SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Somaliland (Dhulkii Soomaalida): Iftiinka Yaan La Demin.

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

Oct 30, 2003 

 

 

Marka u horaysa waxaan u hambalyaynayaa Soomaalida degan waqooyi ama dhulka afka qalaad lagu yiraahdo “Somali-land” oo ay macnaheedu tahay Dhulkii Soomaalida. Dadkaasi Soomaaliyeed waxa ay ku guulaysteen inay degaankooda nabadda sugaan kala danbayn iyo nidaamna u sameeyaan. Somaliland ama dhulka Soomaaliyeed dadka dega waxay muujiyeen isxilqaam wayn iyo xadaarad weyn waayo maanta oo sharafta dadka Soomaaliyeed ay jabhadihii meeshii ay dhigeen la wada og yahay ayay dadkaasi badbaadiyeen sharaftii dadka soomaaliyeed intii tabartood ah.

Somaliland ama dhulka Soomaalida ama waqooyiga Soomaaliya qofba afkuu u yaqaan waxaa ka hirgashay horumar weyn gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, doorashooyinka xorta ah iyo meelo badan oo aanan soo koobi karin taas oo ay ku farxeen dhammaan Soomaalida nabadda jecel.

Markii dawladdii Soomaaliyeed ee u danbaysay la riday shacabka Soomaaliland ama dhulka Soomaaliyeed waxay garteen dantooda halkaas oo ay waxooga dagaal sokeeye ka dib isu yimaadeen oo ku heshiiyeen in aanay dhiig danbe oo Soomaali ah qubin.

Waxgaradka isu yimid waxay markiiba garteen in jabhad aan wax loo dhiiban karin dagaalna aan lagu macaashin. Sidaa darteed ayay si dhaqso ah jabhaddii iyo warlodskiiba u kala direen oo hogaankii waxaa soo ceshaday waxgardkii kuwaas oo ku baaqay in nabad iyo walaaltinimo Soomaaliyeed la ilaaliyo

Waxaan rabaa in aan halkan ku xuso in dadka Soomaaliyeed ee dega koofurta Soomaaliya aysan wax lug ah ku lahayn wixii ay dawladdii hore gaysatay iyo waxa ay ku hadlaan hogaamiyeyaasha kooxaha weliba ay aad u jecel yihiin walaalahooda waqooyi.

Ingriiska markii uu damcay inuu gumaysto dhulkaas waxa uu kala kulmay dhowr arrimood oo aad u waaweyn oo ay ka mid yihiin:

Dad ka xadaarad badan oo dhaqan iyo diin adag haysta kuna kalifay heshiis iyo shuruudahooda inuu raaco. Ingriiska uma suurtoobin inuu magac u bixiyo dhulkaas sida Oxford ama Capetown ama Freetown iwm. Waayo hogaamiyeyaashii Soomaaliyeed ayaa ku yiri magaceena waxaa la yiraahdaa Soomaali dhulkeenana waa dhul Soomaaliyeed -Somaliland- kaas oo hirgalay. Labadooda haddii mid magac loo bixin lahaa waxaan aaminsanahay in Ingriiska loo bixin lahaa waayo dadkaasi Soomaaliyeed ma yeeleen in uu Ingriisku magac u bixiyo waayo ayagaa ka xadaarad fogaa ingriiska.

Cududdi Africa ugu weynayd uguna horaysay ee la dagaasha (Daraawiishtii 1899-1921) kuwaas oo diidanaa gumaysi iyo canshuur tii qasabka ahayd kana dilay ciidankii ingriiska saraakiil badan ilaa markii u danbaysay ingriisku isticmaalay dayuurado dagaal ( kuwaas oo addunka ku cusbaa) markii ugu horeysay Africa .

Waxaa kale oo uu ingriisku kala kulmay halgan adag oo xornimo doon ah oo ay horkacayeen rag badan oo uu ka mid yahay sheekh Bashiir iyo gesiyaal kale.

Soomaaliland ama dhulkii Soomaalida waa meeshii ugu horeysay ee laga taago calankii Soomaalida xorta ah waana meeshii ay Mandeeq ku curatay


Daahir Riyaale | Islaamcii Cumar Gelle

Waxaa mahad leh ilaahii dadkaas ku toosiyay nabad ku wada noolaanshaha iyo inay u dadaalaan mustaqbalka ilmahooda ka dibna waxaa mahad leh shacbigaas oo fahmay qiimaha nabadda iyo qiimaha qofka Soomaaliga ah. Ugu danbayntii waxaan u hambalyeynayaa Mudane Cumar Gelle iyo Mudane Dahir Riyaale oo muujiyay waayo aragnimo iyo bisayl siyaasadeed ka dib markii ay xoojiyeen xiriirkii walaaltinom iyo markii ay nabad kula dhaqmeen walaalaha Soomaaliyeed ee dhinaca kale deris kala ah si dhiig Soomaali ah uusan u daadan.

Soomaaliland ama dhulka Soomaaliyeed waa iftiin u soo baxay Soomaaliya oo dhan mana ah in nabaddaas la waxyeeleeyo. Waa nasiib darro in dhowaan lagu dilay halkaas dad ajnabi ah oo hawlo samafal iyo waxbarid ku hawlanaa waxaan muujinayaa sida aan uga xumahay dilkaas oo qof Soomaali ah oo waxgarad ah uusan raali ka noqon karin .

Isla markaas dawladda dhulkaasi Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaynaa inay taxadarto oo ay hubsato danbiilayaasha si aanay ugu xadgudbin dad aan waxba galabsan. Eedeysane kastana waa inuu helaa fursad maxkamad dadkana aan lagu tuhmin dhulka ay ka soo jeedaan iyo waxa ay aaminsan yihiin ee uun la raadiyaa ficiladii tuhunsanaha ama wixii cadayn ah ee lahelaa. Xusuusnaada muhimadda ugu weyn ee aan leenahay waa ilaalinta nabadda iyo ka hortgidda wixii amman darro keeni karaa iyo in aan fahamnaa wixii isku dhac beeleed keeni kara intiiba aanay dhicin.

Marka siyaasiyiinta dhinac la iska mariyo Umadda Soomaaliyeed meel kasta ha joogtee waa ul iyo diirkeed waana dad is jecel. Raali kama aha in iftiinka Soomaaliland ama dhulka Soomaaliyeed la demiyo iskaba daa taase waxay ku hamiyaan in koofurta Soomaaliya loo sameeyo nidaam iyo dawlad si aan mardanbe loo arag ubad Soomaaliyeed oo silicsan MARKAASNA DHIIGGA QOFKA SOOMAALIGA AHI UU QAALI NOQDAA.

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com    

Minneapolis, Minnesota USA.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur Wardheere.. Guji..

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD