| w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
|
SOMALITALK
- TORONTO
|
|
Soomaalida Toronto oo Musharax Daahir
Taageertay
Galabnimadii Axadda bisha October 12 ka ahayd Soomaali ka
badan 200 oo ruux ayaa ku qabtay xaflad lagu taageerayey Musharax Maxamed
Daahir Xasan oo u tartamaya duqa degaanka waqooyiga Etobicoke uga qayb
galaya golaha dawladda hoose ee Magaala weynta Toronto, ee dhacaysa 10 November
2003. Waa jago xambaarsan xil weyn oo leh miisaan siyaasadeed, magac iyo fursad
wax loogu qaban karo bulshada ku nool degaanka Soomaalidu ku badan yihiin.
Ujeeddada shirka loo qabtay, waxay ahayd in la gaaro labo
arrimood oo muhiim ah, labadaa oo kala ahaa:
1. In Soomaalida Toronto tusto Musharrax Maxammed Daahir
Xasan in ay si niyad sami iyo daacad ku dheehan tahay u garab istaagayaan,
gacanna u siinayaan, raallina uga yihiin in uu tartantka ku galo
kor-u-qaadista magaca iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar
ahaan magaca reer Kanada, ka sii gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee reer
Toronto. Arrintaa waxaa ka hadlay waayeel, dhallin iyo culumo. Dhammaan
Musharraxa si hufan ayey u garab istaageen, u dhiirragaliyeen, uguna
duceeyeen.
2. In musharraxa loo aruuriyo dhaqaale uu tartanka ku
galo. Dhaqaalahaasna lagu daboolo, kharashka tirada badan ee ku baxaya
xafiiska musharraxa, abaabulka iyo kicinta Soomaalida, kulamada lala
kulmayo ummadaha kale ee degaanka Soomalida la wadaaga, dicaayadda (daabacaadda
looxaanta iyo qoraallada la qaybinayo) iwl. Arrinta dhaqaale aruurinta
Shiikh Adan Maxammed Ciise oo habsami u hagayey hawshaas Ilaahay u sahaley,
lacagtuu rabey inuu qabto iyo kii suura galka ula ekaa dadka goobtaa joogey
labadaba, dhaqaale ka badan ayaa muddo gaaban, si deeqsinnimo iyo hagar
la’aani ku jirto, goobtii loogu aruuriyey. Dad badan ayaa baxshay kiiba
$1000, qaarna waa ka badiyeen. Mahadi ha gaarto dhammaan walaalihii
taageeradaa, qaddar kasta ha le’ekaatee, gacan ka geystey, oo ay ugu
horreeyaan gabdhaha Soomaaliyeed ee reer Toronto.
Waxaa kale oo xusid mudan, degaanka Musharrax Maxammed Daahir
ka tartamayo oo ay ka mid tahay xaafadda caanka ah ee Dixon, in uu ka soo galay
doorashadii barlamaanka gobalka Ontario ee dhacaday 2 October 2003, nin la
yiraahdo Dr. Shafiq Qaddiri, oo noqday ninkii ugu horreeyey ee Muslin ah oo
gala barlamaan Kanada leedahay, ama ha noqdo mid gobal ama mid Federal. Ilaahii
qaaddir ahaa awooddiisa ka sokoy, libintaa taariikhda gashay waxaa soo hooyey
Soomaalida Toronto ee sida hagar la’aanta ah ugu soo gurmatey Dactoorka u habar
wacday.
Musharax Maxammed Daahir 10 sano in ka badan ayuu bulshada
Soomaaliyeed ee Reer Toronto u adeegayey. Waa soosaaraha Radio-ga Codka Beesha
Soomaalida Toronto iyo TV-ga Muuqaalka Soomaalida.
Su’aal, faallo wax kastoo ku saabsan qoraalkan, la xariir
qoraaga:
Burhan Jama
burhanj@lycos.com
Xafiiska doorasha Daahir Mohamed
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2003
Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Dayaxgacmeedkan oo ay Yurub hawada u direen...
Guji
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|