SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Ha’ogaadaan Soomaalidu iney Soomaaliya Necebyihiin, ka hor inta aan Itoobiya la dhihin wey neceb tahay Soomaalida. 

NAROBI: TIFAFTIRAHA SOMALITALK.COM OO KA JAWAABAY SU’AALO UU WAYDIIAY Mr XAGARYARE

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

March 8, 2003
Germany
 

Hadii aad na aqoonsatid dhulka aynu isku haysanno qaado, sidaas DKM ma tiri?....

Siyaasiyiinta Soomaalida wax la dhihi karo mawqif adag ayuu ka taagan yahay Itoobiya waa Cali Khaliif Galaydh... 
KAAH

Marka uu Soomaaliga ka soo jeeda gobolada dhexe iyo kuwa koon-fureed doonaayo inuu kaaga waramo dhibaatada Soomaaliya ay soo martay wuxuu kaaga bilaabayaa"wallaahi walaaloow wax lasoo koobi karo maahan dhibkii ina soo gaaray laga soo bilaabo 1991kii".

Balse isaga oo aysan ka ahayn inuu aasayo ama si u lakaca uga indho qarsanayo walaalkiisa woqooyi, iyo dhibkuu soo maray ayaa kan gobolada woqooyi isagoo taas ka caraysan si kulul ugu jawaabayaa oo oranayaa " waar xilligan aad sheegi waaba xilligii uu noo bilawday inaanu dhibkii iyo xabaalihii dib uga soo baxno ee hortaa -baannu leeleelay oo soo lugonay ee orodoo wadh-wadha nala dhaaf".

Sikastaba ha’ahaatee waxaan shaki ku jirin in cid laga eed sheegto iyo mid eed sheegtaba Carro edeg aan cidi fayoobayn,cidina eed ka nadiif ahayn-.

Iyadoo ay taasi kuu sii dheertahay "Cidina uma maqnna ceellana uma qodna".


Fahad Yasin

waxaan dhowaan waraysi dheer Shabakadda Internet-ka ku layeeshay, Wariye dhalinyara ah oo aan aad uga danbeeyo aragti dheeridiisa, waa "Fahad Yaasiin Xaaji Daahir" Tifaftiraha Somalitalk.com , isagoo jooga Bariga Afrika Nairobi.

Waraysigaas oo aad u dheer waakan.

Xagaryare: Soomaalida Kenya ku nool sidey ku helaan xogta dalkii Soomaaliya?

Fahad Yaasiin: Kenya waa dhul ay Soomaali dagan tahay, waa dhul Soomaaliyeed, xogta aan ka helno Soomaaliya waa mid aad u xoog badan, waayo xuduudihii oo dhanbaa isu furan, Gobol kasta oo ay Soomaali dagto waxaa maalin walba tagta oo ka timaada Diyaarado, waxayna soo qaadaan ama sii qaadan dad badan oo Soomaali ah oo u kala gooshaya Kenya iyo Soomaaliya, wararka goob joogga u baahanna iyagaa laga helaa.

Qolada labaad ee Wararka laga helo waa Jornaallada ka soo baxa Muqdisha oo Nairobi si joogta ah u yimaada, sidoo kale waxaa magalada Nairobi laga dhagaystaa Idaacadda Iqra FM oo maalintii leh hal saac oo Afsoomaali ah, intaas waxaa ka sii wada war badan Baraha Internet-ka oo ay Soomaalidu aad u booqato, gaar ahaan kuwooda Soomaalida, Bogga “Somalitalk.com” waxa uu ka mid yahay Baraha sida aadka ah looga jecel yahay Nairobi

Xagaryare: Dad intee le’eg ayaa Kenya ka jooga Soomalida, dadkii Madaxda ka ahaa Soomaaliya ee ku nool bariga afrika wax ma kaxusi kartaa, qaabkayse u noolyihiin,?

Fahad Yaasiin: Kenya waxa ay Soomaalida u noqotay gurgii labaad, Dowladda Kenyana waxa ay siisay soo dhawayn dhamaystiran, waxayna u noqotay hoy ay isku soo urursadaan, dad ahaan iyo dhaqaale ahaanba, sida badan Soomaalidii Kenya timid kuma nagaadin, inta joogtana waa ka sii socdaan, marka wey adag tahay in la dhaho raggii madaxda ka noqday Soomaaliya hebal iyo hebal baa dagan, laakiin waxaan ognahay in inta badan madaxdii Soomaalida ay Kenya yimaadeen oo ay uga sii gudbaan wadamo kale, xitaa Madaxweynihii Soomaaliya xilligii uu baxsanayey Kenya ayuu ku soo baxsaday oo uu uga sii gudbay goobtii uu ku geeryooday.

Inta aan anigu la kulmay maxadii Soomaalida soo martay waxaa ka mid ahaa Sh.Mukhtaar oo ahaa Gudoomiyihii Barlamaan-ka xiligii dowladii shibilka isagana halkan sababo Caafimaad ayuu u yimid, waxaan ka faa’iiday Sh.Mukhtaar in Soomaalidii hore ay wadiniyiin ahaayeen.

Laakiin hadda oo uu socdo shirkii Soomaalida waxaa la dhihi karaa intii ay wali u hartay Kaar Siyaasadeed waa ay joogaan halkan.

Xagaryare: Shir ayaa maanta Kenya Soomaalida uga socda oo ay Kenya shir gudoomiye ka tahay, laba nin ayaa laysku badalay dhanka Kenya ilaa haatan, ma’umalynaysaa in xaalada Soomaaliya ay daacad ka tahay Kenya?

Fahad Yaasiin: Labada nin ee la isku badalay dadku waxa ay ku kala tilmaamaan sida tan: ninkii hore inuu ahaa nin aan go’aan lahayn misana khalad badan, ninkan cusubna waa nin khalad yar go’aanna leh, taas ayaa waxay sababi kartaa in Ergaygan cusub uu ka hawl karsanaado Ergaygii hore, shakhsiyan waxaan ku tilmaami karaa Kenya iney dhexdhexaad ka tahay shirka marka la babac dhigo dowladaha safka hore ee u xilsaaran shirka, waayo dowlada Kenya ma jirto koox ay taageero joogta ah siiso oo kamid ah kooxaha Soomaalida.

Xagaryare: Dalkaasi Ethiopia ayaan sadex su’aalood isu kaa raacinayaa.

A) Soomalida dibadda iyo gudahaba, kuwo shirka jooga iyo kuwa aan jooginba, Itoobiya qaar ayaa si wayn uga cabanaya oo leh bal daacad darro kaliya kumay ekaanine dhibka ayey wax ka siiwadaa, arintaas adigu maqabtaa?

Fahad Yaasiin: fikrada caynkaas ah dad badan oo Soomaali ah ayaa qaba, dowlada Itoobiya iyada ayaa laga rabaa in ay si fiican uga jawaabto isweydiintaas ay qabaan Soomaali badan, inta aanan ka jawaabin su’aashaa, waxaa muuqata in uusan jirin dheelli tir Siyaasadeed oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, taasoo ay sabab u tahay Dowlad la’aanta ka jirta Soomaaliya, Dagaaal-ooge Soomaaliyeed oo aan su’aashaa weydiiyey xilli sii horeysay waxa uu iigu jawaabay, “Soomaalida iyaga ayaa Itoobiyaanka warar been ah u geeya, ee Itoobiya ma nibca Soomaalida”.

Dowladda Itoobiya dano dhaqaale iyo mid Siyaasadeed ayey ka leedahay dalka Soomaaliya mar haddii aysan jirin ciddii ay arintaa kala gorgortami lahayd waxaa muuqata in Itoobiya ay si indha-adayga ah u marayso fulinta danaha ay ka leedahay Soomaaliya, Soomaalidu iney aaminaan in Itoobiya ay neceb tahay waxaa sal dhig u ah, Itoobiya oo aan ka leex leexan iney si toos ah u soo gasho gudaha Soomaaliya, sida ayba sheegeen madax sare oo ka tirsan Maamulka Itoobiya, oo ay waliba wadaan qaar sheeganaya iney yihiin hogaankii Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Aniga waxay ila tahay in aanan la isku daalin Itoobiya, ee ay Soomaalidu kolka hore garato sidii ay ula xisaabtami lahayd maamulka Itoobiya, haddii taas la waayo waxaa iska af cidla ah noqonaya Itoobiya dhib bey nagu haysaa. Tusaale hadaan bixiyo Gobolka Gado goortii ay kula dirirayeen Itaxaadka waxaa waday Hogaankii Siyaasadeed ee gobolkaas, sidoo kale markii lagu eedeeyey iney galeen Baydhabo waxaa hor kacayey Hogaankii Goboladaas, waana sidoo kale gobol kasta oo la dhaho Itoobiya ayaa dhib ka wada, marka Soomaalidu kolka hore iyadu dhibka ha iska dayso, hana ogaato iney Soomaalidu Soomaaliya necebyihiin, ka horta inta aan Itoobiya la dhihin wey neceb tahay Soomaalida, marka qof isagu is necab inuu dhaho dariskeybaa sabab u ah inaan is naco caqli gal matahay.

B) Hadii aysan daacad ka ahayn maxay daacad daradeeda ka waddaa oo ay ka yaabantahay in midnimada Soomaaliyeed Itoobiya u keento?

Fahad Yaasiin: Siyaasadu daacad iyo daacad darro malahan ee dan ayey leedahay, marka su’aashu waxay noqoneysaa danaha ay Itoobiya ka leedahay Soomaaliya iyo danaha ay Soomaalidu ka leeyihiin Itoobiya see la isugu keeni karaa, waxaa muhim ah inaan xusuusnaano in madaxda Soomaalidu ay u kala dhuuntaan Itoobiya, oo kii shalay la jiray Itoobiya hada wuu ka soo horjeedaa, kii shalay ka soo horjeedayna hada wuu u sacbinayaa, marka yuu mar walba is badalku ka imanaya, Itoobiya danaha ay ka leedahay Soomaaliya marna ma qarsan, waxaana ka mid ah kuwan.

1. Iney Soomaaliya ka hesho Deked ay wax uga soo dagaan, walibana ay noqoto mid ka mid ah Dakadaha u dhaw Xuduudaha ay la leedahay Soomaaliya. Mana hayaan ciddii u ogolaan lahayd ama u diidi lahayd arimahaas.

2. Iney hubiso nabad galyadeedo oo loo xaqiiqjiyo inaan Itoobiya laga soo weerareynin gudaha Soomaaliya, taasoo ku iman karta in Soomaaliya gacanta loo galiyo dowlad iyada ka shidaal qaadata.

3. In loo ogolaado Itoobiya iney tahay dowlada ugu xoogga badan Geeska afrika: taasna waxay Itoobiyaanku tuhunsan yihiin haddii Soomaaliya ay ka dhalato dowlad adag iney noqon karto mid kula loolanta jagadaas banaan yaalka hadda u ah Itoobiya.

4. waxaa jira dhul ay Itoobiya iyo Soomaaliya isku haysteen muddo dheer, dhulkaas Itoobiya waxay rabtaa inaan la haweysan, taasna jawaabteeda maamulkii bixin lahaa lama haya.

Waxaad moodda Itoobiya haddii loo helo Siyaasiyiin Soomaaliya oo garan kara sida loola xisaabtamo dal dalkaaga dan kaleh misana hadda kaa awood roon, waxaan shaki ku jirin in Itoobiya la isla afgaran karo heshiis mudo lagu wada noolaan karo.

C) Dawlada K.M.G. mar ayuu Wasiirkeeda arimaha dibadu Itoobiya ku yiri, hadii aad na aqoonsatid dhulka aynu isku haysanno qaado, arintaas maxaa ka yeersiiyey Wasiirka?, Cabdi Qaasimse Itoobiya iyo isagu halkay kala taaganyihiin.?




 

 

Fahad Yaasiin: Anigu horta ma akhrin hadalkaas oo qoran, laakiin Wakaaladaha wararka qaarkood iney qoreen ayaa la ii sheegay, waxaanse ogahay in Wasiirkii hore ee arimaha dibada Mudane Ismaaciil Buubaa, uu u cudurdaartay madaxda Itoobiya isagoo ka raali galinayey dhaleecayntii ay u geysteen madaxdiisii, wallow isla markiiba ay ka jawaabeen qaar kamid ah hogaankii sare ee D.K.M. gaar ahaan R/W/hore Dr.Cali Khaliif Galadh.

Waxaa xaqiiqa ah marka lawada fiiriyo madaxda Soomaalida oo dhan inta hadda la yaqaan, ma ogi nin Itoobiya u diidan dana Soomaaliyeed owgeed, intaan ka aqaan Siyaasiyiinta Soomaalida wax la dhihi karo mawqif adag ayuu ka taagan yahay Itoobiya waxaa ka xusuustaa Cali Khaliif Galaydh, sidoo kale Qanyare oo aan tixraaciisa Siyaasadeed lagu hayn inuu galay gurubka raacsan Itoobiya, marka haddii aad aragto Siyaasi hadda habaaraya Itoobiya iska sug maalmo yar, hadana adaa arkaya isagoo afkii uu shalay ku habaarayey Itoobiya hadana ku leh Amxaarada Nabigii ayaa u duceeyey ee maxaa laga rabaa.

Madaxweynaha D.K.G. ah laftiisuna ragiisa ayuu kamid yahay, oo waakii dhawr jeer Itoobiya booqday isagoo lahaa markaa, i aqoonsada ugu horayn aniga, kadibna waxaad iga codaneysaan ii sheega, laakiin maamulka Itoobiya maadama ay dhagta ku hayeen inuu khudbadaha Bisinka ku bilaabo wey ku adkaatay iney aaminaan. C/Qaasim wuu aamini lahaa maamulka Itoobiya laakiin Zinaawi ayaa ku kalsoonaan waayey C/Qaasim.

Xagaryre: Jabuuti iyo Soomaaliya halkay kala marayaan?

Fahad Yaasiin: Jabuutii waa tii soo dhistay D.K.G. ee Madaxweyne loogu soo doortay C/Qaasim, waxay gudeysay abaal Soomaalidu u galeen Jabuuti, waxaana la dhihi karaa Jabuuti wey guday wixii abaal ahaa oo ay Soomaalidu horay ugu gashay, waliba Soomaalida ayaa hadda dayn lagu yeelanaya oo ah mid looga fadhiyo goorta ay Soomaalidu gudi doonto, Jabuuti ilaa iyo hadda kama lug bixin arimaha Soomaaliya oo shirka hadda Kenya ka socda Safiir ayey u soo magacawday, si weyn ayeyna goob joog uga tahay hamsami u socodka shirka.

Haddiise laga hadlo kaalintii Siyaasadeed ee ay siin jirtay D.K.G. waxaa la dhihi karaa sidii hore ma’ahan, lamana yaqaanno sababta dhabta ah ee ay Jabuuti uga gaabsatay taageeradii ay siin jirtay D.K.G.

Xagaryare: Caqabada ugu wayn ee ay ilaahatan isla mari la’yihiin Ragga Kenya isku horfadhiyaa waaa maxay?

Fahad Yaasiin: Sadax midkood ayaa dhici karta, iney sadaxdaba jiraanna waa suuragal.

1. Siyaasiyiinta qaar maba rabaan iney Soomaaliya dowlad ka dhalato, waayo isaga saanaa u faa’iido badan, sababo badan awgood, aqoon ahaan wuxuu ogyahay waardiye xitaa inuusan istaahilin haddii ay dowlad dhalato, taageerayaa-shiisana wuxuu u sheegaa inuu Madaxweyne u soo helayo, dhaqaale ahaanna saanaa u faa’iido badan, wuxuu doono ayuu ka ganacsan iyadoon cidana waxba weydiin, saa isaga leh Garoonkii ama Dakaddii ay waxa ka soo dagayeen.

Xagaryare: R/Galbeedku waa kuwan kharash badan ku bixinaya shirkee, daacad ma ka yihiin xal u helida Soomaaliya? Danaha ugu weyn ee ay Soomaalidu u aragto ama ay adigaba kula tahay ee ay ka leeyihiin Soomaliya waa maxay?

Fahad Yaasiin: R/Galbeedku marka ay bixinayaan kharashka shirka kama ahan Sadaqo, oo R/Yurub ma’ahan Hay’ad Samafal, ee waa dowlado leh dana u gaara, waxaa haboon in la fahmo lacagtan hadda shirka Soomaalida lagu bixinayo ineyba dhici karto iney tahay lacagihii awal Soomaaliya loo qoondeeyey oo la waayey cid la wareegta, intaas waxaa dheer danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya oo aan hadda lagu soo koobi Karin qodobo yar yar, walaw aan ka mid ahay dadka rumaysan in R/Galbeedka qaarkood ayba u faa’iido badan tahay dowlada la’aanta Soomaaliya, sida aan ku sheegnay madaxda Soomaalida qaarkood, waayo khayraadkii dalka oo dhan sey rabaan ayey ka yeelaan, sunta dunida ka mamnuuca ah oo dhan Soomaaliya ayaa hoy u ah.

Waxaase qodobadaas oo dhan ka muhimsan maanta R/Galbedka kanshaba uma hayo arimaha Soomaaliya oo halkaas iyo Ciraaq ayaa qaarna haystaan, qaarna sidii ay saami ugu yeelan lahaayeen ayey u ordayaan, waa laga yaabaa hadii lagu soo khasaaro Ciraaq in hadana bal qamaar labaad lagu dheelo Soomaaliya, walow aysan ka heleynin Soomaaliya khayraadka yaalla Ciraaq oo kale.

Xagaryare: Ninka aad isleedahay Madaxwey-nenimada wuu ku soobaxayaa waa kuma, maxaadse ugu malaysay.

Fahad Yaasiin: Hadda inta sida rasmiga ah usheegtay iney rabaan jagada Madaxweynaha inta aan ogahay waxay kala yihiin.

  • 1. C/Laahi Yuusuf Axmed: Madaxweynaha P/L.
  • 2. C/Raxmaan Jaamac Barre: W/D/ee hore.
  • 3. Faarax Wehliye Cadow ( Sendiko): Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta Soomliyeed.
  • 4. Maxamed Cumar Xabeeb( M.dheere). Gudoomiya Sh/Dhexe.
  • 5. C/Laahi Axmed Caddow: W/hore ee Maaliyadda.
Xuseen Caydiid oo Caddeeyey in uu u tartamayo Madaxweynanimada Soomaaliya..... Dhegeyso VOA...  
Shantoodaas waxay dad badani rumeysan yihiin iney ugu horeeyaan C/Laahi Yuusuf oo taageero Siyaasadeed ka haysto dowlado dariska ah, iyo dowladaha la dagaalan waxa ay ugu yeeraan Argigixisada, sababtuna waxaa weeye C/Laahi isaga ayaa Barnaamijkiisa Siyaasadeed ugu horeysiiyey la dagaalanka waxa uu ugu yeeray Wadaadada Madaxa adag, taasna waxaa sabab u ah colaadda guunka ah ee uu u hayo Wadaada daneeya Siyaasada.

Sidoo kale Caddow waxa uu taageero ka haystaan dad badanoo Bulshada Soomaaliyeed kamid ah, una badan Bulshada Rayidka ah, wakhti dheerna waa uu hayey hanka ah inuu Madaxweyne ka noqdo Soomaaliya, waatii uu C/Qaasim tiro kaga guuleystay Doorashadii Carta.

Sadaxda soo hartay ma garan karo maalmuhu waxay si qadar ah ugu sahasho, laakiin ma muuqato iney haystaaan wakhti kaalmo u ah iney ku helaan jagada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa laga yaabaa in dad is weydiiyaan C/Raxmaan J.Barre oo wali madaxa Soomaalida aan ka bixin 21.Sano oo xukun Dektaatori ah oo uu ka ahaa Wasiirkii Dibada, tolow Soomaali mayeeli doontaa in ninkii saas ahaa uu 13.Sano inta soo nasto hadana dhaho hogaankii ugu sareeyey ee dalka dib hala iigu martiqaado.

Xagaryar: Haddii nin aan ahayn C/Qaasim shirka laga dhexdoorto, C/Qaasim ma taageerayaa baad u malaynaysaa?

Soomaaliya Shalay & Maanta

Fahad Yaasiin: Sida uu C/Qaasim laftiisu sheegay, wuu aqbalayaa wuuna ogolaanayaa haddii Soomaali hogaamiye kale isku raacdo, waana hadal uu in badan warbaahinta ka sheegay Madaxweyne C/Qaasim, laakiin ma hadal Siyaasadeedbaa mise waa war daacadnimo ay ka danbeyso? Jawaabtaas wakhtiga ayaa bixinaya Insha’alaah, laakiin shakhsiyan ma qabo in xilligii D.K.G. oon dhamaan dowlada kale laga duldhiso, waayo haddii dowlad kale laga dul dhiso waxaa macquul ah iney keento mushkilad aan la xalin Karin.

Waxaa Waraystay. Xagaryare

Email. Xagar91@hotmail.com

Kulaabo Bogga Hore....

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]