SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KUWAIT
somalia flag Asaasihii Calanka: Maxamed Cawaale Liiban

Warqad furan oo u socota ka qaybgalayaasha Soomaaliyeed ee shirka Kenya

Ku: Dhammaan ka qaybgalayaasha Soomaaliyeed ee shirka Kenya

Ku: Dhammaan Hoggaamiye Kooxeedka Soomaaliyeed

Og: Indheer garadka Soomaaliyeed oo dhan

Annagoo ah Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda ka soo jeedda Gobolada Sool, Sanaag iyo Hawd ee Somali degganna dalka Kuwait waxaanu aad uga xunnahay kana gubanaynaa fikradaha foosha xun ee lidka ku ah qaranimada Soomaaliyeed ee ay shirka kaga dhawaaqeen labada dal ee Ethiopia iyo Kenya, fikradahaas oo ah:

1} In calanka Soomaaliyeed la bedelo iyadoo ujeedadu tahay in xiddigta cad ee shan geesoodka ah laga saaro iyo,

2}In Soomalida shirka joogtaa qirto oo saxeexdo in Somalia waayo hore si gardarro ah dagaallo ugu qaaday Ethiopia iyo Kenya isla markaasna saxeexaan inaanay jirin qaybo Soomaaliyeed oo Somalia ka maqan oo gumaysigii Ingriisku labadaas dal uga gooyay.

et.gif (3290 bytes) adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 sida kamuuqata sawirka sare waxaa dhexda kagajira xidig shangees ah oo kudhexjirta buluug. Sida hoos kamuuqata Calanka
Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto. soomaa.gif (2182 bytes) Taariikhda Calanka Soomaalida
Calanka Hoose oo kamida Calamadii hore ee Itobbiya ka eeg halkan etl
Waa wax lala yaabo in dal madax banaan oo Qaramada Midoobay iyo Ururka Midnimada Afrika xubin buuxda ka ah ay dalal iyaguna sidoo kale ururadaas ka tirsani arrimaha noocaas ah ka dalbadaan.

Waxaanu hubnaa in Soomaalida shirkaas joogta aan la marsiinkarayn fikradahaas haddiise kuwo ka mid ahi dano u gaar ah awgood ay cadowga Ummadda Soomaaliyeed la saftaan oo arrimahaas foosha xun ka yeelaan waa in kuwaasi ogaadaan inaan Ummadda Soomaaliyeed khaa'inimada heerkaas gaarsiisan u dulqaadanayn kana cafiyayn.

Waa suurtagal in Ummadda Soomaaliyeed cafiso dadkii sababay burburka dalka Soomaalina ka dhigay mid ay dileen, mid ay dibed u qixiyeen iyo mid dalka gudihiisa baqdin iyo silic ku nool laakiin marnaba ma dhici karto in Ummaddaasi cafiso madaxna ay u noqdaan kuwa yeela arrimahan Ethiopia iyo Kenya soo bandhigeen

Waxa caddaatay in shirka Kenya aanu ahayn mid Soomaali dib loogu heshiisiinayo balse uu yahay mid inta yar ee ka hadhay sharaftii Ummadda Soomaaliyeed lagu xayuubinayo.Sidaas awgeed wacaanu ka codsanaynaa ka qaybgalayaasha Soomaaliyeed inay qaadaan tallaabooyinka soo socda:

1} Inay Guddoomiha Shirka ka dalbadaan inuu raalli gelin ka keeno dawladaha Ethiopia iyo Kenya ayna labadaas dawladood qiraan inay ku gafeen qaranimada Soomaaliyeed arrimaha ay soo bandhigeena la noqonayaan.

2} Inay dalbadaan in Shir Guddoonku ballanqaado inaan mar dambe gafaf noocaas ah loo gaysan doonin Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed.

3}Inay ku adkaystaan shuruudii Dawladda Ku Meel Gaarka ah iyo qaar kooxaha ka mid ahi hore u dalbadeen oo ay ka mid ahayd in xubno ka soo jeeda Gobolada Waqooyi shirka ka qaybgalaan mar haddii kooxda Hargeysa ka talisaa diiday inay shirka kasoo qayb gasho.

Haddii Shir Guddoonku arrimahaas yeeli waayo ama isagoo ku dedaalay ay suurtageli waayaan, waxaanu ka qaybgalayaasha Soomaaliyeed ka codsanaynaa inay shirkaas ka baxaan kuna biiraan abaabulka socda ee loogu tala jiro in shirweyne Soomaaliyeed dalka gudihiisa lagu qabto

Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}

Af hayeenka Guddiga Fulinta ee

SSH Kuwait

ssh_kuwait@hotmail.com

March 31, 2003

-dhammaad-

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Fadumo Jibril oo ardayda Minnesota la shirtay 
warbixintii kulankii ardayda Minnesota iyo.. Guji..
CALAAMADAHA QOFKA MACQUULKA AH 
Waa qaybtii 6aad ee Xigmadda Toddobaadka GUJI... 
DHAMMAADKII MUDDADII DKMG AHAYD EE ITOOBIYA 
Qaybtii 5aad ee Taxanaha Taariikheed ee Ogadeenya GUJI
 

<><><>

I  I  D  H  E  H

 WARAYSI CALI MAXAMED XASAN (Cali-Daacuun)
 
Ciddii xasuusata Cali waa ninkii iska soo riday dabaqa sare ee hotel Sirikwa, Eldoret, wuxuuna kamid yahay ergada hadda ka qaybgelaya shirka Narobi, waxaana waraysiga la yeeshay Ibraahim Maxameddeeq

WARARKA SHIRKA NAIROBI 
Beesha Warsangeli oo ka cabasho caddaalad daro u gudbisey Kipligat, Shaati Guduud oo Itoobiya eedeeyey.. warbixintii Ibraahim Maxameddeeq..

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI
 

TAXANIHII SHIRKII ELDORET 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SOO BOOQO
xayaysiis

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]