SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

UMMAD KALA AAMIN BAXDAY

Ismail A. Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin dad leh midnimo asal ah marka la fiiryo dhaqanka, diinta iyo afka ay wadaagaan.

Hadaba midnimadaas asalka ah ee aan kor ku sheegnay waxaa shiiqiyay kala duwanaanshaha dhinaca haybta ama qabiilka ee Soomaalida dhexdeeda ka jira.

Qabiilka ayaa ah shay si aada u saameeya dhammaanba dhinacyada kala duwan ee nolasha mujtamaca Soomaaliyeed.
Aaminaadda qabiilka iyo u dhaga nuglaantiisa (sensibility) ayaa sababta in mararka qaarkood uu ka mudnaado diinta.

Dagaalada sokeeye ee lagu hoobtay ka sokow qabyaaladdu waxay xero yar ku soo ooday fikirka iyo argtida qofka Soomaliyeed.

Waxay noqotay halbeeg uu qofku ku cabiro wixii u cuntami kara iyo wixii aan u cuntamayn. Waa waxa uu kula garto xumaanta iyo wanaagga, cadaega iyo nasteexa iwm.
Waa ta dhalisay inaan la fiirin argtida iyo hab dhaqanka qofka balse la eego meesha uu ka soo jeeddo.

Akhtistow bal hada ila fiiri qisadan yar ee soo socota:-
Laba nin oo wada socday ayaa masaajid soo galay. Salaaddii jamaacada ma markii la tukaday ayaa nin wadaad ahi wacdi iyo waaano u soo jeediyay muslimiintii masaajidka fadhiday. Waxa uu ahaa sheekh uu Ilaah aqoon iyo aftahanimo isugu daray hadalkiisiina ay dadkii dhagaysanayay aad ugu khushuuceen.
Markii masaajidkii laga soo dareeray ayaa labadii nin oo aad ula dhacsan hadalkii sheekha ayaa mid isagoo kii kale la hadlaya yiri:-
-Wallaahi sheekhu wax badan buu inoo faa'ideeyay maanta. Waa la sii waday sheekadii.
Mar danbe ayaa mid kii kale ku yiri:-
-Horta sheekhu yuu ahaa ?, dabadeedna kii kale ayaa ugu jawaabay:-
-oo miyaadan garanayn waa reer hebele. Waa yaabay oo yiri:-
-reer hebelaa, waar qiiqbuu isku qarinayee ninku Sheekhna ma ahayne waa tuug khaayin ah ee waxba ha ka akhrisan!

Ninkaasi waxa uu u muuqdaa mid ka aamin baxay dadka ku abtirsada qabiilka sheekhaasi ka dhashay noocay doonaanba ha ahaadeene.
Sheekh, Ugaas, Aqoonyahan, Siyaasi iyo Mooryaan waa isugu mid oo uma kala soocna ninkaas, waana sida ay Soomalidu maanta u badantahay.

Hadaba qof kasta oo maanta fikirkiisa cabira aaladduu doono ha ku soo bandhigee waxaan shaki lahayn in dad badani aanay fiirinayn fikradda qofka ee ay jecel yihiin inay marka hore ogaadaan qabiilka qofkaasi si ay fikraddaasi u noqoto mid u cuntanta ama ay uga biyo diidaan.

Qoraal kasta ama fikrad kasta oo la baahiyo suurto gal ma aha inaan ka dhadhansan karto ama aad kala soo dhex bixi karto haybta qofka fikradaas iska leh.
Hadaba dadka qabiilka halbeegga ka dhigtay marka ay ku adkaato ogaanshaha heybta qofka fikradda iska leh intaas kagama haraan ee waxay raadiyaan cid garanaysa amaba way toydaan. Qaarna waxayba fiiriyaan af guriga ama lahjadda uu qofkaasi adeegsaday.
Dadka sidan yeela waxaa ka mid ah ninka lagu magaabo Diridhaba oo aad wax ugu soo qora bogagga internetka . Qoraal uu lahaa ninkaasi oo dhawaan la faaafiyay ayuuna ku qirtay inuu toytoyday kuwana uu lahjaddooda ka gartay cidda ay yihiin laba nin oo uu qoraalkooda uga jawaabayay .
Waa ayaan darro inaynu noqono dad ay fikirkooda oo dhan xakamayso aragtida qabiil.
Waxa Soomaalida aad ugu dheeraysaa inay fikrad ama fal shakhsi u nisbeeyaan qabiil ama koox aan shaqo ku lahayn oo ay dusha ka saaraan (generalisation) taas ayaana sababtay inay wax walba ka doorbidaan ogaanshaha qabiilka qofka fikraddaas iska leh.

Dadka tirade yare ee internetka wax ku soo qora ee la is lahaa waxay ka xoroobeen inay addoon u noqdaan aragtida qabiil waxaa ka mid ah ninka lagu magacaabo C/waaxid.
Waa nin ay qoraaladiisu u badanyihiin kuwa dhan ka qabqablaha qabiilka uu ka dhashay.
Hadaba hab dhaqanka ninkaas ayaa yaab iyo amankaag ku noday kuwa badan oo ay haybta wadaagaan oo qaba gar iyo gardarraba inaan wax laga sheegi karin qabqablahooda, taas ayaanan filayaa inay sabab u ahayd in dhawaan laga saaro ninkaas qabiilkiisa.
Kuwa kale oo ay madax martay jibada qabiilkuna waxaabay inkireen jiritaanka ninkaas iyagoo isla markaana xagxagasho iyo eedayn kula dul dhacay qabiil kale oo ay xajiin iyo shaki kala qabeen.

Run ahaantii waxay dad badani aad u saluugeen jawaabtii uu C/waaxid ka bixiyay markii shakiga la geliyay haybtiisa.
Wuu abtirsaday, waxaanu soo taxay wixii gabay iyo gereer amaan ah loo tiriyay jifadiisa iyo nin karmeedyadii ka dhashayba. Waxaanu intaas ku daray in Idaajaaba uu garan karo haddii wax laga weydiiyo haybtiisa.
Arrintan aan kor ku soo xusnay waxay madmadaw galisay fikraddii ay dad badani ka qabeen qoraagaas waayo waxay kuu muujinayaan sida qabiilku ula weyn yahay isla markaana xasaasiga ugu ninkaas odayga ah.

Qabiilku ma aha wax uu qofku doorto ee waa mid loo dhasho, mana laha xeerar iyo qawaaniin u degsan oo haddii uu qofku ku xad xudbo uu ku waayayo xubinimadii beeshaas.
Waxaa haboonayd in aanu C/waaxid arrinkaas wax macno weyn leh u arag. Midda kale waxaa jira arrimo ay ku haboontahay isla markaana sharaftu ku jirto inaadan ka hadal ee ay ka fiicantahay in laguu hadlo. Waxaa hubanti ah in boqolaal qof oo aqoon u leh c/waaxid ay jawaab waafi ah ka bixin lahaayeen arrrintan sida imikaba qaarkood yeeleen.

Shakiga iyo is aamin darrada uu sababay qabiilku ayay adagtahay sidii bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda looga bixin lahaa.
Way adagtahay maanta sida uu qabiil qabiil kale ku aaminaa xataa kuwa abtirsiinada kore wadaaga ha noqotee. Arrintan ayaana qayb ka ah in muddo hal sanno ka badan markii shir dib u heshiisiineed loo fadhiyay dalka Kenya aan weli lahayn dawladdii iyo hogaamiyihii la filayay inay shirkaas ka soo baxaan
Dhan kale dawladda iyo madax weyniha shirkaas lagu soo dhisaa ma noqonayaan kuwa meel walba sacab iyo caleemo qoyan looga soo dhaweeyo ee waxay sii kardhinaysaa shakiga la kala qabo.

Xaaladda Soomaaliya ee maanta ayaa ah mid u muuqata kol haddii aanu qabqablahaygu madax weyne noqonayn intii nin reer hebel ahi noo talin lahaa aan iska dawlad la'aano, hase yeeshee su'aaasha is weydiinta mudani waxay tahay inteebaa lagu sii jiri karaa xaaladda dawlad la'aanta?.


Ismail A. Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com

 CUDURKA AIDS-KA IYO ERGADA SHIRKA NAIROBI [Khaliil]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Edna oo Puntland eedaysay siduu kornaylku u eedeeyey [C/Waxid]

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 5, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]