SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY
HALMAAM

Gabaygan waxa tiriyey CabdilCasiis Ibraahin (Garaad-maal), waxanu jawaab u yahay gabaygii Maxamed Xirsi Guuleed ee Layga sugi maayo. Wuxu yidhi:

  • 1. Hindistaye hadaan maxamadaw hadalyar kuusheego
  • 2. Hotmaaylada warkaad galisay iyo hadal wanaagaaga
  • 3. Amba waan ka helay maxamadow haabki maansadaŽe
  • 4. Hayeeshee midh aan hiifaybaan ku hor dhigaayaaye
  • 5. Hogaankeeda qabo oo abwaan hoosta ka xarriiqo
  • 6.
  • 7. Hanfad lama amaanee murtida hibo laguu siiye
  • 8. Hadh ka roorr ilaah kaama dhigin fule hannaankiiye
  • 9. Hidde waad u leedahay dagaal goobta lays helo e
  • 10. Habrashada dadkii lagu yiqiin hayb lamaad galine
  • 11. Ninse habari keentaba marbuu eray ka hoosaaye
  • 12. Hilinkale ayaa uu bixiyo meel hawaawiya e
  • 13. Hadaanse hagar laŽaan kuugu taxo hadallo taariikhle
  • 14. Habsamaw rasuulkii markay aafo halakaysay
  • 15. Hooygii ilaah laga diriyo Xaramka heelkiisa
  • 16. Markii uu hijrada uugu baxay hayjaddiyo oonka
  • 17. Meel ay hurgumo tallo iyo cuduro haaraaman
  • 18. Markii uu hayaankii ku tagay hurimadii Daaba
  • 19. Hujuunkii kadhacay ceelka Badar hiirta lagu reebay
  • 20. Abu jahal halkii lagu diliyo hanadadiisii badh
  • 21. Uxudii qilaaf lagu huq yidhi cadawgu heesaayay
  • 22. Xamse eebadii lala helaan wali higoodaaye
  • 23. Adna waad halmaamtaye adeer hoos u dhugo baydka
  • 24.
  • 25. Hirdamadan dhacaayee wakhtiga uunka halakeeyay
  • 26. Baaruud hulcaysiyo rasaas haqab laŽaan buuxda
  • 27. Madfac hawyidhaahdiyo jantiyo hoobiyiyo suuga
  • 28. Kuwan samada haadiyo gantaal laga ho rgaynaayo
  • 29. Kuwa badaha huursane Kuruus halisa soo tuura
  • 30. Hootiyo gamuun laba afliyo waran haliilaaya
  • 31. Inta weerar laynagu hayee huluc i waysaaqay
  • 32. Inta habar gabawdiyo la dilay hooyo iyo aabo
  • 33. Jeeroo nafloo huro inay tani hagaagayso
  • 34. Oo hadhac qabaw lagu gamŽoo samo lahayruufo
  • 35. Hami gaabka mooyee ninragi haabka muu galine
  • 36. Adna waad halmaamtaye adeer hoos u dhugo baydka
  • 37.
  • 38. Haddaad hibatay goor ay askari taabka kugu haysay
  • 39. Hanjabaad ku gaadhiyo jabkii idin hareereeyey
  • 40. Imikaba hogaan buu sitaa hororki shaydaane
  • 41. Hataq iyo god uu kugu riduu hooska qodayaaye
  • 42. Hufaneey caqiidada inuu heerabuu rabiye
  • 43. Huubiyo qadhaadhbuu la yahay haadka toosaniye
  • 44. Adiguna hurdaad damacsantiyo hooy Cadiir badane
  • 45. Hamigiinu wuu kala durkoo laba hir weeyaane
  • 46. Had maad gacanta hoogaa misood hoos u soo noqotay?
  • 47. Hadmaad tidhi inaan heero cadaw layga helimaayo ?
  • 48. Hadmaad tidhi hagaag muu ahayn weerarkaan hidiyey?
  • 49. Habar habar markay joogsatiyo hababka deegaanka
  • 50. Ama hala la qaadiyo anaa maali jiray heego
  • 51. Amba kuma hamoodeen inaan heegankeed gala e
  • 52. Hayee shee halkaad gaysay buu hadalku joogaa e
  • 53. Ha habaabin weedhaha, ilaah hadimo kaa dhawrye

    I  I  D  H  E  H

    KAAH
    GUJI HALKAN.......

     GABAYGAN KALA XIRIIR: abdibashir@hotmail.com

1. 08/10/03

2. garaad-maal

3. Hargaysa soomaaliya

 

Afeef: Fikradda qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 22, 2003  
 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]