SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SPR
SOMALI PEACE RALLY

Galkaio, Somalia, July 9kii 2003


PRESS RELEASE
SPR/INFltlk/M6/127/2003

Tarab-tarab-u-dile Siyaasadeed (political serial killer) Doorasho ma leeyahay?

 

KAAH

Galkaio, Somalia, July 9kii 2003 – Somali Peace Rally – Ma aha caadada SPR inay u jawaabto shakhsi fikirkiisa sheegay, waaxdse mooddaa in qoraallo dhawaan ka soo baxay dad aan magacooda la aqoon ay u egyihiin af-hayeennada Col. Abdullahi Yusuuf Axmed.

Col. Cabdullaahi wuxuu yahay edaysane dad fara badan, mana aha nin diiddan inuu dadka dilo oo wuxuu marar badan rag kale ku dhaliilay inaysan dagaalka aqoon. Waxaa jira dad badan ee ku dhintay dagaal goobeed ee Abdullaahi soo abaabulay, waxaa ayana jira dad fara badan ee lala beegsaday dilal, dadkaas oo ay siyaasadda isku hayeen Cabdullahi ilaa intii uu bilaabay xukun doonka 1978. Dilalkaas waxa ay isugu jiraan xabsi-ku-dil, xabbad ku dil, gaajo ku dilo, iyo ciqaab ku dil waxaa ugu hilan saddexda magac ee ku soo baxay baaqeene hore June 30kii 2003 – waa Cabdiraxmaan caydiid, Suldaan Hurre iyo Col. Faarax dheere.

Saddexda marxuunba waxay ahaayeen kuwo aad ugu qiimo badan bulshada Soomaliyeed dhexdeeda, kuwaasoo ahaa, siyaasi, Issim, iyo Sarkaal sare. SPR ma soo qaadin dad badan oo dhowr darsin ah, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in Cabdullahi uu ku dilay sifaha kor ku xusan.

Dilka Cabdiraxamaan Caydiid ee Dire dawa 1984 marna ma demin sharqantiisu Cabdullahina waa daba socotay, oo waa tii Cabdullahi gabari qoorta maro uga xiratay guri kuyaala magaalada London sanadkii 99kii.

SPR ARCHIVE
. June 30, 2003
. November.30.2002
. Sept.25.2002
. August.18.2002
. October 2001
. August.20.2001
. August.8.2001
. July.27.2001
. July.25.2001
. June.19.2001
. June.13.2001
. May.31.2001
. November 17, 2000
. July 19- May 22, 2000
. July 19- May 17, 2000
. May 13 - March 21, 2000
GAASHAAN ARCHIVE
. May.30.2001
. May.18.2001
. February.21.2001
. February.15.2001
. Febraury.14.2001
. February.9.2001
BOOSAASO ARCHIVE
. Fedbruary.21.2001
. February.6.2001

Haddii maxkamad la geeyo la waayey ma ahan in ay dembi laawe ka dhigtay ninkii marxuumka dilay. Dekano duug ma leh ayaa Somalidu tirhaadaa, ninkii dembi galay haddii aan shalay lagu ciqaabin, maanta macnaheedu ma aha inuu bar'ii yahay. Waxaa nool dadkii ka badbaaday dilkii Caydiid, markhaatina ku ah Col. Cabdullahi.

Suldaan Hurre waxay isaga hor yimaadeen Cabdullahi tuulada Kalabayr 17.8.2002. Markuu gartayna wuxuu ka daba diray 2 baabuur oo baroon saaran yahay. Suldaankii waxaa la dilay asagoo garigii ka siidagaya, waxaana dilay wiil la yaqaan oo la aaminsan yahay in Abdullahi si gaar ah uu amar u siiyey.

Waxaa Cabdullahi BBC-da laanta af-Somaliga ka sheegay inuusan aqoon cidda dishay, jooginna meesha lagu dilay. “Waxaa jira nidaam iyo sharci oo arritaas waa la baarin” buu ku daray Cabdullahi waraysigiisii BBC-da. Haddii uuna Cabdullahi Somaali oo dhan been u sheegaynin, aaway guddigii baaray dilka Suldaanka? Yuu saaray? Yaa amray? Yaa xabbadda riday? Meeday natiijadii? Waa su-aalaha weli jira bacda sannad buuxa dilkii Suldaan Hurre. Waa wax lagu qoslo in qof la-socda xaalada dhabta ah ee soomaliya qaasatan Puntland uu yiraahdo maxkamadaa shaqeynaya ayaa ka jira Puntland.

Doodda ah maxkamadda Cabdullahi ku furan: makamada waa mid madani ah ee ma aha mid xeer ciqaabeed, waxay ugu yaraan qiraysaa in Col Cabdullahi ay dacwadi ku furan tahay. Dacwad maamul iyo dacwad qof loo haysto la iskuma khaldi karo, shakhsiyan asagaa Cabdullahi la haystaa, waxaan dacwadda wada dad fara badan oo siyaabo kala geedisan dilka Suldaanka uga damqaday. Waxaa taas markhati u ah muddaharaadkii London ee Cabdullahi tabbeelayaasha loo soo qaatay. Markhatiyadii kiiska Sultan-Hurre vs Col. Cabdullahi waxay hadda ku sugan yihiin Nairobi sidii London lagu geyn lahaa maxkamadina u dhagaysan lahayd.

 

SPR Haka Waantoobaan War aysan Cadayn u Hayn
Tayib Cabdishakuur oo jawaab kulul u diray SPR ayaa sheegay in GUJI July 7

Dacwad-suge Doorasho ma leeyahay?
Warsaxaafadeed kasoo baxay SPR ayaa.... GUJI... June 30

Dilkii Col. Faarax dheere: dilka ilaalada Cabdullahi ee Col. Faarax dheere ee dhacay maalin cad meel tillaabooyin u jirta meesha markaas Col.. Cabdullahi degganaa waa lama dafiraan. Gaariga farax wuxuu dhaafay jid-gooyo ilaalada Cabdullahi joogeen asagoo garoowe uga baxay dhanka koonfureed. Wax yar ka dib markii ay ilaalada Cabdullahi ogaadeen in Faarax ka mid yahay raga ka soo horjeeda siyaasada Col. Cabdullahi, Faaraxna soo noqday, ayaa waddada ilaaladu ku goysay dhagax, markii gaarigii istaagayna waxaa lagu furay xabad.

Saddexdaas markuum waa inta cad ee uu barqo tarab-tarab u dilay Kornayl Cabdullahi Yusuf Axmed. Ninka leh Cabdullahi magaciisa siyaaso baa la dilayaa, arrintu saas ma aha. Nin diiwaankaas dembiile leh ma aha inuu isu soo taago kursi qaran Soomaliyeed.

Nin la ogyahay inuu dhiig ku qubaysto maanta Somali uma baahna. Waa taas midda keliya ee siyaaso uga soo dhawaan kartaa qoraalkan. Ninkii dembi gala ee gaara mansab qaran wuxuu noqon lama taabtaan ama xasaanab buu helin - waa inaan taasi dhicin, ee tooshka lagu shidaa Cabdullahi iyo inta noociisa ahba, waa haddii Somali nabad waarta lala rabo.

Ugu dambeyn, Somaliya waxaa la rumaysan yahay in ay Liberiya isu waddo marayaan. Charles Taylor wuxuu yiri, “ha la i doorto”. Nin baa laga sheegay “waan dooran, waayo reer kayagii oo dhan buu dilay oo anaa ka haray, haddanan dooranna anuu i dilayaa”. Caqliga Tarab-tarab-u-dile Siyaasadeed iyo taagerayaashiisu waa taas. Adduunka iyo reer Liberiya ku khasaare Charles Taylor, Somali weyn iska ilaaliya in dembiilo dhiig u farahiisa ka qoyan lagu maslaxo darajada maamul qaran ugu sareysa.


sprally@hotmail.com  


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD