SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

QARANIMADA SOMALILAND WAA GO'AAN SHACABKA KA YIMID

 
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Mahad waxay u sugnaatay Ilaahay subxanahu watacalaye, naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W).

Intaanan u gudo gelin ama gorfayn, qoraalka aan deegtiisa daadihinaayo, waxaan jecelahay inaan Mahad balaadhan Hawada u mariyo Maxamoud Nuur Wardheere, runtii Aqoon uma lihi Maxamoud, balse markii aan toytoyday waa nin aqoon iyo xilkasnimo ilaahay siiyey, waxaan inbadan akhrisan jiray qoraalada uu ka soo tabiyo magaalada Mennipolis ee gobolka Mennisota ee dalka maraykanka oo Soomalidu badanka u badantahay, hadaba Maxamoud waxaan akhriyey qoraal uu ku daabacay Somalitalk dhawaan oo uu ciwaan uga dhigay Somaliland dhulkii Soomalida Iftiinka Yaan la damin, waxaan runtii isku qanciyey inkasta oo ilaahay caloosha aadamaha daalacdo inuu Maxamoud ka mid yahay dadka tirada yar ee ilaahay ku galladay Aqoonta iyo daacadnimada, balse Maxamoud inyar oo aad seegtay ayaan jecelahay inaan ugu daro qoraalkiisa, waa runoo Maxamoudow horta nabada ka jirta Geyigaan ka dhashay ee Somaliland waa mid ilaahay subxanahu watacalaye siiyey, uguna mahadnaqayaan, balse waxaa jirta dad waruxma tashii! l ah oo aan la dhallan nabadda habeen oo aabad is odhanayso malaha colaada ayey habeen wada dhasheen, kuwaasi waa kuwa jecel in geyiga beriga africa ka bixi waayo colaadaha, waa kuwa u horseeday Somalia halaaga iyo hooga umadda haysta, hadana waxay doonayaan inay Somaliland oo 13kii sanno ee ugu danbeeyey nabadda alla siiyey dhex dabaalanaysa in ay cadawnimo ku jirta awgeed ku waxyeeleyaan, lamaan yaabin falalkan argagaxisinimada leh ee ka dhacay Somaliland waayo waan ogaa colaadda gamuursan ee ka soo butaacayso dad aanan jeclayn inaan halkan ka sheego, Midda kale waxaad ku dartay qoraalkaaga in aanay Dawladda Somaliland ku deg degin cidda la tuhunsanyahay, walaal waxaanu leenahay Dastuur iyo xeerar dawli ah (Constitution and authentic regulations), kuwaasi waxay naga xarrimayaan in aan qofna la qaban iyada oo aan lagu tuhmin ama aanu danbigu ku cadaan (Jail without trial), taasi waa ta dawladaydu hadda ku mashquulsantahay, hana ka biqin in cid gaar ah ama qolo gaar ah ay d! awladda Somaliland asiibayso, waayo waxaanu aaminsanahay in aa! nay arga gaxisadu lahayn Qabiil, Qolo, Diin, Jinsi, iyo Hadaf midna toona. dhinaca kale waxaan kaaga mahad celinaya sida qiimaha mudanleh ee aad ugu hambalyeysay shacabka Somaliland horumarka ay gaadheen sidoo kale saaxiib waxaanu kuu rajaynayna adiga iyo inta jecel nabad ku wada noolanshahu in ilaahay idinku gar gaaro.

 MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA [Fahad]

Soonoolaynta Br-Somaliland Iftiin miyaa mise Mugdi  [Diirshe]

Somaliland (Dhulkii Soomaalida): Iftiinka Yaan La Demin: [Wardheere]

Qaybta labaad ee qoraalkayga waxaan jeclahahay inaan jawaab waafiyo u diro nin oday ah oo aan aalaba indho gaar ah ku eegi jiray, dabcan aniga oo aan ogaan ciduu yahay waxaa ii fududaysay Lahjadiisa inan fahmo ciduu yahay, waa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, wuxuu ninka odayga ahi qoraal uu daabacay uga dhigay ciwaan Magaca Somaliland waa Beer: Beerna hilibka lagu suga, xaqiiq macnaha iyo murtidu waa iga daadagi wayday, dulucda dagalkiisana waxaan ku soo duugiyey, darmaan uu saaxiibkay danbi weyn ka gallay, Fahad siduu qoraalkiisa ku sheegay wuu booqday Somaliland, wuxuu qiray in Somaliland dabcan ka duwantahay xagga amaanka iyo kala danbaynta dhamaan geyiga cidhifka beriga africa ee ku xayndaaban balse saaxiibkay Fahad waxaan is idhi malaha Muraayad madow ayuu xidhna markuu arkaayey hadafka shacabka oo waadaxa, Saaxibkay Fahad waxaan u kala saari waayey in uu riyoonayo iyo in ay ka tahay Dacaayad uu durbaan u ilaaqday (Initialization of propoganda war), Saaxiibkayow aan kuu ! bildhaamiyo Qeexitaanka ku dahaadhan maskaxda muwaadinka Somaliland ee aad ka been fariintay, shacabka Somaliland waxay boqolkiiba boqol aaminsanyahiin xornimadooda, qaranimadooda, iyo kaladanbaynta aad qirtay ee ay ku kasbadeen dedaalka alla siiyey, Somaliland waxaanay dan iyo muraad ka lahayn midawga ama ku darsiga dacal ka tirsan dalalka aanu jaarka nahay ha noqoto Ethiopia, Somalia, iyo Djibouti, Waxaanu aaminsanahay Wada noolanshaha iyo Islaaxa Bulshada dhexdeeda, si kale oo ka waaweyn hadaan kuugu bildhaamiyo waxaa ilaahay igu ogyahay in shacabkan ka dhashay aanay doonayn midaw danbe oo ay la galaan Somaliya, iyo Somaliweyn danbe oo qiiro lagu sameeyey, waxay shacabku farta dhexda ka qaniinsanyahiin in ka badan 30 sanno oo mustaqbalkoodu dib u dhacay, dareenka gaaxsan ee dadkaygu wuxuu diirada saaraya dal dhis, kor u qaadida dhaqaalaha ka dib 30 sanno oo cabudhin iyo cagajuglayn ah, hanaanka waxbarashada caalamiga ah, iyo in aanu dawlad iyo shacabba u heegan ahaano si! danu aqoonsi beesha caalamka uga kasban lahayn hadda, waxaanu ! doonayna inaanu nabad iyo islaax ku wada noolano walaalahayga Soomaliya, Ethiopia, iyo Djibouti, aan ku soo gebo gebayo qoraalkaygan kooban Saaxiibkay Fahadow, "Muraayadda Madow ee aad isku dahaadhay malaha tu Cad ayaa ka quruxsanayd eh dib ugu laabo adiga oo xidhan dalkan ka dhashay ee Somaliland"!!!!


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

Somaliland (Dhulkii Soomaalida): Iftiinka Yaan La Demin: Ingriiska uma suurtoobin inuu magac u bixiyo dhulkaas Soomaaliyeed sida  Capetown ama Freetown.. Guji Oct 30

 Soonoolaynta Br-Somaliland Iftiin miyaa mise Mugdi  [Diirshe]

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa [Assad]

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7
  

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]