|
Jawaabtii “Afkii Ilaahay”
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad oo dhan leh.
Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
”Caliyow da’daan ahay waqaa,
looma duurxulo’e
Duq gaboobey iyo wiil yar baa, loo dedaa hadale
Diirkaan ka garan xaajadaad, dabaqa saarteene”.
Sida dadka badankiisu
yaqaan, hadalkii Nabiyada Ilaahay (CS) isa soo gaarsiin jireen waxaa ka mid
ahaa: haddaadan xishoonayn waxaad rabto samee.
Ninkaas aad mooddid
inuusanba garanayn cidduu wax u qorayo, inay yihiin dad Soomaaliyeed oo
muslim ah (qof kastoo Soomaali ah muslim ma ahan) iyo inkalaba. Suurtagal ma
ahan in xittaa qof aan Muslim ahayn oo Soomaaliga wax ku qoraa ku dhiirado
inuu lasoo shirtago wax ka xanaajinaya damiirka dadka muslimiinta ah ee
Soomaaliyeed. Laakiin indho-adayga waa meherad Soomaaliyeed oo waxaad
arkaysaa Soomaali aan muslim ahayn ama kuwa shakki kaa gelayo inay
muslimyihiin iyo kale oo aan xittaa xeerinayn dhaqankii Soomaaliyeed,
haddayba diinta qoonsadeen.
Ninkaani mar uu qoraal
ilbaxnimada
ku saabsan ka hadlayey wuxuu bilowgii xussay in Soomaalidu geela dhaqato
halka Sweden ay doofaaro xannaanaysato. Wuxuu ka wadaa, ilbaxnimadu ma ahan
sidaad u taqaanid (muslimiintu/Soomaalidu) ee waa sida isagu (qoraagu) u
yaqaan. Wuxuu iska indho-tirayaa raacidda iyo meel marinta diinta Ilaahay.
Ninkaas waxaa dhibaysa
jacaylka Soomaalidu u qabto Islaamka iyo luuqadda uu ku soo degay. Carabiga,
awrkiisuu ku kacsanayaa. Bal aan ku bilaabo cinwaankiisa. Muxuu ka wadaa
Afkii Ilaahay? Cinwaankaas yar wuu awoodi waayey inuu Carabiga ka raad-gato.
Kalmadda Ilaah ma Soomaali baa? Hadduu dhihi lahaa Afkii Allaah, cududaar
baan u samayn lahayn oo waxaan ka dhigi lahayn sidii isagoo magacyo kale oo
aan la bedeli karin sheegay sida Islaamka, Muxamed (SCW), IWM. Marka
kalmadda Allaah lama yaqaan erayga Cariga ah ee laga soo dhanbashay, waxay
culumadu sheegaan dhowr erey oo Carabi ah oo laga keenay laakiin wax si cad
u gooyey ma arag. Ingiriisku markay erayga Ilaah xussayaan ooy ka wadaan
Allah waxay dhahaan (God), ilaahyada kalana (gods). Marka erayga Soomaaliga
ah ee u dhigma mee? Muxuu Allaah u qori waayey? Ilaah micnihiisu waxay ku
xirantahay qof walba wuxuu aamminsanyahay. Haddaad muslim tahay waa la
yaqaan. Haddaadan ahayna waa la fahmi karaa. Qolyahaad Islaamkooda ka
shakiyo, waa in aad qoraaladooda ka fiirisaa Allaah, iyada cidda uu u
tiirinayo.
Waxaan shaki lahayn in
qoraagu si sheex la’aan ah uu Ilaah ula hadlay ee maxaa ku khasbay? Ma
hadal-suuqeedkii baa halkaas la galay mise waa nin Islaamka ka aradan amaba
aan haysan? Wuxuu u dig iyo ham leeyahay Qur’aanka oo ah Hadalkii Ilaahay.
Waxaad mooddaa inuu na leeyahay, Carabigu ma Hadalkii Ilaahay baa? Qoraagu
uma baahnayn inuu boor isku qariyo. Dhallaan badan oo dibadaha jooga waxaa
dhaqan-celin loogu diraa Soomaaliya. Xittaa caruurtaas dadkii ehelka u ahaa
(khaasatan haweenka) kamay fakan in dhallaanka Soomaaliya joogaa ku dhahaan
waa dumarkii dhaqan-celiska loo keenay. Maaddaama ninkaas qoraa sheegtay
wuxuu u baahanyahay af-celin! Ma tii jawaabta ahayd baa mise afkaa loo
saxayaa?!
Horta Qur’aanku ma Hadalkii
Ilaah baa mise afkii (luuqaddii) Ilaah? Jawaabta qayb ka mid ah waxaad
mooddaa in qoraagu fahmay markuu dhamaadka maqaalkiisa ku xussay in
Soomaaligu yahay afkii Ilaahay. Waxaan filayaa in qoraagu afka Sweden looga
hadlo ku hadli karo, marka haddaan arko isagoo ku hadlaya afkaas ma dhihi
karaa afkiisu waa Swedish? Maya, hadduu Soomaali yahay maxaa yeelay
luuqaddeenu waa Soomaali. Qoraagu miyuusan ogayn in aan Ilaahay afka lagu
taagin? Luuqad Ilaahay ma loo tiirin karaa sida uu qoraagu ku jees-jeesayo?
Maya, maxaa yeelay Ilaah luuqadaha isagaa sameeyey oo mid mid uga adag ama
uga fudud ma leh. Marka qoraaga caynkaas ah, ninkii caddaalad ka sugaa,
isagaa gudcur indho ku caddayn.
Carabiga iyo Soomaalida.
“Shalaad dhalatoo waa la
shubi jiray”. Horta qiimaha Soomalidu diinta iyo Carabiga u qabto maahan mid
laga akhrisanayo qof dibad jooga. Waalidiinteenii (aabbayaashii iyo
hooyooyinkii) noogu sabab ahaa inaan ifka nimaadno, waa diideen in waxaan
Carabi ahayn la iskugu xalaaleeyo, waa meherkee. Waliba khasab ma ahan in
erayo Carabi ah la akhriyo marka wax la isu meherinayo. Dadka xittaa
garanaya inaysan khasab ahayn waxay door bidaan in Carabi loogu meheriyo.
Inkastoonan tirakoobin,
waxaan aamminsanahay in Soomaaliga caadiga loogu hadlaa, in ka badan 30%
Carabi yahay. Waa la isku deyi karaa inaad yaraysid amaba aadan Carabi ku
hadlin laakiin dhibaataad kala kulmaysaa, waqti badanna waa kaaga lumayaa.
Waxaan idiin soo bandhigayaa qoraalkii Ibraahin oo aan waxba ka bedelin,
kaliya waxaan sameeyey waxaan guduud/casaan ka dhigay erayada Carabiga ah
ama Carabi laga soo qaatay oo markhaati ma doontada ah. Carabiga uu dadka ku
haysto, kan aan la bedeli karin sida Islaam, kuwa aan u daayey sida diinta,
iyo kuwa Carabi ah laakiin micnihii is bedelay waan u daayey oo casaan kama
dhigin. Waxaan rabaa in walaalaha haga boggagga Soomaalida isku xiraan
maqaalkiisii aan wax ka caseeyey iyo qoraalkayga. Marka maqaalkiisu wuu
dheeryahay, uma baahnidin inaad akhrisaan, waxaa la rabaa inaad isha ku
fiirisaan inta casaan ah.
Wuxuu kaloo xussay in lagu
doodo in Qur’aanku yahay Hadalkii Ilaahay! Maaddaama uu Soomaali la hadlayo,
ma garanayo cidda ku dooday, isagu maku jiraa kuwa dooda ka qaba arrintaas?
Ilayn Soomaali dood qabta meynaan arage (inta gaalada ah oo faro-ku-tiriska
ah maahee)?
Wuxuu si jees-jees ah u
yiri dad badan baa aamminsan in hadday Carabi akhriyaan Ilaahay ajar uga
helayaan. Aniga laftayda ayaa aamminsan in Carabiga qaarkiis ajar iyo
xasanaad dheeraad ah Ilaah agtii looga helayo. Miyuusan ninkaasi ogayn in
Qur’aanku Carabi yahay? Ma qof Soomaaliyaa shakki kaga jiraa ajarka iyo
fadliga uu leeyahay akhriska iyo ku camal-falka Qur’aanka? “Alif laam miim”
Qur’aanka ku jira xaraf kasta sida “Alif” ajar baa laga helayaa. Salaadda
Afsoomaali ma lagu akhrinkaa? Waxaan ka wadaa Qur’aanka salaadda dhexdeeda
ama takbiirta, tasbiixda iyo tahliisha ku jirta? “Allaa weyn, salaadda ma ku
xirankaraa? War ma nabad baase ma uga bixi karaa”? Miyaadan u jeedin qiimaha
Carabiga? Teeda kale Qur’aanku waa inuu Carabi yahay. Gebyaa Khaliif Sh.
Maxamuud la oran jiray baa isagoo qabiil ku guubaabinaya inay SDDF soo
galaan wuxuu yiri:
hablahaad u ardaa dhigi
jirteen dhume raggoodiiye.
Wuxuu ka wadaa haddii
qabiilkaas aydaan taageerin oo la tir-tiro xaggeed ka helaysaan dumar aad
guursataan ilayn gabar aan aabbo lahayn lama arage. Marka maan-gaabnimadaada
baan la yaabay. Miyaadan u jeedin inuu dadkii Afsoomaaliga ku hadli jiray
dabargo’i rabo? Yaa kuugu hadlaya luuqadda? Ma Sweden baa looga hadlin?
Haddii xikmadii Islaamklu kaa maratay waxaa la rabay inaad taqaanid tan
Soomaaliga sida canjeelo siday ukala koraysaa loo cunaa (oodo dhacameed
marba mid baa la qaadaa). Carabiga aad arkaysid sidee adduunka lagu
gaarsiiyey? Ma falsafad? Mise jihaad iyo naf? “Marka intaadan yur oran warmo
yeelo”. Ninkaas xaggayga wuxuu ka yahay shimbiraha raq-joogta ah ee marka
dugaagu wax disho, lafaha iyo uuska feenta. Hadda dadkii Soomaaliyeed waxaa
qalanaya qab-qablayaal oo diin, dal, dad, iyo duunyo fasahaadiyey.
Waxaa la yaableh in haddeer
ninkaasoo kale usoo dhigto diintii Islaamka iyo luuqaddeedii. Laakiin maxay
yeeli karaan? Bal hadduu qoraal hayo muu la hadlo Riyaale oo martidii iyo
magantiiba ka maaro-waayeen? Muu dadkiisa baro tixgelinta Binu Aadamka?
Marka xukuumadda Somalilandna maatada iyo masaakiinta ha mariyeen, adna
miladdeena muran geli.
Qoraagu wuxuu ku caasiyey
Carabiga, isagoo iska dhigaya inuu Carabiga haysto (anigu waxaan u arkaa
inuu diinta u danleeyahay). Waxaad arki doontaan isagoo qirtay in Ingiriis
Soomaali loogu dhawaaqo ka yimd Ingiriiska sida eeraboodh (airport) laakiin
boqolaal eray oo Carabi ah oo maqaalkiisa ku jira oo qof walba u muuqata
waxaa laga yaabaa inuu inkiro oo yiraahdo waa la Soomaaliyeeyey. Marka bal
fur ninkaxaas oo fiiri inta eray oo Carabi ah oo maqaalka ku jira. Inaad
akhrisid uma baahnid. Immisaa casaan ah?
F.G. Runtii ma rabin inaan
u jawaabo kadib markaan arkay sida uusan u xurmaynayn dadka Soomaaliyeed ee
muslimka ah. Waxaa shalay warqad ii soo dirtay gabar Soomaaliyeed oo tiri:
adaa wax qor-qoree, ninkaas wax dheh. Ilaahay walaashaas iyo annagaba hanna
xafido.
Idinkoo raali ah fiiriya
inta kalmaddood oo Carabi ah oo uu adeegsaday maqaalkiisa oo aan casaan ka
dhigay. Fur ningaxa hoose idinkoo raali ah. Kaliya isha mariya, haddaad
rabto ha akhrin.
Af Carabiga
kujira qoraalka...... GUJI
Mahadsanidin.
WABILLAAHI TOWFIIQ
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8,
2003
»C/waaxid
oo Dafiray Beel Degta Puntland
[DhegoCade]
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|