SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARBIXIN
QARAX WEYN OO KALE OO KA DHACAY MAGAALADA ISTANBUL

Waxaa soo ururiyey:
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

 

ISTANBUL: Waxaa qaraxweyn lala beegsaday Qunsuliyadda ingiriiska ee magaalada Istanbul iyo weliba Bangiga HSBC, dhimashada labada qarax ayaa la sheegaya inay kor u dhaafayso 25 qof, halka dhaawaca inta tiradooda la hayo ay gaadhays 390, qof, waxaa keliya uun ka soo wareegay muddo afar cisho ah markii laba qarax oo noocani oo kale ah lala beegsaday laba kiniisadood oo ay lahaayeen dadka Yuhuuda ah ee ku sugan magaalada Istanbul, Saraakiisha turkiga ee ku sugan magaalada Istanbul ayaa xaqiijiyey in Qunsulkii u fadhiyey waddanka Britain magaalada Istanbul uu ku jiro dad badan oo lalaayahay ka dib qaraxa dhacay, oo la sheegayo in labadan qaraxba ay ka danbeeyen naftooda hurayaal isku soo xidhay gawaadhi ay ka buuxan waxyaabo qarxa, dad goobjogayaal ahaa oo arkaayey labadan goobood ee qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in ay arkayeen gawaadhi xawaare sare ku socda oo duqeeyey gaydhadhka qunsuliyadda ingiriiska iyo weliba bangiga HSBC.
 
 
Ra'isal wasaaraha ingiriiska oo shir jaraa'id ay wada qabanayeen Madaxweyne Bush oo booqasho ku jooga waddanka ingiriiska ayaa sheegay in qaraxyadani aanay ka joojin doonin dagaalkoogu ay kula jireen waxay ugu yeedhan Argagixisada, Weriyayaasha ku sugan magaalada Istanbul ayaa ku soo waramaya in ay magaaladu wareer gashay ka dib markii isgaadhsiintii magaaladu ay go'day, goobaha ay qaraxyadu ka dhaceena lagu arkaayey khasaare weyn oo gaadhay, hosptaladana ay buux dhaafiyeen boqolaal qof oo dhaawac ah,  waddooyinka ayaa dhamaanba laga xidhay gawaadhida si loogu baneeyo dhooliyaha wada dhaawaca iyo dhimashadaba, saraakiisha turkiga ayaa ka gaabsaday inay xaqiijiyaan dhimashada iyo dhawacu cidda uu u badanyahay, isku soo wada duubo tani waxay muujinaysa necaybka loo qabo maraykanka iyo ingiriiska iyo weliba yuhuudu inuu ku sii xoogaysanayo wadamada islaamka.

QARAXII HORE EE KA DHACAY MAGAALADA ISTANBUL, TURKIGA

Waxaa soo ururiyey

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)


KARACHI, PAKISTAN.


diridhaba2001@hotmail.com

Nov 21, 2003

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

Bush oo Difaacay Weerarka uu Dalkiisu ku Qaaday Ciraaq
Warbixintii Maxamed "Diridhaba"... Guji.. Nov 19


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD