SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BBC iyo Cali Samatar

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Waxaa bilihii la soo dhaafay idaacadda BBC laanteeda afka soomaaliga laga buufinayey guubaabooyin aan aayaha Afrikada bari u fiicnayn, oo jirro qabiil iyo cuqdad liidnimo ah salka ku haya. Muddadii hore oo aysan dagaallada beeluhu xoogga u bilaaban, ee uu ninka keli ahi ummadda ceejinayey waxaa Soomaaliya ka jirey warbaahin aan danaha shacabka loogu shaqayn ee qof gaar ah lagaga farxin jirey. Waxaa warbaahintii dalak ka jirtey goor danbe laga garab furay, oo soo kordhay, idaacado mucaarad oo lagaga nixin jirey jaalle Siyaad, oo ay u shaqaynayeen idaacado asaga ka qosliyaa.

Taariikhda idaacadahaas iyo taariikhda BBC midna in aynu baarno qoraalkaani uma uu socdo, oo waxaynu taariikhahaas ku soo koobaynaa in markii uu kacaankii geeriyoodey ay soomaalidu si fiican qabyaaladdii laga cabburiyey uga dhergeen. Dalka kuwa isku laaya waxaa ka qabyaalad iyo cuqdad badan kuwa BBC ka shaqeeya iyo qaxootiga ku baahsan daafaha caalamka.

Marba qabiil in ay BBC gaar ugu eexataa waxay ku xiran tahay hadba tirada qabiilka loo eexanayaa uu shaqaaleheeda ku leeyahay iyo in ay ku bataan shaqaale ka soo jeeda beelo uu iskaashi ka dhexeeyo colaadada Soomaaliya. Dabeecaddani yaab ma leh marka fakarka soomaalida la eego, oo janannadii iyo madaxdii sare ee dalka soo maray haddii ay beelohoodii kala aadeen ma wiil yar oo idaacad ka shaqeeya ayaa qabyaalad iyo eex ka dhawrsan kara?

Labo arrimood baa waayadaan waxaa la moodaa in ay BBC si maddaalenimo ah ugu mabeen, oo ay ummadda inteeda xilkaska ah ku yaqyaqsadaan sida ay uga fuqi waayeen labadaan arrimood oo xinka qabyaaladda xiriirka la leh. Midda kowaad waa in lixdamaadkii beel Soomaalida ka mid ahi jagooyin ay lahaayeen la seejiyey, oo ay beelaha kale qabiilkaas eed ka galeen. Guubabadaasi waa xumad qabiil oo ka soo butaacda dhowr qof oo laanta BBC jooga ayna u oggol yihiin dhawr kale oo uu iskaashi xumadeed ka dhexeeyo.

Midda labaad oo qabyaaladda cuskani waa in dib loo soo nooleeyo dagaalladii muddo fog dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya si loogu qanciyo kooxaha uu Cabdiqaasim agoorka u yahay, oo la moodo in ay Itoobiya haddeer barteen.

Inta aynaan arrintaan macaanka badan ku nuuxnuuxsan ayeynu xoogaa ku nasanaynaa qiso aynu ku faraxno oo uu noo soo sheegay nin qoraa ah oo dhawaan gaarey daarta Bush house. Wuxuu qoraagu meeshaas u aadey in uu su’aalo soo weydiiyo dadka raadiyahaas laga maqlo. Su’aalihii waxaa ka mid noqotay arrin ay la yaabaan dhammaan dadka soomaalida ahi. Arrintu waa in uu waa hore dhammaaday xilligii uu Ismaaciil Cumar Geelle Cabdiqaasim u qorsheeyey in uu sheegto madaxweyne, haddana ay BBC weli ku sheegaan madaxweyne. Haddaba su’aashaasi waxay ahayd ”Goorma ayey BBC joojin doontaa in ay Cabqaasim ka dabawadaan wax uu cimrigoodii go’ay?”.

Qoraagii loogama jawaabin su’aashii, waxaana si qayaxan loogu sheegay in ay maqan yihiin qabiilkii u jawaabi lahaa! Qoraagii waa u qaadan waayey in su’aalaha BBC la weydiiyo hab beeleed lagu qaysado, wuxuuna soo xasuustay hadal aan dhawr sano ka hor oran jirey oo ahaa in aan anigu laba meelood weligay aadayn. Labadaasi waa BBC iyo Buurkaroolle. Qoraagii wuxuu asaga oo naxsan bilaabay dood uu ku sheegay in aysan macquul ahayn in jawaabaha BBC qabiil lagu saleeyo, waxaana loo arkay nin aan xaaladda soomaalida la socon oo qarwaya. Waxaa lagu yiri ”Inta uu qabiilkii kuu jawaabi lahaa imanayo waxaad ku sugi kartaa su’aalo Soomaaliland u saabsan”. Wuxuu qoraagu noogu dhaartay in ragga waxaas ku hadlaya uu ku yaraa nin aan bidaar iyo cirro madaxiisa kharribin.

Dooddii qoraaga oo socota ayaa waxaa soo galay labo wiil oo af soomaali iyo sawaaxili midba mar ku hadlaya, waxaana qoraagii loo sheegay in ay wiilashu qabiilkii su’aasha xaqa u lahaa ka dhasheen, oo uu mawduuciisa wax ka weydiin karo. Wiilashii waxay qoraaga u sheegeen in uu qabiilku madax leeyahay wuxuuna mid jeebka kala soo baxay telefoonka la qaato, wuxuuna wacay wiil kale oo uu qoraagu wixii beesha ku saabsan weydiin karo.

Jawaabtii qoraaga la siiyey waxay noqotay in uu Cabdiqaasim 21 sano madaxweyne ahaan doono, wuxuuna qoraagu u qaatay in ay soomaalida qaarkeed u qabaan in madaxweynenimada cimrigeedu uu yahay 21 sannadood.

Arrintaan waxaa la yaabi kara qof aan soomaali aqoon, laakiin waxaa ka sii yaab badan in dhawaan Cabdiqaasim la weydiiyey arrimo la xariira dagaalkii 1977. Muddadii dheerayd oo kacaanka wuxuu Cabdiqaasim taagnaan jirey guriga habar Khadiijo, ee goorma ayuu dagaal iyo xaajo rag ka qayb galay? Saraakiishii arrimahaas xog’ogaallada u ahaa oo jooga miyaa guryaha, xaasaska iyo carruurta wararkii ciidankii Jigjiga iyo Godey la weydiinayaa?

Maqaalkaan xooggiisu wuxuu ku saabsan yahay waxyaalo aan jirin oo uu BBC u sheegay sarreeyeguud Maxamed Cali Samatar. Waxyaalahaasi waxay u kala baxaan kuwo aan in laga dabo hadlaa macne weyn lahayn iyo kuwo in laga daba hadlaa ay xaq tahay, oo been xun ah. Arrimaha badan oo been ah, laakiin aan cidna wax yeelayn waxaa ka mid ah in uu Samatar ninka kowaad galay saraakiishii Talyaani wax ku soo bartay 1954-1956. Runta haddii loo hadlo wuxuu Cali Samatar noqday ninka labaad, waxaana taas ka marag ah raggaas inta ka nool iyo wixii muslimiin ah arrimahaas wax ka ogaa.

Arrintaani muhiim ma aha, waxaana sidaas oo kale aan culays weyn lahayn beentii ahayd in markii saraakiishii la shaqogeliyey Cabdullaahi Yuusuf Jawhar loo dhiibey. Runta haddii loo hadlo weligiis Cabdullaahi Jawhar looma dhiibin, ee wuxuu Samatar isku qalday Jawhar iyo Baydhabo.

Waxaa kale oo beenaha aan muhiimka ahayn ka mid ahaa in uu Samatar ku dallacay dagaalkii lixdamaadkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, oo uu billado ku qaatay! Haddii Rabbi laga baqayo qofna dagaalkaas kuma uu dallacin, oo dallacaad laguma helin dagaalkaas. Isla markaas waxaa billado helay saddex qof keli ah, kana mid ma ahayn Maxamed Cali. Ciidamada hal sarkaal baa billad ku qaatay dagaalkaas, hooballadana gabar, nin weriye ahina billad buu helay. Cali Samatar waxba ma uu helin, waan ka xumahay!

Waxaynu intaas uga sii gudbaynaa arrimo uu Cali Samatar aad ugu qaldamay, oo ka waaweyn kuwaas aynu soo sheegnay. Wuxuu sheegay in maxaabbiistii Itoobiya laga qabtay ay 6000 oo ciidan ah ka badnaayeen, kuwa soomaalida laga qabtayna ay 70 ahaayeen. Waxaa la moodaa in uusan Samatar ku xisaabtamayn in ay maqlayaan saraakiishii ciidanka iyo dadkii arrimaha u dhuuldalooley. Horta waxaaba ceeb aan macquul ahayn ah in labo dal oo diriray mid 6000 laga qabto, midna 70. Runtii waa ay jirtey in ay maxaabbiista Itoobiya laga qabtay ka badnaayeen kuwa soomaalida laga qabtay, hase yeesho ee dadkii ay soomaalidu soo xarraaseen wax ciidan ahi waa ay ku yaraayeen.

Magaalo kasta ama beer walba oo ay soomaaligu maraan waxay iska soo xaaqayeen dumarka iyo dhallaanka. Siiba ciidamadii xagga woqooyi ka hawlgalay ee soomaalidu waxay ku kaceen ceebo fuulaxun. Dad rayid ah baa xabsiyadii soomaaliya laga buuxiyey, waxaase intaas ka sii darnaa ciidamada dagaalka woqooyi lagu shubay oo u badnaa dad la soo qafaalay oo aan waxba kala aqoon. Waxaa soomaalida ka dhaadhacsanaa in qof kasta oo aan af soomaali ku hadlayni uu gaal yahay, uuna dhiiggiisu bannaan yahay, haddana in dumarkooda la kufsadaa ay bannaan tahay! Markaas ayaa qomiyado badan oo asahaata oo ku dhaqnaa dhulkii cagta la mariyey waxaa lagu sameeyey waxyaalo aannu ka xishoonaynu in aan halkaan ku qorno. Waa waagii uu baxay hadalkii ahaa ”Illaa dumarka gaaladu markii loo tegayo waa ay ashahaataan!”.

Kufsigii ay ciidamada soomaalidu waagaas bilaabeen waa loo macaansadey oo wuxuu markiiba ku baahay gobollada Soomaaliya qaarkood, oo uu madaxweynu ku xanaaqey.

Waxaa la hubaa in aysan soomaalidu kufsiga ku bilaabin dagaalkii Itoobiya ee uu weligiis kufsigu ka dhexsocdey geyiga ay soomaalidu degaan. Sida aannu odayaal badan ka maqalnay waxaa dagaalkaas ka hor dhacay saddex kusfi oo aad u caan baxay, muddo dheerna socdey. Kufsigii ugu foosha xumaa, uguna muddada dheeraa waxaa la sheegaa in uu ahaa kufsigii Daraawiish. Waxaa ciidankaas maskaxda lagaga shubay in ay dadka aan ayaga ahayni gaalo yihiin, oo dilkooda iyo dhacoodu ay jihaad islaami ah yihiin. Maxaabbiista dadkaas la gaaleeyey laga qabto waxaa bannaanaa in la laayo iyo in la kufsado.

Kufsigii labaad waxaa bilaabay ciidamadii Cali Yuusuf oo wuxuu kufsigaas badankiisu ka dhacay Mudug. Waxaa la sheegaa in ay saddex kufsi oo kala darani soo mareen dadka reer Mudug. Saddexdaasi waa kufsigii Daraawiish, kufsigii Cali Yuusuf iyo kufsigii kacaanka.

Waxaa jirey kufsi weyn oo midkii Daraawishta iyo midkii Cali Yuusuf ka waqti dheeraa, laakiin maalmo yar gudohood la kufsaday dumar aad u badnaa. Kufsigaasi wuxuu ka dhacay xagga woqooyi, wuxuuna dhacay intii uusan Cali-Dhuux bilaabin guubaabo dhanka woqooyi aad looga yaqaan oo magaceeda ”Guba” la oran jirey, oo ay dabadeed siddeetamaadkii Idaajaa iyo kacaankoodii faafiyeen si ay dagaal iyo kufsi cusubi u abuurmaan.

Waxaa nasiib darro ah in aan gabayada soomaalida sida badan lagu darin arrimaha kufsiga. Sidaas darteed Cali-Dhuux iyo raggii la xilliga ahaa waxay muhimadda siyeen geerida ragga iyo dhaca geela, ee kufsigii meesha ka dhacay ma ay daakhilin. Waxaa in yar kufsigii badnaa ka taabtay ina Cabdulle Xassan oo la isla dhexmaro in uu ereyo sidaan u dhawaa yiri:

  • Muxajabo daboolnayd wuxuu, gaal dukhuulaayey

  • Caarkii dahaarnaa wuxuu, dubuq ku siinaayey

  • Gabdhahay dillaacsheen wuxuu, dhiiggu dibiqleeyey.

”Gaal” wuxuu ka wadaa dadka aan asaga taageersanayn, waxaana dabeecaddaas kaga dayga kuwo hadda diinta Rabbi been ka sheega oo mooryaanta la xulufo ah. Waxaa yaab leh in uu Maxamed Cabdulle Xassan in uu kufsiga sheego bilaabay markii laga adkaaday, oo uusan kufsigii xad-dhaafka ahaa ee ay ciidamadiisu sameeyeen wax gabay ku soo qaadan. Waxaa halkaas ka cad in uu raggiisa keli ah kufsiga la rabey, oo uusan xagga kufsiga caaddil ahayn.

Runtii in maansada waaqica sida uu yahay loogu cabbiro ayaa fiicnaan lahayd, laakiin waxaa nasiibdarro ah in uu dhaqanka soomaalidu ku salaysan yahay xishood aan macne weyn lahayn. Kufsigii kacaanka waxaa dhawr jeer carrabka ku dhuftay Khaliif shiikh Maxamuud, wuxuuna u kala saaray labo nooc.

Midka kowaad waa kufsiga ciidanka oo waxaa jira dhawr tixood oo uu mid walba ku sheegay in ay ciidamadu aad wax u kufsadeen. Waxaynu ku kaaftoomaynaa labo meelood oo uu aad iyo aad Khaliif kufsiga uga naxsanaa oo kala ah:

  • Nin waliba ka dhereg naagihii, dheegga Maxamuude

  • Dhalandoorsan guurkood kuwuu, qaar idiin dhaxaye

  • Ciddayada geyaan kuma dhawaan, loo dhaqmaad gudo’e

  • Dhaddig iyo haddaad naga rabteen, xidid isdhaafdhaafsi

  • Dhudub kama helaysaan aroos, dheelmatiin wacane.

Waxaa laga yaabaa in uu ereyga ”dheeg” kula adag yahay, waase tuludda geela ah labadeeda dhinac midkood, wuxuuna kufsiga ciidamadii Maxamed Siyaad mar kale Khaliif ka yiri:

  • Waataas dariiqyada hablaha, lagu dubaaqayne

  • Waataas ilmada dililiq lihi, dulundulcaysaaye

  • Waataas aan loo diirnaxayn, timodaliigleye

  • Uurdigiso dalalbaabidey, dalankacaayaane

  • Haddeeray intay wada dahdeen, silic la duukheene

  • Dafir iyo waxaa loogu daray, jeel u daa’imise

Intaas haddii aynu kaga gudubno gabayada ku saabsan kufsiga ciidamada qalabka sida, oo aynu u sii gudubno kufsigii golaha sare, saraakiisha iyo wasiirrada waxay dadkii bilowgii idaacadda Kulmis dhegaystey maqleen Khaliif oo cod dhiigga dhaqaajiyey ku leh.

  • Ninkii xumaha diidaba hadday, digi ka yeerayso

  • Asagoon denbi lahayn haddii, layska dabanaayo

  • Oo dahabadiisii mid kale, daar u xiranaayo

Intaas iyo waxyaale kale oo badani waxay ku saabsan yihiin kufsiga guud ee golaha sare ee kacaanka, wasiirrada iyo saraakiisha sarsare, laakiin ma jiraan ereyo toos u taabanaya kufsiga madaxweynaha oo Khaliif laga reebay? Haa oo wuxuu yiri

  • Nin dumaashidiin ciilay oo, diiniyaa jira’e

  • Hindi gabadhii laga doonay baan, qaran ku daabnayne

  • Waxaan loogu soo daqaqamayn, waa damiirxumo’e

  • Haween aan dalaaqnayn haddana, duley cidla ah taagan

  • Oo aan duryaad kuu dhalayn, lana daryeelaynin

  • Oo aqalka darintii u tiil, lagu dabayleeyey

  • Allaaba waa dareen iyo in ay, dib uga yaabaane

  • Haddii loo damaaciyo sidaa, Maxamed daaskiisa

  • Dar ilaahay qoon kale waxaas, uma dulqaateene

Dulucda maqaalku waxay ahayd in aynu saxno ereyo aan run ahayn oo ka soo yeeray sarreeyeguud Maxamed Cali Samatar, oo ay BBC u kaashadeen dano xin iyo cuqdad ah. Wuxuu askerigaas kacaanka ahaa aad ugu dheeraaday dagaalkii 1977 qaybtiisa woqooyi, oo dhanka Jigjiga iyo Harar abbaaray. Labo jeer ayuu Maxamed Siyaad dhankaas gaarey, Maxamed Cali Samatarna dhawr goor ayuu halkaas tegey. Haddaba ciidankii dhanka koofureed oo ilaa Godey socday muxuu marna wasiirka gaashaandhigga sarreeyeguud Maxamed Cali Samatar u soo booqan waayey, wuxuuse Maxamed Siyaad u soo booqan waayey? Muxuuse hadda oo dhawr iyo labaatan sano laga joogo Cali Samatar ugu dheeraaday Jigjiga oo uu Godey uga leexleexday? Jawaabtu waa ay iska qayaxan tahay oo wuxuu Maxamed Siyaad cuqdad caloosha ugu hayey gashaanle sare Cabdullaahi Yuusuf!

BBC toorreydii lagu birayn lahaa ayada ayaa gacanteeda bidix ku wadata oo waxay waraysi ka qaadeen sarreeyeguuto Maxamed Nuur Galaal oo si cad u sheegay in uu Maxamed Siyaad cuqdad caloosha ugu hayey ciidankii uu hoggaaminayey Cabdullaahi Yuusuf.

Wuxuu madaxweynihii dalka Soomaaliya Galaal u sheegay in uu ka baqayey in uu ciidankaasi guul gaaro oo Cabdullaahi Yuusuf macag ku helo. Cuqdaddaas daciifnimada ahi waa sababta dalkeennii heerkaas gaarsiisey, waana cuqdad uu Maxamed Siyaad qabey baheenkii uu Soomaaliya miray, waana isla cuqdadda BBC sharafta ka qaadday. Wax guul ah ummadda soomaaliyeed gaari mayaan ilaa ay cuqaddaddaasi ka baxdo, waan ay adag tahay in ay ka baxdo, waayo waa cuqdad gaamurtey.

Ciidamada dhanka waqooyiga waxaa isu dabamarayey Maxamed Siyaad, Cali Samatar iyo Galaal oo kulligood isu calool fayoobaa, waxaana sarkaal sare oo dagaal ka ahaa Caarre. Haddaba wuxuu Cali Samatar aad ugu dheraaday in dhibaato daban laga mutay qabashadii magaalada Jigjiga, mana uu sheegin sarkaalkii qabtay, isla cuqaddii baynu dib ugu soo laabannay.

Cuqdaddu taariikh ma aha ee waa jirro, waana cudur ku dhaca dadka aan isku kalsoonayn. Jigjiga wuxuu dagaalku ka socdey muddada uu Samatar sheegay oo ahayd 14 maalmood. Waxaa lix maalmood ciidanka haystey Caarre, oo waxba ka tari waayey in uu Jigjiga qabto. Galaal ayaa ciidankii la wareegey oo lix maalmood oo kale uu dhidid iyo dhacaan kaga dhammaaday in ay Jigjiga ka baxdo gacanta Itoobiya. Dadkii uu madaxeynuhu aamminey 12 maalmood oo dagaal ah bay caqli iyo cilmi waxii ay hayeen isugu geeyeen qabashadii Jigjiga, waana laga quustay. Haddaba yaa ciidankii meeshaan ka dagaallamayey lagu wareejirey markii ay arrinta Jigjiga cuslaatay. Ma Gurigii Khadiijo ayaa Cabdiqaasim looga yeeray! Ma Samatar baa howshii dagaalka farihiisa la galay? Galaal iyo Caarre quus bay la caga jiideen, Cali Samatar iyo Siyaadna cuqdad bay meel la fadhiyaan!

Hadalka haddii la soo koobo waxaa in ciidanka lagu wareejiyo codsaday gaashaanledhexe Cukur Muuse Cali-Koor, oo ah ninka uu Cali Samatar afka kala meermeeray, laakiin aanan anigu xaasid ku ahayn. Cukur wuxuu ballanqaaday in uu labo maalmood kaga saarayo ciidamadii Mengisto haddii ciidanka loo dhiibo. Sidii uu Cukur ballanta ku qaaday bayna noqotay, oo waxaa la gaarey guusha uu Cali Samatar ku faanay, uuna ninkii soo hoyiyey qariyey.

Haddaba hadda xaggee buu jiraa gaashaanledhexe Cukur Muuse Cali? Maxayse BBC wax uga weydiin waayeen sidii lama filaanka ahayd oo uu Jigjiga u qabtay? Meesha uu Cukur jiro waxaa inooka warramaya Khaliif shiikh Maxamuud, ee Cukur Muuse ka dhex baar hadalka hoos ku qoran:

  • Xuseenow cadaabkii ma tage, caaqil baad tahaye

  • Cindigaad u roon tahay sidii, caano saafi ahe

  • Codka iyo afkaartaada waan, ka cokanaadaaye

  •  

  • Cimrigiisu raagyow libaax, coof leh baad tahaye

  • Cunto iyo waxsiin kuguma rabo, caaddilkay qaba’e

  • Sidaad cadowga uga aarsataan, kugu ciseeyaaye

  •  

  • Dumar ubadka caascaasa oo, ceebalaa jira’e

  • Cubtan hooyadaa baa ahayd, aan cayaar barane

  • Canbarkii adeerkay dhaloo, caan ah baa tahaye

  •  

  • Cabbanaanta kaa muuqatiyo, caajis la’idaada

  • Casar iyo dharaar dhiilladaad, la cartanlanaysid

  • Caaqibo ninkii lihiba wuu, ku cibro qaataaye

  •  

  • Waxay kugu canbaaraynayaan, waa ca’ aan jirine

  • Adigoo custiin iyo gargaar, ugu ciraabaaya

  • Citiqaadka xumi waa waxay, kugu colaadsheene

  •  

  • Hayeeshee cibaarada adduun, haw ciyoon dudine

  • Rasuulkiiba qaar caasiyoo, caaradaa jiraye

  • Walaalow kelyaha ciirso waa, caynkii oo kale’e

  •  

  • Cudud kula dhaqaaqdiyo Allaa, ciidan kuu fidinine

  • Anna caafimaad talo qabtaan, ku callimayaaye

  • Culuumtayda maqal waa mid aad, ka cabbi doontaaye

  •  

  • Walaalow carriga baaba’iyo, cawska gubanaaya

  • Carruuraha barooranahayoo, adiga kuu ciiqle

  • Jeer cirirku naafaha beddelo, caato haw noqone

  •  

  • Ragga lagu camiiqtoobey baa, kuu cashiira ahe

  • Qabuuraha cusayb ahi waa, curaddadeenniiye

  • Waalaalow waxay ciirsadaan, cuurka aan nahaye

  •  

  • Walaalow inaan caawinnaan, kaa codsanayaaye

  • Waalaalow sabcaallo cusub baan, ku cirfin doonnaaye

  • Walaalow tub ciirsila’ ah oo, caaddan baad mariye

  •  

  • Walaalow cirbaha kabaha karo, calafi waa liide

  • Walaalow cagaag baa jiree, suumanka u ceeji

  • Walaalow curuuqdiyo lafaha, caabbi waa socode

  •  

  • Walaalow ciddii aakhiraa, kuu calaacaline

  • Cukur qayladiisaa dhegaha, laga cufaystaaye

  • Cali Shira-Farey baa godkii, ciidamow ka lehe

  •  

  • Cabdullaahi Shiikh baa qabriga, nooga soo cabane

  • Elji ciririqdiisaan nafluhu, ka carwasaadayne

  • Cabdulqaaddir cirid meel ah bay, cagaf ku aaseene

  •  

  • Walaalow cirradii Baajacoor, ceeskii laga qaadye

  • Hadday jeer cimaamad u lahayd, Celi ka tuuryeeye

  • Gablan buu wuxuu la cuskugaa, cimilkii Gaafow’e

  •  

  • Afartii timaha cawlanayd, caawa waa labo’e

  • Caalwaaga haystuu faraha, ku ciddijiidaaye

  • Walaalow cidluu yuururaa, camal daraaddiise

  •  

  • Curdankii Surweelle u kacay, kala ciniineene

  • Nimankuu rag kaga caalladnaa, way carbariyeene

  • Walaalow caq baa laysay iyo, caaraddhuub Seda’e

  •  

  • Abbow Cali-Qod bay ku caddileen, caraqii Doolloode

  • Cirifyada Wardheer bay ilmadu, camanka qoysaaye

  • Waakaa sidii cawl la ganay, caalyo geyla lehe

  •  

  • Asagoo cimri ah buu baroor, la cifanayaaye

  • Cusri bayna haystee sidaas, kuma canaadneene

  • Innagaa cawaan ahe hohey! codasho noo keenye

  •  

  • Camalkulule wiilkii caddaa, Caanonuug dhimaye

  • Cabdi Jaamac bay kula hareen, ceeri bana weyne

  • Carowgii la dhigay Jaamac-Nayl, carunkii baa yaale

  •  

  • Cawil jeenyihiisii ninkii, caarifaa garanane

  • Cooddida jirkiisii lahaa, caalle loo legedye

  • Kubab ceenadlow iilkii buu, ikana caayaaye

  •  

  • Hurrow ina Cabbaas bay wadnaha, kaga cidaadeene

  • Carriskuu ku go’ay buu tukuhu, weli ka cayshaaye

  • Geesigii caadaawuhu necbaa, Daahir-Low cuna’e

  •  

  • Cismaan Cabdi Cismaan iyo walaal, Caabbi baan tebaye

  • Canbaluug la moodyow Sujuu, waa cadkay maqane

  • Walaalow Curtii Cali-Yarey, kaga cuq siiyeen

  •  

  • Cali Baaryareen jiifiyeen, Cagi raqdiisiiye

  • Xassankii cabbaaryaha lahaa, cidi ma raacdayne

  • Dhamuukey ku ciirsheen rasaas, dheeh casuura lehe

  • Casow Maxamedow ina Saciid, mililki ceegaagye

  • Caqli suubbanow Muuse wow, camal guhaadoone

  • Cimil Cali siday ula hareen, ciide reer Dalale

  •  

  • Curguggii Goldogob baa’ba’aan, kuu caddadayee

  • Cosob bay ahaayeen dhammaan, keenay caarado’e

  • Cishiriin jir buu wada ahaa, ciidankii go’aye

  •  

  • Cardintii horeetey iskuul, ku cilmi qaateene

  • Casharkay bareen waalidkood, ma calfan qoonkaase

  • Sidii caw la jaray oo kalaa, loo callaal waraye

  •  

  • Saddexda iyo tobankii cirjiir, lagu cardaaduuqye

  • Dawacooyin cuucliyo dugaag, lagu cashaysiiye

  • Car yaw dhiidhiyaa laga lahaa, ciribtirkoodiiye

  •  

  • Magac kuma caddayn karo raggii, ciidda hoosgalaye

  • Cuntubyaa ku lumay goobihii, Yeed ku caanbaxaye

  • Galowguba cabaad geeridii, Goroyo-Cawleede

  •  

  • Walaalow cibaarada dhacdoo, layna ku cadaadshey

  • Calaan iyo nin liitey la tahay, inaan la coodayne

  • Mar uun buu ilaah noo cawilin, culuq ka doorreene

  •  

  • Inkastoon ciriir weyn qabnoo, layna ku caweertay

  • Cirshigaa waxaynoogu qoran, guul calaamadane

  • Casiis bayna kaalmaynayee, haw cabiidsamine

Tixdu aad bay u sii burqanaysaa, waxaana lagu mala’awaalaa in ay tahay maansadii ugu danbaysey oo Khaliif laga maqlay, hase yeesho ee waxaa inoo caddaatay in uu Cukur Muuse Cali meel “aakhiro” la yiraahdo jiro. Woqooyiga Soomaaliya ayaa asaga iyo marxuumiinta uu Khaliif taxay qaarkooda iyo rag kale lagu laayey, mana uu sheegi karo Cali Samatar wax ay galabsadeen, waabase haddii aan weydiiyo!

Dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuu joogsadey 1978, wuxuuse Cali Samatar sheegay in dagaalladii markaas ka gadaal dhacay ay dhexmareen soomaali iyo Itoobiyaan, oo ay dadkii kacaanka ka dhintay soomaali ahaayeen, halka ay kuwii dhanka kale ka geeriyoodey Itoobiyaan ahaayeen.

Haddaba waxaa yaab leh in aanu 1979 idaacaddii kacaanka ka dhegaysanney khudbo uu jeediyey Maxamed Siyaad oo uu nuxurkeedu ahaa isla hadalka uu hadda Cali ku hadlay. Waxaa intii uu Cali Samatar sheegay weheliyey in ay jiraan dad gaaloobey oo magaalada Havanna, Itoobiya iyo Ruushka laga soo dirsado.

Markii aannu khudbadii dhegaysanney ayaannu cabbaar ka dib waxaannu daarnay idaacad lagaga soo horjeedey kacaanka waxaana ka soo burqaday gabay lagaga jawaabey khudbadii. Waxaannu u qaadan weyney in uu qof aadami ahi gabay sidaas u sugan tiriyey, oo duubay saacaddii ka danbaysey khudbadii madaxweynaha. Weli dadkayaga gabya wuxuu shaki weyni nagaga jiraa in uu Khaliif shiikh Maxamuud jinni ahaa iyo uu insi ahaa. Kolleyse gabaygu wuxuu lid ku yahay aragtida ah uu Khaliif amxaar ahaa ama Kubba iyo Ruush u shaqaynayey, waana garnaqsi buuxa. Sidii khudbada xanaaaq uga muuqdey ayaa gabaygana caro uga muuqataa, wuxuuna yiri:

  • Afweynow dubbaa kaaga dhacay, duudka araxdaahe

  • Afartaada dacal ciidamaa, kaaga soo degaye

  • Digo gubatey baad noqotay iyo, duur hulaaq galaye

  •  

  • Danbaaburada qiiqiyo madfaca, dininiglaynaaya

  • Dogob iyo dohdii Beyra iyo Mudug degaankiisa

  • Waxa kugu dulheebayaa, waa diyaarado’e

  •  

  • Efenteriga dalandoolayoo, kugu dabraynaaya

  • Digta sumuca aakaha Siyaad, lagu durduursiiyey

  • Kaaraha ku dawdabahayiyo, suuga dananaaya

  •  

  • Agagaarka Doolow haddii, lagugu daaduunshey

  • Oo Yeed dorraad lagugu helay, duubkii kaa furanye

  • Deex iyo bad waxa kaaga iman, duul mariino ahe

  •  

  • Waxa miig degmada Caabudwaaq, kugu duqaynaaya

  • Dubaabaadka Havanna iyo, Ruush ma soo dirine

  • Waxa kaa dareerinahayaa, duufka waannaga’e

  •  

  • Dibirtiyo sinsaarooyinkuu, suxulku kuu diirmay

  • Axadyohow dufaynani ajnabi, hawgu dawgeline

  • Dafirka iska daa waxaannu nahay, qoon dalkooda lehe

  •  

  • Dabcigaaga waa lagu yaqaan, beyn dakhawlan ahe

  • Huwan kuguma soo duulin iyo, dalal shisheeyaade

  • Derisyada ha ceebaysan waa, dururuqdaadiiye

  •  

  • Dooddaada redyowga wow, dhego daloolaaye

  • Dacaayadaha Waaberi haddaad, debbedda gaarsiisid

  • Kulmis ma adigaa damin run baan, diirka ka caddayne

  •  

  • Dacwaddaada way wada maqleen, dawladuhu debiye

  • Dabaxiir inaad tahay Galbeed, wuu daliishadaye

  • Dekaddii Berbera Rolan Reeg, degi awood waaye

  •  

  • Dunidoo dhan baa kuu taqaan, diib cadaawe ahe

  • Dugaaggii ku boobaaya waa, lala dagaalaaye

  • Waxba ha isu dedin uumiyuhu, kaa digniin helane

  •  

  • Dabaqaad koraysaa dhaqsuu, kuula dumayaaye

  • Nin dadkiisa cuna ciiddu way, labodidlaysaaye

  • Dugsiwaaga waxa kuugu wacan, daallin baad tahaye

  •  

  • Dulmilowga hadalkiisu ways, dabamaryeeyaaye

  • Waxaad noogu soo labadublayn, waannu daw garane

  • Dacarta isku celi Eebbeheen, waysku keen diraye

  •  

  • Ku dareenyey aadnigu inaad, tahay dullaalaye

  • Denbiga aannu kuu haysanniyo, qaranka aad duugtey

  • Dufantirasho yaa kaaga harin, deyn qabaad tahaye

  •  

  • Ragga daamanharaglow ilmada, dibiq leh kaa keenay

  • Dabool niman la saariyo ka weyn, daas qabiilo ahi

  • Ka difaactan soomaaliyoo, duuban baan nahaye

  •  

  • Diyadoodii niman kaa raboo, doonayaan nahaye

  • Kuwaad danabyadoodii dharaar, duudsidaan nahaye

  • Rabbi baa na daalacan inaan, daacaddii nahaye

  •  

  • Dabodhilif inaan ahay haddaad, duni ku haasaawin

  • Labadeena dacal ways naqiin, durey abiidkeene

  • Dad ma caayi karo oday hadduu, doobileef yahaye

  •  

  • Ma duqowdo taariikhdu oo, waa diwaan qorane

  • Xorriyo u dadaalkii ninkii, daadufshaad tahaye

  • Diricyadii es way el ninkii, dooxay baad tahaye

  •  

  • Gobannimada Maandeeq ninkii, daayacaad tahaye

  • Faranjiga dirayska leh ninkii, daa’intaad tahaye

  • Ninkii Gaalka dooradu ku taal, doortay baad tahaye

  •  

  • Ma dacaaman weligaa xalaal, duubi kay tahaye

  • Dafow baad ku noolayd tan iyo, dahashadaadiiye

  • Tuug dumarka xada ooy nacladi, daakhisaad tahaye

  •  

  • Debnahaaga xaaraanta waad, ugu dadaashaaye

  • Xoolaha dad weynaha haddaad, maymo mara eegtid

  • Dumad doolli aragtaad sideed, ugula duushaaye

  •  

  • Intaasoo dunuubaad gashoon, lagugu daynayne

  • Arrintaa daraaddeed annaga, kuula dirirayna

  • Iyo adiga keennii gardaran, daayinkaa gara’e

  •  

  • Kufri inaan u meeldayo ilaah, iigaa deeq badane

  • Digriga iyo aadaanka iyo, darab salaadeedka

  • Adi uun baa darooryaye islaam, daakiraan ahaye

  •  

  • Adiguba damiinyohow haddaad, daawan bedenkaaga

  • Diintiyo Qur’aankkii ninkii, diidey baad tahaye

  • Dastuurkii shareecada ninkii, dooriyaad tahaye

  •  

  • Shaydaan nin uu daadahshoo, duufsadaad tahaye

  • Nebigii la daahiray nin uu, dayriyaad tahaye

  • Durdurrada cadaabeed nin loo, dawliyaad tahaye

  •  

  • Rasuulkii dariiq buu na yiri, ”duul allow mara’e”

  • Haddaad adigu daasado cabtoo, dawgii ka habawday

  • Damiirkaaga haaraan jahaad, kaagu noo dagaye

  •  

  • Rag isdiley dabaadiga qolaa, lagu dagaajaaye

  • Dalanbaabigaagaan ka garan, inaadan doogayne

  • Naga soo deg duumaad ahayd, daawo loo helaye

  •  

  • Abwaan laga dalqaminaayo waa, laga dabqaataaye

  • Rabbi waxaan ka doonaa waqay, igama daahaane

  • Dakhal fooraraad noqotay iyo, doonni caaridaye

  •  

  • Ninkii talada laga duugayaan, daaqo loo heline

  • Waxaan kugu durraamanahayaa, waa danta dhab ahe

  • Iska dulugso imaankii baa, kaa dabayshadaye

Waxaa la moodaa in uu gabaygu ku dhammaaday saddex mir oo u eg in hadda loo tiriyey laanta afka soomaaliga ee BBC. Waxaa intaas weheliya roon tahay in aan taariikhda lagu soo koobin Cali Samatar, Cadqaasim, Idaajaa iyo hooyadood Khadiijo, ee bal dad dhaamaa la raadiyo.

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2003

Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Dayaxgacmeedkan oo ay Yurub hawada u direen... Guji

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]