SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - CANADA

Somali Version | English Version

Maqaal ku soo baxay wargeyska 'The Daily Nation'
Waxaa af-Soomaali u tarjumay
Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com


Fousia Sheikh Mohamud Ali, oo ah xaaska Khalif Abdi Hussein, iyo qaar kamid ah carruurtooda oo ay sawirka ka qaaday jariidada Daily Nation ayagoo jooga Nairob i, Kenya. Khaliif meesha uu ku dambeeyey lama oga sida ay sheegtay jariidadu. [SAWIRKA: DAILY NATION]
 

Wargeyska maalinlaha ah ee la yiraahdo (the Daily Nation) kana soo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa taariikhdu markay ahayd Isniin, 7-da Luuliyo 2003, wuxuu daabacay maqaal cinwaan looga dhigay (Family plea to Kibaki over terrorism suspect), ayna si wadajir ah u qoreen MURIITHI MURIUKI iyo BERNARD NAMUNANE, kuna saabsan qoys muslim ah oo leh jinsiyadda dalka Kenya, asal ahaanna Soomaali ah.

Mrs. Foosiya Sheekh Maxamuud Cali ayaa ka codsatay madaxweynaha dalka Kenya Mr. Kibaki, in ninkeeda, Mr. Khaliif Cabdi Xuseen, oo ah 32 jir reer Garissa ah, lagu soo celiyo dalka Kenya kadib markii laba asbuuc ka hor lagu xiray isaga iyo afar kale oo ajnabi ah - laba Turki ah, mid Sacuudi ah iyo mid Suudaaniis ah - hawlgal ka dhan ah argagaxisada oo ay si wada jir ah u fuliyeen wakiillo Mareykan ah iyo booliiska dalka Malawi kadib markii looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin argagaxiso. Afada Mr. Khaliif Cabdi Xuseen ayaa sheegtay in hogamiyeyaasha dalalka Kenya iyo Malawi aysan u caddeyn sababta ninkeeda loo xiray. Xitaa lama oga meel iminka lagu hayo, inkastoo looga shaki qabo in loo gudbiyay dalka Mareykanka si halkaas loogu baaro.


Khalif Abdi Hussein
[SAWIRKA: NATION]
Haddaba, kadib markii ay dheceen mudaharaadyo falkaas looga soo horjeedo, ayaa madaxweynaha dalka Malawi Mr. Bakili Muluzi wuxuu qiray in uusan ogeyn meesha daacigaasi (Mr. Khaliif) ku sugan yahay. Warkaasna waxaa laga soo xigtay qoyska Mr. Khaliif.

Afada ninkaas oo murugeysan ayaa ku cabatay “Wax khalad ah ma samayn. Si sharci darro ah ayaa lagu xiray (ninkeyga). Waa nin daaci ah oo fidiya diinta Islaamka oo aan weligiis ku lug yeelan waxyaabo looga shakiyo argagaxiso".

Mrs. Foosiya (sida uu qabo dhaqanka Islaamka, afadu ma qaadato magaca dambe ee saygeeda) oo ka hadleysa sida ninkeeda lagu kaxaystay ayaa sheegtay in booliiska dalka Malawi ay kusoo xoomeen gurigooda saacaddu markay ahayd 2da habeennimo waxayna jiiteen ninkeedii, iyagoo u ballan qaadaya in maalinta xigta loo soo celin doono. Sidoo kale waxay qaateen dalkugalladii (passports) reerku lahaayeen iyo dhammaan buuggaagtii guriga taallay.

Laba maalmood ka dib, waxay soo celiyeen dalkugalladii reerka iyo qaar ka mid ah buuggaagtii ay qaateen, balse Mr. Khaliif Cabdi Xuseen lama soo celin.

Mwai Kibaki, Madaxweynaha Kenya

Mas’uuliyiinta dalka Malaawi ayaa sheegay in wakiillo xagga ammaanka ugu qaybsan dalka Mareykanka ay dalka ka qaateen dhammaan shantii nin oo looga shakisanaa argagaxiso ka hor inta aan lasoo joojin maxkamad.

Afada Mr. Khaliif, Mrs. Foosiya Sheekh Maxamuud Cali, oo ah hooyo haysata shan ciyaal ah (saddex wiil iyo laba gabdhood) oo da’doodu u dhaxayso hal ilaa sagaal jir, ayaa waxay muujisay cabsida iyo walaaca ay ka qabto ammaanka ninkeeda.

Waxay tiri "Dowladaha dalalka Turki, Sacuudi Carabiya iyo Suudaan waxay si xoog leh u baadi goobayaan meesha ay ku sugan yihiin muwaadiniintoodu balse dowladda Kenya kuma hawlana raadinta ninkeyga".

"Dowladdu waa in ay na caawiso sababtoo ah waxaannu nahay dad haysta jinsiyadda dalka Kenya. Haddii uu wax khalad ah sameeyay (ninkeygu) waa in lasoo celiyo oo maxkamadaha dalka Kenya lasoo hor joojiyo. Kalsooni ayaan ku qabnaa go’aanka maxkamadaha dalkeenna".

Asbuucii hore, mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya, Mohammed Yussuf Haji, ayaa codsaday in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay bayaan wasaaradeed ka soo saarto arrinta Mr. Xuseen. Bayaankaas waxaa la filayaa in uu soo baxo asbuucan.


Dr. Bakili Muluzi
, Madaxweynaha Malaawi

Mrs. Foosiya Sheekh Maxamuud Cali waxay ku xannibantay dalka Malawi kadib markii ninkeedii la xiray balse asbuuc ka hor kaalmo ay u fidiyeen dad samafalayaal ah (Good Samaritans) kadib waxay si nabad ah ku timid dalkeeda Kenya.

Mr. Khaliif Cabdi Xuseen wuxuu ahaa macalin hawl diin-fidineed (Islamic Mission) u jooga dalka Malawi ilaa sannadkii 2000. Wuxuu diinta Islaamka ku bartay Dugsiyada Islaamiga ah ee Al-Najax ee ku yaalla gobolka Garissa ilaa 1992-kii, wuxuuna shahaadada loo yaqaanno DEGREE ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina ee dalka Sacuudi Carabiya. Wuxuu bartay oo uu shahaadada ku muteystay Quraanka Kariimka ah iyo Cilmiga Islaamiga ah.

Inta uusan iman dalka Malawi, wuxuu macalin diinta Islaamka fidiya ka ahaa Madarasada Muslim Jamaacaat oo ku taalla magaalada Westville, Johannesburg, ee dalka South Africa.

Qoyska Mr. Khaliif Cabdi Xuseen waxay Wargeyska "the Daily Nation" siiyeen noqollo ka mid ah xaashiyo ay bixisay safaaradda dalka Sacuudi Carabiya oo caddeynaya in Mr. Khaliif uu damaanadqaad uu ku fidiyo diinta Islaamka ka haysto Wasaaradda Arrimaha Islaamka ee dowladda dalka Sacuudi Carabiya.

Mr. Khaliif walaalkiis, Mr. Saalix Cabdi Xuseen ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in Mr. Khaliif ay FBI-da Mareykanku u kaxaysteen dalka Mareykanka.

Mr. Saalix Cabdi Xuseen waxaa kale oo uu sheegay in walaalkiis oo ah nin da’ yar oo cod-jilicsan uu ahaa ruux u go’ay muslimnimada oo aan weligiis gacan ku yeelan hey’adaha looga shakiyo argagaxisada.

Wuxuuna yiri: "Madaxweyne Kibaki waa in uu xaqiijiyo in Mr. Khaliif dib loo soo celiyo oo dambiga lugu soo eedeeyay ay qaadaan maxkamadaha dalka Kenya. Argagaxiso shaqo ku malaha – wuxuu Malawi u tegay in uu guto shaqadiisa oo kelia".

Wuxuu mas’uuliyiinta dalka Malawi ku booriyay in ay arrinka wax ka qabtaan, baaraan, dambigiisana u qaadaan si waafaqsan sharciga dalka Malawi inti ay u gacan-gelin lahaayeen hey’adda FBI-da.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha in ay soo dhexgalaan arrintan oo ay hubiyaan siideynta walaalkiis, isagoo ku doodaya in dembi la’aan layska xiray walaalkiis, taasina ay jebineyso xeerka u dhigan xuquuqda aadanaha. Qoyska Mr. Khaliif waxay ku adkaysteen in Mr. Khaliif Cabdi Xuseen uu yahay nin aan dambi lahayn oo dalal ajnabi ah ay silcinayaan.

Ninkan laga shakiyay (Mr. Khaliif) waxay ina-adeer yihiin mudane hore u ahaan jiray xubin baarlamaan oo laga soo doorto degmada Ijara, Nassir Arte, oo qudhiisu goob-joog ahaa wareysigii wargeysku la yeeshay qoyska Mr. Khaliif.

Dowladda Mareykanku waxay qaaradda Afrika ka fulisay hawlgallo lagaga soo horjeedo aragaxisada; waxayna ka shakisantahay dhowr hey’adood oo Islaami ah oo ku hawlan arrimo bani’aaddannimo; waxaana lala xiriirriyay ururka Al-Qaacida oo lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxii safaaradihii Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania sannadkii 1998-kii, qaraxii Hotel Paradise, iyo qaraxii September 11.


-Wassalaamu Calaykum

Tarjumadii: Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada |
abdulfatah@yahoo.com

SomaliTalk.com | CANADA | ISHA: DAILY NATION

ENGLSIH VERSION
READ HERE...

ISHA: Family plea to Kibaki over terrorism suspect [Daily Nation, Kenya, July 7, 2003]

-dhammad-


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2003 | Updated July 10

Afeef: Sawirada madaxweynayaasha waa sawiro hore.

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD