SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Mudaharaad aad u balaadhan oo lagu taagerayo Hawlgalada Puntland oo saaka dhacay Magaalada Laascaanood.

 

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood, Soomaaliya

 

Mudaharaad aad u balaadhan oo lagu taageerayo Hawlgalka ay ka wadaan Ciidamada Booliska ee Puntland Magalaada Lascaanood ayaa saaka ka dhacay magaalada Laascaanood, Mudaharaadkan oo ay dadku isagu soo baxeen iyada oo aanay cidina soo abaabulin, ayaa waxa markii danbe ku soo biiray oo kala qayb qaatay taliyaha Ciidanka boliska Puntland G/Sare C/risaaq Afguduud iyo Guddoomiyaha degmada Maxmed Taleexi, waxayna socod ku mareen badhtamah magaalada.

risaalaHa moogaan Maktabada Risaala oo ku taal magaalada Minneapolis oo aad ka heli kartid kutub Islaami ah oo kala duwan..... GUJI

Mudaharaadkan ayaa waxa uu ka danbeeyey kadib markii uu shalay BBCda ka hadlay, wasiiru-dawlaha amaanka ee Puntland Seefta Banaanka , oo ay dadweynaha deegaanku aad u dhaliileen sidii uu u waramay, waxa kale oo iyadana ay dadweynuhu ka ka kaceen ka din markii iyadana magaalada la soo galiyey warar aan xaqiiqo ahayn oo sheegaya in ay ciidamo ka soo jeedaan dhinac Somaliland , kuna soo jeedaan Magaalada.

Afguduud oo markii danbe dadweynaha kula hadlay fagaaraha guriga madaxtooyada ee degmada ayaa dadweynihii halkaa isugu soo baxay u sheegay in ay jiraan kuwo cadow ah oo doonaya in aanu maamulku ka dhaqaaqin gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in aanay marnnaba u dulqaadan doonin in ay kuwaasi hakiyaan hawlgalada la doonayo in wadanka lagu hagaajiyo, wuxuuna intaasi ku daray in dalka la difaaci doono.

Dhinaca kale waxaa xalay magaaada soo galay goordanbe Wasiirka Horu marinta Reer miyiga Maamulka iskii isu magacaabay ee Somaliland Fu'aad Aadan Cadde, oo ku soo galay wadahadal dhexmaray Garaad Saleebaan iyo Maamulka Puntland, ka dib markii uu balan qaaday in uu xilkii uu u hayey Somaliland Kaga yimi Caynaba oo uu hadda shicib yahay, hasa yeeshee warar ay shabakada Internet ah ay ka heshay ilo Xog-ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in uu Fu'aad halkan u yimi in uu dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka bilaabo, si ay marlabaad cagaha u soo dhigaan gobolka.

Waxa kale oo ay wararku intaasi ku darayaan in uu ku soo dhiiraday, haddalkii uu shalay ka sheegay seefta banaanku warbaahinta.

Waxa iyana ay maanta ciidamada Boolisku dib uga saareen Xaruntii qaybta Booliska dhalinyaro taageersan Somaliland oo ka dib markii ay Galeen, waxaana lagu guulaystay in iyada oo aanu dhiig ku daadan dib looga saaro, waxaana arrintaasi ka shaqeeyey odayaasha deegaanka.

 Assad Cadaani Ibraahim
Laascaanood Soomaaliya
asadlaska@hotmail.com 
assadlaska@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 30, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE ASAD CADAANI

Sarara-weyne iyo Hargeysa Maxay ku kala Duwan yihiin Asad

sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay,

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Zenawi oo Qirtay Weeraro uu Ku Qaado Gudaha Dhulka Soomaaliya GUJI...



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]