SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Madaxweynino mise Wasiirka Koowaad? !

Cabdulqaadir Abiikar 
ABUKARAAh@aol.com
  
London

June 10, 2003

KAAH

La yaab ma laha murashaxiin badan inay u soo ban baxaan doorashada madaxweynaha Somaliya. Muddo 30 sano ah Somaalidu waxay ku soo dhaqantay "habka madaxweynenimo":- Presidential Model. Labdadii "constitution" ee 1960 kii iyo 1979 kii waxay siinaayeen awoodda ugu sarreysa ee waddanka Madaxweynaha waddanka. Taas waa dhaqankii siyaasadeed ee Somalida soo martay. 

Qaabkaas waxaa ka duwan hab kale oo loo yaqaan Baarlimantaariyaan oo siinaya awoodda ugu sarraysa waddanka Prime Ministerka (Wasiirka Kowaad), madaxweynuhu awoodiisa way kooban tahay.

Musharixiinta Madaxweynenimada way degdegeen: Laakiin waxaa la yaab leh in murashaxiinta ay isu soo sharxaan Madaxweynenimo iyadoo aan la arkin Dastuurka Federalka ah modeelka uu yahay: Presidential mise Parliamentarian systems! Marka dastuurka la arko oo laga doodo, ayaa murashaxiinta ay dhihi karaan waxaan u tartamaynaa Madaxweyne mise Wasiirka Koowaad. Mar kastana qasab ma aha dhaqankii siyaasadeed inaan mar kale raacno. Itoobiya in badan oo quruun ah ayay Boqortooyo ahayd, ka dibna isu badibna ay isu bedeshay Hab Madaxweynenimo ah (authoritarian presidential system). Haddase waxay ku dhaqantaa hab Barlamantari ah. Wax diidayo ma laha inaan isu bedelno hab Baarlamantari ah, laakiin aniguna ma garanayo wax ku qoran dastuurka cusub oo aan weli laga tashanin (oo aan la horgeynin ergooyinka Shirka Mbagathi, Kenya. Taas waxay keenaysaa dhammaan murashaxiinta madaxweynenimada inay isu beddelaan Wasiirka Koowaad, haddii uu dastuurka siiyo awoodda ugu badan Wasiirka Koowaad.

Doodda iyo ansaxinta dastuurka cusub waxaa samayn doono ergooyinka shirka Mbagathi, lamana yaqaano goorta la gudo gali doono hawshaas. Maanta(markii qoraalka la qoray) waa 7da Juun, waxaana ka harsan 11 maalmood maalinta uu yiri Mudane Kiplagati dawladda ayaan dhisi doonaa.

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI
 

Qarsoodi: Waxyaabo badan oo shirkan ku saafsan ayaa qarsoodi ku socda; waqtiguna aad buu u yar yahay. Taasna waxaad mooddaa inay ku talo gal tahay, si aan loo helin waqti ku filan in lagu ruugo arrimaha adadag, sida dastuurka. Mareekanka oo in badan ka cago jiidayay arrimaha Somalia, ayaa maslaxadiisa si degdeg ah u noqotay inuu ka caawino Somalida sida ay u sammaysan lahaayeen dawlad. Arrintaana waxay xiriir la leedahay waxa ka dhacay Mombasa oo u eg dhacdadii Bali (Indonesia). Mareekanka waxay qabaan geeska Africa khatar weyn ayaa ka jiraysa, haddii Somalida si degdeg ah aan lala dhisin dawlad. Tani waa isbedelka dheeraad ah oo siyaasadeed ay US sammaysay ka gadaal Dacdadii Mombasa, Kenya. Taasi waxaa ka sii horraysay isbeddelkii siyaasadeed ee Ameerikaanka ee Somalia diiradda radaarka soo geliyay ka dib 11kii Sebtembar 2001.

HAMBALYO AROOS:
Anagoo kala ah yusuf maxamed ibrahim(yusufbaxwal) iyo xaaskiisa siraad saciid ,ciise maxamed jaamac iyo xaaskiisa canab maxamed cabdi,maxamed saciid faryaamo,cabdi gani axmed faarah iyo muse darwiish waxaan halkaan ooga diraynaa hambalyo iyo bogaadin arooska mahad saciid cabdi rahmaan iyo khatra maxamed cabdi oo aqalgalkooda uu ka dhacay dalka kenya magaalada nairobi 09.06.03 waxaana leenahay arooskooda allaha ka dhigo kii waara oo ubad kheyr qaba kala hela aamiin aamiin aamiin.

Hambalyada arooska waxaa loogu hagaajin karaa bashiirey1@hotmail.com 

Ciidan nabadda ilaalinaya? Dawladda laga galbinayo Nairobi 1da July 2003 oo la gaynayo Somalia, ma hanan kartaa dawlad nimadeeda oo dhan? Ma ku soo celin kartaa waddanka dhammaantiis xukunka qaanuunka? Waxaa muuqata dawladdaas inay u baahan tahay ciidan Afrikaan ah oo maalgelintiisa ay bixinayso beesha caalamka inta laga sammaynayo ciidan waddani ah. Beesha caalamka diyaar ma u tahay taas?

Mugdagaan dhawaan waa laga bixi doonaa, marka arrintaan falkeeda la gudo galo.

Cabdulqaadir Abiikar 
ABUKARAAh@aol.com
  
London

Faafin: SomaliTalk.com | June 10, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Ogeysiis: Haddii wargeys kale (ama website kale) u baahdo in uu daabaco qoraalkan, waxaa shardi ah in la xuso xuquuqda SomaliTalk.com oo ah in qoraalka halkaas laga soo xigtey, waxaa kale oo shardi ah in qoraaga magaciisa iyo emailkiisa sida uu u qoray loo qoro, iyo weliba in aan qoraalka wax laga dhimin waxna lagu siyaadin ee loo qora sida uu qoraagu u qoray, haddii sidaas la yeelo markaas qoraalkan waa la faafin karaa, haddii kale waa xad-gudub xuquuqda qoraalka iyo saxaafada laga galay.

Ardayda Soomaaliyeed ee ka Qalin Jebiyey Dugsiga Sare ee Edison
Minneapolis: Maanta waxay ardayda Soomaaliyeed ee reer Minnesota u ahayd maalin farxad ah maadaam ay... Guji June 9

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

 


 

Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]