SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RADIO - XORRIYO
DHEGEYSI: Dhegeyso Warka Radio Xoriyo  

 

 Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

.JWXO oo xukuumadda Addis Ababa ku canbaaraysa arrimaha abaaraha.
.Roobkii Dayrta oo ka da’ay gobollo Ogadenya ka mid ah.
.Agaasime sare oo ka tirsanaa wasaarada ganacsiga Itoobiya oo baxsaday.
.Meles Zenawi oo guryo ka gatay magaalada New York.
.Xafiisyo uu Kililka Oromadu Addis Ababa ku lahaa oo laga raray.
.Abaaro fara ba’an ku haya gobolka Sool ee dalka Soomaaliya.
.Maqaal dheer oo aanu kaga hadlayno dhibaatada gumaysiga iyo waliba suugaan halgameed.

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 


Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya JWXO ayaa xukuumadda Itoobiya ku eedaysay inay cunnada mucaawanada ah u adeegsato hub ay kaga hortegto xoogagga ay siyaasada isku diiddan yihiin ee Ogadenya, sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ay Jabhaddu talaadadii soo saartay.

Bayaankan waxay Jabhaddu kaga hadlaysay dhibaatada ba’ an ee dadwaynaha Ogadenya ka soo gaadhay roobka Dayrta oo aan ka di’in gobollo badan oo Ogadenya ka mid ah, qaar kalana si wayn uga soo dib dhacay.

Bayaankaas waxaa lagu sheegay in xukuumadda Addis Ababa ay diiday inay joojiso xayiraadda ay ku hayso hay’adaha warbaahinta oo ay u diidday inay Ogadenya galaan, si ay beesha caalamka ugu soo tebiyaan dhibaatada Ogadenya ka jirta inta ay dhan tahay.

Waxaa kaloo bayaankaas lagu sheegay in ciidammada gumaysiga Itoobiya ay wali sii wadaan la wareegidda hantida dadwaynaha, taasoo sii kordhisay dhibaatada macaluusha ah ee dadwaynaha haysa, iyo iyadoo ciimmada gumaysiga Itoobiya ay joojiyeen gabi ahaanba xidhiidhkii ganacsi ee u dhexeeyay Ogadenya iyo Soomaaliya.

Bayaankan waxaa lagu sheegay in xukuumadda Itoobiya ayna rabin, isla markaana ayna awood u lahayn inay soo bandhigto dhibaatada Ogadenya ka jirta.

Sidaas darteed waxay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya beesha caalamka ugu baaqday inay kaalmada si toos ah ugu dhiibaan ururrada aan xukuumiga ahayn ee hadda Ogadenya ka hawl-gala, isla markaasna ayna xukuumadda Addis Ababa gacanta u gelinin kaalmooyinka ay bixinayaan.

Waxay kaloo Jabhaddu beesha caalamka ugu baaqday inay cadaadis saaraan xukuumadda Addis Ababa, si ay ciidammadeeda uga qaaddo marinada muhiimka u ah ganacsiga u dhexeeya Ogadenya iyo Soomaaliya.

Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya waxay ururrada aan xukuumiga ahayn ee Ogadenya ka shaqeeya ku adkaysay inay tegaan goobaha ay baahidu ka jirto oo dhan, isla markaana ay si toos ah ula shaqeeyaan Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya, si ay hawlohooda ugu sahasho.

Roobkii Dayrta oo ka da’ay gobollo Ogadenya ka mid ah.

Waxaa gobollo badan oo dalka Ogadenya ka mid ah ka da’ay roobkii Dayrta oo in muddo ahba la saadaalinayay, isla markaana dib uga dhacay xilligiisii caadiga ahaa. Gobollada uu hadda roobku ka da’ay waxaa ka mid ah gobollada Qorraxey iyo Doollo iyo nawaaxiga magaalooyinka Godey iyo Shilaabo. Gobolka Dhegaxbuur ayaa isagana la filayaa in raxmaddaasi ay gaadhay.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa dhawaan si wayn uga dhawaaqay dhibaatada dalka Ogadenya uga imaan karta roobka Dayrta ee xilligiisii ka dib dhacay, waxaanuu dhawaaqaasi ka denbeeyay, ka dib markii toddobo gobol oo ka mid ah gobollada Ogadenya, oo sagaal ka kooban, uu roobku ka soo dib dhacay.

Sidaas darteed waxaa laga cabsi qabay inay ka dhacdo macaluul ba’an oo la mid ah middii seddex sano ka hor ka dhacday, waxayna hay’adahaasi dunida ugu baaqeen in dhibaatadaas laga hortego.

Dhinaca kale markii ay taariikhdu ahayd 16/11/03, waxaa tuulada Toon-ceeley, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, soo weeraray cutubyo ka tirsan ciidamada gumaysiga Itoobiya,

Waxayna halkaas ku dileen 13 ruux oo shacbi ah, qaar kalana way dhaaweceen.

Waxaa ka mid ah dadka ay halkaas ciidammada gumaysigu ku dileen, inta ay magacyadoodu na soo gaadheen:

Cabdulaahi Cumar Gar-daran.

Dadka halkaas ku dhaawacmayna waxaa magacyadooda ka mid ah:

  • 1- Cabdi Cali Ahmed.
  • 2- Xakiim Muxumed Magan.
  • 3- Cabdi Raxmaan…..
  • 4- Ciwal Biixi Buraale.
  • 5- Axmed iyo Dayib oo magacyadooda oo buuxa aanaan haynin.

Waxay ciidammada gumaysigu boobeen wixii hanti ahaa ee tuuladaas taallay.

