Sudan: al-Turabi oo xabsiga laga
soo daayey
Hogaamiyaha
Islaamiga ee Sudan, Hassan al-Turabi oo mar ay siyaasadda saaxiibo ku ahaan
jireen Madaxweyne al-Bashir ayaa xabsiga laga soo daayey.
Soo deynta ay dowladda Sudan haatan ay soo deysey siyaasiga weyn Hassan al-Turabi
waa tallabo muhiim ah oo dowladda Sudan ay qaadey.
Soo deynta al-Turabi waxa ay u muuqataa iney tahay gilgilaad ku timid dowlad
looga bartey kali talisnimo oo caddadis weyn uu ku saaran yahay iney isbedello
ay sameyso.
al-Turaabe oo tabanaan sano laf-dhabar u ahaa siyaasadda Sudan, markii la soo
daayey waxa Khartum ku soo dhaweeyey dad aad ugu reyaaqsan soo deyntiisa oo u
sacab tumayey.
Hassan Al-Turabi oo leh idiyaloojiya Islaami oo xag-jira,
laba sanadood ayuu xabsiga ku soo qaatey, ka dib markii uu lunshey awoodiisi
siyaasadeed oo al -Bashir uu ka gacan sareeyey.
Haatan dowladda Sudan ee al-Bashir ayaa cafisey Hassan al-Turabi, xisbigiisa
Popular Congress Party-na xayiraaddii ayaa laga qaadey.
Tallaabadani sida iska cad waxa loogu talagaley in adduunka lagu maqashiiyo in
Sudan ay isbadeshey. Sudan waxa cadaadis weyn oo lagagag dalbanayo iney joojiso
xarigyada Siyaasadeed kaga imaanayaa Mareykanka iyo dowlado kale.
Wakhtiga lala beegsadey siidaynta al-Turaabi waa mid muhimad gaar ah leh,
haatan waxa ay dowladda Sudan aya iskudiyaarineysaa iney saxiixdo heshiis guud
oo ay la galeyso mucaaradka koonfurta Sudan oo la doonayo in lagu soo af-jaro
dagaalka sokeeyey ee Sudan ee socdey labaatanka sano.
Waxana jira walaac ay dowladda Khartum ka qabto iney taageero caalamiya ka heli
weyso miiska wadaxaajoodka.
Waxana muuqata ineysan aad u kala caddeyn doorka ay siyaasadda maxaliga ka
cayaarayaan arimahaas oo dhan.
Turabi, waa shakhsi weli cabsi galin kara oo khoof ku haya dowladda Islaamiga
ee al-Bashir, soo deyntiisuna waa tallaabo khatarteeda leh.
Laakin dowlada Sudan waxa ay qaadey tallaabooyin ay ku hormarineyso wax ka
qabadka geeddi socodka nabdda Sudan, iyadoo mucaaradiinta muxaafidka ah ee sida
al-Turabi oo kalena aad mooddo in gees lagu riixey, calala aqal wakhtiga haatan
la joogo.
turaabi aya mar ahaa ninka isleh awooda ugusaraysa
sudan,lakiin markii danbe wuxuu xidhidh lasamaystay hogaamiyaha mucaradka ah ee
spla john garang,ardayda iyo dadka taageersan sh/xasan al-turaabi ayaa aad
ubooqday halka uudegnyahay turaabi
diryaariye:c/risaaq adan dalamr
dalmar203@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2003
Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Dayaxgacmeedkan oo ay Yurub hawada u direen...
Guji
..
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|