SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB
JAWAAB KU SOCOTA WARSAXAAFADEED AFHAYEENKA MORGAN EE W/AMERICA ( Ex GOLAHA SRRC)

http://www.somaliatalk.com/2003/july/2jul2303.html 

WQ. Liibaan  geele99@hotmail.com

asalaamu calaykum waraxmatulaah

KAAH

Salaan kabacdi waxaan wax lalayaabo ah qoraalada uu soo qoro ninka afhayeenka u ah janaral morgan
taa soo uu isku dayo in uu ku indha saabo xaqiiqda ka jirta soomaaliya iskana dhigo nin xaq ku taagan,
isagoo aan garanayn waxuu ka hadlayo. tan labaad ninka uu afhayeenka u yahay waa ninma waa moorgan oo ay soomaali wadataqaan xiligii sideetameedyadii waa ninkii dabka qabadsiiyay gobalada dhexe iyo gobalada waqooyi sagaashanaadkiina dabka qabadsiiyay gobalada koonfureed hadoo labadiikun lajoogana doonaya in uu dabqabadsiiyo gobalada k/galbeed.

Hadaan u soo laabto qoraalkiisii u danbeeyay oo uu ku difaacayo gacan ku dhiigle moorgan in ay Moorgan oo itoobiya hub soo siisay taas waa xaqiiq ninksata oo soomaaliyana waa og yahay in ay itoobiya ay hubsiiso wax qarsoon ma aha, midakale in morgan xanuunsan yahay waa run waxaa kuu cadaynaysa haduu fayawyahay dhiiga umada ma daadiyeen cadawga soomaaliyeedna masoo kaxaysteenee ee itoobiya, tansedexaad dad baa ku eedaysay in ay been abuur qoreen waa dhicikartaa balse kaad adigu qortay baa kawayn oo kaxun ee adugu ka waantoow,
soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "
maroodiga tagarta saaran maŽarko ee kankale tansaaran buu arkaa

waxaad qortay (Waxaana qofka saxaafada qora ka reeban been abuur iyo war aan sal iyo raad toona lahayn oo uu qoro oo waliba sumcadiisa hoos u dhigaysa, marka waxaan kula talinayaa in ay Raali galin ka bixiyaan
khaladka ay galeen oo beenta ah oo ay ummada u soo qorayaan (waa is-ogyihiin, waana la ogyahay shabakadahaasiye!!!!!!!
).)!!!!!!
waa talo run ah oo mihiim ah balse adigu qudhaada iska biloow oo qoraaladaada ka runsheeg wax umada wax wax utarayana qor qoraaladaadi horena kabixi raaligalin.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "hasha ayadaa geela cunta ayadaana cabaada":

waxaad kaloo qortay talo aad adigu u baahneed oo ah (waxaana kula talinayaa in ayna caadifadi qaadin iskana ilaaliyaan beenta ay kabaha u galinayaan!!!!.)!!!!!! waa talo run ah oo mihiim ah balse adigu qudhaada iska biloow oo caadifada jooji waxaa kaloo jira maahmaah soo maaliyeed oo leh (qaniiyo baa qaniiyo kale kaa fujisa).

Liibaan  geele99@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Faafin: SomaliTalk.com | July 25, 2003

Shabakado Caadaystay Been kasheega Moorgan
Warsaxaafadeed kasoo baxay afhayeenka SRRC ee W/A ayaa Guji...

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]