SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soonoolaynta Br-Somaliland iftiin Soo Baxay Miyaa Mise Mugdi iyo Cuqdad Soo Baxday

 Jawaab Qoraalkii: Somaliland (Dhulkii Soomaalida): Iftiinka Yaan La Demin

Qore: Diirshe Cismaan 
fmothman@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Dad baa waxay kudoodaan maamulka labaxay Somaliland waa nabad iyo Iftiin mudan ixtraam iyo tixgelin!!

Iftiin maxaa loogu yeeraa horta? Magaca Somaliland lama oran jirin oo kaliya meesha hadda labaxday somaliland kaligeed ee waxaa jiray “Brittish Somaliland” iyo “Italian Somaliland” labada afkaarna waxaa watay Gumeyste. Markii Somalia ay xornoqotayna labadii magac ee gumeystuhu watay waa laga xoroobay oo Somalia baa timid marka in dib loo soo celiyo “Brittish Somaliland” iyo “Italian Somaliland” ma iftiin baa misse waa mugdi iyo dib u noqosho.

British Somaliland iyo Italian Somalialnd in laga xoroobo oo Somalia oo xor ah lahelo waxaa lagu baxshay dhiig oo waxaa ku dhintay dad badan oo somali ah.. marka in marlabaad lasoo celiyo magacyaddii iyo xuduudihii gumeysiga soo maahan inaan dadkaas iyo naftooda iyo dhiigooda u huray somalia inaan ka abaalka dhacnay. Taasina Iftiin miyay taariikhda somalia kutahay misse mugdi.

Teedakale dadka hadda u ololeeya in dib loo soo celiyo xuduudkii somalia uu gumeystuhu kala dhigay waa Maamulka Lamagacbaxay Somaliland ee ay leeyihiin Qabiilka isaaqa iyo qaarkood Gedabiirsay. Laakiin qabiilooyinkii u huray Dhiigooda inay ladagaalamaan ingriiska ee ingriisku kuladagaalamay Diyaaradaha waa kuwa aan kamid ahayn maamulkaa lamagacbaxay Somaliland. Marka in ninka awowgiis Ingriisku mushaarka siin jiray oo isaguna maanta raba inuu xuduudihii Ingriiska soceliyo miya mudan in Iftiin loogu yeero oo waliba ixtraam loogu daro.

Waa run oo nabadi waa kajirtaa laakiin nabadaas iyo magaca Somaliland waa kala labo arimood gobolka hiiraan waa nabad oo barwaaqo baa kajirta laakiin Italian-somaliland lama aysanbixin calankii buluuga ahaana ma aysan gubin siddii Hargaysa kadhacday.

Marka “gaalo iyo Islaam nabadu waa u gogol nasteexaad” Marka in mujtamacu nabad helo waa u muhiim hormarkiisa. Anigu somalia meelkasta oo nabadi kajirto waaxaan u arkaa inay mudantahay Ixtraam laakiin magacyaddii iyo xuduudihii gumeystaha wax tixgelin ah mamudna.

w/s

Qore: Diirshe Cismaan 
fmothman@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

Somaliland (Dhulkii Soomaalida): Iftiinka Yaan La Demin:
 
Ingriiska uma suurtoobin inuu magac u bixiyo dhulkaas Soomaaliyeed sida  Capetown ama Freetown.. Guji Oct 30

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]