| 
      
     Wadaadkan dunida oo dhan ayaa wada eegeysa
    qolaba walibana il gooni ah ayey ku eegaysaa, Maraykanka iyo xulufadiisa
    waxay u arkaan cadowgooda koowaad, halka dadka la dhacsan Alqacida iyo
    xubnaha Alqacidaba ay u arkaan halyey Ilaahay u soo saaray Muslimiinta oo
    ayna waajib tahay in jidkiisa la raaco, Usaama waxa uu dunidan aan joogno ku
    soo biiriyey aragtiyo ad adag oo aysan u baran dadka maanta dunidan ku nool,
    hadalkiisana waxaa macno weyn u yeelaya ogo’aan-shaha la ogyahay inuusan
    ahayn wadaad wacdiya dadka oo kaliya ee uu yahay wadaad isku dhexwada qawl
    iyo qori, feer iyo fahamsiin. Waa nin u dooda xuquuqda dadka Muslimiinta
    isagoo u maraya wadada xoogga iyo burburinta ama wiiqidda awoodda cadawga,
    si uu Muslmiinta u fahamsiiyo inuu iyaga difaacayo, hadaba sideebuu rabaa
    Usama inuu ku helo taageerada bulshada si ay ula galaan dagaalka uu kula
    jiro Maraykanka iyo xulufadiisa, ma sida uu u dhahayaa ku kaca dowladaha aad
    ka dhalateen? Sidee qofku isu qaybin karaa oo halmar dagaal u wada gali
    karaa uu ka bilaabayo gurga uu daganyahay ilaa Maraykanka iyo
    bahwadaagtiisaba? Waa su’aal ay ka jawaabi karaan Usama iyo ragga la
    jaalka ah. Haddii la doonayo in lala diriro Gaalo iyo
    bahwadaagteeda ma inaan kolka hore gubnaabaa dhulalka Muslimiinta, tusaale
    ahaan haddii shucuubta Muslimiinta ay si dhaga nugayl ah u qaadato fariinta
    Usaama oo ay dodyowga u dhashay dalalka Carabta ay barito buuq iyo dagaal ku
    kiciyaan dowladahooda, maxaa natiijo ah oo laga gaarayaa? Sow ma’ahan
    dhiiqo biyo lagu sii daray! Hadaladii uu wadaadku yiri waxaa ka mid ahaa
    bulshada ku nool wadamada Urdun, Yaman, Masar, Khaliijka iyo I.W.M. haku
    keceen dowladaha xukuma, illeen gaaley la dhinacyihiinee, taasi waxay marag
    u tahay in uusan xisaabtan dhab ah kadib dhihin hadalkaa, gaalada maanta
    waxa ugu weyn ee ay rabaan iney gaaraan waa hanashada hogaanka dowladaha
    Islaamka, waxayse ka sii jecel yihiin dalka iyagoon ku soo duulin inta is
    abaabula isa sii burburiya oo ku kaca dowladahooda sida Soomaaliya oo kale,
    Soomaaliya waa dal marag u ah in Maraykanku uu aad ugu riyaaqayo in dunida
    islaamka ay noqoto sidaasoo kale, sababtoo ah dowladnimadu waxay ogaadeen
    iney tahay caqabad hortaagan horumarinta danaha R/Galbeedka, maanta
    Soomaaliya Maraykanka iyo dunida oo dhanba waxay rabaan ayey ka qabsan
    karaan, haddiise ay dowlad jiri lahayd waxbadan uma suura galeen. Sida ay qabaan Culimada Muslimiinta dowlad
    Jaa’ir ah waxay dhaantaa dowlad la’aan, hadaba haddii Wadaadkan Usaama
    uu yiraahdo dowladaha maanta dunida islaamka ka jira xididada haloo siibo,
    ma wuxuu ka rabaa in Muslimiintu ay noqdaan Ari xero la’aan ah? Marka
    larabo in bulsho isbadal lagu sameeyo waxaa sax ah in looga fakaro dadku
    sida ay hadda yihiin sidee ka fiican oo loo heli karaa, haddiise la dhaho
    waxaad haysataanna tuura markaad banaanka timaadaanna aan iswaraysanno sow
    kud ka guur oo qanje u guur ma’ahan!Waxaa moodaa iney tahay talo aan aad
    loo lafa gurin, dalka Soomaaliya oo maanta burburkiisu uu 12.jirsaday waxaan
    shaki ku jirin in wadaadadu ay qayb ka qaateen burburkii dalka, la isma
    weydiineyn haddii dadka laga dhaadhiciyo M.S.Barre inuu nin xun yahay waajib
    diini ahna tahay in xukunka laga qaado maxaa xiga? Waxaad moodaa kaliya in
    aragtidoodu ay ku koobanyd horta bal xukunka M.S.Barre haka dago, wadaad ka
    mid ah Culimada Soomaaliya ayaa iigu sheekeeyey in Xajkii 89-kii, ayagoo
    badan oo ka mid ah Xujaajtii Soomaalida ay halmar gacmaha kor u wada taageen
    oo shiikhii duceeynayey yiri ( ILAAHAYOOW M.S.BARRE XUKUNKA DAG DAG UGA QAAD)
    sheekhii sheekada ii waday wuxuu intaa iigu daray, ducadii Ilaahay wuu naga
    aqbalay oo Ilaahay M.S.Barre naga qaad, haddiise aan maalintaa Ilaahay ka
    baryi lahayn Ilaahoow M.S.Barre si dhaanta noogu badal waxaan rajeynayey in
    Ilaahay uu naga aqbali lahaa taasna, laakiin hankeennii ayaan soo yareynay,
    waxaanna ka boodnay in Ilaahay aan ka barino inuu dhibaatada aan ku jirno uu
    si ka fiican noogu badalo. Hadaba haddiiba ay jiraan wadaado la qaba
    Usaama colaadan cusub ee uu rabo inuu dagaal ka dhex huruyo Bulshooyinka
    Muslimiinta iyo dowladahooda, waxaa cad iney tahay burbur loo horseedayo
    dunida islaamka, su’aasha ugu fudud ee la is weydiin karo waxay tahay,
    maanta hadduu shacabka Sucuudigu ku kaco Boqortooyada Sacuudiga oo kacdoon
    shacab lagu qaado yaaweeye Hogaamiyaha hadda taagan ee leh anaa dalka qaban
    oo maamuli, haddii R/Masar la dhaho ku kaca dowladiinna intey joogaan
    shacabka isu dhigi karo madaafiicda ay adeegsan doonaan ciidanka ku
    hareereysan dowlada. Waxaan aad ula yaabanahay geesinimada
    Usaama ee xaga dagaalka iyo kal adayga uu u leeyahay inuu bareerihiisa
    cadaysto, inuu hadana geesi ku noqdo fatwo ka soo saarida arimo ad adag,
    gaar ahaan marka la joogo qof gaaleysiin, maanta dunida islaamka waxaa ku
    nool Culimo waaweyn oo diintooda iyo cilmigooda aan ku kalsoonahay, Usaamana
    uusanba agtooda qori ka soo goosan karin, Culimadaas ayaa ku dhiiran waayey
    iney gaaleysiiyaan xukaamta maanta jirta, Madaxwey-nayaasha qaar wey jiraan
    Culima gaaleysiisay laakiin Culimida Muslimiinta wali ma aysan dhihin
    dowladaha maanta dunida islaamka ka jiraa waa gaalo saas awgeed in lala
    dagaalamaa waa waajib, kolka fatwada dagannaashaha iyo hubsadashada ku
    dhisan ee Culimadeenna waaweyn iyo tan kalya adayga un ku dhisan ee
    wadaadkan Usaama deg degga ku soo saarayo teebaan qaadaneynaa? Anigu koley
    tan Culimada ayaan qaadanayaa, adna ila yeel baan ku dhihi lahaa. Shaki wuxuusan ku jirin in Usaama dagaalka
    uu maanta Maraykanka kula jiro uu kaga helay sumcad fiican dadwenaha
    Muslimiinta, sida ay taas u cadahay ayaa hadana waxaa cad marka uu damco in
    dunida islaamka dhamaanteed uu ka wada dhigo goob dhiig ka wada qubanayo
    inuu waayi doono taageerayaal badan oo qosli jiray goorta fariimihiisa laga
    dhagaysanayo kanaalka Aljaziira oo ah xarun warbaahineed oo itna badan
    tabisa baaqyada Usaama. Laba qodobba sax kuma ahayn in maanta
    dunida islaamka shucuubta ku nool lagula taliyo iney ku kacaan dowladahooda,
    waa tan horee Usaama ma’ahan sheekhii ay Muslimiintu ka qaadan lahaayeen
    fatwada diineed ee waa wadaad ku hawlan kacdoon dagaal ku dhisan, doonayana
    inuu Jahaad wax ku soo celiyo, maadama aysan helin Culimadii aqoonta xeesha
    dheer u lahaa shareecada islaamka wax ku dhiiri galiya iney gaalnimo ku
    xukumaan madaxda dowladaha Islaamka ayaa waxaa adag in Usaama laga aqbalo
    fatwo gaalnimo dusha ka saareysa madaxdan, annagoo markaa maanka ku hayna in
    Usama laga aqoon badan yahay, lagana xog-ogaalsan yahay. Waa tan labaadee dunidii Islaamka oo awalba
    sii baaba’sanayd haddii la dhaho inta hartay hala is raaciyo oo dunida
    Islaamka oo dhan halaga dhigo sida Soomaaliya oo kale, waxaa cad iney ku
    biyo shubaneyso ra’yigii ahaa, horta bal waxa taagan aan iska qaadno
    kadibna bal aan isaga imaanno waxaan sameyn lahayn marka lagaaro xiligeeda,
    taasoo u eg tubtii ay ku socdeen Jabhadihii ku kacsanaa dowladii M.S.Barre
    ee markey dalka gacanta ku dhigeen inta is eegay oo misana is waraystay
    hadana xabaddii lagu ridayey M.S.Barre iskula soo jeestay, tusaalaha kale oo
    dhaw waxaa loo soo qaadan karaa Jahaadkii Afgaanistaan ee socday wax ka
    badan 20.ka Sano oo goortii guusha la gaaray ay madaxdii Mujaahidiinta isla
    afgaran waayeen sidii ay awooda u qaybsan lahaayee, saa awgeed ayaan Usaama
    leenahay wadaadoow Aashaa.  
  
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir editor@somalitalk.com
   Feb 22, 2003  ....FAALLO: MUQDISHO
    CAASIMAD MA U QALANTAA  ..... WARAYSI: FAARAX
    MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA ... FAALLO:  Itaxaadka
    Soomaaliya ...  FAALLO:
    AYAAN
    DARRADA AYAAN XIRSI MAGAN: WARAYSIYADII FAHAD YAASIIN WARAYSIYADII IBRAAHIM
    MAXAMEDDEEQ  ... ELDORET:
    Taxanaha Wararka  com
 
     |