SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Dowrka Saxaafada iyo Dumarka Soomaalida
Waxaa isku soo duwday;| Ikram Cali Kaar | ikraam@journalist.com
 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......


Mahad Alle ayey u sugnaatay, Rasuulkeenii Muxamed,nabad galyo iyo naxariis korkiisa ahaatee, afartii Khulaafu’ Raashidiintii iyo intii raacdee xaqa ku rumeysay Illaahey raali ha ahaadee. Intaa dabadeed, waxaan shaki ku jirin in warfaafintu aheyd aalad siyaallo kala duwan loo adeegsaday tan iyo dagaaladii koowaad iyo labaad ee adduunyada soomaray. Taasoo si weyn gacan uga gaysatay baratankii awoodihii waaweeynaa ee waqtiyadaasi jiray ee loolanku ka dhaxeeyey. Sidoo kale waxaanu ogsoonahay in hormarka maanta ka jira dunida ay qeyb libaax ku leedahay saxaafada oo marxalado kala duwan soomartay, sida aqrin, dhagaysi iyo daawashaba.


Maxamed Xassan oo ku magac dheer Diradhaba oo jooga dalka Pakistaan ayaa ka dhawaajiyey su’aal mudneyd in goor hore la is weydiiyo, taasoo ah sababta keentay in haweenkii soomaaliyeed aaney si fiican uga dhex muuqan warfaafintii dalka.

Maxamed markii uu ka dhawaajiyey su’aashaas waxaan is iri tallow wiilku ma uurkaaga ayuu ogaa waxa ku jira?. Inkastoo aan aniga ahay suxufiyad soo caan baxday wixii ka danbeeyey dagaaladii sokeeye ee dalka hadana intii aqoonteey ah waxaan ka hadli karaa oo keliya waqtigan xaadirka ah iyo sida ay tahay aragtideyda ku wajagan kaalinta gabdha soomaaliyeed ee ay kaga jiraan saxaafadda. Sidaas daraadeed ayaan ugu dhiiranaan karrin inaan ka hadlo wax aanan goob joog u aheyn, ama anaan laheyn aqoonteeda taasoo haddii aan isku dayo ay wax u dhimeyso meheradeyda weriyenimo.

Balse waxaan filayaa in gabadhihii ugu cad cadaa warfaafintii dalka kuwoodii soo maray Raadiyo Muqdisho iyo Hargeysaba wixii ka nool ay arrintaasi wax ka oran karaan ama xitaa laf ahaanteeda laga weydiin karro ma’uulintii wasaarada warfaafinta ee iyagu shaqo ku lahaa.


Hadaba si aan jawaabta mowduucan muhiimadda leh si waadix ah ugu gaarno waa inaan dib u yara jalleecnaa guud ahaan taariikhdii saxaafadda Soomaaliyeed oo aan raad raac ku sameeyey si loo helo ugu yaraan waxa la oran karro wey is horteegeen kaalintii gabdhaha soomaaliyeed ee ku wajahan saxaafada. Warfaafinadii ka jiray dalka iyo qaabka dumarka soomaaliyeed uga muuqdeen waxey ayaaheen kuwo kooban oo aan dhaafin dalka gudihiisa taasina ay sababta ugu weyn ee jirtay aheyd dalka oo ahaa sabool iyo aqoonta dad oo ahayd mid aad u xaddidan, inkastoo laga soo billaabo xilligii xorriyaddii illaa iyo 1969-kii, ay jireen in kabadan 80 warside oo ahaa saxaafadda xorta ah kuna salaysnaa afkaartii axsaabtii waqtigaas jirtay kuwaasoo iyagana 99% salka ku hayey qabaa’lada kala duwanaa ee Soomaalida, meesha kaliya oo la oran karay waxaa ku midaysnaa saxaafadda Soomaalida waxay ahayd labadii Raadiye ee dlka ka jiray xilligaas ee Radio Muqdishu iyo kii Hargaysa, oo dadka ku maaweelin jiray sugaanno kala duwan iyo warar kooban oo loo tarjumi jiraya afafk Carabiga, Ingriiska, Talyaaniga, Sawaaxiliga, sidoo kale lahjadda Raxanwaynta ayaa iyduna ku kororsanayd Idaacadda Muqdishu.
Nasiib darro saxaafaddaas xilligii ka hooreeyay kacaanka iska daa inay keento horumar saxaafadeed e waxay wax wayn u dhintay danihii guud ee qarankii Soomaalida oo markaas ahaa curdan u baahan in la kobciyo, taas ayaa qasab ka dhigtay in markii uu kacaankii 1969-kii awoodda qabsaday uu albaabada u laabay dhammaan saxaafaddii gaarka loo lahaa.

Haddaba aqristow dumarka Soomaaliyeed waxay marka hore dhibka wayn ee saxafiyiinta hastay la qaybsadeen raggii saxafiyiinta ahaa, iyadoo ay intaas u dheereyd ayaa haddana meesha ka marnayn dhaqanka Soomaalida oo ku salaysan dhaqanka Islaamka ah oo aan ogolaanayn in qof haween ah ay ka dhex dhawaaqdo raga dhexdiisa, waxaana xusid mudan aabbe gabadhiisa saxafaadda u hamuun qabtay ku yiri ”Suxufi ha noqon aabbo, waayo suxufi iyo fannaan waa dammeer iyo labadiisa dhagood!”

Hadaba marka laga soo tago labadaas caqabadood haddana xilligii Kacaankii waxaa xusid mudan inay jirtay kulliyad Saxaafadeed oo ka tirsanayd Jaamacddii ummadda, taasoo soo saari jirtay kaadiriin u bisil saxaafadda haba xaddidnaato aqoontooda iyo awoodoodubee, taas ayaa keentay in xilligaas la arko dumar fara ku tiris ah oo aan horay u jirin oo ka garab shaqaynaya raggii saxaafadda gacanta ku hayay, waxayna dumarku si wayn uga dhex muuqdeen Raadiyo Muqdishu, Wargayskii Dalka, iyo xitaa Telefishankii waddanka, iyagoo qaybta ugu wayn ee ay hayeen ahayd Tebinta oo aan oran karo waa qaybta ugu dambeysa ee saxaafadda uguna muhiimsan marka laga reebo diyaarinta, tifatirka,soo saarista iyo xitaa farsamada, hasa yeeshee kama aysan marnayn dhinac-yada kale ee aan soo xusay.

Maxamed oo tusaale u soo qaatay gabadha la yiraahdo Christian Amambour oo u shaqaysa CNN, kuna tilmaamay inay tahay saxafiyad loo caalwaayay, ayaan xusuusin lahaa inay gabadhaasi haysato wax kasta oo u fududayn kara inay qabato shaqadaas, mana aha keligeen gabdhaha hadda saxaafadda ku cad cad ee waxaa jira kumanaan gabdhood oo haya shaqada ay hayso mid la mid ah ama ka sii xoog wayn, meeshaas ayaan ka ogaan karnaa halka ay sartu ka quruntay oo ah in haddii waddankaagu leeyahay awood maaddi ah islamarkaana ay saxaafaddiisu xor tahay ay saxafiyiintaaduna noqonayaan kuwo mar walba dhagaha iyo indhaha loo taago, hana ka reebin in luqadduna door wayn ku leedahay shaqada saxaafadda, dadkeennuna waxay ku hadlaan hal luqad oo ay ka siman yihiin oo ah Soomaali, isha keliya ee ay dhagta u dhigaanna waa meesha ay ka maqli karaan luqaddooda ku kooban in aan ka badnayn 10 Milyan oo Soomaali ah.
Waxaa haddaba xusid mudan markii ay dagaaladu ka dhaceen waddanka oo ay xukuumaddii kacaanku meesha ka baxday waxaa soo baxay in ka badan 150 jaraa,id, 10 Idaacadood iyo laba TV,oo intuba u adeegaya mabaa’d kala duwan oo salka ku haya qabyaalad waxayna noqdeen sida (hooyadii uu inankeedu ku dhashay hadal la’aanta oo muddo markii ay Alla bari u sameeyneysay si uu u hadlo, ugu dambeyntii ku hadlay wax aan dhaguhu aqbali Karin).
Isku soo wada duub dumarka Soomaaliyeed oo aan hubo inay dowr wayn ka ciyaari karaan saxaafadda, waxa ay sugayaan marka la helo waddan iyo saxaafad xor ah, dhibaatadaas oo aysan dumarka gooni u ahayn laakiin ragguba ay la qabaan, maalintaas ayaa la ogaan doonaa wax qabadka saxafiyiinta soomaaliyeed gaar ahaan gabdhaha aan anigu kamid ahay.

Waxaa isku soo duwday;
Ikram Cali Kaar
ikraam@journalist.com

 QORAALADII HORE EE IKRAAM

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»  DUMARKA SOMALIDA IYO DOORKA SAXAAFADDA [Diridhaba]

Faafin: SomaliTalk Oct 24, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]