Cadaalada Xumada Lagu Sameeyey Guuleed Cabdi
Daad
Qore: Maxamed Xasan Cumar "Kancaan"
omarm@execulink.com
March 4, 2003
Cabdi Cusmaan ama Cabdi (Daad) waa Aabe Soomaaliyeed oo
wiilkiisii Guuleed Cabdi Daad oo dadiisu ahayd 16 jir lagaga diley magaalada
Missisauga, Ontario, Canada. Waxa la soo taagay maxkamada gacan ku dhiiglihii
diley Guuleed Feb 26-2003, maxkamadaas oo ku taal magaalada Brampton, Canada.
Hase yeeshee maxkamadii waxay u dhacday si aan ku salaysnayn xaq taas oo naxdin
ku ridey Cabdi Daad iyo reerkiisa oo aan filaneyn go'aanka maxkamadu goysey.
Dilka Guuleed Cabdi Daad wuxu dhacay March 12-2001 Gacan
ku dhiiglaha dilka gaystey oo magaciisa la yidhaahdo Ian Walter Gordon oo
dadiisu ahayd 19 markuu dilka gaystey wax aqoon ah isuma lahayn Guuleed.
Waxay maxkamadu ku xukuntay Gacan ku dhiiglaha SHAN SANADOOD IYO BADH,waxase
la yaab noqotey markii maxkamadu u ogolaatey gacan ku dhiiglaha 45 bilood
in laga jaro xadhigiisa taas oo ay ku macneeyeen iney ahayd mudaduu maxkamada
sugayey.
Aabe Cabdi Daad oo lagu waraysstay maxkamada horteeda
wuxuu u sheegey saxaafada "Ma garanayo sharciga lagu qaaday ninkii diley
wiilkayga, sharcigu siduu ahaa lama samayn gacan ku dhiiglihii xadhig gaaban ayaa
lagu xukumay. Waxa maxkamada maalintaas isugu yimi 20 qof oo ka mid ah
caa'ilada marxuumka iyagoo dhami way la yaabeen xukunka maxkamada. Waxa iyana
maxkamadu ku xukuntay caawimaad ay caawisay gacan ku dhiiglaha gabadh taas oo
dadeedu ahayd 16 sanadood,waxay qiratay dembigii ay gashay oo ahaa iney qarisay
mindidii lagu diley Marxuun Guuleed
Guleed wuxuu ahaa arday wax ka dhigta dugsiga sare ee Kipling
College Institute halkaas oo uu kaga jirey fasalka 11, wuxuu ahaa arday
aad u wanaagsan saaxiibo badana ku lahaa iskuulka aadna waa looga jeclaa iskuulka.
Waxan ilaahay uga baryayaa reer Cabdi Daad gaar ahaan
Aaabe Cabdi Daad iyo hooyo aamina (Cadare) inuu samir iyo iimaan ka siiyo
wiilkoodii Guuleed isagana ilaahy albaabada janada farduusa u furo "aamiin"
Qore: Maxamed Xasan Cumar "Kancaan"
omarm@execulink.com
Si aad wax badan uga ogaatid qoraalkii
saxaafada Canada ka qoreen arinta xukunkan ka akhri linkigan:
http://www.mississauga.com/mi/insidenews/story/917517p-1090914c.html
<><><>
Sanatoorka
Minnesota ee Norm Coleman oo bilaabay barashada af-Soomaaliga
iyo Dood kulul oo ka dhex
taagan dadka maraykanka ee taageersan dagaalka la filayo in lagu qaado Ciraaq
iyo kuwa diidan... WARARKII.WARDHEERE.....
03/03/03
»»Maahmaahda
iyo Musiibada Soomaaliya
Waa qormo
xiisa badan oo uu qoray Caliqeyr M. Nuur. GUJI...
USA
OO WEERARKA CIRAAQ U ISTICMAALI DOONA SUNTA GAASKA AH EE DOWLIYAN MAMNUUCA KA AH
Sidaas waxaa ku warantay jariidada Independent, UK.... GUJI..
»»AASAASKII
JABHADDII XOREYNTA S/GALBEED (WSLF)
HORUMARKA
AAGA SOOMALIDA AYAA XAWLI KUBILAWDAY 2003
Geyiga arimihiisa hoose u xorta ah ee
ismaamulka soomaalida ETHIOPIA ayaa sanadkan 2003 ugu bilowday sansaan fiican oo....
FAALADII
XAGARYARE 2/3
»»ALLAH
KA CABSIGII SAXAABADA
Waa qaybtii 2aad ee
Xigmad ka Macaan Timirtii Madiina GUJI...
Madaxda
Carabta oo Kasoo Horjeestey Dagaalka Ciraaq
Kulankii wadamada ku bahoobey
ururka Carabta uga socdey Masar ayey ku sheegeen in.. GUJI...
2/3
»»VIDEO: WARARKA
BAARLAMAANKA
|