SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
US Senate: Ninkii Seexdaa Sacii Dibi Dhalay

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

Nov 14, 2003 

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Inkastoo dagaalka sokeeye ee ka dhex socda mareykanka liberalaka iyo conservativeka uu sii qaraaraanayo ayaad mooda in la isla galay aqalaka senateka maanta. Soddon saacadood oo soo jeed iyo dhafar ayay ku baaqeen republicans si ay ugu xadaan codka caawa markii ay demoqraadiga luloodaan ama hurdoodaan. Xubnaha demoqraadiga ayaa ayagana arrintaas ku baraarugsan oo iska jira oo leh ninkii seexdaa sacii dibi dhalay.

Mashaakilka waa maxay?

Republicans waxay rabaan in la axsaxiyo 4 gudoomiye maxkamadeed oo uu magacaabay Bush oo in muddo ahba ay hortaagnaayeen demoqraadiga. Maamulka madaxweyne kasta oo maraykanka qabsadaa waxaa uu xaq u leeyahay inuu magacaabo jagooyinka muhiimka ah iyo gudoomiyeyaasha maxkamadaha markaas loo baahdo. Laakiin waa inuu saneteka ansixiyaa. Madaxweyne kasta iyo xisbi kasta waxay jecel yihiin dad ay isku ra’yi yihiin oo ay u dhiibtaan jagooyinkaas. Arrinta cajiibka ah waxay tahay senatorada waa 100. 51 republican 49na waa demoqraadi. Waa in 60 ay isku raacdaa si loo ansixiyo ansixidda gudoomiyeyaasha maxkamadda.

Arrinta sanadkan cusub waa demoqraadiga oo aan rabin xata inay codeeyaan. Qofka hadii uu codeeyo record baa ka hara. Marka waxay rabaan inay joojiyaan magacaabidda horeba si aan loogu codaynin. Republicankuna waxay leeyihiin codeeya xataa inaad diidaan waxay kale oo rabaan caawa inay dad weynaha maraykanka ku diraan senatorada demoqraadiga oo yiraahdaan bal eega hawshii wadanka loo qaban lahaa iyo dadkii wadanka u shaqayn lahaa nimankaas ayaa hortaagan oo diiday xataa inay codeeyaan.

Senatorada ayagoo jooga oo soo jeeda lama qasbi karo laakiin waa fulay oo waxay ka baqaan dadka codeeya oo mararka qaar wax aanay rabin ayay siyaasad awgeed u yeelaan republicanskuna sidaas ayay og yihiin oo waxay oogu caga juglaynayaan inay caawa ceebeeyaan ayay rabaan.

Demoqraadiga ayaguna waa dad dheesha fahamsan oo waxay rabaan inay republicanka ceebeeyaan oo yiraahdaan 4tan gudoomiye maxkameed ayay ku mashquuleen malaayiin muwaadiniin ahna waa shaqo la’ dahay oo daryeel caafimaadna ma ahaystaan. Liberalka waxaa kale oo ay leeyihiin markii uu Clinton madaxweyne ahaa sidan ayaad u gasheen ee markiina adkaysta. Waxaa kale oo ay saaxiibo badan ku leeyihiin Europe halkaas oo ay filayaan in madaxweyne Bush marka uu booqashada ku tago isbuuca danbe in ay saaxiibadood bannaan bax aad u weyn ku samayn doonaan.

Maxaa ka fiican markii ay gudoomiyeyaasha maxkamadaha yihiin dadkii aad adiga meesha gaysatay?. Senatoorada demoqraadiga waxa ay leeyihiin 98% waan ogolaanay dadkii uu rabay madaxweyne Bush inuu meeleeyo laakiin afartan qof uma qalmaan shaqada loo dhiibayo sidaas ayaan ku diidanahay. Senatorrada demoqraadiga waxa ay sameynayaan waxaa la yiraahdaan “Filibuster” waana markii u horaysay oo senateka taariikhdiisa loo kala baxo demoqraadi iyo republican ayadoo laga doodayo dad shaqo loo magacaabayo waagii hore waxay ay ahaan jirtay in qaar isku qasan ay sameeyaan “Filibuster”.

Republicansku waxay leeyihiin waa inoo xeer aad dejiseen marka waxaa la isweydiinayaa arrintan saamaynta ay ku yeelan doonto senateka mustaqbalka. Republicanska beryahan guulo badan ayay ka soo hoyiyeen doorashooyinka gubernatoorayaasha . Waxaana ugu yaab badnaa markii ay taageereen labo musharax oo soo galooti ah ama aabahood soo galooti ahaa waxayna kala yihiin governorka California iyo mid weli tartan ugu jiro Louisiana state oo ka soo jeedo dalka India oo 32 jirka ah.

In marka hore dadka la soo magacaabay la dhagaysto ayaa ka horaysa in loo codeeyo waayo dhagaysiga iyo aqbalaadda waa wax dhan. Waxaad arrintaas ku garanaysaa muhimadda ay leedahay dhowaan markii ay oggolaatay maxkammadda sare ee rafcaanka (Supreme Court) inay dhagaysato dhawr qof oo ku xiran Guantanama Bay sida ay dharbaaxada ugu noqotay maamulka Bush.

Dagaalkan liberlaka iyo conservativeka waxaa maalmahan aad loo dareemay markii ay conservativeka joojiyeen filin laga sameeyay odaygoodii Reagan oo lagu durayay ka dib markii ay ku hanjabeen qaadacaad la mid ah mid ay hore ugu sameeyeen koox fananiin ah oo kale inay ku samaynayaan TVgii soo sii dayn lahaa filimkaas. Consevativeka waxa kale oo ay aad uga welwelaan Senator Hillary Clinton oo ay aaminsan yihiin inay Qatar tahay mar uun in ay madaxweyne isu soo sharaxi doonto.


Howard Dean

Bush

Waxaa kale oo ay hadda welwel ka muujiyeen mushaxa madaxweyne ee Howard Dean oo ku dheereeyay lacag urursiga oo ay la shaqeynayaan ilaa 600 oo mutadawiciin ah oo adeegsanaya aaladda Internetks. Dean oo is mahadiyay dhowaan waxaa uu diiday inuu qaato lacagta dawlaada ay siiso dadka murashaxiinta madaxweynaha taas oo ay la socoto shuruud ah inaadan dhaafi Karin 45 million.

Dean wuxuu aaminsan yahay inuu lacag intaas ka badan heli karo. Demoqraadigana waxay ka welwelsan yihiin Madaxweyne Bush oo ay dadka qaar ugu yeereen mashiinkii (machine-kii) lacag urursiga oo xataa haddii uu xabad rooti ah ku gado $2000 lakala boobayo. Bush waxaa la aaminsan yahay inuu heli karo lacag kor u dhaafayso $200 oo million, hadda waxa uu haystaa ilaa 83 million doolar. Dadka qaar ayaa waxay is weydiinayaan xaggee dagaalkan qabow ku danbayn doonaa? Lacagahan badan ee lagu bixinayo doorashada ma udan baa dadweynaha? Filibusterskan muxuu dhibaato keeni karaa ama side looga gudbaa?

Caawa senatoorada republicanska iyo shaqaalahoodaba waxaa u diyaarsan coffee iyo buste iyo dhafar waxayna filayaan inay arrintan soo dhoweynayso guushooda ka dibna ay dhowaan galaan fasaxii dheeraa ee ciidaha iyo nasasho.

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com    

Minneapolis, Minnesota USA.

 

Dad siyaasad isaga Soo Horjeda ayaa Dejinaya Manhajka Ardada Minnesota
Marka siyaasad iyo waxbarashada caruurta la isku qaldo maxaa ka iman kara?.... Wardheere  Nov 3

Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur Wardheere.. Guji..

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD