SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
cali xalane
Cali Xalane
WARIYE CALI XALANE OO BAGDAAD JOOGA:

WAA WARIYIHII WADA ARKAY MUQDISHO IYO BAGDAAD:

Faaladii: Fahad Yaasiin Xaaji Daahir | editor@somalitalk.com  

Daabacaad: May 10, 2003 | Update: May 11, 2003

Marka la soo qaadayo Cali Xalane waxay xusuusteydu soo rogeysaa goortii aan wargayskii Carabiga ahaa ee aadka looga akhrisan jiray wadamada Khaliijka waa (Jariidada Almusli-muun) aan Bogageeda ugu horeeya ka akhirin jira qoraal uu u soo diray Wariyahooda “Cali Maxamed Xalane” oo jooga Muqdisho, sanadihii 95-96.97.98., Wariye Xalane waa Wariye aadka looga yaqaan dunida Carabta, waxaana la oran karaa waa wariyaha Soomaaliyeed ee ugu caansan dhinaca warbaahinta Carabta.

Cali Xalane waxa uu sannadkii 1970 ku dhashay magaalada “Ceeldheer” ee Gobolka “Galgaduud”, waxa uu ka qalin jabiyey Jaamacada Muqdisho isaga oo bartay, “English literature” waxa uu tababar Saxaafadeed u aaday wadamada kala ah, Sacuudiga, Masar, iyo Suudaan, waxa uu Saaxafada si weyn ugu biiray bilowgii Sagaasha-meeyadii isagoo markaa la soo shaqeeyey warbaahinno kala duwan oo inta badan afka Carabiga ah, waxaa uu wariye joogta ah u kala noqday goobaha kala ah.

  • 1.Wariyiha Idaacadda Kuwayt. Laga soo bilaabo 97.kii.
  • 2.Wariyii Jariidada Almuslimuun, Jeddah.laga soo bilaabo.95.kii.
  • 3.Wariyiha Radio Montecarlo: Baariis.
  • 4.Wariyiha BBC-da Laanta afka Carabiga laga bilaabo 96.kii.
  • 5.Wariyaha Jariidada Alsharqalawsat. London
  • 6.Wariyihii Jariidada almustaqillah. London.
  • 6. wariyaha wareega ee Sharikadda caalamiga ah ee Media International waana Hay’ada leh www.islamonline.net  

KAAH
Cali Xalane intaa kaliya ma’ahayn hawshiisa, oo iskuma uruurin Afka carabiga, ee waxa uu qoraallo ku lahaa Wargaysyada ka soo baxa Soomaaliya Qaarkood, sida isagoo Faallo joogta ah ku lahaan jiray Wargayska Dadka ee Asbuuclaha uga soo baxa Muqdisho, Faaladaas oo ay cinwaankeeda joogtada ah ahayd (QABYO) wuxuu ahaa qoraal ay dadku aad u jeclaayeen, aniguna waxaan ka mid ahaa Akhritayaashii u iibsan jiray Dadka si ay u helaan fursada akhrinta Qoraalka Wariye “Xalane”. Sidoo kale waxa uu qormooyin isdaba joog ah ku lahaan jiray Wargayska (Qaran) ee isna ka soo baxa Muqdisho, waxaa uu si weyn uga muuqday Saxaafada dalka Jabuuti oo uu labada wargays ee kala ah ( Waayaha Geeska) ee afsoomaaliga ah iyo (Alqarni) oo af carabi ah, uu wax ku qori jiray, waxa uu Tifaftire ku xigeen ka noqday Wargayskii Afka Carabiga ahaa ee la oran jiray ( Alsoomaal Aljadiid, waxaa uu qoraal joogta ah ku lahaa jariiddii iyaduna Carabiga ahayd ee (AlUmmah) oo aan ka xusuusto qormo macaanayd oo uu “Xalane” ugu magac daray ( Min waxyil Azma) wuxuuna uga faalloon jiray dhibaatii ay keentay dagaallada Sokeeye, Xalane waa wariyaha aadka uga faallooda arimaha Geeska Afrika waxa uuna Waraysiyo kala duwan siiyey TV-yada kala ah Aljazeera, Abu-Dubay, iyo MBC-ga.

Cali Xalane waa Wariye da’yar oo Caata ah, waa bashaash aad ka helesyo sheekadiisa , inta aad agfadhido ku daalimeysid adoo jecel ayaad ka soo tagaysaa, qaybaha kala duwan ee Bulshada oo dhan wuu fahmayaa “xalane” siduu ugu sheekeen lahaa, intabadan Qoraallada uu qoro hadafka uu ka leeyahay waxay tahay sidee umada Mulsmika ah iyo Soomaliduba ay badbaado ku heshaa, “ Cali Xalane” waxaan is baranay bilowgii 96.kii aniga oo markaa ku soo booqday Xafiis uu ku lahaa Muqdisho, goortii aan u sii socday Xafiiskiisa muuqaalkii ay maskaxdaydu ii sheegtay iyo markii iyadoon la ii farfiiqin si kadis ah la iiyiri Cali Xalane waa kan, waxay maskaxdaydu lahayd tolow Wariyihii aad rabtay inaad aragto ma’ahan ninkan ee waa goob kale meesha aad timid, sababta ay maankaygu iyo muuqaygu isku hardiyeenna waxaa saldhig u ah, qoraaladii Cali Xalane ee aan weheshan jiray, da’dii ay ila jireen ee aan maanka ku haystay iyo muuqaygu qofkuu arkay, waxaa sanado tiro badan weynaa da’dii uu qoraaga qoraaladan ila jiray, saa awgeed Cali Xalane waa Qoraa aad isleedahay tolow ninka qormadaan qoray ma wuxuu goob jooge ka ahaa dagaalkii labaad ee aduunka.

Faalo uu Fahad Yaasiin ku qoray wargeyska Alquds Alcarabi GUJI 
Cali Xalane waxa uu Bagdaad tagay Jimcihii dhawaa isaga oo ka socoda Media International oo ah Hay’ada iska leh Barta www.islamonline.net Email uu ii soo diray Maanta waxa uu Cali Xalane iigu sheegay inuu soo qaaday jidka dheer ee isku xira Cammaan iyo Bagdaad isagoo soo maray Xuduuda labada dal Urdun iyo Ciraaq, “Xalane” intii uu jidka hayey waxa uu sheegay inuu arkay Ciidamadii Maraykankan oo si raxan raxan ah u dhooban dariiqa, islamarkaana ka samaytay Isbaarooyin farabadan oo ay dadka ku baaraan, waxa uu Su’aalo badan weydiiyey Gabadh ka tirsan Ciidamada Maraynkanka oo Su’aalihii uu weydiiyey ay ka mid tahay, (Gumays-tayashii hore marka ay dal ku soo duulayaan Ciidanka kuma dari jirin Dumar, maxay Maraykanku ugu soo dareen Ciidan-kooda ay Ciraaq ku qabsadeen Haween?) waxay ugu jawaabtay inuu laba farqi jiro, waa midee Maraykanku Gumaysi uma iman ee wuxuu u yimid inuu xoreeyo R/Ciraaq, waa mida labaade horumarka ay Tiknoolajiyada dagaalka gaartay ayaa Dumarka u sahlay iney ka qayb qaataan Dagaalka, waxay kaloo Cali Xalane ay u sheegtay iney Waraaqo ka hesho Amooraheeda oo jooga Kalafoorniya.

Warbixintaas oo Afka Carabiga ku qoran ka akhriso halkan.
http://islamonline.net/Arabic/news/2003-05/10/article10.shtml 

  Cali Xalane waxaan weydiiyey sida uu arko Bagdaad, waxa uuna ii sheegay inay wali ku adag tahay inuu faallo Goobjooge-nimo ka bixiyo Bagdaad iyo Ciraaq guud ahaan, maadaama uu ku cusub yahay Ciraaq, waxaanse ka rajo qabnaa in Cali Xalane uu maalmaha soo socdo naga dharjin doono xaaladaha Ciraaq.

Waraysigii Fahad Yaasiin ee uu la yeeshay XagarYare
Ha’ogaadaan Soomaalidu iney Soomaaliya Necebyihiin, ka hor inta aan Itoobiya la dhihin wey neceb tahay Soomaalida. GUJI..
Cali Xalane waa Wariyaha ay u suura gashay inuu wada arko Muqdisho oo ah goob uu ku dhex noolaa dhamaan intii ay dagaaladu socdeen, waxaa hubaal ah in Cali Xalane uusan ka argagixi doonin goorta ay dhagahiisa ku soo dhacaan Xabaddo si isdaba joog ah u dhacaya, waana mushkilada haysata Wariyayaasha kale ee ka yimid wadamo aan Xabadda dhicideeda laga maqal, waxaan ogahay aniga oo kaashanaya aqoonta aan u leeyahay Cali Xanale inuu noqon karo Wariye si daacad leh uga soo waramo xaalada dhabta ah ee dalka Ciraaq, isagoo haysta khibradihii uu ka kororsaday intii uu Wariyenimada uga hawlgalayey magaalada Muqdisho.

Waa wariyaha labaad ee Soomaaliga ah ee booqday Bagdaad, Wariyihii hore wuxuu ahaa Raage Omaar oo ka socday TV-ga BBCda, oo isaguna sumcad weyn ka helay Warbaahinta R/Galbeedka, waxaan filayaa in Cali Xalane uu isna Bagdaad ka kororsan doono khibrad dhamaystiran oo Wariyeno, uuna khabiir buuxa ku noqon doono sida looga soo waramo goobaha ay Colaada ka jirto, waana midda ay Hay’ada Media International ku dooratay inuu uga soo waramo Bagdaad, maadama uu uga soo warami jiray Muqdisho.

Cali Xalane waa Wariyihii Soomaaliyeed ee wada arkay Bagdaad iyo Muqdisho.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

editor@somalitalk.com 

May 10, 2003

 QORAALADII HORE EE FAHAD YAASIIN

IRAQ TODAY'S NEWS | WARARKII HORE EE IRAQ | SOMALIA NEWS

DIGNIIN: Deeq Waxbarasho oo Been Abuur ah
USA: Ardayda Dugsiyada Sare ee isu diyaarinaya Jaamacadaha Maraykanka waxaa.... GUJI. 10/5 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD