SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
U.S.A iyo ethiopia oo wadajir isha ugu haynaya somalia:

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

Feb 24, 2003

I  I  D  H  E  H

 

Ciidamada maraykanka ee fadhigoodu yahay Jamhuuriyadda Djibouti ayaa waxaa lagu soowaramayaa in ay bilaabayaan hawlgalo ay ku taageerayaan ciidamada Ethiopianka oo ay wada jir uga fulinayaan xuduuda dheer ee u dhaxaysa soomaaliya iyo itoopiya, halwgaladaasoo uu maraykanku ku macneeyay tab iyo xeelado lagula dagaalamaayo waxa uu ugu yeeray "hawlgalada ladagaalanka argagixisada" iyadoo ay ciidamada maraykankuna siinayaan carbisyo .

"waxaanu u tixgalinaynnaa Ethiopia in ay tahay jaalkayaga sidawacan xulufada noola ah ladagaalanka argagixisada, anakoo ku xisaabtamaynna in ay kaalin libaax ka qaadanayso difaaca argagixisada Geeska afrika"sidaas waaxaa wariyayaasha u sheegay Majer General(sareeye gaas) John F.Sattler, gabagabadii socdaal laba maalmood qaatay oo uu dalkaasi kujoogay.

waxaa uu yiri"waxaannu wada jir u indho-indhaynaynnaa dhaq-dhaqaaqyada ay argagixisadu ka samaynayso xuduudaha iyadoo laga hortagaayo in ay si sahlan ugu soo gudbaan ugana fushadaan danahooda dhankaas iyo Ethiopia".


Maj. Gen. Fathi Ahmed Hussein, Djibouti & Maj. Gen. John F. Sattler, USA

SAWIRKA: jdnews.com 

Maj.Gen sattler oo ah taliyaha guud ee xulufada geeska afrika ee fadhigooduyahay dalkaasi Djibouti(U.S.S Mount Whitney)ayaa isagoo hadalkiisa siiwata waxaa uu yiri,waxaanu itoopiya kacaawinaynaa qaabka helida wararka,taasoo ka caawinaysa in ay xog-ogaal noqoto wakhtiga ku haboon iyo goobta ku haboon.

wax yar uun kadib qaraxii maraykanka ee11.sep.2001 ayuu maamulka madaxweynaha maraykanka Mr Bush ku tilmaamay soomaaliya in ay laga bilaabo 1991 burburkii dawladii dhexe ay isu bedeshay goob sifudud loogu dhuumankaro isgoo xulufada isbahaysiga ladagaalanka argagixisada caalamiga ah ay ku macneeyeen soomaaliya meel noqonkarta"janada argagixisada".

xukuumada ethiopia ayaa sanadadii la soo dhoofay dhowrjeer ciidamo galisay soomaaliya iyadoo arintaasi ku micnaysay in ay joogaan kooxlayiraahdo Al-itixaad Al-islaam,kuwaasoo ay sheegtay in ay dhowrjeer dagaallo ku sooqaadeen gudaha itoopiya kuna tilmaantay kooxo xiriir toosa laleh kooxaha Alqaacida ee osama Bin laden.

warar dhowrjeer dhanka itoopiya ka soobaxayay ayaa tilmaamay in ay ciidamadeedu arbushaad ku sameeyeen goobo lagu tababaro Al-itixaadka sanadadii 1997-98 kii.

menkhaus"Waa in aynaan kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah, islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie Endowment for International Peace symposium (Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika, Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism". GUJI....
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden. GUJI...

GEESKA AFRIKA & QARNIGAN: 
waa qaybta Afrika ka mid ah ee laga helo dawlado gumeysa dhul ay gacanta u geliyeen gumaystayaashii qarnigii hore iyo ka horba. Yaa shucuubtaa u doodaya xuquuqdooda, goorma ayeyse helayaan xornimo buuxda oo ay ka tashan karaan aayahooda. Jawaabata su'aashaas waxaan u deyney akhristaasha.
 

waxaa 1977 ethiopia lagaga adkaaday dagaalkii ay soomaaliya iyo xogagii xornimadoonka ahaa ee soomaaligalbeed iyo soomaali abbo kula galeen dhulka soomaalida galbeed iyo qaybo badan oo kamida oroomiya,

Maj.gen.Sattle waxaa uu cadeeyay in xoogaga isbahaysigu sii joogayaan bariga afrika xitaa hadii uu dhoco dagaal lagu qaado dalkaasi Ciraaq. 

waxaana ay sigaara indhaha ugu haynayaan xuduudaha barriga iyo badda ee Kenya, Somaaliya, Suudaan, Ethiopia, Eritrea, Djibouti,iyo Yemen.

cutubyo lagu qiyaasay 1.200 ayaa fadhiisin kuleh saldhigga la yiraahdo Camp lemonier ee dalkaasi jabouti iyadoo ciidamo lagu qadaray illaa 400 ee mariinada ahina ay saaranyihiin markabka dagaalka ee Mount Whitney.

bishii desemper ee aynu soo dhaafnay kulan uu raiisalwasaaraha dalkaasi ethiopia Melese Zenawi layeshay madaxweynaha dalka maraykanka Bush ayuu kala hadlay sidii ay labada dal isu waydaarsanlahaayeen xogta iyo xanibaadda dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha ee waxa ay ugu yeereen argagixisada geeska afrika.

Waxaa isku soo dubaridey Xagar Yare | xagar91@hotmail.com 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

SomaliTalk.com Germany  

Feb 24, 2003

<><><> 

»»TAXANAHA TAARIIKHEED EE OGAADEENIYA 

»»Itoobiya: Kansarka Geeska Afrika 

»»NOLOSHII IMAAM ASHAHIID XASAN AL-BANNA
»»DIIHOOD IYO RIYAALE OO TURUNTUROONAYA 
»»USAAMA BIN-LAADINOW SAAN MAAKA DEYSID
»»SIILAANYO WUXUU XASUUQAY  1500 OO QOF 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD