SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - CANADA
Zenawi oo Qirtay Weeraro uu Ku Qaado Gudaha Dhulka Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha dawlada Itoobiya ee qarnigan gumeysata qayb kamida dhul Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in uu weeraro ku qaaday gudaha dhulka Soomaaliyeed ee xorta ah, taas oo uu ku macneeyey weeraro uu ku qaaday waxa uu ugu yeeray "xubnaha Itaxaad". Warkaas oo lagu faafiyey BBC-da afka Ingiriisiga waxa uu intaas ku daray in Zenawi uu ururkaas ku xiriiriyey al-Qaeda iyo in ay hayaan dukumiintiyo caadaas ka badan oo arintaas cadaynaya.

menkhaus"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism". GUJI....
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden. GUJI...

"Falal argagixiso ah ayey [al-Ittihad] ka fuliyeen gudaha dalkayaga" ayuu Zenawi u sheegay barnaamijka Focus on Africa, waa sida ku cad warkaase.

Waxa kale oo uu Zenawi sheegay in weerar ay ku qaadeen meelaha uu ugu yeeray "goobaha tababarka al-Ittihad" ay ku  dileen dhawr ah dadka uu ugu yeeray "Afghan Arabs".

Isla warkaas waxa uu Zenawi ku adkaystay in uu rabo in uu arko wadan Soomaaliyeed oo deggan, isla markaana midaysan, waxana uu yiri "ugu dambayntii Soomaalidu iyagaa taas go'aankeeda leh". Laakiin Zenawi halkaas kuma cadayn in midnimadaas uu sheegay ay xukuumadiisu ogoshahay in ay xornimo u ogolaato qaybta uu gumeyso ee geyiga Soomaaliyeed si markaas ay aayahooda midnimada ah ee uu xusay ay uga tashadaan ugana gaaraan go'aan.

Laakiin waxa uu Zenawi sheegay in uu hayo liiska xubnaha al-Ittihad e ku jira baarlamaanka Soomaaliya iyo DKMG. Waxana warku intaas ku daray in madaxweynaah DKGM, C/Qaasim Salaad Xasan, uu si joogta ah u beeniyo sheegashada itoobiya ee ah in dawladiisu ay ku xiriirsan tahay "ururada Islaamka ah ee xag-jira" waa sida warku u dhigaye.

Ma ahan markii ugu horeysey ee Zenawi uu eedayn dusha uga tuuro Soomaalida. Bishii December ee 2002 ayey ahayd markii Wararysi ay idaacada BBC qaybteeda Ingiriisku la yeelatay Meles Zenawi uu ku sheegay in uu hayo waxyaabo muujinaya in laga yaabo in koox soomaaliya ka hawl gasha ay ka dambeeyeen weerarkii israa'iiliyiinta Kenya. Laakiin Zenawi wax caddayn arintaas u ah masoo hordhigin BBC-da Afrika. [GUJI].

Arintaas Zenawi uu Soomaalida gebi ahaanteeda waxay beenowdey markii dawlada deriska ah ee Kenya ay cadaysay in Kalluumaysatadii Soomaaliyeed ee markii hore arintaas qaraxa loo xirxiray lasii deyn doono maadaama aysan taas wax lug ah ku lahayn. [GUJI]

Sannadkii 2001 bishii November 27keedii ayey ahayd markii uu  Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah uu yiri eedeyanta Soomaaliya in ay tahay wadan argagixiso waa mid ku salaysan daliilsi iyo male ee ma ahan xaqiiqo lacadeeyey. "Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." ayuu yiri Dr. Menkhaus. [GUJI].

Waxaa isku soo dubaridey bahda SomaliTalk [Canada]
Feb 25, 2003

U.S.A iyo ethiopia oo wadajir isha ugu haynaya somalia
"waxaanu u tixgalinaynnaa Ethiopia in ay tahay jaalkayaga... " sidaas waxaa yiri sareeye gaas John F.Sattler oo.
GUJI...

Kalluumaysatadii Soomaalida iyo Pakistan-ka ahaa  oo lasiideynayo, ayadoo kenya cadaysay in aysan wax lug ah kulahayn Qaraxii Mombasa

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD