay ku dhiiri galinta qalliinka is qurxinta, Gabadh iyaduna Kalaabyada ka dheesha oo Maraykan ah ayaa maxkamad tagtay, waxay tiri geeri ayaan aad u jantay xanuunka aan dareemayo awgii, iyo khasaaraha dhaqaale ee isoo gaaray, waxay qalliin isqurxineed isaga samaysay qaarka danbe taaso u keentay xanuun joogta ah iyo foolxumo ka muuqatay, xanuunkii qabanayey wuxuu gaarsiiyey iney fariisan kari weydo, Qaalligii Maxkamadda wuxuu u xukumay in la siiyo 30.Kun oo Doolar, walow ay codsatay 2.Boqol kun oo Doolar, Qoraaga “Jihaad” wuxuu sheegay in mar laga codsaday in uu kun Doolar oo dayn ah bixiyo si loogu galo qalliinka isqurxina, wuxuu yiri waan diiday inaan bixiyo dayntaa anigoo ka baqanayey inaan garan waayo qofkii daynta iga qaatay maadama uu qallin isku sameeyey.

Dumarka kolka ay quruxda raadinayaan waxay ka tahay Ragga aragooda qanciya si aad kii ku calman lahaa usoo jiidato, iyagoo is hilmaansiinaya in quruxda tan ugu fiican ay tahay tii Ilaahay ku abuuray, dadkana wuxuu rabbi ku abuuray qurux tan ugu sareysa, Dumarka Soomaalida sannadahan danbe waxa ku faafaya cudurka is qurxinta, iyagoo is leh ku dayda haweenka R/Galbeedka, waxa suuq fiican yeeshay daawooyinka la isku cadeeyo ee la mariyo jirka, taasoo ay caddaatay in caafimaadka uu wax u dhimo sida ay cadeeyeen dhakhaatiirta jirka.

Geeska Afrika magaalooyinka aadka looga yaqaanay is cadaynta waxaa kamid ah Jabuuti oo iyadu xilli hore ku billaabatay waxaana la sheegay in ayba jiraan Barkado lagu mayrto si halmar loo wada cadaado, waxaa ku soo xiga Hargeysa oo iyadana dhaqankaas uu ku sii kordhayo, waxaan ka sii daran magaaladan Nairobi oo aad si xoogan uga dareemeyso is-cadaynta dumarka, Gabdhaha Soomaalida ee deggan xaafadda islii ayaa waayadan laga dareemayaa iney suuq u yeeleen daawooyinka is cadaynta, arrintaas oo ah mid aad looga naxo, waxaan oganahay in Gabdha Soomaalidu aysan wali gaarin isku samayn qalliinada is qurxinta, taasoo la is dhihi karo sababaheeda waxaaba kamid ah dhaqaalahaas oo aan la heli karin.

Quruxdu waa qofwalba iyo aragtisiida, waxaana hubaal ah in ruux kasta ay quruxdiisa ku dhan tahay sida Eebbe u abuuray, wax adiga kula fool xun ayaa qof kale la qurxanaan karaa, Sh.Camar Faaruuq ayey kol sii horeysay isagoo Muxaadaro ka bixinaya Yurub Su’aalo laga weydiiyey quruxda Dumarka, wuxuu yiri ( Haweenka hada la yiraahdo Adduunkey ugu qurux badan yihiin Ceesaan Caano iiga soo lis ma dheheen) waa sidaasoo Naag hebla ayaa dunida ugu qurux badan waa un macna darro dadka lagu daalinayo, haddaba haddii aad tahay kuwa isku mashquuliya arimahaas waxaa kula haboon inaad aad uga fiirsato.

W.Q.: Fahad Yasiin
editor@somalitalk.com

SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya

Dec 9, 2003

QORAALKII HORE EE FAHAD.... GUJI

 

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD