SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MUQDISHO
Dab Qabsadey Dekadda Ceel-macaan

calideqWQ: Ali Mohamed Haji (Calideeq)
E-mail: caliddeeq@hotmail.com 
MOGADISHU SOMALIA

Feb 20, 2003


Xaley Abaarihii 7:00pm fiidnimo wuxuu si lama filaan ah dab u qabsadey Dekadda Dabiicigaa ee Ceel-macaan Dabkaan oo Geystey Qasaaro maal balse aysan Cidna ku wax yeeloobey marka laga reebo Gubashada Guryo toban (10) ah oo ahaa Carshaan iyo Jiingado.

Dabkaan ayaa Hakad galiyey Habsami u Socodka hawlaha Dekadda inkastoo lagu guuleystey in la damiyo
Wararku waxey sheegayaan in dabkaani ka dhashey Goob Shidaalka lagu gado oo ka mid aheyd 10-ka guri ee gubtey.


Ma ahan markii ugu horeysay ee uu dab qabsado Dekadda Ceel-macaan muddo laga joogo Sanad ayey aheyd markii ay gabi ahaan Gubteen Guryahay ka Sameysan Qandalo iyo Jiingadha, Dhanka kale wararka naga soo gaaraya Degmadda Shalaambod ayaa waxey sheegayaan in uu Dab qabsadey Guri Cariish ah ay wax ku Gubteen Labo Caruurta da’doodan lagu sheegay 8 jir iyo 9 jir.

Wararka waxey sheegayaan in dabkaani ka dhashey Burjiko la dhex dhigey guriga taasoo keentey in uu Qabsado Darbiga guriga oo ah mid Dhis ah ama qoryo taasoo keentey in uu dabkii wada gaaro dhamaan Guriga.

Labadii Caruur aheyd ee uu dhaawaco kasoo gaarey Dabkaas Qabsadey Gurigooda ayaa waxaa loola Cararey Isbitaalka Marka si loogu Daweeyo.

Inta badan Dababka nuucaan ah ayaa ah ku dhaca Tuulooyinka ayadoo ay ugu wacan dhismayaasha oo ka sameysan Cariisyo iyo Baakado hadana si aad ah isugu dhaw iyo dadka tuulooyinka ku nool oo aan iska fogeyn waxyaabaha uu Dabku sida Sahalka ah u Qabsan karo



Ali Mohamed Haji (Calideeq)
Mugadishu Somalia
caliddeeq@hotmail.com
  

Dagaal ka Dhacay G/Shabeelada Hoose
Dagaalkaas oo la xiriirey dhul-beereed waxaa ku dhintay..... GUJI..

Shil Baabuur oo kadhacay Tuulada Qalimoow 
Baabuurkaas oo ka baxay Muqdisho warbixintii uu kasoo diray  Calideeq..... GUJI.. Feb 17

[TAARIIKH KOOBAN SOOMAALIYAHoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  TAARIIKH KOOBAN

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

I  I  D  H  E  H

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

1961 ayaa lasharciyeey isku taggii labadii qaybood ee Soomaaliya markas xorta kanoqotay.

1970 Xukunkii shacabku soo doortay ayaa latuuray, waxaana la wareegey militari.

1976 Waxaa la asaasay xisbigii Hantiwadaaga kacaanka Soomaaliya [Somali Socialist Revolutionary Party - SSRP]

1977 Waxaa Ogaden kudagaalamay Soomaaliya iyo Itoobiya. Sannadkii 1978 ayaa Soomaaliya dib u giratay, waxaana sannadkii 1988 heshiis nabadeed kala saxiixday Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin Soomaaliya kama noqon sheegashadii Ogaadeenya.

1978 bishii December 26keedii ayaa Addis Ababa  lagu asaasay  SSF [Somali Salvation Front].

1980 bishii October 21keedii ayaa wadanka Soomaaliya lageliyey Heegan [State of Emergency].

1981 bishii April 6deedii ayaa London, UK  lagu asaasay SNM [Somali National Movement].

1988 ayaa la asaasay USC [United Somali Congress].

1990 Bishii December ayaa dagaal kaqarxay Muqdisho, Janaayo 1991 ayaa siyaad Barre kabaxay Muqdisho, kadib markii ay dagaal kagahoryimaadeen USC. Dawladii Militariga ahaydna kudhacday.
ISHA.QORMADAN

BILICD SOOMAALIYA..... GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD [an error occurred while processing this directive]