SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Dad siyaasad isga soo horjeda ayaa dejinaya manhajka ardada Minnesota

Marka siyaasad iyo waxbarashada caruurta la isku qaldo maxaa ka iman kara?

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

Nov 3, 2003 

 

 QARANIMADA SL WAA GO'AAN SHACABKA KA YIMID [Diridhaba]

MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA [Fahad]

Soonoolaynta Br-Somaliland Iftiin miyaa mise Mugdi  [Diirshe]

Somaliland (Dhulkii Soomaalida): Iftiinka Yaan La Demin: [Wardheere]

Koox ka kooban 44 qof oo isugu jira macalimiin, waalidiin, iyo ganacsato ayaa loo diray inay soo dejiyaan manhajka maadada culuumta bulshada ee xaadirka ah (History, Geography, Government and Citizenship) ayaa madaxa isla galay ka dib markii ay isku mari waayeen manhajkii loogu diray inay u dejiyaan ardada Minnesota.

Markii la magacaabayay gudigan wax sahlan ma ahayn waayo aamin darro wayn ayaa jirtaa oo ah yaa lagu aaminayaa caruurta waxbarashadooda. Waayo qolo walba waxa ay jeceshahay inay manhajka u dejiso sida ay ayada jeceshahay inay taariikhda u qorto kuwa kalena dheesha waa la fahmayaan.

Bal aan isku dayno in aan sharaxno waxa biya diidka keenay.

Horta qofwalba waa garan karaa manhaj saamaynta uu ku leeyahay ardada waxaa kale oo la ogyahay ardada qofkii maalgashado oo wax baro ayaa ka macaasha sidaa darteed taariikhda iyo dawlaadu siday u shaqayso qoladii ardad u dejiso ayay u badan tahay in ay faa’iido. Tusaale ahaan shirkadda Computerka ee “Apple”ayaa iskuulada Minnesota qaarkood qandaraas la gashay si ay free ama lacag raqiis ah ugu siiso computerka si ay markay waynaadaan suuqooda u yeeshaan ama si aysan IBM iyo kuwa la midka ah suuqa uga saarin.

Is aamin la’aantu waxay ka soo jeedaa gudiga oo kala raacsan waxa loo yaqaan garabka midig iyo garabka bidix ( Waa habkii ay u kala fariisan jireen baarlamaankii fransiiska qarniyo hore oo hadda noqotay aragtiyo iska soo horjeeda oo galbeedka ku fiday) ama conservative iyo liberal. Dadkaas oo ay fikradahooda aad u kala duwan yihiin ayaa siyaasadda geliya meel kasta xataa caruurtii waxbaran lahayd manhajkooda. Midkasta wuxuu rabaa dadkii asaga ka tirsanaa in la buun buuniyo kuwa kalena in aan la buun buunin. Liberal iyo conservative qori isuma qaataan gacanna islama tagaan laakiin waxba kale isula ma haraan.

Waxaad moodaa dadka maraykanka qaarkood sida ay u kala duwan yihiin aragtida xataa isha warka waa u kala duwan tahay tusaale ahaan Liberalka joornaaladooda waxaa ka mid ah New York Times, Los Angeles Times, Washington Post iwm. Coservativeska Joornaaladooda waxaa ka mid ah Chicago Tribune,Washigton Times iyo Tvga Fox news. iwm  

Conservativeska waxaa kale oo ay ku horeeyaan Radio Talk Showska oo noqday goobaha dagaalka kan ugu caansan marka laga reebo goobaha doorashada waayo maadaama maraykanku qof iyo baabuur yahay (ku dhowaad) dadka inta badan baabuur ayay waqti badan saaran yihiin ninkii Radio talk Show leh ayaa dadka qaban kara oo dhegahooda wax ku shubi kara. Liberalka oo hadda aad moodo in laga gacan sareeyo ayaa dhowaan 2004 shaaca ka qaadi raba TV iyo Radio talk Show ay dad caraysani aad u maalgelinayaan si ay horyaalka dacaayadda u qaadaan 2004.

Buugaagta la isku caayo iyo dagaalka qalinka ayaa ayaguna meel xun gaaray. Dad badan ayaa isku deyay in ay xabad joojin dhexdhigaan labada qolo laakiin waa ku fashilmeen waxaa kale oo ayadana xusid mudan in ay jiraan dad dhexdhexaad ah oo aan midna raacsanayn oo weliba leh ardada yaan la lugoynin

Haddii aan u soo noqdo manhaj dejinta Minnesota markii la soo bandhigi rabay manhajka cusub waxaa xanaaqay qolada liberalska oo yiri taariikhda run lagama sheegin waayo Madaxweynayaasha Demoqraadiga ah sida Carter, Johnson, JFK lama xusin halka Reagan iyo Bush lagu celceliyay taasna ma yeelayno.

Conservativeka waxay aaminsan yihiin in Reagan ahaa madaxweynihii ugu fiicnaa ee Maraykan soo maray dhowaanahan halka Liberalku aaminsan yihiin madaxweynihii ugu fiicnaa ee soo mara dalka markanka dhowaanahan uu ahaa Clinton. Governorka Minnesota oo u janjeera dhanka midig ayaa yiri ” Manhajkan wuxuu u janjeeraa dhicaca bidix waa inuu noqdaa cadaalad”

Waxaa kale oo manahjkan gebagebada ah lagu dhaliilay in ardada fasalka koowaad aanay fahmi karin taariikhda loogu talo galay oo ka hadlaysa ilbaxnimadii hore ee Giriigga iyo Masaarida.

Soomaali badan ayaa ka buuxda iskuulada Minnesota su’aashu waxay tahay saamayn intee in la eg ayay ku yeelan doontaa manhajkan siyaasadda ku dhisan?.

Waa nasiib darro haysata ardada waayo qarashka iskuulada iyo manhajkaba waxaa gacanta ku haya siyaasiyiin kala u jeedo ah inkastoo ay arrimaha qaarkood isku waafaqaan.

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com    

Minneapolis, Minnesota USA.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur Wardheere.. Guji..

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD