Wadanka maraykanka ayaa la filayaa inuu dagaal ku qaado dalka Ciraaq
sidaas darteed ayaa maamulka wadanka wuxuu bilaabay inuu dadwaynaha
diyaariyo ayadoo durbaanada dagaalkuna aad loo garaacayo gaar ahaan qalabka
warbaahinta ee waawayn ayaa bilaabay dadka inay tusaan Tvga calaamadaha sida
Target Iraq, Show Down with Iraq, War on Terror, iyo ayadoo dadka la tusiyo
masawiro dad kurdis ah oo wejigoodii iyo muuqaalkoodii bedelmay oo la yiri
waxaa saas sameeyay Saddaam Hussein.
Dooda ayaa u dhaxaysa dadka ka soo horjeeda dagaalka iyo dadka taageersan
dagaalka oo xataa haddii aad magaalada dhex socoto waxaad arkaysaa guryo
badan oo ay ka suran tahay XOREE CIAAQ OO TAAGEER CIIDAMADEENA OO WAC
CONGRESSKA ama DHEH DAGAAL MA RABO WAC CONGRESSKAAGA. Kuwa taageersan
dagaalka ayaa waxay leeyihiin Sadaam Hussein waa sidii Hitler oo kale
dadkiisa ayuu sun ku buufiyay qof uu daynayo ma leh deriskiisa ayuu weeraray
mana dayn doono, Nuclear ayuu rabaa inuu samaysto, noocyo badan oo sun ah
ayuu samaystay, Isreal nabadeeda asaga ayay ku xiran tahay, dimuqraadiyada
bariga dhexe waa hirgalaysaa haddii uu isaga meesha ka baxo iyo inuu yahay
qatarta koowaad ee soo wajahday dalka maraykanka. Ugu danbayntii
argagixisada adduunka ayuu saddaam ku xiran yahay iyo sababo kale.
Kuwa diidan dagaalka waxay leeyihiin dagaalkan looma baahna, qubarada
waxbaarta ayaa ku filan oo heli kara wixii uu hub haysto, kuuriyada waqooyi
ayaa ka qatarsan, arrinta Isreal iyo falastiin oo la xaliyo ayay danta
bariga dhexe ku jirtaa, Ciraaq Saddaam ka dib maxay noqon, sadaam iyo
argagixisada wax cadayn ah lama hayo inay xiriir leeyihiin, dagaalku waa
saliid doon, waa dhul gumaysi doon, maamulka dagaalkan siyaasad ayuu ka
wataa, waa xukun bedel, waa gardarro, dhaqaalihii ay u baahnaayeen dadka
saboolka ah iyo daryeelkii waayeelkeena ayuu dagaalkan la degayaa,
shaqooyinka iyo waxbarashada ubadkeena ayuu la degayaa, umad badan oo aan
waxba galabsan ayaa ku dhiman doontaa iyo sababo kale.
Dooda qaybta ugu yaabka badan waa ayadoo qaar ka tirsan dadka dagaalkan
diidan oo waayeel u badan ay sawiranayaan dhimasho badan oo ku timaada
askarta maraykanka oo waxay xasuustaan dagaaladii Vietnam, Korea dagaalkii
kowaad ee adduunka iyo kii labaad. Weliba magaalo ku dhexdagaalista qatarta
ay leedahay sida kii xamar iyo ayagoo ku doodaya dagaalkan inuu ka
mashquulin doona la dagaalkii argagixisada.
Kuwa ayidsan dagaalka qaar ka mid ah ayaa leh jaahil weli hurdo ayaad
tihiin goormaa noogu danbaysay dagaalka aad ka hadlaysaan ? adduun tegay
ayaan ka hadlaysaan oo ma arki doontaan naxashyo badan oo la keeno USA kuwa
yar oo si lama filaan ah iyo shil ku dhinta mooyee. Waxaa la gaaray
technology iyo heer sare, askari lug ku dagaalamayaa ma jiro diyaarado meel
fog wax ka soo rida iyo gantaalo ayaa ku filan mana ka mashquuli doono
dagaalkeenii Argagixisada. Ma iloowdeen inaan goor hore saddexdagaal soo
galay oo aanan isticmaalin askari lugaynaya ilaa meesha la aslaaxiyo.
Yuguslavia, Afganstan, iyo Ciraaq 1991.
Dagaalku sidaad filaysaan ma noqon doono wuxuu noqo mid beryo ku dhamaado
waayo janaraalo ciraaq ah ayaa la diyaariyay oo meesha ka faa’iidaysta oo
Saddaam afgembiya.
Markaas ayaad ogaan doontaan guusha aan ka gaarno dagaalka argagixisada
sumcad iyo amaan ayaan heli doonaa.
Doodaas kii ku guulaysta iyo wixii ka soo baxa dagaalkan ilaahbaa og
waayaha ayaana soo tebin doona meeshay ku danbaysana la arki doona!.