SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

ABAALKA MADHIBAANKU KU LEEYAHAY SOOMAALIDA GOORMAANU GUDANAA!!!

Faalladii: C/Rahman A.Kaneec(C/Rahman Eelay) | eediran@yahoo.com 

KAAH

Gumeystuhu wuxuu Soomaaliya yimid isagoo ka war haya sida ay Soomaalidu u kala degan yihiin, sida uu dhulkoodu u eg yahay, sida ay isu colaadiyaan oo isu takooraan, diinta ay aaminsan yihiin iyo weliba taagta iyo itaalka ay leeyihiin. Waxaan la soconaa in markii ay reer Yurub qaybsanayeen dunida (waxa ugu badan ay qaybsadeen waa dalalkii Islaamku ka talin jirey. Kuwii la diin ahaa sida Itoobiya way badbaadiyeen sidii Islaamkuba uu u badbaadiyey; sidaasaa Itoobiyaanku u yiraahdaan weligeen nalama gumeysan!) waxay u soo direen niman khubura ah oo soo bartay cilmigii loo aasaasay in dadka lagu gumeysto oo la yiraahdo Anthropology(Barashada asalka dadka, dhaqankiisa, diintiisa iwm). Waxay nimankaa cadi gaafwareegi jireen dhamaan deegaanada Soomaaliya iyagoo qoraya waxay arkaan iyo waxa dadku u sheegaanba. Waxay qori jireen waxa uu hadba qabiilka ay la kulmaan ugu sheekeeyo. Haddii qabiilkaasi yiraahdo anagu carab baanu nahay oo dadka kale anagaa ka sareyna way qori jireen. Sidaasay ku bilaabatay sheekooyinka Soomaalidu ay isugu sheekayso oo ah in qabiil hebel uu laandheere yahay oo xataa uu Ingriisku ama Talyaanigu ay buugaag ka qoreen oo ay yaqaaneen!

Dhamaan nimankii Reer Yurub ee taariikhda la inoogu dhigi jirey inay ahaayeen badmareeno waxay wada ahaayeen niman u sahminaya inay deegaanadii ay dowladii Islaamka intii ka hadhay ay soo ogaadaan iyo niman diin faafinayey. Waxaa tusaale aad u fiican ka ahaa geyiga Soomaalida ninkii la magac baxay Xaaji Abdalla (Richard Burton)qorayna buuga la magac baxay THE FIRST FOOT STEPS IN EAST AFRICA ee Soomaalida ku dhexnoolaa sanooyin badan ahaana Imaam masjid markii la ogaadayna baxsaday. Hadaba dadka ay Soomaalidu quursto waxay ahaayeen dad ka horeeya soomaalida inteeda kale oo waxay yaqaaneen farsamo gamceed. Markii ay Daraawiishtu bilowday halgankeedii nimankii hubka u samayn jirey waxay ahaayeen bulshada Madhibaanka. Bal qiyaas akhristoow Daraawiish oo aan haysan hub xagey gaadhi lahayd. Halganka dheer ee ay la gashay gumeystayaasha kala duwanse ma hirgeli lahaa?

Maaha sheeko baraleey ee dad la yaqaano oo hadda ay tafiirtoodu joogto oo aanan doonayn inaan magacaabo bay kasoo jeedeen dadkaa sameynta hubka u lahaa khibrada. Madhibaan wuxuu ku leeyahay Soomaalida inteeda kale abaal aan la gudi karin maadaama ay ahaayeen lafdhabarta ileyskii ka holcayey Soomaaliya. Waxay badbaadiyeen dhaqanka, afka iyo Diinta aanu maanta haysano, waayo qowmiyadihii aan dagaalamin ee waayey farsamayaqaano hubka u sameeya waa kuwaa oo maanta AF, dhaqan iyo diin aysan lahayn bay haystaan. Intaa Soomaalidu dagaalka ku jirtay waa intii Afrika laga faaiideystay oo dhaqan iyo dastuur kale loo sameeyey. Markaanu ka hadlano halgankii Daraawiishta, Madhibaanku waxay bilaabeen sameynta hubka marka laga soo bilaabo dagaalkii u horeeyey ee ay Daraawiishta iyo Ingriisku wada galeen ee ka dhacay Qudhmis. Waxaan la yaabaa sababta loogu qori waayey buuga taariikhda ee looga sheekeeyo Daraawiishta.

DAGAALKII QUDHMIS

Taariikhdu markay ahayd abaaraha 1894 ayaa waxaa u yimid beeshii Cali Geri ee degenayd meesha lagu magacaabo Qudhmis niman uu hogaaminayey nin Ingiriis ah oo somaalidu ubixisay Cawar Ibleys. Nimankaa waxaa u rarnaa Awr fara badan waxaanay sideen sonkor iyo timir, wuxuuna rabey in uu ku soo jiito beeshaa Cali Geri si ay Sayid Mohamed u soo dhiibaan. Beeshaas waxaa xukumi jirey niman uu ka mid ahaa nin la oran jirey Xagar Xoosh. Markii loo bandhigay waxa uu Ingriisku u socday ayay beeshii dagaal la gashay nimankii uu hogaaminayey Cawar Ibleys. Waxaana halkaa lagu diley 60 nin oo uu ku jiro Cawar Ibleys. Dagaalkaasina wuxuu ahaa kii u horeeyey ee lala galo Ingiriis ka dibna dagaalkii halkaasuu ka sii amba qaaday. Beesha Madhibaanku waxay ka mid ahaayeen beelaha suura geliyey in dagaalada lagula jirey Gumeystayaashii uu dheeraado guulo waaweyna laga gaaro. Markii dagaalkii Daraawiishtu ku fiday deegaanada bari ee Majeerteeniya, khaasatan meeshii ay ka dhacday dhacdadii Ilig Deldela ayaa waxay Daraawiishtu hareeraysay dadkii deegaanka oo lagu eedeeyey inay la shaqeeynayeen gumeystaha xoolaha Daraawiishtana ay dhaceen. Waxaa la soo qabtay rag fara badan waxaana la faray inay kala baxaan ragan nin keliya inta aan la laynin.

Akhristoow waxaa ay go’aan ku gaareen in ay ragaasi la baxaan Samatar oo ahaa nin aad u yaqaana farsamada iyo sameynta hubka si uu hadhow u badbaadiyo bulshadooda. Samatar waa awoowaha ninkii Taliyihii caanka ahaa ee ay aadka u jeclaayeen Ciidamadii Xooga Dalka Soomaaliyeed. Haddaba Waxaa is weydiin leh haddii beesha Madhibaanku ay xoriyadii iyo sharaftii Soomaaliyeed ay u soo hureen oo weliba iyaga la’aantood aanaan taariikhda dheer ee manta aanu ku faano aysan suura gal ahaan lahayn, ma xaqbaa inaanu abaal uga dhigno Midabtakoor iyo Guur takoor?

Waxaan kasoo weriyey sheekadan

Sh.Jaamac Adan Guul iyo Aadan Xiireey oo ahaa dhashii kasoo doogtay jabkii Daraawiish.

eediran@yahoo.com  C/Rahman A.Kaneec(C/Rahman Eelay)

 QORAALADII HORE EE C/RAXMAAN EELAAY


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 22, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD