SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

Sheeko Dhaxmartey……..
Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com 

Waxaa meel wada fariistey,kahor inta ayney bilaamin xurgufta udhexeysa raga iyo dumarka, 11gabdhood ayagoo isku balansadey inaaysan qarin arimaha hoose ee ragooda, teeda xun iyo teeda fiican. Sheekadaan oo aad uxiisa leh ,waxaay aad ugu wanagsantahey marka ay kuqorantahey luuqada Arabiga.

Tankale, raga ayaa looga baahanyahey inaay ka taxadiraan arimahaan aay dumarka soo qaadeen kuwooda xun,walow ay sheekada kahadleyso waayo hore.  .[qoraalka oo dhan]Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Hada iyo Sheekadii iyo gabadhii 1aad oo tiri:

“Ninkeyga wax loogu dhinto malaha habayaraatee.Wuxuu lamid yahey neef geel oo caato ah (weyd) helibkiis, oo hadana saaran buur dheer oo aan lafuulikarin.Dhib mooye dheef malaha ninkaan!”

2aad ayaa tiri:

“Ninkeyga warkiisa sheegis malaha. Waxaay kufiicantahey inaan isaga aamuso waayo haddii aan kasheekeeyo waxaan kabaqayaa inaan waxba udhaafin(uhanbeyn) oo aan kutalaxtago sidaas awgeed iga gudba aniga oo idinka noo wada”.

3aad ayaa tiri:

“Ninkeygu wuxuu isku darsadey labo cudur oo aan laguwada joogikarin,dherar iyo doqonimo. Afka kalmad haddii ay iga soo baxdo waa furiin haddii aan iska aamusana sifiican ima dhaqanayo.”

4aad ayaa tiri:

“Ninkeygu aad ayaan ula dhacsanahey.Dabeecad tan ugu wanaagsan ee bani’aadam kudhaqmo ayuu leeyahey.Ninkulul oo aan kacabsi qabo ma’ah. nin qabow oo aan ucabsi qabo ma’aha.Waa kii layiri halanoolaado.”

5aad ayaa tiri:

“Ninkeyga waa nin rageed aan lahelikarin.Marka uu guriga soogalo namadhibo ee wuu iska saaxdaa. Marka uu baxayana isagoo heybad kamuuqato ayuu guriga kabaxaa. Mana aha qor-qode(qofka dumarka weydiyo howlaha guriga sida sonkorta iyo wixii lamid ah) guriga kahoos shaqeeya ma’ah.”

6aad ayaa tiri:

“Ninkeygu waa xerag lama sitaan(garmaqaate macangag ah).Dhowr cudur ayuu leeyahey; waa nin cirweyn oo cuntada iyo cabitaanka nooma soo reebo.Haddii uu saaxdana marada ayuu madaxa iyo minjaha kutuubta.Anigana ima soo dhugto bal inaan dhibaateysanahey iyo inkale.Waxaadba mooda inuu iga faanaya sida anigoo cudur qabo.”

7aad ayaa tiri:

“Ninkeyga waa caniin.Waxaa udheer doqonimo. Xumaan waxaad utaqaanid oo dhan ayuu kulansadeey.Inu madaxa kujibiyo,il kaa soo tuuro(rido) ama ilkaha kaa jabiyo ayuu yaqaan.”

8aad ayaa tiri:

“Ninkeygu waa nin xarago badan oo aan laheyn dabeecad aan dhibsado habo yaraate. Waxaa laguyaqaan barfuun iyo maryo qurux badan.Aad ayaan uladhacsanahey sida uu ku socdo ilaa iyo iminka.”

9aad ayaa tiri:

“Ninkeygu waa qof deeqsi ah oo martida jecel.Wuxuu daganyahey meel udhow golaha laysugu yimaado siloogu soo doonta waxa loo bahanyahey inta shirka lafadhiyo ama cidii marti ah ee meesha soo martaba.” .

10aad ayaa tiri:

“Ninkeygu,magac miskiin lagama ahe magac fiican, haddii aad ogaanlaheydeen ninkaygu wuxuu yahey! Waxaad sheegteen oo dhan wuu kafiicanyahey.Wuxuu leeyahey geel farabadan oo aan sidaas looga fogeyn guriga si martida loogu liso marka ay timaado.Deeqsinimadiisa geela laftiisa ayaa kamarakacaya oo marka uu maqlo durbaanka martida(imaanshiyaha) timid ayuu ogaadaa in loogowracayo (sooryo ahaan).”

11aad ayaa tiri:

“Ninkeyga waxaa layirahdaa Abu Zarci! Maxaad kataqaan Abu Zarci? Tin iyo cirib ayuu Dahab iiga buuxiyey.Wuu inaaxiyey markaas ayaan labo gidaar iskala ekaadey.Wuxuu iga soo guursadey reer faqiir ah; wuxuuna ikeeney reer ilaahey siiyey aduunyo oo dhan.Waxaan doona ayaa la’iiyeelaa.Waxaan doona ayaan kuhadlaa cidi ima dhibsato. Laygama diido waxaan codsada.Sidaan doona iyo goorta aan doona ayaan hurtada ka sootoosaa.

Waxaa sidoo kale xusid mudan hooyadiis oo aheyd qof cajiib ah.Waxay laheyd oo ay caan ku aheyd weelal waaweyn oo had iyo jeer buux buuxa.

Wiilkiisana hahilmaamin.Wuxuu ahaa wiil yar oo dhuuban oo qurux Ilaahey kumaneystey oo hadana aad uciryar(cunto yar).

Gabadhiisa ayaa sidoo kale aheyd qof amaanan. Waxay aheyd qof waalidkeed baariyad u’ah. Qof quruxsan oo ay dumarka kale kamaseyraan quruxdeeda iyo dabeecad wanaageeda.

Shaqaalihisa ayaa sidoo kale xusid mudan. Sirtanada mafaafiso!Cuntada kuma ciyaarto!Guriga ayey aad ugu rooneyd.

Waxaay arin sidaas ahaataba maalintii dambe ayuu socdaaley ,ayadoo bari samaad lagu jiro.Wuxuu lakulmey islaan 2wiil oo qurux badan ciyaar siineysa.Waa rag iyo caadadiise inta ifurey ayuu guursadey islaantii 2da wiil wadatey.

Gadaashiis ayaan guursadey nin aad uqeymo badan oo sidoo kale maal qabeen ah.Wax Allah iyo waxaan ubaahdo ayuu farta iga saarey.Waxaan kunoolaa noolal tan ugu fiican. Lakinse macadaalik haddii aan isu geeyo (wuxuu isiiyey) mabuuxinkaraan weelka uguyar ee Abu Zarcin.”

“Waxaan kuu ahey sida Abu Zarcin uu u ahaa Ummu Zarcin lakinse kuma furaayo waligaa” Ayuu kujawaabey Nabiga Salalaahu aleyhi Wasalim oo sheekadaas uhaayey Caa’isha Radiyalahu Canhaa.

Al-Hassani
abuzuhri1@hotmail.com 

Jan 28, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><><><><>

I  I  D  H  E  H

  

WARAYSI: FAARAX MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
Waraysigaas oo Somalitalk la yeesheen waxa uu taabanayaa  dhinacyo badan, gaar ahaan Siyaasada Kenya, iyo dib-uheshiisiinta Soomaalida... GUJI 28/1

»»WAANO KU SOCOTA AYAAN XIRSI
»»Hashu Maankeey Gataye Ma Masaar Beey Laqday? 
»»HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN 
»»
Warbixin aan loo baahneyn: Jawaab Qoraalkii Ceynte ee Ayaan  
 
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI  

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

 com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD