SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - GABAY
QORMADII EE 2AAD EE GABAYGA "DAAWO NABADEED"


BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIN. TIXDAAN GABAY OO MAGECEEDU KOR KU XUSAN YAHAY WAXAY KU SOCOTAA AMA KHUSAYSAA DHAMMAAN SHACABKA SOOMAALIYEED, MEEL KASTOO LA JOOGO. WAANA TIX AAN RAJEYNAYO, IN LAGU WADA QAABBILO QALBI SAN ILAAHNA  UU AQABALO. [GABAYGA HOOS KA AKHR]
Hoos Akhri 
KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR JABHADAHA KUWA DAADAHSHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR IDINKAA NA KALA DILAHAYEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAN GAAR AH BAA IDIN HAGTEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAACADNIMO INTAAD MUUJISAAN JOOJIYA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DEEGAAN-SALUUGOOYINKOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DHAC CIIDAN HA USOO DUMINEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DHIIG KALE SII DAADINNINEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAMAACIGA INTAAD MEEL DHIGTAAN JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOWLADAHA NALAKALA JIROW JOOJIYA DAGAALKA
WAR ANNAGA HA ISKU KEEN DIRINA'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAD DOC QURA WADA MARTAAN JOOJIYA DAGAALKA
WAR DULMIGA NINKII WADA QABTOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DABKA IYO QORYAHA NAGA DHIGOO JOOJIYA DAGALKA
WAR DALKEENNA AAN DIB U DHISNEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DIL LAGUMA FAANIYO SHIDDEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAKANIYO COLAAD LAMA WADEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DUULLAANKA KUMA BADINAYSEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAD HORLAA INAGA DHIMANAYEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR XUMIHI KA DAWOOBA OO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAD AAN HESHIINNINI DHUNYAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAHABKIYO SHIDAALKA ANQODNEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DHAAWACA AN DAAWEYSANNEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DUMARKIYO CARRUURTA U NOXOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR ISKU DOON AYAAN SAARANEHEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR MADAX DAACADA AN DOORANNEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR AQOONTA AAN DABA GALLEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DUNIDA AN LA XAAJEYSANNEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN DALALKA JIRA NALAKA TIRIN JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKAYAGU MA KALA GO'I KAREE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAWLADNIMO MA AYNNAAN GARANE JOOJIYA DAGAALKA
WAR QABIILLO DERISAAN NAHAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALLAD KORE AN WADA YEELANNEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR QOF WALBOOW DEDAALKAA QABOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DUMAR IYO RAG HAW KALA HARINEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR GACMAHA DIB HA U LAABANNINEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DOQON BAAN HESHIIS QAADANNINE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR AQOONYAHANKA KALA DAADSANOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DADWEYNOOW DHAMMAANTIIN KOCOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR CULIMAA'U DIINKOOW KOCOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR MIDNIMAA DAN NOO WADA AHE JOOJIYA DAGAA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DHALLINYARADA DIRICYADA AHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAD DAYEYSAN BAA INA HORGALA'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR DULALAATI BAAN MOODNEY DHULE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DEDAAL AYAA NALA FARAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR KUWA LAGU DANAYSNAHAYOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DERBIJIIFYADA IYO JIRRIGOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DAROOGADA KUWAAS KALA GATOOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DADKIIBA WADA WAALAYAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN ILAAH INA DALLAGIN JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN DABAYL NALUKU ROGON JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN DALKUBA INALA GO'IN JOOJIYA DAGAALKA
WAR INNAGAA ISWADA DUUDSINAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKEENNU WAA DIHINYAHAYE JOOJIYA DAGAALKA
WAR DANTA NOLOSHU NABAD WEEYE'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR AN DARARTA MAANDEEQ DHANNEE JOOJIYA DAGAALKA
WAR AAN NABAD KU DAANSHOONNO'E JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR KA DIB DEEQ ALLEE NOO FURMINE JOOJIYA DAGAALKA
WAR WACYI GELIN DADKEENNA U FUROO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DERISNIMO WANAAG KAMA DHAMMINE JOOJIYA
WAR DANTA LAMA HURAANKAA GARTOO JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOWJOOJIYA DAGAALKA

WAR DIINTIINNA RAACOO DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN DUBBUHU INAKU DHICIN JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN DAD KALE INA HANTIYIN JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN HABEYN NOO DAM ORAN JOOJIYA DAGAALKA
WAR INTAAN DAYUXU INAKA DHICIN JOOJIYA DAGAALKA
WAR DALKU YUU CIDLOOBINE DADYOHOW JOOJIYA DAGAALKA


KA: QORAA & ABWAAN
SAID ABDILLE ALI-ILWEYN  
danjire_saa@hotmail.com
  

Jan 29, 2003

<><><><><>

WARAYSI: FAARAX MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
Waraysigaas oo Somalitalk la yeesheen waxa uu taabanayaa  dhinacyo badan, gaar ahaan Siyaasada Kenya, iyo dib-uheshiisiinta Soomaalida... GUJI 28/1

»»WAANO KU SOCOTA AYAAN XIRSI
»»Hashu Maankeey Gataye Ma Masaar Beey Laqday? 
»»26 Janaayo waa malin sidee ah?
»»HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN 
»»
Warbixin aan loo baahneyn: Jawaab Qoraalkii Ceynte ee Ayaan  
 
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI  

I  I  D  H  E  H

  

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD