SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Dareenka Runta ah Dubbuhu Ma Hor-Joogsan Karo.

Axmed Gaal-eri
Radio Xoriyo

raadioxoriyo@yahoo.com

Xariir 9 sano oo kaliya ayuu jiray markii uu subaxnimo sabti ah gurigooda hortiisa aabihii ku sagootiyay, isagoo ku kalsoon oo ku faanaya hawshii uu aabihii maalinkaas qabashadeeda u amba-baxay. Xariir wuxuu ka warhayay in aabihii uu u baxayo ka mid noqoshada ciidammada Jabhadda Xoraynta Soomaali Galbeed ee loo diyaarinayay dagaalkii gumaysiga Itoobiya lagaga xoraynayay dhulka Ogadenya sannadkii 1976.

Xariir wuxuu wali sii xusuustaa dareenkii uu maalinkaas iyo maalmihii ka denbeeyay niyadda ku hayay, ciyaalka da’diisa ahna ugu faani jiray markii ay sheekaystaan. Xariir wuxuu ammaan iyo sharaf aan la qiyaasi karin u arkayay in aabihii uu Xabashida la dagaallamo oo ku biiro Jabhadda xaq u-dirirka ah. Wuxuu qabay in aabihii uu yahay nin geesi ah oon xabbada cadowga ka baqin, isla markaana ogsoon xaqa ka maqanee uu dagaalka ugu jiro.

Xariir si fiican ayuu u garwaaqsanaa in dagaalka lagu dhinto, xabbada cadowguna ay haleeli karto geesiyaal badan oo gobanimada u dagaallamaya, hase yeeshee marna talada kuma aanuu darsanin in aabihii uu ka mid noqon karo boqollaalka dagaalka xoraynta u kacay ee aan dib uga soo noqonin.

Wuxuu niyadda ku hayay in aabihii uu dagaalka ka soo faraxalan doono maalin maalmaha ka mid ah oo farxad iyo raynrayn ay dalkoodii hooyo oo xor ah ugu wada-ciidi doonaan.

Qiyaastii 27 sano ayaa laga joogaa maalintii uu Xariir sagootiyay aabihii oo u qalab-qaatay dagaalkii caanka ahaa ee loogu magac daray Dagaalkii Ogaden 1977.

Tan iyo maalintaas waxaa dagaalka loogu jiro xoraynta dalka Ogadenya ku dhintay aabihii iyo labo walaalladii ah, isaguna wuxuu hadda ka mid yahay muwaadiniinta kaalinta firinfircoon kaga jira dagaalka xornimo doonka ah ee hormuudka ay ka tahay Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.

Qisada Xariir ma aha qiso “madi“ ah ama mar la-arag ka ah bulshada Ogadenya dhexdeeda. Xariir wuxuu arrintan la wadaagaa kumayaal ka mid ah muwaadiniinta Ogadenya ee waalidkood, walaalohood ama ehelkood ku waayay dagaalka xaqa ah ee shacbiga Ogadenya uu madaxbannaanidiisa ugu jiro.

Wuxuu kaloo dadwaynaha Ogadenya la wadaagaa dareenka ah in qofku uu ku faano ka qayb qaadashada dagaalka xornimo doonka ama lagu faano xubinka qoyska ah ee kaalin fiican ka qaata dagaalka xornimo doonka.

Shacbiga Ogadenya wuxuu ka siman yahay dareenka ah in la gumaysto, waxaanuu si fiican u garwaaqsan yahay in hanti la iska dhaco middii ugu qiimo badnayd laga dhacay. Sidaas darteed waxaa aqal walba oo bulsho Ogadenya u dhalatay ay ku nooshahay ka jira dareen ku baaqaya in la soo dhiciyo hantida maqan.

Ubadka yaryar ee Ogadenya dabeecadda ay ku nool yihiin ayaa ku ababisa in dhulkoodii uu maqan yahay oo cadow aan u naxariisani uu ka haysto. Ma jiro guri ay bulshada soomaalida Ogadenya leedahay oo aan laga dareemin dhibaatada ay xukuumadaha Itoobiya u gaystaan dadka rayadka ah ee aan waxba galabsanin.

Cadaadiska iyo naxariis darradu waa dabeecad u gaar ah dhinaca marba xaq-darrada ku socda ee ogsoon inuu xoog ku haysto xuquuq uu leeyahay dhinaca ay iska soo horjeedaan. Caabiga iyo ciil-dirirkuna waa dabeecad lagu yaqaano dhinaca dareensan in la dulmiyay oo hantidiisii xoog lagu haysto.

Bani’aadamka waxaa ugu fulaysan qofka xaq-darrada iyo dulmiga ku socda, waxaana ugu geesisan qofka xaqa ku taagan ee u halgamaya soo dhicinta xaqiisa ama difaacidda sharaftiisa iyo sharfta dhulkiisa. Sidaas darteed waxaa gumaystayaasha caado u ah inay cadaadiyaan bulshooyinka ay gumaystaan oo ayna u kala aaba-yeelin kuwooda rayadka ah iyo kuwooda hubaysn ee la halgamaya, sababtoo ah wuxuu gumaystuhu ogyahay dakanada uu galay inay tahay mid shacbiga oo dhami ay tirsanayaan oo kala xisaabtamayaan maalinka ay u soo marto.

Hase yeeshee waxaan nasiib wanaag aragnaa in cadaadiska iyo cabudhinta bulshada loo gaysto ay sii kordhiso dhiirranaanta iyo mintidnimada bulshada. Waxay tijaabooyinka nolosha oo dhami tilmaamayaan in nolaha aan cadaadis oo kaliya lagu muquunin karin, gaar ahaan bani’aadamka, oo ayna suuragal ahayn in wax aanuu rabin waligiiba qasab iyo sandulle lagu yeelsiiyo. “Ciilka iyo cadhada ururee dulmiga weheshadaa mar unbay qarxaan oo qofka gaadhsiiyaan heer uu noloshaba dimashada ka door-bido“.

Mararka uu qofku dhimashada u badheedho waxaa ka mid ah xilliyada ay tilmaantay murtida soomaaliyeed ee odhanaysa: “Nin milgadiisiyo mooradiisii loo dhacay mowdkiyo geerida kama maadanaayee“

Dadwaynaha soomaalida Ogadenya waxay cadaadiska iyo dulmiga uu gumaysiga Itoobiya ku hayo ka qaadeen geesinimo iyo calool adayg, waxayna iska dhaxlaan farriinta ah in dalka Ogadenya laga xoreeyo gumaysiga Itoobiya, iyadoon naf iyo maal midna loo miidaan-deyin.

Farriinta noocaas ahi waxay dadwaynaha soomaalida Ogadenya la soo abtirsatay muddo aad u dheer, iyadoo filkii tegaaba uu midka kale u reebayay dhaxalka gobanimo doonista.

Qanaacaddu waa shay muhiim ah. Qofka bani’aadamka ahna inta uu ku qanacsan yahay in xaqiisii dhacan yahay lagama adkaan karo. Waa laga yaabaa in xilliyada qaarkood laga taag roonaado, hase yeeshee qalbigiisa marna lagama tirtiri karo waxa uu rumaysan yahay ee mabda’ ahaan u aaminsan yahay.

Xariir, oo ka warramaya sida uu ugu qanacsan yahay halganka uu nafitiisa u huray ee gumaysiga Itoobiya kula jiro, wuxuu yidhi; “Ma sixiroolayaashii Fircoon baan ka liitaa. Iyaguba waxay naftooda u hureen caqiido ay muddo gaaban horteed qaateen”.

Tusaalaha uu Xariir soo qaatay waa mid xikmad wayni ku jirto, sababtoo ah markii ay sixiroolayaashii Fircoon arkeen in Usha Nabi Muuse ayna sixir ahayn, balse ay tahay mid xag Eebe laga karaameeyay, ayay sujuud la dheceen oo Eebe rumeeyeen. Markaas ka dib ayuu Fircoon si wayn u xanaaqay, wuxuuna ugu hanjabay “Waxaan gacamihiina iyo lugihiina u goynayaa is-dhaaf, ka dibna waa idin gegayaa(maydka oo meel laga laalaadiyo ama lagu wadho)”.

Jawaabtii ay siiyeen waxay ahayd mid kooban oo ay ka buuxdo qanaacad ay ku kalsoon yihiin. Waxayna ugu jawaabeen “Ilaahay baan u noqonaynaa”. Sixiroolayaashaasi waxay u badheedheen dhimasho, iyagoo difaacaya caqiido ay muddo aad u gaaban horteed qaateen.

Xariir wuxuu tusaalahan u soo qaatay, si uu u muujiyo in dadwaynaha soomaalida Ogadenya ay islaamnimada ka-ab iyo ka-ab ku soo jireen, isla markaana ay rumaysan yihiin waxa ay diintoodu farayso marka laga hadlayo dagaalka lala galo dulmiilaha dhulkaaga kaa dhaca ee dhibaatada soo gaadhsiiya dadkaaga iyo diintaada.

Axmed Gaal-eri
Radio Xoriyo

raadioxoriyo@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 28, 2003.

Dr. Caydaruus iyo Ciise Dhollowaa oo Kusii Jeeda Boosaaso
Waxaana safarkooda ku weheliya saddex qof oo ka socda Telefishanka ABC-Austria, waana safar la xiriira... Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Diinta Islaamka Soo Gala Sannadkiiba
Waxaana dadka sannadkan kusoo islaamay Singapore kamid ah
Guji

Algeria: Toban Kawaanle oo Xabsiga Ladhigay Kaddib Markii ay Iibiyeen Hilib Dameeraad
iyo Xabsiyada Algeria oo laga siidaayey in kabadan 3,000 oo qof maamuuska Ciida awgeed.. Guji  Nov 23

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN
Siciid Westing oo ah nin Muslim ah oo deggan Denmark oo uu Jimcadii soo booqday Ibraahim Saalax ayaa sheegay in.. Guji..


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]