SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN

FAALLO: DUMARKA SOOMALIDA IYO DOORKA SAXAAFADDA EE MAANTA  


Waxaa soo tabinaya: MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Laga soo bilaabo markii mustacmaradahii xukumaayey dhulka Soomalidu degto ay siiyeen xorriyadooda, waxaa saxaafadda Afka Soomaliga ku hadasha taariikhdeeda lagu tiriya inay ka bilaabantay qarnigii ina dhaafay ee 21-aad, waxaa idaacadda laanta afka Soomaliga ee B.B.C-da la aas-aasay sannadkii 1957-kii, waxaana lagu tiriya inay idaacadaas afka soomaliga ku hadasha ee B.B.C-du noqotay isha keliya ee laga dhegaysto wararkii ugu horeeyey ee lagu baahiyo luuqadda Afka Soomaliga, waxaa xusuus mudan in luuqadda Soomaliga oo aan lahayn qoraal u dejisan ay dhibaato ku noqotay weriyayaashii ugu horeeyey ee ka hadla idaacadda Laanta Afka Soomaliga ee B.B.C-da sidii ay u baahinlahaayen wararka,

taasi waxay ku keliftay in ay iyaga oo idaacadda warka ka akhrinaya ay si toos ah u turjumaan luuqadda ingiriisiga, taasi waxay sii socotay ilaa 1970, naadkii markaasi oo dawladdii militery-ga ahayd ee Soomaliya ka tallinaysay ku guulaysatay inay uruuriso aqoonyahanada dalka laguna guulaystay! in la dejiyo qoraal ama xarfo isku dhaffan oo ay luuqadda Afka Soomaligu leedahay, hadaba dulucda qoraalkaygani wuxuu diiradda la beegsan doona sidee saxaafadda Soomalida oo maanta 46 jirsatay ay dumarka Soomaliyeed uga dhex muuqdaan, laga soo bilaabo akhristow qarnigii ina dhaafay ilaa hadda oo aynu dul cararayno qarnigan ay reer galbeedku ugu yeedhen "Milleniumka" waxaa Dumarka Soomaliyeed ee ka dhex muuqda masraxa saxaafadda Soomalida lagu tiriya mid aad u yar, marka lala barbar dhigo xagga ragga, ama aan idhaahde mujtamacyada kale ee dunida,


Ikraam Cali kaar
Suxufiyad Soomaliyeed Kuna Sugan waddanka Sweden.

markaad dhinac ka eegto idaacadaha waaweyn ee tebiya wararka dunida waxaa markiiba dhegahaaga ku soo dhacaaya ama indhahaagu arkayaan dumar si aad ah loo carbiyey oo wararka kala gedisan tabinaaya, tusaale markaynu usoo qaadano Idaacadda B.B.C-da, Qaybteeda la iska arko ee dunida u waranta waxaa lagu qiyaasay dumarka u shaqeeya inay tiro ahaan ka badanyahiin ragga ka shaqeeya idaacadaasi, sannadkii 1998-kii ayaa haweenay uga  soo warami jirtay idaacadda maraykanka ah ee CNN ee xarunteedu tahay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, waxay ku guulaysatay weriyaha ugu wanaagsan ee qarnigii ina dhaafay waa Christian Amanpour, Christian waxay ahayd haweenayda keliya ee reer galbeed ah ee si toos ah uga soo warami jirtay dagaaladii ka socday waddankii Bosnia, intaanay ciidamada maraykanku halkaasi soo gelin, markaynu usoo degno mujtacama Soomalida arrinku sidaasi maaha, Idaacad aan caalami ahayn oo Soomalidu leedahay waxaa ugu horaysay idaacadda Radio Hargeisa, oo la bilaabay 1946-kii, hadda haddii aad booqato idaacadda Radio Hargeisa


Aamina Muuse Weheliye Weriyaha Idaacadda laanta afka Soomaliga oo ay ku xayndaaban yahiin Weriyayaal
badan oo ah ragga Idaacadda ka tirsan.

waxaad arkaysa dumar faro ku tiris ah oo werlaliyayaasha idaacadda dul fadhiya, markaad weydiiso maamulka idaacadda sababta ugu weyn ee keliftay in aanay dumarku ka shaqayn ama ku badnayn idaacadda, ka heli maysid jawaab rasmi ah oo ku qancisa, sidoo kale Idaacadda keliya ee Mujtamaca Soomalidu u dhego nugushahay waa Laanta Afka Soomaliga ee B.B.C-da badiba waxaa Idaacadaasi soo maray afar haween ah, balse waxaa ayaan darro ah in laba ka mid ahi uun hadda ka shaqeeyan, 1. Jawahir, 2. Shamsa Cabdilaahi Baybuuk 3. Shadia Rooble oo Hargeisa ka soo waranta, iyo 4. Aamina Muuse weheliye oo noqotay gabadha keliya ee ku hadhay xarunta idaacadda laanta afka Soomaliga ee B.B.C-da ee magaalada London, akhriste hadaba waxaa markiiba ku soo dhacaya Su,aalo tiro badan maskaxdaada, Ma Dumarka Soomaliyeed ayaa doorbiday inay Saxaafadda ka durkaan? Ma aqoon la,aan xagga Saxaafadda ah ayaa jirta? mise arrinku waa si kale, runtii su,aasha labaad waa daw in ay meesha ooli karto waayo ma j! iraan jaamacado dalka gudahiisa ku yaalla oo hanaanka saxaafadda lagu barto, balse hadana dhaliisha ma la saari kara haayadaha Saxaafadda Caalamiga ah iyo weliba kuwa maxaliga ah oo iyagu hoos u dhigay sumcadda Saxaafadda haweenka Soomaliyeed, taasi jawaabteedu waxay u taalla haweenka Soomalidu cidhif wal oo ay dunida kaga noolyahiin, waxaanse ku baraarujinaya Dumarka Soomalida ah inay dedaal u galaan sidii codkooga looga maqli lahaa cidhifyada dhulka Soomalidu degto.

Wa bilaahi tawfiiq

Waxaa soo diyaariyey MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 14, 2003

Sool iyo Somaliland Yaa Ugarnaqa [Assad]


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Xaalada Magaalada Laascaanood:-
Degaanka, dhaqaalaha, nabadgeliyada iyo guud ahaan horumarka Laascaanood ka akhri warbixintii Asad Cadaani

YAASABABAY DAGAALKII KADHACAY LASCAANOOD?
Qoraalkii IBRAAHIM MAXAMED HURUUSE.... Dec 14, 2002

BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa  

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12/2002
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12/2002

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12/2002

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12/2002

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12/2002

DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA  

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


 Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]