SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - MAQAAL

Kiciddii iyo Kufiddii Aragtida Somaliweyn 
(The Rise and Fall of Greater Somalia Theory)

Waxaa qoray: Ibrahim Xasan Gagaale.
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

Somalidu waxay ka mid ahayd dadyowgii Afrika ee gumeysiga Reer Yurub qabsaday dhammaadkii qarnigii 19aad. Somalida oo loo kala qaybiyey shan (5) meelood, waxa loo kala qabsaday sidatan: Somaliland iyo Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxaa saami ahaan u helay Ingiriiska (1884-85), dibna Ingiriisku ka siiyey Kenya N.F.D (1963) , Koonfurta waxaa qaatay Talyaaniga (1889), Jabuuti waxay gacanta u gashay Faransiiska (1862-1885), Somali-Galbeedna waxa ku tuun-tuunsatay Itoobiya (1889), dibna Hawd Ingiriisku ka siiyey Itoobiya (1954). Kacdoonkii diiniga ahaa ee Moxamed Cabdulle Xasan (1900-1920) kadib, Somalidu waxa kale oo ay ka mid ahayd, meel kastaba ha joogtee, Afrikadii baraarugtay badhtamihii Dagaalkii 2aad ee Adduunka (1943-45). Axsaabtii siyaasadda ee baraarugaas ka dib u dhalatay xorraynta iyo midaynta 5ta Somalida, labadii ugu weynaa waxay ahaayeen: S.Y.L oo laga asaasay Gobolkii Koonfur sanadkii 1943 iyo S.N.L oo laga asaasay Gobolkii Waqooyi sanadkii 1947.

 .[qoraalka oo dhan]Hoos Akhri 

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Halgamadaas gobonimadoonka Somaliyeed waxay dhammaantood ka midaysnaayeen Aragtida Somaliweyn oo ahayd in la xorryeeyo, la mideeyo, hal calan iyo hal dawladna la hoos keeno 5ta Somaliyeed . Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee Somaliyeed oo gobonimada qaatay June 26, 1960, ummadda Somalilandna waxay ahayd dadkii ugu horreeyey ee kaga dhabeeya kicinta iyo hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii ay la midoobeen Koonfurta Somalia 1dii July, 1960, lana abuuray Jamhuuriyaddii ugu horreeysey ee Somalida. Labada dhinac ee isku darsaday waxaa ra`iisal wasaare ka kala ahaa Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Gobolkii Waqooyi) iyo Cabdullaahi Ciise (Gobolkii Koonfur). Aragtidanu waxay ficil ahaan iyo figrad ahaanba u jirtey intii u dhaxaysey 1943-1960, balse wixii ka dambeeyey 1960, Aragtida Somaliweyn wey sii burbureysey maalin maalinta ka dambaysa, waxaana god dheer lagu ridey intii u dhaxaysey 1970-1990.

Haddaba, maxa dhacay, yaa ka mas`uul ahaa burburinta midnimadii labada gobol iyo kufinta Aragtidii Somaliweyn? Si aan jawaab sax ah ugu helno su`aashaas, bal aan derisno taariikhda dhabta ah ee 30kii sano ee israaca (1960-1990). Dawladihii iskaga dambeeyey xukunka Jamhuuriyadii Somalia ayaa iyaga oo qaba qabweyni iyo keli-talisnimo, jaahilna ka ahaa qimaha midnimada, markiiba ku tuntay xukun-wadaagii Koonfur iyo Waqooyi, arrimaha soo socda awgood. Intii u dhaxaysey 1960-1967, waxaa madaxweyne ahaa Adan Cabdulle Cosman oo Reer Koonfur ahaa, waxaanu ra`iisal wasaare u kala doortay Cabdirasheed Cali Sharma`arke (1960-1964) iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen (1964-1967) oo labaduba Reer Koonfur ahaa; baarlamaankiina si xad dhaaf ah ayey Koonfurtu u boobtay. Mar labaad ayey Koonfurtu qaadatay madaxweynihii (967-1969), kaas oo ahaa Cabdirasheed Cali Sharma`arke, waxaanu ra`iisal wasaare u doortay Moxamed Xaji Ibrahim Cigaal oo Reer Waqooyi ahaa. Siyaad Barre oo isna Koonfur ahaa ayaa isaga oo ka faa`iideysanaya dilkii Cabdirasheed oo ahaa 15 kii Oktoobar 1969, kana xumaa jagada Cigaal, afgembi milatari ku qabsaday dalkii 21kii, 1969. Duudsigaas iyo boobka dawladnimada ee ku dhacay Reer Waqooyiga waxa uu noqday warankii ugu horreeyey ee ku dhaca midnimada labada gobol iyo Aragtida Somaliweyn. Markii intaasu dhacday, Reer Waqooyigu waxa uu isku-ciilkaambiyey dawladnimada sida fudud ee degdegga ahayd loogu loogey Koonfurta. Dhammaan xukuumadihii iskaga dambeeyey Jamhuuriyaddii Somalia, waxay ula dhaqmeen Gobolladii Waqooyi sida gobol ka tirsan Koonfurta sida Bakool ama Hiiraan oo kale, waxayna iska-indhatireen xaqiiqada ahayd in ay israaceen laba dawladood oo siman, waajibna ay ahayd in la wadaago xukunka si loo ilaaliyo midnimada loona soo jiito gobolladii maqnaa oo hiigsanayey Aragtida Somaliweyn.

Duudsigii ugu weynaa xagga dawladnimada waxa uu ku dhacay Gobolladii Waqooyi xilligii keli-taliyihii Siyaad Barre oo awoodda dalka oo dhan gacan bir ah ku haystey muddo 21 sano ah (1969-1990), kana dhigay maqaar-saar madaxdii Reer Waqooyiga. Siyaad Barre oo ahaa askari aqoon-gaab ah, Talyaanigu u dallacsiiyey sarkaal boolis ah sanadkii 1954, waxa uu ahaa qabiliiste ma naxe ah. Si uu dadka u cabbudhiyo loogana baqo xukunkiisa, waxa uu markiiba dhegta dhiigga u daray: Moxamed Caynaashe, Salaad Gabarrey iyo Cabdulqaadir Dheel sanadkii 1971.

Waxa uu muddo yar kadib il-nacab ku eegay dadka Isaaqa oo ugu indheer-garad badnaa Somalida isagoo u arkayey inay markiiba fahmeen ajandihiisa qarsoon ee keli-talisnimada qabiilka ku dhisan. Si uu uga gaashaanto loolanka kaga soo fool lahaa Isaaqa, ayaa waxa uu u baaqay Absamihii deganaa Somali-Galbeed, siiba qabiilka Ogaadeenka, si ay u difaacaan Taliskiisa, una oggolaaday inay dalka soo degaan, dawladnimadana ka qaybgalaan si sharcidarro ah, arrintaas oo mamnuuc ka ahayd dalka Siyaad ka hor. Siyaasaddaas oo ku dhisnayd Daaroodiism, ahaydna khiyaamo weyn oo laga galay qaran xor ah, waxay dhaawac weyn u geysatey dawladnimadii iyo wadaninimadii Jamhuuriyaddii Somalia, iyadoo qaxootigii laga dhigay wadani, wadanigiina laga dhigay qaxooti. Waxaa dadkaas lagu taxay darajadii iyo jagooyinkii laga boobay dadkii waddanka lahaa, lagana dhigay xubno baarlamaan, wasiiro, danjirayaal, janano, guddoomiyaal iyo maamulayaal si ay u difaacaan Taliskii dhiig-yacabka ahaa ee Siyaad Barre. Dhawr haddaan tusaale u soo qaato, waxaa ka mid ahaa: S/Guuto Bile Rafle Guuleed, oo mar guddoomiye ka kala ahaa Togdheer iyo Waqooyi Galbeed, Cabdiraxmaan Afar-jeeble oo mar guddoomiye ka ahaa gobolkii W/Galbeed, S/Guuto Siyaad Daa`uud, oo mar taliye ka ahaa Qaybtii 26aad, iyo kuwii kale ee faraha badnaa. Dadkaas Siyaad Barre ka soo barakiciyey dalkoodii, ha ahaadeen madax, ciidan iyo dadweynaba, waxay garanwaayeen inay dalka marti ku ahaayeen, waxay garanwaayeen in Taliskii Siyaad Barre uu ku dhisnaa dulmi iyo keli-talisnimo soo dedajiyey burburkiisa, mudnayna in la difaaco. Intaas intay garanwaayeen ayey qabiil ahaan ula safteen xilligii dagaallada sokeeye, Waqooyi iyo Koonfurba, eedweyna ka galeen dadkii dalka lahaa, kuna wacad fureen abaalkii loo galay ee soo dhaweynta. Madaxdii iyo saraakiishii Somali-Galbeed oo intooda badan loo bedelijirey Goballadii Waqooyi siiba kuwa Isaaqu dego, waxay intii u dhaxaysey 1970-1980 dadweynaha si fool-xun ugu cabiidiyeen Taliskii Siyaad Barre, qayb weyna ka qaateen dejintii boqolaal kun ee qaxootigii u badnaa Absamaha. Dadkaas oo iyaga oo qaxaya guuraha ku soo galay Gobolkii Waqooyi Galbeed intii u dhaxaysey 1978-1982, waxaa qasab lagu dejiyey Hargeysa guudkeeda iyo inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa si loogu dal-ballaadhiyo Daaroodka, loona diiday in xuduudda la dejiyo.

Dadka Isaaqu markii ay arkeen sida loo duudsiyey qaybtii ay ku lahaayeen dawladnimada, boqolaal kun oo qaxooti ahna siyaasad ahaan loo soo dejiyey dhulkoodii la tashi la`aan, muddo dheerna dheg loo dhigiwaayey tabashadooda, loona diiday inay si nabadgelyo ah ku muujiyaan dhibaatooyinkii haystey, ayaa waxay go`aansadeen inay halgan hubaysan kala hortagaan halistii weyneyd ee soo foodsaartay, taas oo ahayd iyada oo qarka loo saarnaa dhaxal-wareeg dal iyo qaran -guur ummad. Go`aankaas waxaa lagu abuuray Ururkii SNM ee xaq u dirirka ahaa sanadkii 1981, waxaana markiiba dagaal hubaysan oo aan kala go`lahayn lagu qaaday huwantii sida cadawtinimada leh isugu bahaysatay dadka iyo dalka, kuwaas oo kala ahaa: ciidamadii Koonfurta (Somalia), jabhaddii Somali-Galbeed iyo jabhaddii Abooga. Dagaalkaas oo ahaa kii ugu dheeraa uguna dhibaatada badnaa ee soo mara Gobolladii Waqooyi, waxa uu xoogiisu socdey intii u dhaxaysey 1982-1990. Bishii May 1988, ayaa Ururka SNM duullaankii ugu weynaa ku qaaday huwantii Taliskii Siyaad, uguna galay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco. Duullaankaas oo aad u wiiqay una burburiyey awooddii is-bahaysatadii Moqadisho, waxa Siyaad Barre ugu jawaabey inuu diyaaradaha dagaalka, taangiyada iyo madaafiicda goobta ku gumaado dadweynihii Isaaqa, ku burburiyo magaalooyinka waaweyn, kuna barakiciyo hambadii dadka oo u qaxday Itoobiya.

Hujuumkaas SNM oo Siyaad Barre ku waayey awooddii ciidamadiisa iyo jabhadihii ka garab dagaallamayey, waxa uu markiiba ku dhaqaaqay hubaynta xeryihii qaxootiga Absamaha iyo qaybo ka mid ah beelihii Waqooyi wax ka deganaa. Dabadeed hadhaagii huwantii, raaf badan oo laga keenay Koonfur, qaxootigii, beelihii iyo SSDF (Dhafoor-qiiq lagu soo geliyey Daaroodism, raalli-gelin ahaanna loogu bedalay Gobollada Isaaqu dego si ay wax uga xukumaan waxna uga soo boobaan) ayaa markiiba ku dhaqaaqay xasuuqidda, boobka, fara-xumaynta iyo macaluulinta dadweynihii ku sii hadhsanaa magaalooyinka sanadihii 1988-1990. Habeenkii inta dadka lala baxo ayaa si wadar ah loogu gawricijirey magaalooyinka guudkooda dabadeedna xabaalweyn lagu duugijirey, xabsiyadii Waqooyi ayaa si xad dhaaf ah loogu gurijirey sabab la`aan. Qayb ka mid ahayd madaxdii Taliskii Siyaad Barre waxay dadka qaar ku dagaal-gelinjirtay in Isaaqa la tirtirayo, dhulkoodana, gobolkii W/Galbeed la dejinayo Qaxootigii Absamaha, Hartiguna ku kala fidayo Sanaag iyo Togdheer. Bishii July 1989, 46 qof oo rayid ah oo Reer Waqooyi ah ayaa saq dhexe lagu gawracay Xeebta Gasiira ee duleedka Mogadisho, dad aad u fara badanna loo taxaabay xabsiyadii Xamar, sanadkaas oo dadweynihii Xamar u bixiyey “Sanadkii Isaaq Boobka.” Dembiyadaas culus ee laga galay dadka u badan Somaliland, waxaa amridooda ka ma`suul ahaa: Siyaad Barre, Cali Samatar, Adan Gabyow, Moxamed Gaani Xaashi iyo Moxamed Saciid Morgan.

Halgankii hubaysnaa ee Ururka SNM, oo shacabkiisu hiil iyo hooba heegan ula ahaa, waxa uu dadka iyo dalkaba ka xorreeyey Taliskii dhiig-yacabka ahaa bishii January 1dii, 1991, kana badbaadshey dadka Isaaqa dhaxal-wareeg dal iyo qaran-guur ummad, isla markiibana qaxootiyadii ka eryey dalka oo dhan.

Kadib markii Ururkii SNM naafeeyey awooddii milateri ee Taliskii Siyaad Barre, ciidan iyo qalabba, intii u dhaxaysey 1982-89, ayaa waxa u suurtogashay Hawiyaha inay asaasaan Ururkii hubaysnaa ee USC sanadkii 1989, dabadeedna si fudud cagta u mariyaan Taliskii Siyaad ee sii dhacayey, kana eryaan Siyaad Barre Xamar January 26, 1991. Maalmo yar kadib, Cali Mahdi, oo aan ka muuqan halgamadii hubaysnaa, ayaa xukunkii dalka oo dhan boobay Feb.1991, sheegtayna madaxweyne isagaan la tashan Reer Waqooyiga ama Koonfur inteeda kale. Cumar Carte Qaalib ayaa noqday ra`iisal wasaarihii dawladdii Abgaal ee waqooyiga Mogadisho, Cabdiraxmaan Axmed Calina waxa uu noqday madaxweyne-ku-xigeenkii dawladdii Habargidir ee koonfurta Mogadisho oo uu madaxweyne ka ahaa Moxamed Farah Caydiid. Hawiyuhu waxa uu u haystey in shakhsiyaad ay keenikaraan dadka iyo dalka Somaliland Xamar. Xukun kala boobkaas USC waxa uu dhashey in awooddii USC kala jabto , karti u weydo inay Koonfur gacanta ku dhigto, lagana dhaxlo dagaallo sokeeye oo aan damin. Ururkii hubaysnaa ee Majeerteenka, SSDF, isagu waa uu fashilmay sababta oo ah ma lahayn siyaasad qeexan ee Halgan oo lug waxaa uu kula jirey caadifadii Daaroodisamka ee Mogadisho, lugta kalena waxa uu kula jirey shirqool uu isku baaba`shey, markii dambana waxaa laga horgeeyey halgamadii SNM iyo USC. Fashilaadaas SSDF waxa ku dhammaatay cabsidii Hawiyuhu muddo dheer ka qabey Maajeerteenka oo ahayd “Majeerteen iyo madax-madow ayaa isle`eg.” Labadii duullaan ee Daaroodku ka soo kala qaaday magaalada Kismayo bilihii Abriil ee 1991 iyo 1992, oo Majeerteenku xoog ku lahaa, Hawiyuhuna labadaba ku jebiyey duleedka Moqdisho, waxay dadka Hawiyaha u sii muujjiyeen in Majeerteenku yahay qabiil caadi ah sida Habargidir ama Abgaal.

Dadka Reer Waqooyigu, oo ka koobnaa beelaha Somaliland oo dhan, markii ay arkeen duudsigii, dulmigii iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay 30kii sano ee israaca, haddana Koonfurtu si kas ah u boobtay madaxweynihii dhiciddii Siyaad ka dib, ayaa waxay magaalada Burco ku go`aansadeen bishii May 1991 inay gobonimadoodii iyo dawladnimadoodii kala soo noqdaan Somalia (Koonfurta) lana baxaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Ummadda Jabuuti oo xorrowdey June 27, 1977, waxay go`aan ku gaadhay inay gooni isu taagto ka dib markii ay aragtay duudsiga iyo dulmiga lagu sameeyey Reer Waqooyiga intii u dhaxaysey 1960-1977. Go`aankaas Jabuutina waxa uu noqday warankii labad ee ku dhaca Aragtidii Somaliweyn. Haddaba, sidaas ayey taariikhda ugu caddahay in Somalia (Koonfurta) iyo Somali-Galbeed toos uga mas`uul ahaayeen burburinta midnimadii Jamhuuriyadii Somalia, didinta Jabuuti iyo kufinta Aragtida Somaliweyn. Cadawga kowaad ee loo adeegsaday burburinta Aragtida Somaliweyn waxa uu ahaa qabyaalad. Maantana, waa yaabe, waxaa midnimo iyo Somaliweyn u qaylinaya Somalia (Koonfurta) iyo Somali-Galbeed oo ah labadii burburiyey midnimadii labada gobol kufiyeyna Aragtida Somaliweyn ee ahayd in 5ta Somaliyeed la wada hoos keeno hal calan. Somalia waaba la gartay oo waa wadan xor ahee, bal maxay sida ay xor tahay Somali-Galbeed kula shir iman lahayd midnimada ay u qaylinayso? Midna midnimo jacayl kama aha, waxa keliya ee ay rabaan waxa weeye inay helaan fursad labaad oo ay ku xukumaan kuna boobaan dal iyo dad aanay u dhalan (Somaliland). Dadka Somaliland waxa uu aad uga digtoonyahay in arrimahaasu dhacaan mar kale.

Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin in 5ta Somaliyeed aan la kala xigin oo qofka Somaliyeed marba midda uu rabo dego waxna ka xukumo maadaama Somalidu wadaagto: dhaqan, diin, af iyo midab. Figraddan waxba kama jiraan, waana arrin halis ku ah qaranimada iyo dawladnimada dal kasta oo Somaliyeed, waayo waxay horseedaysaa sumaad la`aan qaran iyo astaan la`aan dal, waana fawdadii jirijirtey intii u dhaxeysey 1970-1990. Somalidu kama duwana 18 ka dal ee Carbeed kuna kala dhaqan Waqooyiga Afrika iyo Bariga Dhexe, iyo 21 ka dal ee Laatiin Ameerika kana midyihiin Peru, Bolivia, Panama, iwm. Labadan kooxood, qaybkasta waxay wadaagtaa: dhaqan, diin, taariikh, af iyo midab, oo dalna dadkiisu kuma xad-gudbaan dawladnimada iyo dhulka dadka kale.

Dalka Somaliland waxaa iska leh dadkiisa oo taariikh ahaan, dhalasho ahaan iyo asal ahaan ka tirsan Somaliland iyada oo aan loo kala saarayn beel-beel balse loo aqoonsan yahay ummad isku dan iyo dal ah oo leh xuduud qeexan iyo qaran suntan. Dadka ka imanaya Somalia, Jabuuti, Somali-Galbeed ama adduunweynaha kale, ha u yimaadeen booqoasho, ganacsi, shaqo amaba xoolo soo iibgeyn, waa inay xuduudda, garoomada diyaaradaha iyo dekadaha ka soo qaataan dal-ku-gal waqti ku eg, ciddii ku xad-gudubtana sharciga lala tiigsadaa si loo ilaaliyo nabadgelyada, madaxbanaanida iyo lahaanshaha gaar ahaaneed ee Somaliland. Xukunka, maamulka iyo difaaca Somaliland waxaa iska leh oo qudha ummadda Somaliland. Dal iyo dadtoona kama dhaxeeyaan 5ta Somaliyeed. Waxaa ka dhaxaynkara waa xidhiidh wanaagsan, walaaltinimo iyo iskaashi ku dhisan ixtiraam laba dhinacle ah..

Waxaa qoray: Ibrahim Xasan Gagaale.
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com

  Jan 28, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><><><><>

I  I  D  H  E  H

  

WARAYSI: FAARAX MACALIN, GUDOOMIYAHA XISBIGA SAFINA, KENYA
Waraysigaas oo Somalitalk la yeesheen waxa uu taabanayaa  dhinacyo badan, gaar ahaan Siyaasada Kenya, iyo dib-uheshiisiinta Soomaalida... GUJI 28/1

»»WAANO KU SOCOTA AYAAN XIRSI
»»Hashu Maankeey Gataye Ma Masaar Beey Laqday? 
»»HANASHADII SOMALILAND IYO RIYADII SOMALIWEYN 
»»
Warbixin aan loo baahneyn: Jawaab Qoraalkii Ceynte ee Ayaan  
 
»»BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI  

Cawaaqib Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee diinta islaamka.. GUJI... 31/12

 com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002



HTML CD