SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Badownimo iyo ilbaxnimo

Ibraahin Yuusuf Axmed
hawd99@hotmail.com
Waa qoraa ku nool Iswiidhan.

Lixda milyan ee tuldood ee Soomaaliya ku dhaqani, maxay kaga duwan yihiin lixda milyan ee doofaar ee Iswiidhan ku dhaqan? Muxuu ninka iswiidhishka ahi doofaarka ugu faani waayey ee aan anigu geela ugu faanayaa?
 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Malaha dunida ma jirto ummad ay sideenna iskaga darsan tahay oo kala saari kari la badownimada iyo ilbaxnimadu waxa ay kala yihiin iyo kooda wanaagsan. Intii aan hanaqaaday marar badan iyo meelo badan ayaan goobjoog ama qayb ka ahaa fadhiyo ay dad soomaaliyeed arrintaa kaga doodeen. Haddii aan natiijadii doodahaa xasuusta ku soo ururiyo inta badan libinta waxaa lahayd badownimada. Sow wax lala yaabo ma aha in uu qof badownimo u doodayaa ka gacan sareeyo mid ilbaxnimo difaacaya? Maxay inoogu adag tahay in aynu labadaa sifo qiimaha ay kala leh yihiin kala siinno?

Waxaa inoo caado ah xifaalaha ku saabsan badownimada iyo ilbaxnimada in aynaan dhaafin oo ku warwareejinno shakhsi iyo shakhsiyaad, weligeenna uma gudbinno heer ummadeed. Taasi waxay muujinaysaa labada ta muhiimka ahi sida ay inoola macne daran tahay.

Bal haddaba aan badownimo iyo ilbaxnimo u gar naqo, taana aan ka bilaabo in aan labada sifo qudhooda barasho inoogu celiyo.

Waa maxay ilbaxnimo, waase maxay badownimo?

Ereyga ”Ilbaxnimo” waa soomaali dhalad ah oo isugu dhafan il iyo bax. Magaca ”il” wuxuu yeeshaa saddex macne:

1) Il ah ta wax lagu arko.

2) Il ah bannaan yar oo meel jiq ah looga baxo.

3) Il ah biyo dhulka ama buur gunteed ka soo burqada.

Haddaba sida muuqata ”ilbaxnimo” waxaa laga soo qaatay ta koowaad oo looga jeedo ilfurnaan ama si fiican wax u arkid. Waxayna lid ku tahay indho la’aan ama arag liidasho, taas oo qofka qaba ku ridda qardojeex iyo ambasho.

Ereyga ilbaxnimo asalka uu doonaba ha lahaado wuxuuse u dhigmaa ka gaalka ah ee ”civilasation” iyo ka carabiga ah ee ”xaddaarah”. Waxaynu u qeexi karnaa sidan: af ahaan waa dhaqan bulsho, ujeeddo ahaanna waa dhaqan ay bulsho xilli yeelato oo leh waxqabad horumarsan haddii loo eego kuwa la casriga ah.

Nasiibdarro ereyga ilbaxnimo lidkiisa af soomaali kuma hayo, kumana buuxin karo ”dambayn” waayo ujeeddo kale ayuu u dhacayaa. Waxaanse u qaadanayaa ”badownimo”, kaas oo qudhiisu macne kale samaynaya laakiin ujeeddada inagu ridaya. Ereyga badownimo wuxuu leh yahay asal carabi ah oo ka yimid baadiyah – miyi, dabadeed badaawah – miyinimo, haddana badwi – reer miyi.

Waxaa kala jira ilbaxnimo iyo reer magaalnimo oo isa saameeya laakiin aan khasab ahayn in ay isku mid ahaadaan. Waxaa jiri karta reer magaalnimo aan ilbaxnimo lahayn, laakiin ma jiri karto ilbaxnimo aan reer magaalnimo lahayni. Dad magaalo waa ay ku dhaqnaan karaan iyaga oo aan ilbax ahayn, laakiin ilbax ma ahaan karaan iyaga oo aan magaalo ku dhaqnayn.

Reer miyinimaduna waa iyada oo lagu noolaado nolol aan magaalaysnayn, oo jees, duddo iyo beel loo dego. Reer miyi waxaa noqon kara xoolo dhaqato, beeraley, kalluumaysato, dabato i w m. Nolosha sidaas ah ee aan magaalaysnayn, lagana yaabo in la guur guuro, waxaa lagu yaqaan ilbaxnimo la’aan. Waayo dhaqanka sidaas ahi feker qoddo leh iyo waxqabad aayo leh ma abuuri karo.

Laakiin magaaladu waxay isu ururisaa dad badan oo aqoonta, waayo-aragnimada iyo fekerka ay ku kala duwan yihiin isdhaafsada oo kala dhaxla. Halkaas oo dabadeed uu ka abuurmo dhaqan isu tegey oo dhala horumar. Laakiin mar baa dhici karta ay dadkaas badan ee magaalada isugu yimid noqdaan xashiish aan wax macno leh isu keenin, horumarna abuurin.

Mar haddii ay sidaas tahay, ilbaxnimada helisteeda iyo xoojinteedu waa waxa ay bulshooyinka dunidu u wada halgamayaan. Waa sababta qaran loo dhisto, qarankaana xeer iyo nadaam dadnimo iyo garasho ku dhisan loogu dhaqo. Waa sababta wax loo barto, wax loo dhiso, waxna loo halabuuro, dabadeed waxaas loo qiimeeyo loona dhawro. Ilbaxnimadu waa waxa dadka dad ka dhiga ee dugaagga ka duwa. Ilbaxnimada beddelkeedu, sidii aynu soo aragnay, waa badownimo, taas oo ku sarbeeban dhaqanxumo, dambayn, nololxumo, dadnimoxumo i w m.

Haddaba sow wax lala yaabo ma aha in aynu ilbaxnimo, oo ah u taagan dadnimo, iyo badownimo, oo taagan bahalnimo, tartansiinno ama sidoodaba isu keenno? Waxaa aynu moodnaa caadooynkii hore in lagu sii dhegganadaa in ay ka fiican tahay wax cusub in la abuuro. Taas ayeynu isku ammaannaa oo isku aaminnaa. Bankaas cidlada ah ayeynu dabayalaha dhaxanta iyo cabsida leh ee dhan walba inagaga soo dhacaya u yaxoobnaa. Taa waxaa dhaantey in aynu dhaxanta iyo cabsida ka kacno oo socod hore ugu dhiirranno. Waa innagaa noqonnay dad aan feker cusubi ka soo dhex bixi karin, noloshana wax macno leh ku soo kordhin karin.

Sida dadka ayey ilbaxnimadu dhalataa, kobocdaa dabadeed dhimataa. Saddexda marxaladood mid waliba waxay leh dahay sababo keena. Waxaa ay ka dhalataa duruufo feker, dhaqan iyo dhaqaale hagaagsan. Waxaa ay ku kobocdaa kartida maskaxeed iyo muruq ee dadka oo isbiirsada. Waxayna u dhimataa duruufihii dhaliyey iyo kuwii kobciyey oo meesha ka baxa, amaba masiibo debedda kaga timaada.

Waxa ugu weyn ee ilbaxnimo dhaliyaa haddii ay tahay bulshada oo isbeddel cusub samaysa, cudurka ugu daran ee dilaa waa iyada oo meel ku dhagaxowda, oo marxalad iyo hab-nololeed xilli jirey dhaafi kari weyda. Dhagaxoobid wax bulsho uga darani ma jiraan. Waa sidii baabuur cidla la dhigay oo ay sannado badan dabaysha, roobka iyo qorraxdu rifayeen. Maanta marka dhagaxoobidda laga hadlayo bulshooyin dhawr ah ayaa farta la isugu fiiqaa. Laakiin innagu kuwaa farta lagu fiiqayo waa aynu ka sii shishaynaa oo maba muuqanno.

Yaabku ma aha oo keliya sida daran ee aynu dunida uga dambayno, waxaase ka sii daran sida aynu dambayntaa raalli ugu nahay. Maxaa u marag ah in aynu raalli ku nahay? Badankeennu ereyga ilbaxnimo waa aynu ku xajiimoonnaa, wuxuuna inoola mid yahay khiyaanoqaran iyo dabadhilifnimo. Qofka ilbaxnimo u dooda, lidkeedana ka dooda, waxaa raacda eed, waxaana loo arkaa in uu denbi galay oo gaalo raacay. Sababta oo ah ilbaxnimada waxaa aynu moodnaa dhaqan reer galbeed.

Markii aynu ilbaxnimada maanta dunida ka jirta reer galbeedka siinnay, reer galbeedkuna inaga midab, dhaqan iyo diin duwan yahay, amaba aynu cadow u aragno, ayey ilbaxnimadu sideedaba xumaan inoo noqotay. Markaa waxaa aynu isku qaladnay dhaqan reer galbeed u gaar ah, ha xumaado ama ha samaado, iyo ilbaxnimada ay cid waliba wax ku leh dahay una baahan tahay. Sidaas ayeynu horumarka aadamigu soo wada hooyey qayrkeen u siinnay innaguna isaga qadinnay.

Taas waxaa ka daran isla marka ilbaxnimada cuqdadda laga qabo waxaa la qurxiyaa oo la difaacaa dhaqanka miyiga. Waxaa macne weyn la siyaa duurgalnimada, geeljirnimada, dirirta iyo xafiiltanka qabiilka, iyo u adkaysiga baahida dabiiciga ah. Geelu, tusaale ahaan, waa maxay qiimaha ilbaxnimo iyo dadnimo ee uu faan ummadeed u yeelan karaa? Lixda malyuun ee tuldood ee dhulka ay soomaalidu degto ku dhaqani maxay kaga duwan yihiin lixda malyuun ee doofaar ee Iswiidhan ku dhaqan? Muxuu ninka iswiidhishka ahi doofaarka ugu faani waayey ee aan anigu geela ugu faanayaa? Hilib inaga xaaraansan iyo mid inoo xlaashani waa halkooda, laakiin geela iyo doofaarka labaduba sow xoolo la dhaqdo uun ma aha?

Sideedaba lahaanshaha geel badani miyey hodantinimo iyo horumar muujisaa? Miyey nolol wanaagsan iyo liibaan keentaa? Maya ee qoyska bulshada ugu geel badan ayaaba ugu darxumo badan. Kurey geel raacay wuxuu halis u yahay inta balaayo Eebbe laga magan galo. Wuxuu halis u yahay in uu harraad u bakhtiyo ama gaajo u dhinto; in uu bahal la tago ama halaq fijaaso; amaba in uu ambado. Haddana waxaad arkaysaa xaaladda sidaas ah oo lagu faanayo. Waxaad arkaysaa aqoontii iyo fekerkii casriga ahaa oo halkii wax cusub lagu abuuri lahaa noloshaas abaaddey lagu xayaysiinayo. Mid iyo dhif mooyee buugta soomaalida ee waqtigan soo baxda waxaa dusha lagaga bilaa sawir geel. Ma nafta ayaa la hafrayaa mise cid kale ayaa la qaldayaa?

Sida ay ila tahay xaaladda sidaas u liidata waxaa inagu haya saddex arrimood:

1) Dabci uu badanaa aadamigu iska leh yahay oo ah in noloshii hore la isaga hiloobo, xataa haddii ay xumayd.

2) Dad badan oo aan nolosha miyiga waayo-aragnimo u lahayn laakiin dhegta ka maqlay xaqiiqadeedana wax badani ku seeggan yihiin oo haddana iska ammaanaya.

3) Dad ay kartidooda feker iska liidato kuwaas oo in ay wax walba sidii looga hadli jirey uga hadlaan mooyee aan meel kale wax ka eegi karin.

Maxaa lagu kala gartaa bulsho ilbax ah iyo mid badow ah?

Bulshadii cabbaasiyiinta ee ay Baqdaad caasimadda u ahayd iyo tii tataarka ee dhanka waqooyibari kaga soo duushay waxay ahaayeen isku casri. Labaduba waxaa ay lahaayeen awood burburin iyo dagaal, waxayse is dheeraayeen cilmi, akhlaaq iyo waxabuur. Dhaqankooda ayaa kala horumarsanaa. Reer baqdaad waxay ururiyeen oo tarjumeen waxii dunida cilmi iyo feker wanaagsan ka jirey. Dabadeed waxay u dhiseen Daar al-kutub – aqalka buugaagta. Mongoolkuna markii ay sannadkii1258 Baqdaad qabsadeen wax alla waxii qornaa webiga ayey raaciyeen. Khaliifkii cabbaasiyiinta ugu dambeeyey, al-Mustacsim Billaah, markii ay naftu ka sii baxaysey shaki la’aan wuxuu si niyadxumo leh ilqoodha uga sii jalleecayey cilmigii qarniyada la kaydinayey sida fudud ee uu hoggaamiyihii Mongoolku, Hulaagu, webiga ugu darayey. Sababtaas ayey labadaa bulsho midi taariikhda ugu gashay ilbaxnimo, ta kalena cawaannimo.

Sifooyinka bulsho ilbax ah lagu garto waxaa ugu horreeya kala dambaynta iyo habsami u wada noolaanta. Waxaa ka mid ah sida ay bulshadaasi u dhawrto dadnimada iyo karaamada qofka. Taa waxaa soo hoos gelaya arrimo badan oo ay ka mid yihiin: nabad, caddaalad, xorriyad feker, oggolaanta aragtida iyo dhaqanka lagu kala duwan yahay i w m. Bulshada ilbaxa ahi waa ay u jajaban tahay oo kama baqato kamana diddo waxii ku cusub. Bulshada ilbaxa ah waxaa aad uga dhex muuqda dadkeeda leh kartida maskaxeed iyo halabuur: aqoonyahanka, gabyaaga, fannaanka, qoraaga, filosoofka, wadaadka iyo kuwa la midka ah. Ma aha uun horumar akhlaaqeed, aqooneed iyo dhisme, ee heerka maciishadduna wuu sarreeyaa.

Intaas oo sifo ah beddelkooda waxaa leh bulshada badowda ah. Waa bulsho sidii dugaag meel lagu wada xareeyey isu cunta, oo ku nool fowdo iyo qalalaase. Qofka bulshadaas ku jiraa ma helo karaamada iyo xushmada uu mudan yayhay. Muruqa ayaa ah caddaalad, waxaana la isugu nool yahay sida loo kala adag yahay. Qofkii feker cusub keena waa la dilaa ama la dayriyaa.

Imisa dhinac ayey badownimo inaga haysataa?

Sidii aynu soo sheegnay mar haddii ay ilbaxnimadu tahay dhaqan bulsho, ma jiri karo dhaqan wada hagaagsan iyo mid wada xumi toona. Dhaqan waliiba wuxuu leh yahay dhaliilo iyo wanaagyo labadaba. Keennuna waa sidaas. Qirashada cudurkuna waa bilowga dawada. Haddaba aynu qiranno cilladaha inaga haysta dhinacyadan.

1) Dhaqanka

Qabyaaladdu waa waxa ugu horreeya ee maskaxda ku soo dhaca mar kasta oo laga hadlayo dibudhaca dadka soomaalida haysta. Berigii hore dabiici ayey ahayd qofku in uu qabiil ka tirsanaado si uu u noolaado oo difaac iyo taageero u helo. Laakiin markii la dawladoobey, dawaladda ayey ahayd in ay qofka halkii qabiilka u gasho oo garab iyo gaashaan u noqoto. In ay sidaa noqon waydaana waa dullinimo aad u weyn.

Qabyaalad qaran ku jirtaa waxay bulshada ka dhex abuurtaa tartan iyo loollan faalso ah oo aan maslaxad dhab ah ka socon kuna socon. Taasi waxay beddeshaa loollankii xalaasha ahaa ee loo baahnaa in uu ka dhexeeyo dabaqadaha iyo quwadaha kala danta ah marna isku danta ah. Xaaladda hore waxay keenaysaa nacayb iyo burbur, laakiin isbahaysiga ku dhisan danaysiga dabaqadeed ama kooxeed wuxuu keeni lahaa horumar bulsho.

Qabyaaladdu waa hooyada dhasha dhammaan balaayada ku dhacda dadka isirka soomaaliga ku abtirsada. Waa hooyada dulmiga bulsho, dagaalka, nacaybka, eexda, kala aammin baxa i w m. Waa hubka ay cid waliba adeegsato. Waa dacaayadda ugu kulul ee uu siyaasiga xumi dantiisa u huwado. Waana qunjuraafka uu falallowgu bulshada ku sixro.

Arrinta kale ee dhaqanxumada weyn ahi waa mid qudheedu qabyaaladda ka mid ah, taas oo ah takoorka iyo quudhsiga qayb bulshada ka mid ah lagu hayo. Bulshooyinka ilbaxa ahi waxaa ay ilaa heer ku guulaysteen in ay dad kala midab, kala isir iyo kala diin ah xuquuqda iyo waajibaadka u simaan. Laakiin innagu dad innala midab, isir, af iyo diin ah ayeynu sabab la’aan u faquuqnay. Weliba raalli ayeynu ka nahay oo rabnaa in aynu sii wadno.

Arrinta saddexaad ee foolxumada ahi waa gudniinka gabdhaha. Waalid wanaagsan oo miyir qaba ayaa inantiisa yar xubin ka mid ah kuwa jidhkeeda ugu muhiimsan mindiil ku jarjaraya! Waa fal xanuun iyo argagax leh. Waa talo uu sheydaan Fircoon u hindisey, sidii aan mar hore buug ku qoray. Waa wax aan caqliga hagaagsani aqbali karin. Sidaas oo ay tahay waxaa jira dad weli taa difaacaya. Caadadaa bahalnimada ah haddii aynaan maanta si buuxda u joojin, shaki la’aan faca soo socdaa wuu ina nacdalayaa.

2) Fekerka

Bulsho walba waxaa hor yaal hawlo xal iyo waxqabad uga baahan, kuwaas oo ay qaar bulshooyin kale la wadaagto, qaarna iyada u gooni yihiin. Dhammaan hab-dhaqanka siyaasadeed, dhaqaale, abaabul iyo aqooneed ilaa maanta waxaynu u raacnaa xoogaa aqoon ah oo aynu cido kale ka bawsanney. Kuwa inoogu dedaal badani xalka waxaa ay ka raadiyaan buug uu nin carbeed ama caddaan ahi beri hore qoray. Dabadeed waxaa si ba’an loo hirdiyaa waaqica iyo duruufaha jira oo ka duwan kuwii fekerkaasi dartood u dhashay. Natiijaduna waxay noqotaa waxqabad silloon oo aan danta waafaqsanayn. Weli hanka iyo garashadu inama ay siin in aynu waddo cusub danteenna u xagaafno. Waa caajisnimo iyo kalsoonixumo yaab leh oo aynu afrikaanka kale la wadaagno.

Ma lihin feker ummadeed oo ku tacalluqa maslaxadda qowmiyadeed. Ma lihin asaas lama taabtaan ah iyo afgarad aynu ku wada dagaal galno. Ma lihin falsafad siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale oo dhalad ah oo aynu ugu tiirsan karno dawladnimada casriga ah. Halkaas ayey fowdada inagu dhacday oo dhami ka soo burqatay.

3) Diinta

Diinta sida loo fahmo looguna dhaqmaa ma aha wax sugan ee waxaa ku dhaca isbeddel joogto ah. Taa waxaa u sabab ah in ay tahay hadal hadalkuna yahay mergi. Sabataas ayey ilaa maalintii uu nebi Maxamed xijaabtey (scws) ay dadku aragtiyo kala duwan diinta uga haysteen, kala duwaantaas oo towxiidka iyo fiqhiga labadaba gashay. Shan iyo tobankii qarni ee ay diinta islaamku jirtey, boqollaal caalim ayuu mid waliba si gooni ah u arkay nas uu caalim kale si kale u arkayey. Dabadeed mid waliba koox dad ah ayuu aragtidiisa gashaday.

Khilaafku ma aha oo keliya faham aayad ama xadiis lagala baxay, ee waxaa dhacda in aragtiyo siyaasadeed iyo dano kale oo la isku diiddan yahay diinta lagula soo galgasho. Markaas ayuu dhinac waliba nusuus diini ah dantiisa ku qunsadaa, diintuna weli waa hadal, hadalkuna weli waa mergi. Labadaa nooc ee la isu khilaafo, fahamka nusuusta iyo u dedaalka danta, badanaa waxaa ay ka soo baxaan dunida carabta.

Wadaaddada soomaalidu kuwa carabta aad ayey ugaga liitaan soo dhiraandhirinta fikradaha diineed ee cusub. Taasina waa ka fuleynimo iyo damiinnimo. In ay marba aragti carbeed soo waaridaan oo bulshada ku jahowareeriyaan mooyee isuma quudhaan in ay iyaguba diintooda daraasad ku sameeyaan, oo ay fahamka uu caqliga iyo cilmigoodu siiyo kala baxaan. Ma iyagaaba ku dhaca! Taa waxaa ay kala mid yihiin ka u xilsaaran xalka maaddiga ah ee aynu isagana guuldarradiisa soo aragnay. Arrintu wax kale ma aha ee waa biyodhac ilbaxnimo carbeed oo si joogto ah ugu soo shubmaya godka badownimada soomaalida. Sidaa beddelkeeda ma noqon karto. Miyuu qof carbeed wax tixgelin ah siin lahaa aragti diineed oo ka timid wadaad soomaaliyeed si kasta oo ay u sarrayso? Jawaabtu waa maya, waayo wuu yasayaa.

Cid kastaaba ha inoo fasirto, waxaase jirtey si aynu diinta weligeen u soo haysanney. Waxay ahayd si habsami iyo nabad leh oo qofka iyo Ilaahay toos isugu xidha. Marar dhawr ah ayey fikrado carabta ka yimid nabadda iyo habsamida inaga dhabqiyeen, waa mararkii ay dariiqooyinka kala dambeeyey ina soo galeen. Maantana waxaa calanwallaynaysa, oo jiif iyo joog inoo diiddey, aragtida wahaabiyada ee Sacuudiga ka timid. Kuwa u ololeeyaa maba oggola in lagala doodo oo waxay u arkaan madhaafaan. Waxay la haliilayaan shaabbad gaalnimo oo ay ciddii ka aragti duwan degdeg wejiga kaga dhufanayaan.

In aragti gaar ah xaq iyo xaqiiqo kama dambays ah laga dhigaa waa badownimo feker iyo diineed oo aad u weyn.

4) Siyaasadda

Siyaasadda dawladnimo, sida cilmiyo kale oo badan, markii ay inoo timid waa aynu ku ashqaraarnay. Dabadeed qalad ayeynu u fahamney gurracna ugu dhaqannay. Qaladka ugu weyn ee aynu ka fahamney waa innaga oo dawlad iyo maamul isku mid ka dhignay. Afkeenna iyo dhaqankeenna midna labadaa erey kuma kala soocna.

Dawladi waa dalka, dadka iyo siyaasadda lagu agaasimo. Laakiin maamul waa talis awoodda fulinta marxalad xaddidan haya. Awoodda fulintu waa ay timaadaa oo tagtaa, iyada oo wadata madaxeeda iyo hawlwadeenkeeda kale. Laakiin dawladdu waa jiritaankaa qaran ee mar walba maamulku u imanayo kana tegayo. Waxay joogto u haysataa oo aan marnaba faraheeda ka bixi karin sharcidejinta, xeerilaalinta, bangiga dhexe iyo fulinta (oo ah maamulka isbedbeddelaya).

Qaladka kale ee aynu siyaasadda ka fahamney waa qofka xilka loo dhiibo oo mooda in la siiyey. Markiiba wuxuu toshaa kiishash, markiibana waxaa u soo baryo taga kuwii yaqaanney. Haddii la dhaliilo, amaba xilka lagala noqdo, wuu xanaaqaa oo dareemaa in lagu gardarrooday. Bulshaduna waa la mid oo qofka hantideeda booba, ama hawshii ay u dirtay ka soo bixi waaya, ama awooddii ay u dhiibatey ku takrifala, dhegta ma qabato oo debedda uma tuurto, ee makhaayadaha ayey ka cabataa. Dadka xilka haya looma arko xaqiiqada ah in ay yihiin danley adeeg loo dirtay oo mushahar lagu siiyey, ee waxaa la moodaa qolo nasiib badan oo Ilaahay u hiiliyey.

Fekerka iyo dareenka sidaas ahi waa badownimo siyaasadeed oo keenaysa qofkii la dirtay in isla isagii addoon loo noqdo.

Mar haddii ay sidaa tahay, oo aynu sidaa u dambayno, aynu ka doodno sidii wax loo casriyeyn lahaa, laakiin marnaba yeynaan ka doodin in ay habboon tahay iyo in kale. Hab-dhaqanka miyiga ka jiraa waa marxalad abaaddey oo ay khasab tahay in la beddelo, mana aha, haba yaraatee, nolol inoo qalanta ama inagu filan. Taa kama wado bulshada miyigu magaalo ha u soo guurto oo dillaal iyo siyaasi ha wada noqoto, waxaanse u jeedaa, iyada oo halkaa la joogo dhaqanka ha la waafajiyo waqtiga la marayo iyo dunida lagu nool yahay. Haddii kale waxaa aynu noqonaynaa ”zoo” aadamiga kale u soo daawasho tago.

» OOHIN YAXAAS: Furtaankii Dood Siyaasadeed [I.Y.]

Ibraahin Yuusuf Axmed
hawd99@hotmail.com
Waa qoraa ku nool Iswiidhan.

Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Dumarka Soomaaliyeed: Doorkoodii shalay iyo maanta GUJI.....

Labo Soomaali ah oo isku Gubtay Xerro Qaxoooti oo ku taal Dalka Jordan
Ka akhri warbixintii Ikraam... Guji   Sept 25

Waa Kuma Yesser Carafaat?
Taariikh/Faalladii Siciid Himilo... Guji...  Oct 6

Col. QADDAAFI WAA KUMA?...  

.. WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]