SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MALAYSIA
Kulankii Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia iyo Wafdigii C/Qaasim
Madaxweyne C/qaasim oo la kulmay Ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia

March 1, 2003

Kuala Lumpur: Wafdi uu Hogaaminayo madaxweynaha DKMG C/qaasim Salaad Xassan oo ka qayb galay Shirkii wadamada siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay (The 13th Non-Aligned Movement – 20-25/Feb, 03) ayaa ardayda Soomaliyeed ee Malaysia maalintii Arbacada (26/02/03) kula kulmay hotelka loo yaqaano “Istana Hotel” ee Kuala Lumpur.

Dhinaca Dawladda KMG waxaa kulanaasi ka qayb galay:

  • · Madaxwayne C/Qaasim Salaad Xassan.
  • · Wasiirka arimaha dibadda, mudane Yuusuf Xassan Dheeg.
  • · Wasiirka maaliyadda, mudane Xuseen Maxamuud.

Dhinaca kale waxaa ka qayb galay xubno matalaayey ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia, xubnahaasi oo uu hor kacaayey guddoomiyaha ururka ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia Mubaarak Ibraahim Aar.

  • · Dr. C/naasir Cumar Shuuriye.
  • · Dr.Xirsi Hilawle.
  • · Maxamed Cabaas Cumar (Phd candidate).
  • · Muuse Gaboobe Xassan (Phd candidate).
  • · Xassan Sheekh (Phd candidate).
  • · C/llaahi Faarax (Phd candidate)
  • · Maxamed Weheliye (Master)
  • · Caydaruus Axmed X. Cali (Pursuing Bechelor Degree)
  • · Faarax C/llaahi (Pursuing Bachelor Degree)
  • · Maxamed Aadan Rooblea (Master )
  • · C/Khadar Xassan Obsiiye (Pursuing Bechelor Degree)
  • · C/fataax Maxamed C/raxmaan (Pursuing Bachelor Degree)

Kulanka oo ku bilawday isbarasho dhex martay wafdigii dawlada iyo xubnihii ka socday ardayda, waxaa intaas ka dib warbixin dheer soo jeediyey guddoomyaha ardayda mudane Mubaarak Ibraahim Aar oo si qoto dheer uga hadlay taariikhda iyo xaaladihii uu soo maray ururka arday soomaaliyeed ee Malaysia,waxaa kale oo guddoomiyuhu taabtay xaaladda nololeed iyo waxbarasho ee ardayda reer Malaysia.,waxaa kale oo uu ka waramay guddoomiyuhu dhibaatooyinka ay ka cabanayaan ardaydu oo ay ugu weyn tahay iyada oo safaarad Soomaaliyeed ayna ka furnayn Malaysia.

Guddoomiye Mubaarak isaga oo ku hadlaya magaca ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia, waxa uu ka codsaday DKMG arimahan:

· In Malaysia laga furo safaarad Soomaaliyeed.

KAAH

· In madaxweyne C/qaasim dawlada Malaysia ka codsado deeq waxbarasho.

Wasiirka arimaha dibadda oo ka jawaabayey codsiga ardayda ee xagga safaarada, waxa uu tilmaamay in hadda ay dawladda ku adag tahay in ay safaarad ka furto Malaysia arimo dhaqaale awgeed, balse ay ku dadaali doonaan sidii ay u soo magacaabi lahaayeen qof ah “sii-haye” oo fuliya hawlihii safaaraddu u qaban lahayd ardayda sida cusboonaysiinta baasaboorka.

Dhinaca kale madaxweyne C/qaasim ayaa sheegay in uu isaga kala hadlay Ra’iisal wasaaraha Malaysia Dr.Mahathir Mohamed sidii dawlada Malaysia ugu deeqi lahayd deeq waxbarasho Soomaaliya, arinkuna uu hadda qabyo yahay.

Madaxwayne C/qaasim Salaad Xassan, isaga oo hadalka sii wata, waxa uu aad u falanqeeyay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan xagga siyaasada isaga oo sheegay in DKMG ee Soomaaliyeed ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inay ka dhaliso nabad dalka Soomaaliya, waxaa kale oo uu tilmaamay inay lacag aad u badan ku bixiyeen sidii hogaamiye kooxeedyada loogu qanci lahaa in ay hubka dhigaan oo ay dawladda ka soo qayb galaan.

Bidix: Mubaarak, C/Qaasim, Dheeg

Xagga Shirka ka socda Kenya, Madaxweyne C/qaasim aad ayuu uga dayriyey shirkaasi, isaga oo tilmaamay in Ethiopia ay shirkaasi qasayso marnabana aanay raali ka ahayn in Soomaalidu heshiiso, waxaa uu carabaabay in ay ku rajo weyn yihiin in Shir aad u balaadhan oo Soomaali oo dhan ka soo qayb gasho lagu qabto wadanka gudihiisa haddii shirka Kenya bur-buro.

Waxaa kale oo uu ka waramay booqashadii ay ku soo mareen Sucuudiga iyo Qatar oo si aad u wanaagsan labada dawladoodba u soo dhaweeyeen.

Shirkii ka dhacay Malaysia, oo ahaa “ The 13th Non-Aligned Movement”, waxa uu madaxweyne C/qaasim sheegay in ay madaxweynayaal badan wada hadleen, gaar ahaan waxa uu carabka ku dhuftay Madaxweynaha Pakistaan General Musharaf oo muujiyey in Pakistan ay diyaar u tahay in DKMG dhinac walba ka caawiso.

Kulanka oo socaday ilaa laba saacadood, waxaa guddoomiyaha ardayda Soomaaliyeed halkaas madaxweynaha ku guddoonsiiyey Jaa’isad.

Guddiga Ardayda Soomaaliyeed

Kuala Lumpur, Malaysia

sss_malaysia@yahoogroups.com

I  I  D  H  E  H

ama la xiriir: sssinmalaysia@yahoo.com [Somali Students Society in Malaysia]

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2003 

MINNESOTA: Habeenkii Taageeridda iyo Horumarinta Jaamacadda Bariga Afrika, Boosaaso, Soomaaliya GUJI.... 

Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota..... 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD