SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
MOWQIFKA DOWLADA KMG AH, G8 IYO KIPLAGAD EE KU WAJAHAN SOMALILAND.

Canab maxamud. 
canabmumtaz@hotmail.com
  

March 9, 2003

KAAH

 

Marka laga soo tago qadiyada somaliland iyo go,aankeeda goosashada waxaa jirta in aragtiyo badan oo kala duwan laga qabo gooni iskutaaga jamhuuriyada lamagac baxday somaliland.

shirka dib uheshiisiinta soomaalida ee ka soconaya kenya (embagathi) ayay kamaqan tahay somaliland horayna waxaa usoo jeediyaay qaar kamid ah siyaasiyiinta ka qaybgalaya shirka in ay lagama maarmaan tahay in ay w/galbeed soomaaliya shirka kasoo qayb galaan shirka dib u heshiisiint asoomaaliya,balse waxba iskama badalin mowqifkoodi ahaa in ay jamhuuiriyadna sheeganayaan oo aanay wax macna ah keenayn haday joogaan marba haday ka go,een soomaalida inteeda kale sida ay qabaan.

su,aal la,waydiiyay Mr kibalagad oo ah gudoomiyaha shirka ka maqnaanshaha shirkan soomaaliland waxa uu sheegay kiplagad in somaliland ay tahay soomaaliya balse xiligan uusan u yeeraynin maadaama uu ka jiro nidaam ismaamul illaa inta laga soo xalinayo soomaalida qabahaheeda kale oo ay wali xiisado dagaal ka taaganyihiin sida uu sheegay kiplagad.

inkasta oo aysan jawaabtani xiisad badan abuurin maadaaama dad badan ay rumaysan yihiin in soomaaliya aysan kala go,i karin ooba dagaal loogu jiro in lasoo samata bixiyo soomaalida wali gumaysiga ku jirta ee ku nool itoobiya iyo kenya inkastoo wali ay jiraan caqabado.

jamhuuriyada soomaaliland ee goosashda ku dhawaaqday 1991kii markii uu burburay nidaamkii milatarga ahaa ee soomaaliya ka jiray kadib markii xukuumadii waagaas jirtay ay dagaal ku qaday xoogagi S.N.M.ta ee kajiray somalilanad sababtayna inay waxyeelo ba,an u gaysteen ciidamadii rajiimkii barre ka amar qaadananay dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa hargaysa iyo meelo kale sanadkii 1988 caradaas ayaa sabab u ahayd goosashada somaliland,waxayna fagaaraha loo yaqaan kheyriyada kugubeen calanka soomaaliya maalin loo dabaaldagayay xornimadii soomaaliya 1960kii,maanta waxay leeyihiin calan u gaar ah.xukuumadii milatarigu ma ahayn mid abaal u gashay soomaalida cadaab ayay ku hasay meelo badan oo somaaliya kamid ah waana tan sababtay in dagaal lagu qaado dabcan soomaali galbedna waxayna dhibka lawadaagayeen soomaalida kale.

dowlada Kmg ah ee lagusoo dhisay carta waxay ahayd mid kusalaysan hab qabiil qorshuhuna wuxuu ahaa in wasiir walba iyo xildhibaan kastaahi uu tago gobolkisa hordhigona hindisihiisa ku wajahan nabadeynta,balse dadkii matalayay somaliland ma ahayn kuwo ubabacdhigi karay in ay hordhigaan jamhuuriyada soomaaliland labaxday waxayna sababtay in qar badan kabaxaan dowlada kmg ah cambaarayna usoojeediyaan markii ay tageen meelihii ay matalayeen danta ayaana ku qasabtay oo awood kale ayaanay haynin.

dadaalo badan oo ay sameeyeen dad badan matalayayna soomaali land ayaanay ilaa hadda u suurta galin in ay helaan aqoonsi.

todobadkii aan soo dhaafnayana waxaa jirtay in wafdi uu hogaaminyo Dr Cumar cige Dixood iyo wasiirada qoyska iyo arrimaha bulshada Adna Aadan iyagoo baarlamaanka ingiriiska ka codsaday in ay aqoonsato jamhuuriyada soomaaliland balse aan helin jawaab rasmi ah.

sidoo kale waxaa jirta in shuruudaha ay dowlada KMG ah iyo G8 hordhigeen wadamada safka hore ee igad iyo wasiirka arimaha dibada kenya ay ka mid ahayd in somaaliland ay shirka kasoo qaybgasho maadaama uu shirkani yahay shir qarameed oo ay suurta gal noqon karto in dowlad soomaaliyed lagu soo dhiso sida qorshuhu yahay hadii ay iman waayaana aysan tagayn.haddana ku sugan hotel ku yaala nairobi

arintani waa mid dad badani ka dhursugyaan waxa ka iman kara marka aan soomaaliya si dhab ah amankeeda uga hadalnona soomaaliland waa halka uu ka jiro ammaan iyo maamul,balse go,aanka goosashada waa mid ay figrado kala duwan ka qabaan dadka soomaaliyed.laakiin mowqifka qaybahan ayaad moodaa inuu kala fogyahay iyadoo ay u arkaan dowlada KMG ah iyo G8 ka ka maqnaanshaha somalilanad in loo dayn karo go,aankeeda halka kiplagadna uu ula jeedo markii ay qaybaha kale nabadi ka dhacdo sida uu sheegay balse waala arki doonaa waxa ay ku dhamaato.

Canab maxamud. 
canabmumtaz@hotmail.com
  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

-dhammaad-

annanKofi Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey, ayaa Kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay colaada joojiyaan isla markaana ka qayb qaadaan hanaanka geedi socodka nabada, waxana uu cadeeyey in hadii ay dagaalka joojin waayaan lala xisaabtami doono, waxa kale oo Annan uu ka codsaday wadama deeqda bixiya in ay caawiyaan Soomaaliya, sidaas wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay UN-ka Feb 28, 2003

Madaxda Carabta oo Kasoo Horjeestey Dagaalka Ciraaq
Kulankii wadamada ku bahoobey ururka Carabta uga socdey Masar ayey ku sheegeen in.. GUJI... 2/3

VIDEO: WARARKA BAARLAMAANKA TURKIGA--- DAAWO CBC
VIDEO:
Khudbadii Bush u jiidiyey Dadka Maraykanka
VIDEO:
Bush oo diidey taladii Canada ee Ciraaq

ARAFAT: DAGAALKA CIRAAQ WAREEN AYUU KU NOQON XAQA FALASTIIN
Carafaad oo aaladda layska arko qudbad ugaga jeedinaayay shirka ay kuleeyihiin magaalada Kuala Lumpur ayaa yiri... GUJI... Feb 26

SADDAAM OO CODSADAY INUU WADA HADAL TOOS AH LA YEESHO BUSH
Waraysi uu la yeeshay TV-ga CBS ayuu Saddam shaaca kaga qaaday in uu diyaar inuu madaxweynaha Mareykanka kala doodo arrimaha.. GUJI

<><><>

I  I  D  H  E  H

Ganacsade Lagu Weerarey Isgoyska Siinaay
iyo dagaalkii Yalaxow iyo Cumar Finish ee Muqdisho oo galabtay dib u cusboonaaday, Yalaxowna uu gacan sareeyey.... GUJI 1/3  

 

TAXANIHII SHIRKII ELDORET 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD