SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA
DAGAAL DHEX MARAY MAXAMED DHEERE IYO JILIBKA MAXAMED MUUSE

ISHA WARKA: www.middle-east-online.com | March 4, 2003

Warar ay faafisay warbaahinta bariga dhere ayaa sheegay in dagaal ka dhacay Gobolka Shabeelada Dhexe ee Soomaaliya, dagaalkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan toban qof waxaa lagu soo waramay in uu la xiriirey ama la iskaga horyimid dhul, dagaalkaas oo dhacay Isniintii.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay yihiin dhanka Jilibka Maxamed Muuse iyo laba shicib ah, shanta kalena ay yihiin maleeysiyada taageerta Xabeeb. In kale oo aan la magcaabin ayaa dhaawacmay.

Warku waxa uu intaas ku daray in dagaalkan oo ka dhacay tuulada Raghe-Eele uu ka bilaabmay kaddib markii maleesiyada taageerta Maxamed Cumar Xabeeb (oo loo yaqaan Maxamed Dheere) ay weerar ku qaaday goob isbaaro ah oo ay lahaayeen jilibka Maxamed Muuse.

Dagaalkan waxa uu dhacay kadib  markii uu weerar soo qaaday Xabeeb oo raba in uu ballaariyo xukunka sharci darada ah ee uu ku hayso aagaas, sidaas waxaa yiri Axmadey Sheikh Xassan oo ka tirsan jilibka Maxamed Muuse.

Wararku waxay ku dareen in dagaalkaas ay xaqiijiyeen ilo wargal ah oo aagaas jooga, laakiin uu Xabeeb beeniyey arintaas.

Xabeeb oo ku magac dheer Maxamed Dheere waxa uu xukumaa caasimada Gobolka SHabeelada Dhexe ee Jawhar, halkaas oo uu gacanta ku hayey ilaa sannadki 2001 markaas oo uu kasoo baxay DKG.

Soomaaliya waa dal aan lahayn dawlad dhexe oo sugta ammaanka dadka isla markaana muctarif dunida ka ah caalamka ilaa uu ka baxay Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991 ayaa warku kusoo gabagabeeyey.

[Balse u fiirso akhristow dhammaan dadkaas dhintay iyo dhaawacuba waa dad wada dhashay, taase warku kuma darin, waana mida ay rabaan qabqablayaashu in aan dadka la fahamsiin si dagaalku uusan weligiis u dhammaan, eeg hada qabiil soo dhaaf, jilib ayuu marayaa lamana oga wax jilib ka hooseeya. Ogowna inta Soomaalidu isku maqan yihiin waxaa sidii ladoono laga yeelaa kheyradkii dabiiciga ahaa ee dalka sida xeebaha, kalluunka iwm, khayraadkii beerahana waxaa lagu bedeley dhul lagu beero daroogo, inta soo haartayna waxaa loo soo dhoofiyaa in lagu aaso sun raadka dagaalka ka daran ku reebi doonta jiilasha hadda iyo kuwa soo socda ee dhulkaas ku noolaan doona.... waxaanse akhristow la ageyn xisaabtanka uu xusay Kofi Annaan toddobaadkii hore waqtiga la hirgelin doono, si ugu yaraan loo daba qabto dalkan, ileyn caano qubtay hamadoodaa la qabtaaye... waxaase taas ka daran goorma ayaa shacabka Soomaaliyeed ka hari doonaan taageerada qabqablayaasha dagaalka....]

Tarjumadii SomaliTalk Canada | 5/3/2003

LIFAAQ: Dhulka lagu dagaalamayo oo ayadoo aan cidna u  warhayn ama dan kalahayn lagu duugayo sunta halista ah ka akhri halkan... GUJI

-dhammaad-

annanKofi Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobey, ayaa Kooxaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay colaada joojiyaan isla markaana ka qayb qaadaan hanaanka geedi socodka nabada, waxana uu cadeeyey in hadii ay dagaalka joojin waayaan lala xisaabtami doono, waxa kale oo Annan uu ka codsaday wadama deeqda bixiya in ay caawiyaan Soomaaliya, sidaas wuxuu ku sheegay qoraal kasoo baxay UN-ka Feb 28, 2003

Madaxda Carabta oo Kasoo Horjeestey Dagaalka Ciraaq
Kulankii wadamada ku bahoobey ururka Carabta uga socdey Masar ayey ku sheegeen in.. GUJI... 2/3

VIDEO: WARARKA BAARLAMAANKA TURKIGA--- DAAWO CBC
VIDEO:
Khudbadii Bush u jiidiyey Dadka Maraykanka
VIDEO:
Bush oo diidey taladii Canada ee Ciraaq

ARAFAT: DAGAALKA CIRAAQ WAREEN AYUU KU NOQON XAQA FALASTIIN
Carafaad oo aaladda layska arko qudbad ugaga jeedinaayay shirka ay kuleeyihiin magaalada Kuala Lumpur ayaa yiri... GUJI... Feb 26

SADDAAM OO CODSADAY INUU WADA HADAL TOOS AH LA YEESHO BUSH
Waraysi uu la yeeshay TV-ga CBS ayuu Saddam shaaca kaga qaaday in uu diyaar inuu madaxweynaha Mareykanka kala doodo arrimaha.. GUJI

<><><>

I  I  D  H  E  H

Ganacsade Lagu Weerarey Isgoyska Siinaay
iyo dagaalkii Yalaxow iyo Cumar Finish ee Muqdisho oo galabtay dib u cusboonaaday, Yalaxowna uu gacan sareeyey.... GUJI 1/3  

WARARKA SHIRKA MBAGATHI
»»SRRC oo eedayn Kulul usoo jeedisey DKG
»»Cismaan Caato oo Weli diidan SHirka Nairobi
»»Shariif Salaan oo Kubaaqay in Laga Soo qayb galo Shirka
»»Cawad Cashara: Eedaynta Deriska waxba kama jiraan
Dhamman Ka Akhri Halkan Feb 28

TAXANIHII SHIRKII ELDORET 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD