SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - JAWAAB

  Ururka Dhalinyarada Ogaadeeniya
Jawaab ku socota Qoraalkii Xagar yare

Xagar Yare Wuxuu Meel Kaga dhacay Xog-Ogaalnimada Somalitalk

Sannadkii ina dhaafey bishii ugu danbeysay 27-keedii ayaa waxaa lagu soo qorey shabakada Somalitalk warbixin uu soo qorey Xagar-Yare, oo uu ku tilmaamey in masuuliyiin ka tirsan Killilka 5aad ay la soo hadleen iyagoo ka cadhysan war ay somalitalk soo qortey oo ka hadley iskuullada gobolka oo laxidhey.

. Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Xagar wuxuu warbixintaasi ku sheegey in ay masuuliyiintu ka soo hadleen meelo kala duwan “.isla duhurnimadii abbaare labadii ayay si,teel teel ah iigu soodhaceen sadex telefoon oo ka kala yimid magaalooyinka diri-dhabo, jig-jiga,iyo qabribayax oo ah meelihii markii hore "FAX"yadu ay ka yimaadeen.”

Waxaan aad ula yaabney in shaqsi wariye isku sheegaya uu boro bogaando qayaxan u sameeyo cid aanu warba ka haynin. Magaalada Diri dhabe ee uu Xagar yare sheegay in lagal soo hadlay wakhtigan lagu jiro kama tirsana maamulka Killilka 5aad, Waxaana ka taliya maamul gaar ah oo hoos-taga Xafiiska Raysul wasaaraha Ethiopia. Islamarkaana ninka Madaxweynaha ka ah maamulkaasi ma aha nin Somali ah ee waa nin udhashey qawmiyada Axmaarada. Dhanka kalena Magaalada Qabri Bayax oo Jigjiga u jirta in ka yar 40 Mile waxay ka mid tahay magalooyinka aan haba yaraatee wax is gaadhsiin ah lahayn marka laga reebo Taararka ciidamada Ethiopia.

Haddaa haddiiba aan u rumayno in Jigjiga laga soo wacay Xagar yare; suurta gal ma tahay in masuuliyiinta gobolku ka cadhoodaan warbixin ku daabaca shabakada ku hadasha afka jabhada u talisa Ethiopia ee EPRDF, oo la yidhaahdo Walta Information Center?
http://www.waltainfo.com/EnNews/2002/Dec/19Dec02/Dec19e2.htm

Jawaabta su’aashaas waxaan u dhaafnahy akhristayaasha.

Xog’ogaal la’aanta warku intaasi oo kaliya kuma ekee waxaa kale oo aan la amakaagney wuxuu xagar sheegay in iskuullada Ethipia loo fasaxay ciidaha masiixiga ah. Sida dadka oo dhami ogayahay wadanka Ethiopia ma tirsado taariikhada adduunku tirsado ee waxay gaar u leeyihiin taariikh gaar ah iskuullada dalkana looma fasxo ciidaha adduunyada kale.

Boro bogaandada uu Xagar u sameynayo dawlada Ethipia waxaa kale oo u ku sheegay in maamulka killilku uu yahay mid xor ah oo aan cidina so fara galinin. Nasiib darro Xog’ogaal la’aanta Xarag waxay dhaxalsiisay in uu ka waramo mid ka mid aha wasaaradaha sida aadka ah dhibaatadu uga jirto ; Wasaarada Waxbarashadu waa meesha kaliya ee faragalin siyaasadeed ay ku sameeyaan masuuliyiinta federaalku, waxaa arrin dadkoo dhami wada ogyahay ah in Madixii xafiiska ee hore oo la odhan jirey Cabdi waasac Muxumed Mahdi uu magan galyo siyaasadeed weydiisstay wadanka Mareykanka isagoo ka baxsadey caga jugleyn ay u gaysteen saraakiisha EPRDF hotaantii sanadkii tagey.

Ugu danbeyntii Shabakada Somalitalk oo ah shabakad si wanaagsan u soo xigan jirtey wararka geeska Africa ayaa waxaa nasiib darro u ah in dad isku sheegaya inay wariyayaal u yihiin ay ku ciyaaraan sumcada shabakada. Waxaana ku tilmaamaynaa warbixinta Xagar Yare mid indha la’aan iyo dhago la’aan isku darsatey.

Shariif Dheere
Ururka Dhalinyarada Ogaadeeniya
 oyacenter@hotmail.com 

Jan 6, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaara Ururka Dhalinyarada Ogaadeeniya

-dhammaad-

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD