|
Waa Yaabe Xaguu ka Yimid Magaca YIBIR.!
Faalladii:
C/Rahman Eelay |
eediran@yahoo.com
1-
Asalka magaca oo ay dad badani ku sifeeyaan
HEBREW oo ah magac yasid ah oo quursi ah looguna yeeri jirey dadka aan u
dhalan wadanka Falastiin waayadii hore. Macnaha HEBREW maaha YUHUUD sida dad
badani moodayaan laakiin waa Soo galooti, Qaxooti, ama qof ka soo talaabay
webiga dhiniciisa kale. Waxa la yiraahdaa in Nebi Ibraahim(CS) loogu yeeri
jirey HEBREW maadaama uusan u dhalan Falastiin ee uu ka yimid wadanka maanta
la yiraahdo Ciraaq. Sidaa daraadeed HEBREW ayaa Yuhuud iyo Carab iyo Ummadda
kaleba dhalay ee maaha in magacu uu micnihiisu Yuhuud yahay! Ogow Yuhuud waa
hal qabiil oo keliya kana mid ahaa qabiilooyinkii 12-ka ahaa ee ay ka
koobnaayeen Bini Israaiil. Hadaba maxaa maanta dhamaantood Yuhuud kawada
dhigay ?!
2-Buur dheer oo ku taala wadanka Imaaraatka
ayaa waxaa lagu magacaabaa Buurta Yibraha (Jabal Yibir 1,527m)
3- YIBIR waa Qabiilooyin aad u badan oo ka soo
tafiirmay dadyow hore oo deganaa koonfurta magaaladii la oran jirey UBAR. Waa
la qabsaday oo laga xoog roonaaday waayo maysan lahayn ciidan iyo awood ay isku
daafacaan. Qabiilooyinka la deganaa ee la oran jirey Udani waxaa dhaqankooda ka
mid ahaa inay siiyaan hadiyad ka farxisa dadka YIBRAHA ah marka uu wiil u
dhasho ama aroos uu dhacayo!. Anaguna ilaa maanta waanu isticmaalnaa haddii
aanu Soomaali nahay!
Haddaba akhristow waayo qabiilooyinka lagu
magacaabo Udani , ma Qabiilooyinka loogu yeedho manta ADOON miyaa? Magaalada
Ubar-se xagey ku taalaa?
Koley anigu weli ma hubo qabiilooyinka magaca
Udani leh lakiin magaalada caanka ah ee aad looga sheekeyn jirey ganacsigeeda,
dhismayaasheeda, dahabka iyo qaniimada ooli jirtey ee ku taalay dhulka hadda
qalalan ee saxaraha wadanka Cumaan aan wax ka iraahdo.
Magaaladaasi waxay lahayd dhismayaal sida
taalada oo kale u dhaadheer, togag waaweyn oo biya mareen ah, Beero waaweeyn
iyo weliba dhirta fooxa oo aad u badan oo dunidoo dhami ay soo raadsan jirtay.
Nin Mareykan ah oo la yiraahdo Nicholas Clapp
oo qolada dhulka qoda ee wax ka baadha ah ayaa isagoo maalin akhriyaya buug ay
Giriigii hore qoreen oo ay kaga sheekaynayaan dhulka hadda isku ah Yemen iyo
Oman oo waagaas la oran jiray “Carabiyadii Nasiibka badnayd”ayaa waxaa ku soo
dhacday fikrad ah inuu waco NASA oo ka codsado inay dayax gacmeedka ku baaraan
magaaladan cajiibka ah ee luntay.
1992 ayaa NASA aqbashay codsigiisii
dayaxgacmeedka samada marana u dirtay meeshii dadka reer baadiyaha ahi sheekada
ku hayeen in magaaladaashi uu dhulka liqay. Sawirro badan oo lagasoo qaaday
ayaa waxaa lala yaabay dhismayaasha bacaadka ka hooseeyaa waaweeynaantooda iyo
dooxooyinka iyo jidadka ay lahaan jirtay magaaladaasi.
Sanooyin markii si taxadar ah loo qodayey
kadib baa lootegey wixii dadku ku sheekeysan jireen oo run ah. Waxaa ka
yaabisay dadkii wax qodayey sida ay isu keentay sheekooyinka dadka reer
guuraaga ah iyo waxa ay meesha ku arkeen!
Haddaba akhristoow Magaaladani waa magaaladii
uu quraamku noogu sheegay Suurada ash-Shura: 131-135, Suratul Fajri: 7 iyo
Suurada 89:6-9. Waxaa si fiican aad uga bogan kartaan Suurada HUUD oo idiinka
waramaysa wixii Nebigaa iyo dadkiisa dhexmaray.
Dadku waa reer caad Magaalada quraanku
sheegayna waa IRAM oo lahayd dhismooyin iyo taalooyin waaweyn beero iyo
hodantinimo sareysa. Kadibna markii ay beeniyeen Nebigii loo soo diray ee HUUD
ahaa lagu ciqaabay Duufaan iyo Toornaado socotay 7 habeen iyo 8 maalmood.
Duufaantaasi waxay dejisay magaaladaas iyo wixii dulsaarnaa ilaa iyo 12 Mitir,
maantani sideedii baa loogu tegey iyadoo saxaraha laga soo saaray!!!!!!
HADABA FOOXNA WAANU LEENAHAY OO WAA NALAGU
YAQAANAY, ADOON (UDANI) DAD LA YIRAAHDANA WAANU LEENAHAY OO LA YASO, LANA SIIYO
HADIYADO SI ILMAHA AMA AROOSKA AY UGU DUCEEYAAN, WAAGII HORENA DHULKU SIDAN MA
AHAYNE WUU KA DUWANAA OO WAXAA LAGA YAABAA IN ILAA CUMAAN IYO SOOMAALIYA IS
HAYSATAY. HADABA MAXAA HALKAA KASOO BIXI KARA? WAXAAN U DAAYEY AQOONYAHANADA
IYO AKHRISTAYAASHA INAY SII WADAAN BAADHITAANKAN!!!!!!
Faahfaahin dheeraad ah iyo sawiro badan ku
saabsan magaaladan ka eeg bogagan:
www.islam.org/science iyo
www.islamicity.com
C/Rahman Eelaay
eediran@yahoo.com
»
ABAALKA MADHIBAANKU KU LEEYAHAY SOOMAALIDA
[Eelay]
QORAALADII HORE EE C/RAXMAAN EELAAY
Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|