Agaasime sare oo ka tirsanaa wasaarada ganacsiga Itoobiya oo baxsaday.

Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya u jooga magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya inuu dalka ka baxsaday nin agaasime sare ka ahaa wasaarada ganacsiga ee

Itoobiya, kaasoo lagu magacaabo Gisaw Mola, wuxuuna magangelyo siyaasadeed waydiistay dalka Maraykanka.

Gisaw Mola wuxuu dhawaan ka qayb galay shir wayn oo lagu qaadaa-dhigayay xidhiidhka ganacsi ee Itoobiya ay la leedahay dunida inteeda kale, kaasoo lagu qabtay dalka Switzerland.

Dhinaca kalana wararka ka imanaya isla magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in xilkeedii laga qaadayo wasiirka waxbarashada Genet Zewdhe, oo xilkan muddo dheer haysay, waxaana caydhinteeda lala xidhiidhiyay arrimo siyaasadeed.

Meles Zenawi oo guryo ka gatay magaalada New York.


Wararka naga soo gaadhaya nmagaalada Washington ayaa sheegaya in xaaska Meles Zenawi, Azeb Golla ay labo guri oo waawayn ka gadatay xaafadda Sutton, oo ah xaafad ay dadka maal-qabeenka ahi degaan oo ku taalla magaalada New York ee carriga Maraykanka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Azeb Golla ay muddo seddex toddobaad ah dagganayd Hotel Hyatt, oo ah huteellada ugu qaalisan waddanka Marykanka, iyadoo habayn walba ku bixinaysay 3000 oo Dollar.

Dadka indha-indheeya siyaasada Itoobiya ayaa rumaysan in Meles Zenawi uu hayo waddadii Mingisto Xayle Maryam, oo guryo iyo beero waawayn ka gatay dalka Zimbabwe intii aan talada dalka Itoobiya laga fara-maroojinin, kuwaasoo uu ilaa iyo hadda ku nool yahay, waxayna dadkaasi qabaan in Meles Zenawi uu hadda isaguna sii diyaarsanayo meeshii uu ku denbayn lahaa marka talada laga qaado.

Dalka ayaa lagu tilmaama dalalka dunida ugu gaajo badan, waxayna dunidu khadyaan ka taagan tahay qayla-dhaamaha dhinaca macaluusha ku saabsan ee maalin walba laga soo tebinayo Itoobiya, balse waxay madax ku-sheegga Itoobiya lacago badan u isticmaalaan danohooda gaarka ah, iyagoo haba yaraatee wax tixgelin ah siinin baahida dadkooda haysa.

Xafiisyo uu Kililka Oromadu Addis Ababa ku lahaa oo laga raray.

Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadenya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in 15 xafiis oo Kilika Oromadu uu ku lahaa magaalada Addis Ababa lagu amray inay u guuraan magaalada Adhama, oo horay loo odhan jiray Nezirat.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in amarkan lama filaanka ah ee xafiisyada lagu rarayo uu jimcihii ka soo baxay xafiiska keligii taliye Meles Zenawi, waxaana loo qabtay muddo 15 maalmood ah inay ku guuraan. Arrintani waxay kediso iyo argagax ku ridday madaxdii xafiisyadaas, oon hadda ka hor waxba lala socodsiinin.

Nin aan rabin in magaciisa la sheego oo ka tirsan madaxda Kilika Oromada ayaa yidhi ”Arintani aad ayay la yaab u tahay, dad badanina dhibaato ayay kala kulmi doonaan, sababtoo ah waxaa dugsiyada iyo iyo kulliyadaha u dhigta carruur ayna suuragal ahayn in laga raro”.

Xukuumadda Addis Ababa ma ayna sheegin sababta xafiisyada magaalada Addis Ababa looga rarayo, hase yeeshee dadka arrimahan indha-indheeya ayaa sheegaya inay qayb ka tahay mashruuc ay xukuumaddu kaga fogaynayso awoodda iyo faraha qawomiyada Oromada ah magaalada Addis Ababa.

Abaaro fara ba’an ku haya gobolka Sool ee dalka Soomaaliya.

Barnaamijka Cunnada Adduunka WFP ayaa deeq bixiyayaasha ugu baaqay inay ka hortegaan dhibaatada cuslus ee ku food-leh gobolka Sool ee dalka Soomaaliya.

Bayaan uu talaadadii soo saaray wakiilka Barnaamijka Cunnada Adduunku Soomaaliya u qaabilsan Robert Hauser, waxaa lagu sheegay gobolkaas ay abaaro ba’ani ka jirin muddo dheer, taasoo keentay in ilihii biyaha oo dhami ay qallalaan. WFP wuxuu bayaankiisa ku sheegay inuu ku jiro hawlo ballaadhan oo uu wax kaga qabanayo dhibaatada abaartan, oo ah abaartii ugu xumayd ee gobolka soo marta, tan iyo sannadkii 1981.

“Waxaan u baahanahay tallaabo degdeg ah qaadno, si ay aan uga hortegno macaluusha sii fidaysa oo aan u baajino masiibo xun oo nawaaxigaas ka dhacda”, sidaas waxaa yidhi Robert Hauser, oo tilmaamay in qiyaastii 60,000 oo qof ay cunto la’aani hayso.

Barnaamijka Cunnada Adduunku wuxuu sheegay inuu u baahan yahay qiyaastii 6.5 milyan oo dollar, si uu dadka macaluushu hayso ugu soo gado 8,600 oo tan oo cunno ah.

FAALLO: Dareenka Runta ah Dubbuhu Ma Hor-Joogsan Karo

28.11.003
Ahmed Gaal´ eri

Radio Xoriyo
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha! 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD