SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - USA
DIGNIIN KU WAJAHAN ARDAYDA DUGSIYADA SARE EE ISU DIYAARINAYA JAAMACADAHA USA

Tarjumadii SomaliTalk.com | May 10, 2003

  • Baraarujin: Lacag Deeq Waxbarasho oo aan waba ka jirin
  • Sidee Lacag Ku Bixinayaa anigaa lacaag la ii ballan qaadaye!!!
KAAH

Barnaamij baraarujin ah oo uu sii daayey Telefishanka maraykanka ee lagu magcaabo CBS ayaa sheegay in ay soo shaac baxeen barnaamijyo ardayda lagu hodayo. Waa barnaamij ardayga loogu ballan qaadayo in uu heli doono lacag deeq waxbarasho ah, laakiin ay shardi tahay in uu ardaygu marka hore bixiyo lacag khidmo ah oo gaareysa ilaa $1000.

Khidmadaas weeye tan digniinta hadda laga bixiyey. Sidee lacag ku bixineysaa adigoo lacag laguu ballan qaaday?

Baaritaan uu sameeyey TV-gu ayuu ku sheegay in lacagahaas deeqda ah ee ay shirkaduhu ardayda u ballaan qaadayaan ay tahay waxba kama jiraan iyo khiyaamo bareer ah oo ay tahay in laga fogaado si aan dabinkaas loogu dhicin.

"Haddii aad lacag bixineysid si aad lacag u heshid waa dhagar ama khiyaamo" sidaas waxaa yiri lataliyaha Dallas guidance, oo lagu magcaabo Patty Sisco oo uu TV-gu soo xigtey.

Waxaa warku intaas ku daray in shirkadahan soo shaac baxay ay ardayda u dirayaan waraaqo ay ku qoran yihiin hadalo ay ka mid yihiin kelmedo ay ka mid yihiin: waqtigii aad lacagta dalban lahayd waa la gaarey, in aad hadda dalbatid haddii kale waqtigu waa ku dhaafayaa iwm. Hadaladaas  waxaa lagu tilmaamay kuwo cabsi gelin ah oo aan waafaqsanayn anshaxa.

Hooyo reer Mexico ah [Mexican immigrant] oo magaceeda la yiraahdo Maria Sanchez iyo gabadheeda  Brenda waxay laga khiyaameeyey lacag boqolaal doolar ah ka hor intii aaney lataliyayaasha Iskuulku arintaas uga digin.

TV-gu waxa uu sheegay in dawladda dhexe ee Maraykanku ay ku qiyaastay 350,000 [saddex-boqol iyo konton kun) oo arday iyo waalidkood in sannad kasta laga khiyaameeyo in kabadan $5 million taas oo ah ballan qaad aan waxba ka jirin oo ay u sameeyeen shirkado, shirkadahaas oo qayb kamid ahi ay diideen in ay waraysi siiyaan TV-ga. Shirkada diidey in ay waraysiga bixiso oo TV-gu baaritaan dheeraad ah ku sameeyey waxaa uga soo baxday in dacwado badan shirkadaas horay uga yaaleen sida ay cadaysay qaybta ganacsiga hufan u qaabilsan maraykanka.

Waxaa TV-gu cadeeyey in ay Jaamacadaha USA leeyihiin qaybo u qaabilsan deeqda wax barasho, kuwaas oo aan ardayga wax khidmad ah ka qaadayn.

Bilahani waa waqtiga ugu badan ee ay ardaydu heli karaan waraaqo waxbarasho ka hadlaya maadaama ay xirmayaan dugsiyada sare, sidaas darteedna ay arday badani kasoo qalin jebinayaan dugsiyada sare, kuwaas oo diyaar u ah waxbarasho machad ama jaamacad.

Haddaba haddii laguu soo diro warqad kuu ballan qaadeysa in aad heshay deeq waxbarasho, oo markaasna isla warqadaasi kuu ku weydiineyso in aad iska bixisid khidmad, markaas xusuuso "Sidee lacag ku bixinayaa anigaaba lacag la ii ballan qaadaye"

Habka kale oo aad khiyaamadaas uga badbaadi kartaa waa in aad toos ula xiriirtid jaamacadaha aad qorshayneysid in aad dhigan doontid, gaar ahaan la xiriir qaybta jaamacada u qaabilsan deeqda waxbarasho ee loo yaqaan "Financial Aid"- Jaamacadaha badankoodu ama dhammaantood qaybtaas waa leeyihiin.

10-jir ku niyeystay, 40-jirna ku guuleystay   
waa Halgankii dheeraa ee qaadashada shahaadada PhD, ee Dr. Cabdullahi Warsame Afrax, Sweden... GUJI...

Tarjumadii Maxamed Cali
somalitalk@hotmail.com
Minneapolis, MN

ISHA: http://www.cbsnews.com

May 10, 2003

Kulaabo Bogga Hore....

Dhibaato Weyn ayaa Soo Martay
Laakiin wuxuu hadda higsanayaa Derejo sare
waa cabdinaasir haji-Bare oo ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota oo.. GUJI.. 9/5/3

...Labo halisood ee Qarnigan Soo Food Saaray Soomaalida..

...Waxbarasho ee BDeeqdii Waxbarasho ee Bill Gates

Xafladii Ardayda Soomaaliyeed ee Dhigta Dugsiga Sare ee Edison, Minneapolis GUJI..... 

ARDAYDA SOOMAALIYEEED EE DHIGTA JAAMACADDA MINNESOTA

150 arday Soomaaliyeed ayaa dhigta Jaamacada Minnesota 

HABEENKII SHOWRKA SOOMAALIDA MINNESOTA

Caruurta Somaliyeedow Ilaah baad leedihiin

<><>

Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

<><><>LINKS<><><>

Weydii Dr. Math [Ask Dr. Math]
http://mathforum.org/dr.math

Weydii Su'aalaha Sayniska [Ask Science Questions]
http://www.sciencepage.org/question.htm 

Khariidadaha iyo Joqraafiga [Maps and Geography]
http://www.nationalgeographic.com/resources/ngo/maps/ 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD