SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa

 

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood, Soomaaliya

 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Tan iyo intii Soomaliya ay ka burburta xukuumadii dhexe ee umuraha bulshada maarayn jirta , waxaa soo baxaayey in qofkasta oo Soomaali ahi uu ku dadaalaayey in uu danaha qoyskiisa iyo bulshadiisa sidii uu u horumarin lahaa uu ku dhaqaaqay, isaga oo u adeegsanaya talaabooyin kala gadisan , sida deegaanada Sool, Sanaag Iyo Cayn oo iyagu run haantii la odhan karo burburkii xukuumadii dhexe ee Soomaliya si gaar ah ayey uga faa'iideen, marka laga eego dhinaca horumarka gaar ahaan adegyada Bulshada sida: dhismaha ,isgaadhsiinta iyo korontada oo iyagu ah waxyaalaha daruuriga u ah nolol maalmeedka.

Waxaana jira in dadka degaankan ku nool in ay yihiin dad had iyo jeer u heelan jiritaanka qarannimada iyo midnnimada Bulsha weynta Soomaaliyeed, oo aan ahayn mid iyaga ku cusub marka la eego halgamadii ay u soo galeen iyo dhiigagagii ay u soo daadiyeen ilaalinta sharafta ummadda Soomaaliyeed , markii ay sutida u qabteen dhagar qabihii gumaysiga iyo dadkii dabadhilifka u ahaa.

waxaana taariikhda ku cad marnna in aana beelaha dhulbahante iyo warsangali aysan heshiis la gelin gumasigii ingiriiska, halka ay beelaha kale ee waqooyiga Soomaaliya Degaa ay heshiis lagaleen Gumaysigii Ingiriiska ee dalka xogga ku qabsaday, sida qabaa'ilka Dirta Waqooyi (Isaaq,Ciise iyo Gedibiirsay) oo ay heshiiskaas u saxeexeen Beesha Habar Awal sannadkii 1887kii , heshiiskooduna uu ku salaysnaa in uu Ingiriisku qabaa'ilkaas ilaaliyo, khayraadka waddankana gurto.

Arrintaas oo ay ka dhiidhiyeen qabaa'ilka Daaroodka Waqooyiga Soomaaliya degaa, isla markaana ay dagaal qadhaadh oo soconaaye Rubuc qarni(25sano) la galeen Gumasigii ingiriiska iyo dadkii raciyada u ahaa.

Markii danbe ee ay daraawiishtii meesha ka baxdayna ay awood ku qabsadeen ingiriisku beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli,taas oo meesha ka saaraysa in uu jira wax heshiis ah oo ka dhexeeyey Ingiriiska iyo Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli,intii ka danbeysa 1921 ilaa iyo 1960kii Ingiriisku waxa uu awood ku haystay dhulka ay degan beelaha aynu kor ku soo xunay, halka uu Beelaha Dirta Waqooyina uu ka dhexeeyey Heshiis ku salaysan in ay yihiin dad hoostaga Mustacmaradii Ingiriiska.

Haddaba waxaa isweydiin mudan masuurta galbaa maanta in dadkii ingiriiska halkankii la ogaa kala hortagey in ay manta xubin wax ku ool ah ka noqdaan kala goynta dhulka Soomaaliyeed ee ay isaga aawadii naf iyo maalba u hureen?!, waxaa iyana isweydiin mudan maxaa faa'iido ah oo ugu jirta belaha Sool,Sanag iyo Cayn in a ka mid noqdaan Somaliland?!.

Mohamed Abdulle HassanQoraagii ku talaxtegey Halgamaagii Sayid Maxamad Cabdille Xassan... Guji

Waxaan filayaa in aysan suurta gal ahayn Daraawiishtii boqolaalka kun laga dhigay qalcadii Taleex, Afbakayle,Haradhiig,iyo goobihii kale ee lamidka ahaa iyaga oo u halgamaya difaaca qaranka Soomaaliyeed in aysan suurta gal ahayn in ay ka qayb qaataan kala goyn dhul Soomaaliyeed, waxaanuna u sheegaynaa kuwa ku riyoonaya waxa lagu magacaabo Shankaroonland(Somaliland) ee ku salaysan qabiilka qaawan ee aan qarsoonayn in aysan ku habsaamin riyada aan dhaboobayn ee salka ku haysa shukaansiga ma dhalaysnnimada salka ku haya ee ay had iyo jeer ku hadaaqayaan , ee ah dadka kuwada nool dhulkii la odhan jiray wixii ka horeeyey 1960kii Somaliland in uu ilaahay isbaday,Ilaahay wuxuu isbaday kuwa u halgamaaya in ay Soomaaliya Iyada oo mid ah bulshaweynta aduunka ka muuqato, oo uu calankoodu ka dulbabado dhamaan wadamada aduunka.

Tankale wax faa'iido ah oo ugu jirtaa ma jirto dadka deegaanka degaa in ay ka mid noqdaan kala goynta Soomaaliweyn, dhawr arrimoodba awgood, waa tan ugu horaysee iyada oo la arko sida uu u dhisan yahay Maamulka Soomaaliland ee qabiilka ku salaysani, oo ay ka muuqato golihiisa wasiirada ,Baarlamaankiisa iyo waliba distoorka oo ah wax uu halqabiil soo dhoodhooobay, taasina ay markiiba shaaca ka qaadayso sida ay u fakerayaan kuwa hogaamiya Maamulka qabiilka ku salaysani.

waxaana arrintaa tusaale inoogu filan Golaha wasiirada oo ay dhamaan intoodii muhiimka ahayd ay halqabiil gacanta ku hayaan sida,:- wasaaradaha Maaliyada, Arrimha Dibada ,Gaashaandhiga,Arrimaha Guddaha,iyo Dib-udajinta, taas oo kuu cadaynaysa in aanu halkaas qabiil diyaarba u ahayn in uu dadka intooda kale wax uga ogolyaha.

Arrintan oo kuwa u ololeeya Maamulka qabiilka ku salaysan ee(Somaliland)caqabad markasta ku ah,hasa eeshee aanu shirka mbakati ka socdaa wax khatar ah uu san ku hayn, waxa kale oo khatar ku oo asan dhaadin hadalada cunsurieysan ee ka soo burqada kuwo aan wali figlaynta wadaanta siyaasada aan baran sida Fasal Cali Waaraabe.

Waxaa iyana jirta in aanay suurta galmarna ahayn in ay bulshada deegaankan ku nool ay walaalahooda kale ee ay ab iyo isirka wadaagaan mardanbe uu xaydaan kala dhexgalo, marhadii ilaahay meeshii ka saaray gumaysigii ingiriiska iyo Talyaaniga oo kala qaybiyey dadkii wada dhashay.

Guntii iyo gabagabada maqaalkan gaaban waxaan ku soo koobayaa, Bulshada halkan ku dhaqan oo am meesha aan haatan maqaalkaygan ka soo qorayo ,bahdtamaha magaalada Laascaanood ee magaalo Madaxda Gobolka SOOL ayaad waxa aad ka dareemaysaa in aanay bulshadani u jeedin wax lagu magacaabo Somaliland, waxaadna meelkasta ku arkasaa astaanta qaranka Soomaaliyeed , oo ah Calankii halka marka aad tegtid Hargeysa iyo Burco aad ku arkasid Calan aad Moodid kuwii Qubuuraha la siyaaranaayo laga taagi jiray, oo ay ku qoran tahay kalmadda Tawxiidka oo xaqdaro lagu raadinayo,halka ilaahay uu dadka muslimiinta ah uu ku boorinaayo in ay midoobaan.

Waxa kale oo aad ogaanaysaa in uu xuduudka dhabta ahi yaalo inta u dhaxaysa Caynabo Iyo Burco, iyadoo aadan wax xayndaab ah aadan ka dareemayn Garoowe iyo Laascaanood dhexdooda.

Arrintan oo run ahaantii kaaf iyo kala dheeri ah, oo u baahan in ay ku quustaan kuwa ay derdertay waxa lagu magacaabo gooni isu taag.

Assad Caddaani Ibraahim

Laascaanood Soomaaliya.
e-mail: asadlaska@hotmail.com  


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 Faafin: SomaliTalk.com | Oct 3, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan

Qoraalkii hore ee Caddaani.... Guji...

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12/2002
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12/2002

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12/2002

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12/2002

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12/2002

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD