SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

WAANO GUUD SOMALIYEEY

W/Q XASAN C. TAHLIIL  
Islamnimo@yahoo.com
  

Feb 4, 2003


Allah s.w oo ah rabiga xayaatada nagaliyey cirka sare u qaaday dhulkana goglay wuxuu noo bayaaniyay aduunka iyo aakhiro waxaa maslaxadeeno ku jirto wuxuuna allaah noogadigay waxwalbo oo dhibaato nagasoo gaarayso aduunka iyo aakhiraba labadaba. shay walboo lagu liibaano Allaah wuxuu ku biyaaniyay kitaabka munazalka ah waxkasta oo lagu halaagsamo, Allaah wuxuu umada oogadigay kitaabka munazalka ah faa''idada kuligeed, aduunka waxa lagu raaxaysto oo darajo lagu helo oo dawlad lagu dhiso oo dhaqaale lagu soo saaro oo technology lagu barto rabi wuxuu ku cadeeyay kitaabka iyo sunnada nabiga s.c.w .. 

  [qoraalka oo dhanHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

wax walboo dhibaato iyo dibudhac keenaya, rabi wuxuu ku cadeeyay say umada ooga tigtoonaadaan, sidaa darteed Allaah s.w wuxuu yiri quraanka kan lasoo dajiyay oo allaah qaadirka ah kalaamkiisa wuxuu umada ku hanuuniyaa wadada mida ugu toosnaanta badan dariiq midka ugu wanaagsan ayuu umada tusiyaa , xaga caqiidada wuxuu dadka tusiyaa caqiido mida ugu fiican, xaga cibaabada dadka wuxuu tusiyaa midka ugu wanaagsan , xaga mucaamalka iyo dhaqanka aduunka wuxuu tusiyaa dhaqan midka ugu qeymaha badan, quraanka waa sidaa ( yahdii lil latii aqwam) dariiq midka ugu fiicnaan badan uu umada ku hanuuniyaa , naxariista Alle waxaa lagu gaaaro ayuu dadka baraa, cadaabka waxaaa loga karo ayuu dadka baraa . arinka inuu sidaa yahay Allah wuxuu yiri: ( ubishaaree nabiyow waxaa ugu bishaaraysaa dadka wanaaga samaynaaya wanaaga maxaa yeelay quraanka wuxuu u bishaaraynaaya dadka camalka wanaagsan sameenaya oo waxa rabi raali ka yahay ku dhaqmaaya ayuu quraanka u bishaaraynaaya muxuu ugu bishaaraynaayaa ajri weyn oo cadiima ayuu ugu bishaaraynayaa) camalka saalixa waxaa layiraahdaa qalbiga waxaa kaaga jiro, xibnaha waxaa ka samaynaysid carabka waxaad ooga hadlaysid , suuqa saad wax ooga gadanaysid, waaa inay waafaqsanyihiin kitaabka Allaah iyo sunada nabiga s.c.w..


ha u qaadanin nollasha binu'aadamka inay ka mid tahay meel aan diinta islamka kawarameen, waxaa lagaa dhaadhcinaayaa marka qoloda science ka kuu timaado, doctor hebel ayaa wuxuu qoray arin ku saabsan nolosha, doctor hebel ayaa wuxuu ka hadlay arin ku saabsan kiimiko waxaa dhaqaatiirta oo shalay soo ogaadeen iyo sanabyadii, diinta islamka horay ayay ooga hadahshay, lakiin dad yaqaano oo barto oo ku dhaqmo ayay u baahan tahay, xaqiida sidaa waaye. lakiin dadka maanta taagan waxay ku leeyihiin kitaabka Alle iyo sunnada oo labartaa xoogaa wadaadnimo iyo waxay ku tusinaysaa jileec. yaa aqoon yahan indheer garad iyo dirac loo yaqaanaa ninka sigaarka labada farood ku qabsada iyo inan gafuur cagaaran siduu wadada usula taagan yaqaana, kaasaa aqoon yahan iyo indheer garad layiraahdaa,,


axadka diinta yaqaana oo xaaraanta halagatago yiraahda waxaa loo yaqaanaa geed halaabay oo dib udhac keenay.
waxaa halaabay oo dib udhacay oo diloobay qofka quraanka uyahay music, qofka waxaa uu ku qanco yahay jaraa''idka iyo joornaalada, qofka waxaa uu dhagaysto ey yihiin oraahda qarbiga iyo reer galbeedka iska leeyihiin, qarbigu waa CADOW aan diin laheen oo akhlaaq laheen oo sharaf laheen, ninkasta oo amaana oo soo dhagaysta akhlaaq iyo diin malahan, maxaa yeelay wax ay binu aadnimada ka garanaayaan baa la arag, markuu u ku leeyahay qarbiga qaba iyo dimocracy ga qabta, war dimogracyga mataqaana waxay tahay qaawaniinta dimogracyga waxay ku salaysan tahay mataqaana waa anaka oronayno dimogracy gaa hoose qaba, no music qaba war somaliyeey rabigayn an ka baqno oo aan waxaan iska dayno, oo diinta islamka aan barano oo dhaqankeeda aan la imaano oo aan hirgalino. Allah s.w wuxuu yiri: (adka aakhirada rumayn oo camal saalix la imaaan, daka oo aan aakhirada oo nabiga s.c.w ku dayan, dadka oo aakhirada rumayn oo xaraanta ka tagin, dadka oo aakhirada rumayn oo aan xaqa ilaalin, waxaan u diyaariyey cadaab weyn oo jirkooda kufilan)


cadabkaas wayn maalinta la hortago,, orodoo doctarada iyo diblomada wax hakuu qabtaan , ama bal wax hakuu qabtaan anigu waxaan taagaarsanaa dawlada reer galbeedka,
xaga aakhirada lagama yaqaano neensa iyo hayadaha sheedaanka lagama yaqaano duwal waaweyn oo quwad leh, laga mayaqaano unitenotion iyo haayadaha la isku dhiibo lagama yaqaano aduun barwaaqo sooran layiraahdo oo labayka oo gacmaha loo taagto ee qaxootibaan nahay ee noo gargaar.
axad walboo wuxuu maanta halkaan kasameeyo ayuu aakhiro kahelaa.
rabigiin ka cabsada oo xaqa barta,
rabigiin ka cabsada oo rasuulka ku dayada,
rabigiin kacabsada oo xaraanta jirkiina ka ilaaliya hadaad doonaysaan inaan xowdka nabiga s.w..
li ana allaah wuxuu cadeeyay axadkastoo oo aan aakhirada u diyaar garoobin cadaab xanuun badan in loo diyaaariyay, axadka muslimka noloshiisa oo idil waxaa cadeeynaaya waa quraanka, li ana allah wuxuu yiri: ( nabiyow waxaan dushaada ku soo dajiney kitaabka quraanka ah, kitaabka quraanka waxaan ku dhignay shaywalbo mid cadeeya wax walbo mid bayaaniya xumaantoo dhan mid kadiga buu allaah s.w yiri) quraanka wuxuu bayaaniyay sida wax loo gato sida technology loo barto sida dadka caalamka loola dhaqmo iyo sida dhulka kheeraadka looga soo saaro.
yaykaa dhaadhicin reer qarbiga dadka ku nool ee culumada ee utaqaanin, dadka maanta jirow inay aygu tacliinta aduunka keeneen bay ka dhaacdhaacshaan lakiin yaysan idin khaldin.


hadaba walaalaha somaaliyeed oo meelkasta jooga qaas ahaan wadama reer galbeedka waxaan ugu baaqayaa in ey diintooda islamka eysan ka daciifin, oo ey hirgaliyaan xadiiskii nabiga s.c.w oo noo sheegay oo ahaa (aakhiro samaanka waxaa lagaari doonaa ruuxa muslimka uu noqon doono asoo diintiisa ku dhagan ey lamid tahay asoo dhinbil naar ah gacantiisa uu kuhaysto) taasi waxay noo cadeynee in muslimiinta ey diintooda lagu dhibi doono oo lagu dilaayo ama la silcinaayo, maskaasaa dadka diinta afka ka sheeganaayo uu diinta dhan uu iska inkiridoono allaah naguma keene.
marka walalayaaal maanta aan dunida aan u jeedno waxa kaasocda wey iska cadahay oo islamka ayaaba maanta la ugaarsanaaya oo kii meel ka khudbeeyaba ey laxiraayo ama dilaayo marka soomaliyeey aduunkaan been beenta ah yeysan nala tagin oo aan isdaba qabano oo diinta aan xajino oo allaah aan ka baqno oo aan diintan u gargaarno. tusaale ( malaayga ma asagaa bada u baahan mise bada ayaa u baahan) walaalayaal waxaan ogaanaa in aan diinta eysan noo baahneen ee anagaa u baahan ee taas ogaaada.....................................................lasoco 2aad...

W/Q XASAN C. TAHLIIL  
Islamnimo@yahoo.com
 
wixii figrad ah ama tallo ah.
xariir wanaagsan

Afeef: Aragtida qoraalka waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan

-dhammaad-

I  I  D  H  E  H

Sucuudiga oo Bixiyey 1.3 million Visas Xajjka Sannadkan 1423
Sidaas waxaa shaaca ka qaaday Wasaaradda Arimaha gudaha ee Sucuudiga, waxa kale oo wasaaradu sheegtay in....  GUJI... Feb 2

DAREENKA DADWEYNAHA IYO TODDOBAADKAN
Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Ergey Nabad Doon ah

URURKA AFRIKA OO GALAYA TIJAABADII KOOBAAD
Midawga Afrika ayaa markiisii ugu horraysay kulankiisii koobaad kuyeelanaya magaalada ADDIS-ABABA  GUJI... feb 1 

Dhanbaal Murugo leh: Gabadh ka soo Baxsatay Xabsiga Itoobiya: Wararka Radio Xoriyo GUJI...

WAR BIXIN KU SAABSAN SHIRKA ELDORET
Mr. Peter N. Nyagah ayaa maanta si cad u beeniyey warar ay jariidadaha Kenya qoreen oo ay ku sheegeen inuu shirka Eldoret qarka u saaran yahay in lagu kala huleelo...  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq.. 31/1 

WARARKA KALE EE JANAAYO

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD