SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY

 GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/031/03 London, 15/10/2003

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

 

Ujeedo:- Joojinta dagaalada ka soo cusboonaaday

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu cambaareynayaa dhamaan dagaalada ka soconaya magaalooyinka "Ceelbuur", iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Bay magaalada "Beydhaba".

Waxaa isa soo taraya xadgudubyada loo geysanayo heshiisyada la gaaro, sida heshiiskii ay dhawaan gaareen dhinacyadii ku dagaalamayay ku dhawaad sanadka gudaha iyo agagaarka magaalada Beydhabo, sidoo kale waxaa iyana ah wax laga xumaado dagaalada ka soo cusboonaaday dagmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed ugu baaqayaa dhamaan waxgaradka deegaanadaas inay gacan ka geystaan joojinta colaadaha, iyadoo sida uu waayuhu na barayo dagaaladaasi wax u dhimayaan geedi u socodka loogu jiro nabadda.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna

Wakiilka Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

xildhiban@hotmail.com

<><><>

DAGAALKII CEELBUUR

Oct 14, 2003

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud,waxay sheegayaan inuu sii laba lexaadsadey dagallkii udhaxeeyay labo beelood oo wada dega magaaladaas,iyadoo lagu soo waramayo in dagaalkaasi uu gaystay khsaaro mood iyo noolba,wararkii udambeeyay oo aanu ka helno halkaas waxay sheegayaan in ugu yaraan 4 ruux ku dhinteen tiro gaaraysa 7qofna ku dhaawacmeen isla markaana ay isgaarsiintu ka go,day gabi ahaanba magaalada dagaalkaas awaadiis.


Mar aanu kula xiriirnay khadka fuunyiha tuulooyinka u dhaw magaaladaasi waxay noo xaqiijiyeen in beel ka mid ah kuwii ku dagaalamayay laga saaray magaalada oo hadda gacanta ugu jirto beeshii kale.iyadoo aysku urusanayaa meelaan sidaas uga fogayn magaalada beeshii dib ugurashada samaysay lagana cabsi qabo in dagaal rogal celina ah ay soo qaadaan.


waxgarad ,culumaaudiin iyo aqoon yahano udhashay labada beelood ayaa isku taxalijinaya sidii loo soo afjari lahaa dagaalkaan macno la,aanta ah ee soo noqnoqanaya.iyadoo kol hore heshiis lagu gaaray magaalada muqdisho ayna waxba kasoo naasacadaan kadib markii laga baaqsaday in gogosha ladhigo degaankii laysku haystay murankuna ka taagnaa.



Cabdi Xasaan Cali
abdi172@hotmail.com
Somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 15, 2003

Dayaxgacmeed Cusub oo Loo Diray Hawada
Dayaxgacmeedkan oo ay Yurub hawada u direen... Guji

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD