SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - YURUB

 

Saxaafada Yurub oo qaawisay siyaasadii Maraykanka
Faaladii: Xassan Nuur
Email: SRG14@jubiimail.dk 
Feb 6, 2003

 

Waxaa si xawli leh ku kor u socda ka soo horjeedka qaarada Yurub in dagaal lagu qaado dalka Ciraaq, taas oo sabab looga dhigayo arimo la xidhiidh:

 

·        Nabadgelyada aduunka

·        Dhaqaalaha

·        Feker siyaasadeed

·        Arimo bini aadan-nimo oo aan la aqbali karin oo ka dhalan kara dagaal lagu qaado Ciraaq

·        Diin iyo arimo kale oo badan.

 

Sida aynu ognahay waxaa aduunku ku tiirsan yahay saliida Bariga dhexe, taas oo xudun u noqon karta iska hor imaadyo aan isku dhan u socon oo ka aloosma aduunka.

Dagaalka ku wajahan Ciraaq waxaa loo arkaa mid ay ku le’an doonaan malaayiin dad ah, reebina doona burbur ay adkaan doonto in laga soo waaqsado sannado aad u badan iyo weliba burbur siyaasadeed oo wax ka bedela khariidada caalamka.

Inkastoo xaalada Bariga Dhexe ay dab kusii shido had iyo gooraale colaada wayn oo ay u hayso Isaraa’il dawladaha iyo shucuubta Bariga Dhexe, hadana sida la og yahay waxaa ka jira dawlado aanay isla socon iyaga iyo shucuubtoodu. 

Robert Baer oo  Bariga Dhexe uga ahaa basaas CAI-da intii u dhaxaysay 1976-1997, sida uu tibaaxay, wixii ka danbeeyey dagaalkii 1991dii, waxay dawlada Israa’iil culays ku saartay Maraykanka in xukunka laga tuuro Sadaam (then no more gun smoking), hadaba markii la arkay inay luntay fursadee xukunka lagaga wareejin lahaa hogaamiyaha Ciraaq, waxaa loo xilsaaray Robert Baer inuu khaarajiyo

Sources: DK-TV1, Cairo

Sadaam wado kasta ha u maree, talaabadaa oo aan lagu guulaysan iyo iyada oo ay muuqatay inay adagtahay in mar labaad la isu keeno awoodii Kuwait ka saartay 1991kii loo helo taageero caalami ah, dawlada dhexe ee Maraykanku si adag uma qaadan ina xukunka laga tuuro Sadaam wixii ka horeeyey dacdooyinkii 11 September Washington iyo NY.

Hadii markaa ay dhacdo in Maraykanku ku guulaysto inuu gacanta ku dhigo xukunka iyo shidaalka Ciraaq, waxay dad badan rumaysan yihiin inay soo food saari doonto caalamka xaalado siyaasadeed iyo dhaqaale oo aad u qalafsan. Waxaa gol jilic noqon doona dalka Iraan oo qani ku ah saliida,  ayna siyaasad ahaan iska soo hor jeedan maraykanka iyo dalalka Bariga Dhexe oo dhan, khaasatan Suuriya oo ay u aragto Israa’iil quwad aan la dhayalsan karin hadii aan loo helin hab lagu kala furfuro.

Robert Baer 
CIA Agent 1976-1997 Bariga Dhexe

Sidoo kale dawladaha reer Yurub iyo Aasiya oo dhaqaalahoodu si wayn ugu tiirsan yahay saliida Bariga Dhexe waxay aad uga welwelsan yihiin Ciraaq oo Maraykanka gacanta u gasha, waxaa iyana dhici karta in gebi ahaanba khayraadka saliida ee Bariga Dhexe gacanta u galo Maraykanka. Dhinaca kale shucuubta Bariga Dhexe oo xidhiidhka dawladahoodu aad u hooseeyo waxay u arkaan duulaan lagu qaado Ciraaq inuu horseedi doono inay si sahlan ugu dhacaan galaan xulafo ka leh dano dhaqaale iyo dhulbaadhsi, dawladahooduna aanay waxba ka qaban karin.

Kacaanka Iraan  

Hadaba waxgaradka reer Yurub waxay saadaalinyaan hadii Ciraaq la weeraro in Bariga Dhexe ay hal mar ka bilaabmi doonaan dagaalo aan isku jaho u socon sida:

1.      Dagaal lagu qaado Ciraaq oo ay ku hoobtaan malaayiin dad ah

2.       Dagaal ay qaadaan shucuubta bariga dhexe oo iskii u abaabulan, iyaga oo abaaraya, ciidamada shisheeyey, dawladahooda, ceelasha, wershadaha iyo dhuumaaha saliida

3.      Dagaalo ay dawladaha Bariga Dhexe la galaan shucuubtooda

4.      Dagaalo sokeeye, khaastan dalalka xudunta ah sida, Ciraaq, Suuriya, Libanon, Iraan Urdun iyo Masar

Ciidankii S.A. ee Maraykanka gacan siinayey 1991

5.      Dagaal ay soo qado dawlada Israa’iil oo ku magacaaban difaaca saliida

 

Dhinaca Asia waxaa laga cabsi qabaa in xaalku faraha ka baxo dalalka Pakistan, Indonisia, Malaysia, Afganistan, dalalka qawqaaska la isku yidhaahdo iyo Turkiya.

 

Massacres 1991

Waxaa laga cabsi qabaa in dhamaan saaxiibadii shalay cadow ku noqdaan Maraykanka. Waxaa kale oo laga cabsi qabaa silsilad fowdo iyo dagaalo ah oo meelo kale oo aduunka ah ka aloosma, taaso ah saadaal si xawli leh maalinba maalinta ka danbaysa si wayn u soo kordhaysa.

Israa’iil’s Strategic & Objective Madaxwaynhii Maraykanka Bill Clinton, Removing Sadam Foiling Syria ....

Hadaynu tusaale u soo qaadano dalka Ingiriiska, warbixinihii ugu danbeeyey waxay sheegayaan  82% ay hada ka soo horjeedaan dagaalka Ciraaq, sidoo kale hadii xaalku aloosmo waxay wado u furi kartaa garabyada siyaasadeed ee xag jira ee ka jira dalka.

Wuxuu rumaysan yahay General major Patrick Cordingley oo ahaa hogankii ciidanka Ingiriiska ee dagaalkii 1991, inaanay suuro gal ahayn in Ciraaqiyiinta la iska laayo sabab la’aan, wuxuu kale rumaysan yahay khasaaraha ka soo fool leh dagaalkaas oo noqon doona mid culus dhinac dhaqaale, siyaasadeed iyo aadaminimoba intaba.

Isaga oo is barbar dhigaya tiradii askarta ee ku dhamatay dagaakii 1991kii oo dhinaca Ciraaq lagu qiyaasay 10.000 oo askari, dhinaca xulafadana dhawr boqol, wuxuu yidhi maanta oo qalabka lagu dagaalamayo ka sii casrisan yahay kii maalintaa maxaynu filaynaa.

General Patrick Cordingley

Waxaa kale oo qaba feker kaa la mid ah Richard Hirries oo ah Biscop Oxford, wuxuu saadaal ka bixiyey siyaasada gudaha isaga oo aan qarin  welwelka uu ka qabo masiibo dalka ku timaada “waxaa dalkan ku soo fool leh, kala qaybsanaan aan horay loo arag, laga soo bilaabo suuqa ilaa dawlada, sida Barlamanka, Wasiirada iyo Kaniisadaha dhamaan waa ku kala qaybsamayaan arinkan ayuu yidhi .......”, isaga oo ku daray dhibaatada arintan ka soo fool leh waa midaan la aqbali karin gudaha iyo debeda midnaba. Hadaba Shucuubta galbeedka aad iyo aad ayey uga soo hor jeedaan dagaal lagu qaado Ciraaq iyaga oo daliishanaya:

Biscop: Oxford  
Richard Hirries

1.      in aan la hayn qorshe Sadaam ku qorshaynayo ama ku qorsheeyey inuu ku soo ridi doono hubka wax gumaada.

2.       waxaa kale oo arinkaa sii xoojiyey, inaanba la hayn wax xidhiidha oo ka dhexeeya AL-QACIDA iyo Hogaamiyaha Ciraaq.

 

Qodabadan waxay minjo xaabin ku yihiin qorshaha Maraykanka uu dunida ka dhaadhicinayo oo looba arkay mid lagu cidhiidhi gelinayo aduunka intiisa kale, laguna baabi’inayo dad aan waxba galabsan, lana abuurayo qaxooti dhinaca kasta aduunka isu dhaafa iyo nacayb kordha. Hadii aynu dagaal ku qaadno Ciraaq ma dhibkii baynu yaraynay mise waynu badinay sidaa waxaa tidhi Jessica Stern oo ahayd la talisada nabadgelyada Maraykanka 1994-95, waxaa hubaala in sadaam u dagaalamayaan malaayiin. Bush, isagu wuxuu ku dacwoonayaa in Ciraaq caawin karto argagixisada isagoo ku taageeraya hubka sida wayn wax u gumaada isla markaana raad gadanaya oo qarinaya in wax laga ogaado “cadayn loo heli maayo” taas oo dad badan uba fasirtay in aan wax marmarsiiyo ah loo hayn dagaalka Ciraaq, hadalkaasina yahay marmarsiinye iska mala ma awaal ah.

USA National Scurity Adviser 1994-95

Eight leaders rally “New” Europe to americans side, sidaa waxaa isku qanciyey Pre. George W. Bush oo ay ka muuqato sida u saluugsan*(1) yahay, culayska ay yeelan karaan sideed hogaamiye oo sheegtay inay ka socdaan Yurub oo  Silveo Perlusconi gudoonsiiyey kalsoonidooda, balse waxaa si jeesto ah markiiba gaashaanka ku dhuftay hogaamiyayaasha waaweayn ee Midawga Yurub.

 

Kama daalayo in xal nabadeed loo helo Bariga Dhexe sidaa waxaa isaga oo aad u qaylinaya ku celceliyey Gerhard Schröder, waxaa iyaguna sidaa la qaba inta badan hogaamiyayaasha EU-da.

 

Waxaa jira koox maamulka sare ee Maraykanka ka mid ah oo taageera dawlad Israa’iil sidaa waxaa yidhi Sir Andrew Green oo ahaa amassadorka Ingiriiska Suuriya 1991-94, Sacuudi Careebiya 1996- 2000,

Gerhard Schröder  
Germany Consular

Robert Baer ayaa isaguna yidhi dadka Maraykanku waxay yidhaahdaan afar indhood hoostood.... Isaga oo ula jeeda dal laba madaxwayne ayaa xukuma.

 

Wax xidhiidh ah kama dhexeeyo Sadaam iyo dhacdooyinkii 11. September sidaa waxaa yidhi Sir Andrew Green .

 

Waxaa dood aad u ba’an TV-ga ku dhex martay nin dadka nabada u ololeeya ah iyo nin madax ah oo daafacayey siyaasada debada ee Danishka taas oo ku sigatay in doodii faraha ka baxdo, kadib markii ninkii nabadoonka ahaa adeegsaday hadalo uu qiray kasoo horjeedihii. Isaga oo adeegsaday dagaalkii Vietnam si uu kiciyo dareenka dadka, wuxuu abaarayey meelba meesha ay ka halis iyo khatar badanayd iyo erayo uu xamili waayey masuulkii la doodayey “hada waxaad leedahay qalad bay ahayd shalay markii Maraykanka lagu taageerayey xasuuqo Vietnam, maantana waxaad leedahay aan taageero 150 million xasuuqooda oo weliba loo adeegsado cashuurta muwaadinku bixiyo ayuu yidhin”, waxaa dhidid iyo xanaaq iyo hanjabaadba is haysan waayey masuulkii dawlada daafacayey, doodiina halkaas baa lagu soo af jaray.

Amb. Sir Andrew Green

Senator Rep. Chuck Hagel oo ah foreign affairs candidate ayaa isaguna qaba aragti ka duwan ta dawladiisa “dawladu kama fekerin khatarta ka soo fool leh, muddo intee le’eg ayuu socon donaa ama dhaqaale intee le’eg ayuu ku kacayaa dagaalku” ayuu is waydiiyey mar  waraysi lala yeeshay. Senator Hagel oo ka soo qayb qaatay dagaalkii Vietnam waxay la tahay dadka aan ka soo qayb qaadan dagaalo hore inay go’aan degdeg ah iska gaadhi karaan ayuu yidhi.

Senator Rep.Chuck Hagel

Mar la waydiiyey wasiirka arimaha dibada ee Danishka ujeedada Maraykanka ee ku wajahan dagaalka Ciraaq “waxaa uun la doonayaa in laga gaadho inta uusan gacanta ku dhigin hubka wax gumaada oo hadii uu helo cid taaban karta ma jirto, sida N. Korea oo maanta lagu dhici la’yahay, hadii sidaasi dhacdo dadka dunida oo dhan ayuu baadayaa” ayuu hadalkiisii gun uga dhigay.

 

 

Ugu danbayn khubaro loo diyaariyey war bixintii 05.02.03 uu Colin Powell ka jeediyey UNka ayaa wax wayn ka soo qaadin.

Per stig Møller  
M. Danish Foreign affairs

Hadda oo aan qoraalkan qorayo dood socotay muddo toban daqiiqo ah waxaad moodaa inay noqotay dhegtaana ka dhegayso taana kasii daa, waxay khubarada falanqaysay oo laga xidhiidhinayey dalka gudihiisa iyo debadiisaba ilaa hada ku sheegeen warbixinta Maraykanka mid lagu qancinayo caalamka iyo shacabka Maraykanka, suuro gal ma aha in lagu kasbado  dadka reer yurub waxaa intaa sii dheer waaba habsan waqtigan xaadirka “macnaha cidiba ka dhegaysan mayso”, ayey toban daqiiqo kadib isla markiiba ay ku soo ururiyeen.

     

 Xassan Nuur
Email: SRG14@jubiimail.dk 
Feb 6, 2003

Sources: DK-TVs, European news Disk , CNN Archives , AP , AFP  

______________
*(1) kelmedda: qanacsan ::::::: sixid: saluugsan = qawadsan.

_____________________________________
AFEEF: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com

 QORAALDAII HORE EE XASAN NUUR

»»LATEST FROM IRAQ NEWS ----- ENGLISH.VERSION

[wararka kaleHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  Halkan Ka daawo Colin Powell hadalkii uu ka jeediyey UN-ta..... CBC  

 

Saddam Xusen oo Waraysi Siiyey Channel 4
Waraysigii Saddam Xuseen ee laga soo daayey TV-ga Channel 4 ee dalka Ingiriiska ka daawa HALKAN

»»“Bulshada Rayidka”, Waa Tee, Waa Tumaa?
»»Shirka Qarsoon ee C/Qaasim iyo C/hi Yuusuf
»»WAANO GUUD SOMALIYEEY
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI 

MA OGAADEENIYADII BAY LA DHALIWAYDAY !!!?
Faaladii Xagar Yare.... GUJI... Feb 4

»»CUDURKA AIDS-KA: Muxuu yahay, sidee lagu kala qaadaa, maxaana looga hortagi karaa? W.Q. Faarax A. M.; University of Karachi

WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA 
Wasiirka arrimaha is dhexgalka ee dalka Denmark Bertel Haarder ayaa ku hanjabay inuu ciqaab marin doono waalidiinta somaaliyeed ee ubadkooda ugu dira Somaaliya dhaqan celin awgeed.  GUJI... Feb 3

Toronto: Taageerada Jaamacadda Geeska Afrika
Shir ay qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario ayaa lagu qabtay  huteel ku yaal Toronto....  GUJI... Feb 3
  

I  I  D  H  E  H

Sucuudiga oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa kale oo wasaaradu sheegtay in....  GUJI... Feb 2

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah
om

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD