SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Cali jarmal

Mudane Ali Jarmal oo Baaq Nabadeed u jeediyey kooxihii ku dagaalamay Medina iyo Gobolka Sh/dhexe.

March 5, 2003

 

KAAH

Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ahna rug caddaa siyaasi Soomaaliyeed ayaa baaq nabadeed u soo jeediyey kooxihii ku dagaalamay degmada Medina iyo gobolka Sh/dhexe. Ali Jarmal oo marka hore u soo jeediyey tacsi dhamaan eheladdii iyo qaraabaddii shaqsiyaadkii ku geeriyooday dagaalada iyo kuwii ku dhaawacmayba ayaa ku nuuxnuuxsaday inaan loo baahneyn dagaal oo lagu jiro marxalad xassaasi ah lana goobaayo sidii xal waara looga gaari lahaa nabadgelyo xumada iyo maamul la'aanta ka jirta waddanka guud ahaantiisaba.

Mudane Ali Jarmal wuxuu ku baaqay in si shuruud la'aan ah loo joojiyo dagaalka oo uu yiri waxaa maanta guuleystay kooxda joojisa dagaalka ee marnaba ma guuleysato koox dagaal isku dayda iney wax ku joojiso. dagaaladdan beryahan ka socday Medina iyo kuwii maanta gobolka Sh/dhexe ka dhacayba waxaan aragnaa in dhimashada iyo dhaawacaba ey u badnaayeen shacab aan waxba galabsan. wuxuu ugu baaqay maleeshiyada dirirtay iyo madaxdoodaba iney arrintan masuuliyaddeeda qaataan lagulana xisaabtamo sababtana waxey tahay buu yiri haddaan si dhab ah loo xisaabtamin suurta gal ma noqoneyso in la joojiyo dagaalo noocan ah oo kale mustaqbalka.

annanKofi Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey, ayaa Kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay colaada joojiyaan isla markaana ka qayb qaadaan hanaanka geedi socodka nabada, waxana uu cadeeyey in hadii ay dagaalka joojin waayaan lala xisaabtami doono, waxa kale oo Annan uu ka codsaday wadama deeqda bixiya in ay caawiyaan Soomaaliya, sidaas wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay UN-ka Feb 28, 2003

Mudane Ali Jarmal wuxuu ka codsaday kooxaha dirirsan iney u dhaga nuglaadaan talooyinka iyo waanada ey soo jeediyaan odayaasha, culumaau'diinka iyo bulshada nabada jecel. Ali Jarmal wuxuu ku baaqay in markan la howl galiyo guddi dhexdhexaad ah oo arrintan si dhab ah u soo baarta talooyinkoodana lagu dhaqmo oo heshiis buuxa la wada saxiixdo ummadda soomaaliyeedna ey marqaati ka noqoto. Mudane Ali Jarmal wuxuu yiri waa in si dhab ah loo xisaabtamaa oo shaqsigii ey ku caddaato falalka noocan ah talaabo sharci laga qaado ee ma aha in mar walbo dhacdooyinkan oo kale si qarsoodi ah lagu heshiiyo oo la dhoodhoobo waayo waxaan ka hadleynaa shacab la dilay ama la dhaawacay.

Mar wax laga weydiiyey cidda talaabada sharciga ah qaadeyso wuxuu ku jawaabay shaqsi walba oo wax garad ah damiirna leh ayaa loo baahan yahay iney gacmaha is qabsadaan oo ey arrintan u istaagaan, gaar ahaan wax garadka beelaha oo uu sheegay inuu isugu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo cid alle ciddii ka shaqeyneysa nabadda, mana aha in xuquuqda bini'aadanka ey shaqsiyaad ku tuntaan haddaan hadda la istaagin wuxuu yiri berri baan ka mid noqon karnaa shacabkaas la dilay.

Mudane Ali Jarmal wuxuu ka codsaday dhamaan shacabka soomaaliyeed in la wada canbaareeyo dhamaan shaqsiyaadka ku kaco falalka noocan ah iyadoo la xaqiiqsanayo marka hore, loona wada istaagaa nabada waddanka.

CQoraalkii hore ee ali jarmal ... GUJI

Warkaan kala xiriir:

Abdirahman Omar Osman
yarisow70@hotmail.com 

March 5, 2003

DAGAALKII G/SH/DHEXE OO AY KU DHINTEEN 10 QOF
Dagaalkaas oo dhexmaray Maxamed Dheere iyo Jilibka Maxamed Muuse GUJI 5/3/3

<><><>

I  I  D  H  E  H

WARARKA SHIRKA MBAGATHI
SRRC oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
Cismaan Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
Shariif Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
Cawad Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman Ka Akhri Halkan Feb 28

TAXANIHII SHIRKII ELDORET

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]