SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Prof Samatar oo Eedayn Kulul Dusha uga Tuuray Kiblagat

Prof Abdi Ismail Samatar oo maanta aqoonyahanada soomaaliyeed iyo suxuufiyiinta joogta Nairobi u bayaaniyey fikirkiisa ku aaday shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Mbagathi, Kenya.

Abdirahman Omar Osman yarisow70@hotmail.com

  • waa "in la helo shaqsi hoggamiya shirka oo la bedelo Kiblagat" prof. Samatar
KAAH

Prof Abdi I. Samater oo in muddo ahba ku mashquulsanaa shirka soomaalida uga socda Mbagathi, isla markaana madax ka ahaa guddi dhexdhexaad ah oo loo doortay iney is waafajiyaan qoraaladdii ey soo saareen guddiyaddii ku howlanaa arrimaha dastuurka iyo sharciga ayaa maanta ku tilmaamay shirka dib u heshiisiinta inuusan u dhicin sidii la rabay ama shacabka soomaaliyeed ey filayeen. Prof Samatar ayaa caddeeyey inuu isagu shaqsi ahaan rabo in shirka uu guuleysto oo ey wax ka soo baxaan ha yeeshee uu ku tilmaamay in kalsoonidii laga rabay laga waayey isagoo sheegay in shirka ey masuuliyadiisu saarneed 3 qeybood oo kala ah 1) IGAD, 2) Somalida ka qeyb qaadatay shirka iyo 3) Haya'ada iyo waddamada caalamka ee deeqda bixiyey. isagoo sheegay in lagu aaminay seddexdan qeybood iney 1) soo celiyaan nabadda, 2) iney sharciga soo celiyaan iyo 3) nabad iyo sharci wada socda oo keena dowlad sharci ah isla markaana masuuliyaddeeda qaada.

Prof Samater ayaa sheegay in arrimaha kor ku xusan ee la filayey eysan dhicin oo la arkay beddelkood oo ah iney abuureen cabsi iyo argagax laga qabo shirka, iyo in ay sii korodho hay'adihii burburay ee waddanka gudihiisa ey ka sii dareen, in dhaqaalihii ummadda loo isticmaalo si shaqsiyaad ah , isagoo sheegay in mas'uuliyiinta soomaaliyeed ey ka seexdeen iney u dhaqmaan mas'uuliyiin ka damqada dhibaatada waddanka ka jirta oo uu sheegay in Somaliya ey dadkoodu xagga aqoonta sii liidato, in 2% ey helaan biyo nadiif ah iyo in deegaankii la xayuubiyey iyo isagoo sheegay in mas'uuliyiintan marka lala hadlayo ey ku hadlaan arrimo macquul ah ha yeeshee falkooda iyo dhaqankooda ey aad iyo aad uga duwantahay, arrimahan oo uu ku tilmaamay iney ka soo horjeedaan danta guud ee ummadda soomaaliyeed.

".....guddiga IGAD waa ka gaabiyeen iney sidaas xalaasha ah u dhaqmaan...."

Si uu shirkan ku naajaxo ayuu yiri waxaa loo baahnaa in guddiga farsamada ee IGAD looga baahnaa iney u dhaqmaan 1) dhexdhexaadnimo si ey u soo celiyaan kalsoonida ergada, 2) iney ahaadaan dad ka fog eex oo si daacad iyo sinnaan ku jirto ey ugu soo bandhigaan afkaartooda iyo 3) iney u maamulaan si daacad ah oo loo siman yahay, ha yeeshee ayuu yiri Professorku guddiga IGAD waa ka gaabiyeen iney sidaas xalaasha ah u dhaqmaan, oo ey xitaa garan waayeen is seddexdaas arrimood ey lafdhabar u ahaayeen shirka.

Prof Samatar ayaa ku sheegay in Kiblagat uu shaqsi ahaan yahay shaqsi waayo aragnimo dheer leh, markuu la wareegay xilkana uu is bedel xoog leh sameeyey oo ey ka mid aheyd isagoo joojiyey musuqmaasuqii iyo laaluushkii uu Mwangale qaadan jiray, isagoo yareeyey daqligii shirka ku bixi jiray taasoo u sahashay dowladdaha bixiya deeqda iney sii kordhiyeen dadaalkooda, ha yeeshee buu yiri halkii laga rabay inuu dhexdhexaad ka noqdo shirka ayuu dhinac u janjeedhay, isagoo arrintan ku tilmaamay iney xoogeysatay ka dib markuu booqasho ku tegay Addis Ababa, siyaasaddiisana ey si xoog leh isu bedeshay. Prof. Samater wuxuu garan waayey sababta Kiblagat uu u booqan waayey waddanka Somaliya ha yeeshee uu u booqday Ethiopia isagoo mas'uuliyadiisu aheyd dib u heshiisiinta Somalida. Dowladda Jibuti ayuu ku tilmaamay mid aan codkeeda la maqal ama aan ka hor iman dowladda Ethiopia tan ayuu ku tilmaamay iney Kiblagat oo isu arka dhexdhexaadiye uu mar walba codka dheer ee IGAD uu warkooda u maqlo, ha yeeshee uu hilmaamay inuu isagu yahay Kenyan oo la rabay inuu ka hor yimaado afkaarta Ethiopia haddii ey qaldan yihiin. Prof. waxuu ku tilmaamay in Dowladda Ehtiopia ey mas'uul ka tahay in shirka laga leexiyo tubtii habbooneyd eyna marar badan xitaa ka saareen liiska magacyo qaarkood oo uu sheegay uu isagu ka mid yahay. waxuuna yiri laba casho ka hor ayaa wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia uu shirka AU ka sheegay ineysan jirin wax la yiraahdo TNG, arrintan oo laga diiday buu yiri Prof.

WIIL UBAAHAN GARGAAR CAAFIMAAD

Wiilkan yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey, wuxuuna u baahana yahay  gargaar degdeg ah.

Kiplagat aad ayaa loogu rajo weynaa inuu shirka dardar geliyo ha yeeshee buu yiri Prof. inuu aad iyo aad uga weecday oo xitaa sabtidii 05/07/03 si sharci daro ah ku ansixiyey heshiis muhiim ah oo la rabay in shir weynaha la hor dhigo oo ey ka doodaan, ka dibna la dhageysto ciddii wax ku dareyso ama ka dhaheyso, oo uu yiri in loo baahnaa si wadajir ah in la iskula meel dhigo, ha yeeshee tan ma dhicin waxeyna ka soo horjeedaa heshiiska keeni kartaa in hakad weyn galo illaa laga xaliyo qilaafkan. Prof Samater ayaa sheegay in IGAD ey doonayaan in shirka ka dib ey tagaan Somaliya oo ey sii maamulaan qarash dhan $1 milyan dollar oo loogu tala galay mudada 6da bilood ee hore, tan Prof waxuu ku tilmaamay in IGAD eysan maamulka waddanka soo fara galin karin arrintana tahay buu yiri in Ethiopia ey dooneyso iney sii waddo sidii ey danteeda gaarka ah ku fushan laheyd iyadoo isticmaaleyso lacagaha caalamka ugu tala galay Waddanka Somaliya, isagoo yiri in IGAD ey ku guul dareysatay iney si habsami ah shirka u hoggaamiyaan.

Prof. Samatar ayaa soo jeediyey shan arrin oo uu u arko in xal u noqon karaan shirka iyo heshiiska somalida. 1) in gebi ahaan la bedelo ama la tirtiro IGAD oo shirka loo yeelo hoggaan kale,
2) in la helo shaqsi hoggamiya shirka oo la bedelo Kiblagat,
3) in dowladaha iyo hay'adaha caalamka eysan noqon daawadayaal oo ey shirka si xoog leh u maamulaan,
4) in la isu keeno hoggaamiyeyaasha kooxaha oo awooda militari leh iyo siyaasiyiinta iyo shacabka soomaaliyeed hoggaamiye dhaqameedkooda si xal nabad ah oo dib u heshiisiin ah loo gaaro, iyo
5) inaan la aqbalin 4.5 qeybta ah ee soomaalida loo qeybiyey, Professorku wuxuu sheegay in marka la helo tiro koob dhab ah ey soo bixi doonta in beelaha la yaso ey ka badnaan doonaan kuwa kale uuna sheegay iney noqon doonaan 1.5 halka hadda looga qoondooyey 0.5.

WQ. Abdirahman Omar Osman yarisow70@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2003

Tarzan iyo Eng. Yarisow oo la kulmay  David Bell
oo ah u qaabilsanaha arrimaha Somaliya ee Dowladda UK...GUJI

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somali ah oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD